Hammi caashaq iyo hunga been ah Q22AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q22AAD

Isna wuxuu rabaa in uu lacagta u timid qaarna ku labisto, oo uu isku qurxiyo, inta kalana maalmaha hore  Nasro maqaayado qurxoon  ku geeyo,  si Nasro aysan uga shakin una dareemin baahidiisa beentiisuna ugu hirgasho, suuqa ayuu isku sii daadayay,waxa uuna ka soo iibsaday dhar bilicdiisu sarrayso, oo dhowr isku jog ah,waxa uu doortay shaarar cad cad iyo surweelo mad  madow u badan, sababtoo ah Nasra ayaa marka ay labis ka sheekaynayso, mar walba dhihi jirtay waxaan aad u jeclahay ragga ku labista shaararka cadcad iyo surweelada madmadow.

Isla markiiba suuqa waa ka soo loobtay waxa uuna soo abbaaray gurigiisa, Nasro ayuu la hadlay oo uu si fiican ugu sheekeeyay, in badan ayuu ka qosliyay, weliba si buuxda u beerlaxowsaday, waxa uu ka warraystay in ninkiii uu usoo diray si fiican ugu adeegay iyo in kale, si hagrasho la’aan ah in uu ugu adeegay markii ay u sheegtayna waxa uu yiri: Wiilku waa ku fiican yahay shaqada wiligiisba, marka aan shaqo u diro si hufan oo hagrasho la’aan ah ayuu u qabtaa, waxa uu ila shaqeeynayey ilaa saddex(3)sano, weli isma qaban oo waa wiil aan u bogayba, kolkii aan ku soo diraayay waxaan islahaa armuu si fiican ugu adeegi waayaa, waxa aan ka jeclaa in aan anigu ku soo dhaweeyo, ee adduun ayaa ila fogaaday qaali, ee niyada ha iska gelin in aan jeclaa in nin kale kusoo dhaweeyo.

Nasro waxaas oo dhan uma muuqaadaan, Nuur oo qolkeeda iridiisa soo istaaga ayay ku hamminaysa, si ay mar un uga hammuun beesho, waxayna ku tiri kol ay hadalka asaga oo ku xaragoonaaya ka boobtay:Gacaliye waxaan sugi la’ahay goorta aad ii imaanayso, berri aadbay iigu dheertahay waan dhararayaa, hadDana waan ogahay in aadan ii iman Larin berri ka hor, waxaan dareemayaa cidlo fara badan, ee qaali iga soo gaar oo horay u soo bax, aragtidaada ayaan u oomanahaye.

Nuur inta is mahdiyay oo marba dhan u jeestay ayuu yiri: Noloshaydiyay, sidaad iigu oomantahay Ayaan anna kuugu ololayaa,halkaasuu ku dhex tuurtey codkii macaana ee uu ku saqraamin jirey “

  • Sida ayra geeloo
  • Oomani ku raagto
  • Hara idhanka joogo
  • Jeegaan arkaysoo
  • La aroorin waayo
  • Ugaabayaayoo
  • Uurkaa ku tebayee

Markaasey qac ka siiyey qosol kal iyo laab ah, oo tiri heesta gabartii qaadi jirtey adigaa kaga cod macaan, waxaasi saw waxaan kugu jeclaaday maaha?

Nuur af macaani iyo dumar qalbi u dhisid cidina bari mayso oo waaba shaqdiisa, baraf in uu ka dhigo qofkii dumar ah ee uu la hadlana waa haybada kaliya ee uu ku faano, ragguna ay ku qadariyaan, sidaa darteed Nasro  howraarsan ayay tiri wax walba oo uu u sheegay, shaki iyo madmadowna kama gelin.

Waa la kala harsaday oo lakala  hadaafay, Nasro  sariir ay kali ku  tahay ayay gal galanaysaa, nin aysan aqoona waa ku sugaysaa, filasho wanaagsan wax aan ahay ma hayso, waxa dib u jaleecday habkii ay reerkeedii uga soo tagtay, waxa ay isku aragtay in ay go’aan sax ah qaadatay, oo ay saxneed goortay kasoo safartay ninkeedii jeclaa iyo dadkeedii ay boqorada u ahayd, waxa ay qalbiga ku haysaa in Nuur ku filnaan doonno nolol farxad lehna dhex jiifin doonno,waxa ay is leedahay hadda ayaad nolol shacni badan durduuran doontaa, ayada oo isla fiican oo filashadeeda cabiraysana waxa ay ku heestay  ereyadaan.

  • Nolol aan jirkaariyo
  • Jeesjees lahaynoo
  • Naftu ay jidbootoo
  • Jacaylay ku huradaan
  • Jaalkayoow sugayaa 
  • Inaan jees wadaagno
  • Jadiin wada cunaayo
  • Jeelka iga goysaan
  • Naftu jamaneysaayo
  • Jaalkayoow sugaayaa. 
  • Jirabkaan ka imidiyo
  • Jugta iyo garaaci
  • Jimiimica xanuunki
  • Iyo Jawrfalkii hore
  • Jacayl lagu ilaawaan
  • Jaalkayoow sugaayaa. 

Nasro ereyadaas ayaa ka soo butaacay qalbigeeda jacaylku sirey ee siriqda u dhigay, waxay ku cabirtay dareenkeeda, kolkaad si wacan oo dhug leh u dhuuxdo ereyadaan waxaad arkaysaa in Nasro ambad tahay, oo ay dariiqii saxda ahaa ka leexatay, habeen madowna gudcur ku lugaynayso.

Waqtigu waa cararayaa saacadduhu waa is baacsanayaan, tartiibtii loogu talagalay ayay shaqadooda u gudanaayaan, in midba mid sagootiso ayay ku balameen, waxaana la gaaray subixii habeen dheer kaddib, Nasro horay ayay u soo toostay, hurdadana kuma naqsan, ee waxa ay bilowday in ay  is diyaariso is hagaajiso is qurxiso, si ay bilicdeeda oo dhan bannaanka usoo dhigto, Nuurna u indho sarcaadiso.

Waxay laysku udgiyo iyo wax laysku qurxiyoba intey haysatay waxba kama aysan tegin, waxaadba u maleynaysaa gabadh aroosad ah inay tahay, waa haween iyo dhaqankood oo markay rabaan inay qof qalbigiisa hantaan gacantana soo geliyaan waa habka iyo hannaanka ay u tabobaran yihiine, waxay iska dhigtey waxaan la arag oo la maqal.

Labadooda mid weliba kan kale ayuu doonaya inuu indhosarcaadiyo, Nuur wuxuu tegay tima jare wuxuuna isu soo qorqorey si aannu weligiis sameynin, waagi hore waa canaanan jirey tima jaraha ii dhaqso iyo naga boobsi, maantase, wuxuu ku celcelinayaa saaxiibow si fiican iigu jar lacag dheeraad ah ayaan xitaa ku siinaya, Quruxi waa qaab u sameys qarnigan la joogo, nuurna dhankiisa ayuu iska soo habeeyey, waxaa loo madlanyahay kulankii mudaba la dhararayey qof weliba daqiiqado kaddib wuxuu dhawrayaa goorsheegta, waxaa kala batay ilbiriqsayadii saacaddo.

La soco qaybaha xiga

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN