Dood suugaaneed dhex martay, Laashin: Caabbi Cali Xasan iyo Kowda Luulyo.

Dood suugaaneed dhex martay, Laashin: Caabbi Cali Xasan iyo Kowda Luulyo.

Jiiftadaan magaceeda waxa la yiraahdaa: “Kowda Luulyo” waa dood dhex maraysa Laahin: Caabbi Cali Xasan iyo Maalinta lagu asteeyay xorminada Ummadda Soomaaliyeed ee “Kowda Luulyo” waa dood ku saleysan biya kama dhibcaanka ay ku kala sugan yihiin, shacabka Soomaaliyeed iyo Kowda Luulyo oo ah maalin mudan qiimo iyo qaddarin. Waa maalin Soomaalida quluubtoodu mid tahay oo aan kala tagsanaani jirin. Laakin maalmaha kale ruux walba wuxuu hoos kala soo baxayaa, calalka beeshiisa, calan kuma tilmaami karo’e. Dood suugaaneedku waxay u dhacday sida tan ee ka bogasho wacan:

Kowdi luuliyaan
Xalay laylki dhexe
La kulmoo i tiri:
Ninka luudayee
Leeg leegsadow
Maxaa kaa lumood
La’ dohood rabtaaa
Ma lug-baa ku jaban?

Waxaan iri: lug jaban
Luxus iyo ma qabo
Lur i dheelmayoo
Looyaan ma ihi
Hadda waan ladnahay!

Waxay tiri: kuwii
Rucubtaan ululay
Liqi waayayoo
Laaca doortay maad
Liibaane tahay?

Waxaan iri: ma ledin
Ilaa lixdankii jiroo
Saacaddaad lahayd
Waan laaqayee
Maanaa la yacay?

Waxay tiri: lix saac
Lixdankii midnimo
Lakabkaan u dhigay
Mar haddaan lahayn
Maxaa laaq i tari?

Waxaan iri: lix saac
Kowdii luuliyaay
Libtii aad lahayd
Haba liidatee
Lig liggaan hayaa!

Waxay tiri: laciif
Waxay leeyihiin
Laga maamuloo
Leg calool ka jecel
Looma galo abaal!

Waxaan iri: luddiyo
Dhuuxiyo lafaha
Warmo loolsanoo
Leefaa hilbaha
Leebaan wadanaha
Kasoo laabanayn
Hadallada la mida
Maxaad luuliyaay
Iigu leedohoo
Iigu legaddey saas?

Waxay tiri: lixsaac
Markaan haanta laba
Ugu wada lisoon
Lusha ciirta iri
Anna leedda fuul
Saddaxdii la xaday
U lalabay fardaha
Ma ladaabannine
Haddaad kala lunteen
Laandayr ma tahay?

Waxaan iri: Lo’daan
Nin lahaay shubayn
Ma ladaabatee
Laaluushne iyo
Loofaraa na hagey!

Waxay tiri: labxada
Laabtiyo wadnuhu
Waxay ila lushaan
Labadiinna nacas
Saad u liidatiin!

Waxan iri: laqdabo
Ninkay laasintoo
Lugta cadaw hayaan
Kowda luuliyaay
Laafyoon karayn!

Waxay tiri: dad laad
La dhacaa qunbaha
Miidda loogu shubay
Oon ka leexanayn
Godkii loo qodoo
Laqadeeya kii
Kala laalay shalay
Is lugooya yaal
Iska jara luqmaha
Maara looma helo!”

W/C: Laashin Caabbi Cali Xasan

SHEEKOOYIN