Home Qoraallo Xeerka kala saara Hakad, iyo Hamso’ W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka kala saara Hakad, iyo Hamso’ W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Xeerka kala saara Hakad, iyo Hamso’ W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Labadaan calaamad waa labada ugu daran ee qaladka laga galo. Marka qoraal la samaynayo. Hadda ba maxay kala yihiin labadaas calaamad ee “HAKAD iyo HAMSO?” Hakadku waa calaamadda ugu tirada badan ee qoraallada loo adeegsado, marka laga yimaado JOOGSIGA. (.)

HAKAD (,)

Maxay ku timaadaa calaamadda HAKADKU (,)? Sida aan ognaha ba Aadanuhu marka uu hadlayo, wuxuu sameeyaa neefsi, waa na lagama maarmaan in qofku qaato ilbiriqsiyo uu neef jiido, midna bannaan ka usoo tuuro. Goobtaas ayay dhacdaa Hakadku (,). Waxa kale oo ay qabataa ama beddel ka noqotaa, “Naa’ibu faacil” erayada jumlooyinka isku xira. Haddii aad rabto inaad qorto, walxo xariiriye leh, sida: Iyo, oo, ee, Tusaale:

Waxaa heshiis dhex maray shan dowladood oo kala ah; Soomaaliya, Itoobiya, Keeniya, Yugaandha iyo Suudaan.

Calaamadda HAKADKU, halkaas waxay “Naa’ib” ka noqotay, (IYO) oo shan jeer soo noqon lahayd, inaad adeegsato.

Tusaale: waxaa maanta heshiis dhex maray; Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Keeniya iyo Yugaandha iyo Suudaan. Haddii aad sidaa u xarriiqdo, aqristuhu intuu ku hurdoodo qoraalkaaga ayuu iska daynayaa. Haddii se hakadku u kala sooco, waa ku raaxaysanayaa qoraalkaaga, si kastow u miisaan fududyahay ama u saameyn yaryahay.

Hakadku wuxuu dhacaa oo kale, tuducda gabayga ah dhexdeeda. Wuxuu kala xadeeyaa Hoojiska iyo Hooriska. Tus: seddexdaan bayd fiiri;

Olol riinto kii kaa dhiciyo, Aaran iyo meerto
Agtaadana ku maalaa ma rabo, Inaad ekaatiine
Ma ogtahay afkaya luuqdu, Waa aalad noo simane.

Halkaas waxay kala meeleysay, Hoojiska oo tuducda qeybteeda hore ah iyo Hooriska oo ah tuducda qeybta u dambaysa. Hadda ba HAKADKU waxay leedahay awooddaas xeer ee kala hakisa hadallo is raaci lahaa neefsi la’aan.

Qoraalka dhexdiisa, haddii ay yimaadaan xariiriye, looma baahna in hakad dhoco. Tus:

Shalay iyo maanta xaajo ayaan ku jiray.✅
Shalay, Maanta, xaajo ayaan ku jiray.✅

Labadaas qaabba waa sax. Laakin haddii aad adeegsato iyo halkaas waxa daaqadda ka baxday hakadkii oo booskeedi waxa Naa’ib ka ah iyo. waxaa la mid ah; EE, OO, AA, EEN.

HAMSO(‘)

Waa maxay HAMSO?” Hamsadu, waa ay ka duwan tahay Hakadka, waa na ka qiima weyn tahay. Maxaa yeelay waxay ka mid tahay Af-Soomaaliga. Haddii lagu su’aalo Af-Soomaaligu maxuu ka koobmaa?” Waxad ku jawaabaysaa;

(21) Shibbane.
(5) Shaqal.
(‘) Hamsada oo iyadu cod gaar ah leh.

Hadda ba HAMSADA waxan u dhigay, Seddex xeer oo kala geddisan hab qoraalka. Dhawaaqa se isaga mid ah haba kala cuslaadaan’e.

Xeerka (1) koobaad:

Hamsadu waxay kala reebtaa qoraal aan marna ba is raaci karin, naxlina ay tahay inuu is raaco. Tusaale:

Daauud wuxuu sameeyay wax fiican. “Qalad”

Daa’uud wuxuu sameeyay wax fiican. “Sax”✅

Laaantaa ma noolaan karo. “Qalad”

La’aantaa ma noolaan karo. “Sax”✅

Madaxweynaha Soomaaliya oo qaatay Goaan degdeg ah. “Qalad”

Madaxweynaha Soomaaliya oo qaatay Go’aan degdeg ah. “Sax”✅.

Xeerka (2) labaad:

Markaan hamsadu waxay gashaa, jumlo isla socota dhammaadkeeda. Markaasna waxa gadaal ka fadhiisanaya, calaamadda JOOGSIGA. (.) Tusaale:

Xasan aabbihiis waa da’.

Geedkaas waxa la yiraahdaa: Dhu’.

Wuxuu dhalaa miro aad u macaan, waxana loogu yeeraa, Dhu’.

Xeerka (3) seddaxaad:

Hamsadu markaan waxay fadhiisataa, hadal jumlo ah oo wada socda dhexdiisa. Joogsina sooma dhex geli karo marna ba. Tus:

Lo’dii Jimcaale Tu’ ayaa lay-say.

Sidaas ayaan sameynayaa Insha’Allaah.

Carraale waa Sha’ni miiran oo dhibkaa ka batay.

Haddii aan intaas uga kaaftoonno, goobaha ay dhacdo hamsadu iyo shaqada ay qabato. Aan xeerinno, Hamsada Culus iyo tan fudud. Aqoonyahannada aadka u tixraacay Afkeenna waxay qabaan in HAMSADU laba u kala baxdo HAMSO “Culus iyo mid fudud”

HAMSADA DHAWAAQEEDU CULUS YAHAY;

Gu’
Ri’
Hu’ dhar.
Dhu’

HAMSADA DHAWAAQEEDU FUDUD YAHAY;

Daa’uud.
La’aan.
Go’aan.
Lo’
Sha’ni, dhib.

Xeerka lagu kala garto Hakad (,) iyo Hamso (‘).

Xeerkaanu aad buu u fududyahay, haddii aad diyaar u tahay inaysan mar kale isaga kaa darsoomin oo aadan isku qaldin. Haddii aad booskii hakad lahaa hamsa geliso qalad baad sameeysay. Haddii aad booskii hamsadu lahayd hakad gelisana qalad baad samaysay. Waxaad se ku kala sooci kartaa; Hamsadu mar walba waxay degtaa qoraalka qeybtiisa KORE/SARE. Tus:

Hu’ Gu’ Dhu’.

Hakadku na wuxuu degaa qeybta hoose ee qoraalka, tus:

Xalay, Shalay, Dorraad, IWM.

Hadda ba ha u daymo la’aannin. HAMSO (‘) korbey fadhiisataa. (,) HAKADKUNA hoos buu degaa.

isu ekaanshiyaha ka dhaxeeya. Tus:

Shalay waxan kaa qaatay Go,aan ii gaar ah. Halkaas qalad baa jira, maxaa yeelay booskii HAMSADU lahayd ayaan geliyay HAKAD.

Tanna fiiri: maalin’ Bil’ sannad iyo saacad ba waxaan caabudaa Eebbe. booskaas waxa lahaa Hakadka. Labadaas tusaale oo sax ahi waa kuwaan;

Shalay waxan qaatay, Go’aan ii gaar ah.✅
maalin, Bil, Sannad iyo saacad ba waxaan caabudaa Eebbe.✅

Hamsada gasha, Tuducda gabayga ah iyo guud ahaan suugaanta. Waxay dhacdaa dhammaadka, waxay na timaadaa Haddii goobta ay timaado (E). Fiiri tuducyadaan gabayga ah, tan ugu dambaysa:

Afka hooyo ammintii la qoray, Eray baxsiintiisa
Alif iyo balaaqiyo naxwiyo, Shaqal irmaaneeya
Ma ogtahay anaa ugu il dheer, Duul agaasimay’e.

Waxad dhihi kartaa; Duul agaasimaye. Balse tuducdu waxay sii dhedhemaysaa marka aad qorto, Duul agaasimay’e.

FG: cidda aad ka qalin daaraneyso Go’aankeeda adaa leh; balse sida saxdaahi waa taas.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE