Heshiiskii Habardugaag Q1AAD Qore; Cabdiraxiin H. Galayr

qormo

Heshiiskii Habardugaag Q1AAD

Meeshu waa baaddiye cidla ah. Waa duur iyo hawd dhirtu hamash tahay. Dab joog iyo duurjogna kuma kala maqna, oo waa joogaan. Habar dugaag ayaa go’aan ku gaadhay inay shiraan, oo heshiis dhexmaro khilaaka dhexyaallona xal loo helo.

Waxaa la madlay shir. Shirka waxaa goobjoogayaal ka ah, dab joog iyo duur joog. Inta beerka ku socota (xamaarato) iyo inta addimada ku socota (lugaaleey) laguma kala maqna. Waxaa shir guddoominaya, (Dhidar) laguma baran Dhidar talo habardugaag iyo arrimaha xasaasiga ah, balse, waa duni casriyee waa laysa soo wadagaadhay. Haddii habar dugaag shirayso waxaa usha u ruxi jiray Libaax.

Waxaa shir guddoomin jiray Dawaco, waxaana had iyo gooraale mucaarad ahaan jiray Waraabe, haddase, xaalku waa ka bedelan yahay sidii hore. Nin waliba waa musharax ninna nin libin iyo ladnaan uma oggola. Waxaa meesha ka dhacayaa (BAL ANNA I DAY)

Dhidar ayaa dhexmarayaa ergada shirka ka soo qaybgashay, isagaana hadalka qaybinayaa, waxuuna hadba caasha ku taagayaa ninkuu doonayo inuu hadlo. Waxaa wax layska wayddiiyey arrimaha; colaadda dhexdooda, iyo abaaraha jira. Dhinaca kale, waxay ka tashanayeen aadamaha oo isagana wax kala dhaxeeyaan, balse, colaad guun ka dhaxayso weligoodna aan nabad iyo heshiis dhexmarin.

Waxaa wax layska waydiinayaa dhinaca guddoonka talada Habardugaag, nin waliba waa musharax waxuuna soo bandhigayaa kartidiisa, awooddiisa iyo aqoontiisa, waxuuna cod ka raadinayaa kuwa kale.

Ma liibaanayaasha lagu liibaano, waa kuwa xaqoodii la duudsiyey, dabjoogta iyo duurjoogta ugaadha u badan, xamaaratada qaarkood iyo inta aan lahayn awoodda nimankan sheeganayaan iyagaa cod laga rabaa iyagaana la cuni rabaa cajiib!

Qolo waliba waxay wadataa duubkeeda, waa sida loo kala qaar weyn yahay, ee Maroodiga iyo Geriga iyo waxii la halmaala waxaa lagu daray ugaadha.

Waxaa talada isku haysta waa Mici ku dhiiglayaasha, hororka ah, nin deggan iyo mid wanaagsan talo lama waydiinayo ama diid ama yeel ayaa ciwaan looga dhigay, inta micida adeegsata ayaa is horfadhida, Libaaxyo, Shabeello, Waraabayaal, Haramcadyo, Yeey ama Uulleey, Dawaco, Dhidir, iyo Weer, iwm.

Baalallaydu iyadu dhirtay ku sharraxan tahay, hadba qoladii hadasha ayay sacab iyo mashxarad ku harqinayaan. Horornimadaa loo tartamay iyo jagadii madaxnimada sanadkan iyo sanadaha soo socda goroddaa laysla galay xaajadu waa yaan lagaa badin hooy hooy.

Libaax oo isu yaqaan BOQORKA HABAR DUGAAG ayaa hadlay, waxuu soo xusay taariikho badan, waxuuna ka sheekeeyey wax qabadkiisa, waxyaabo badan ayuu ka xishooday oo yidhi dhaqankayga maaha, waxuu sheegtay ballan, waxuu sheegtay inuusan bakhtiga cunin, waxuu sheegtay isagoo dheregsan inuusan naf kibir u gooyn, waxuu sheegtay dabeecado badan, oo wanaagsan, waxuu yidhi lugtu haday jeeniga dhaafto way jabtaa, waxuu ku soo gebogebeeyey, balse, cir weyni iyo anigaa ah iyo lagama daba hadli karo, ayuu ku ladhay weger baa la wada yidhi.

Waraabe ayaa istaagay ammaan ayuu isku jagac siiyey, waxuuna ku faanay inuu yahay ninka ka soo hooyday habeen iyo dharaarna dagaal aan kala joogsi lahayn kula jira (aadamaha) isaga oo dhawrayaa sharafta habar dugaagna u diiday inay nabad helaan dad iyo duunyana aadamaha ka dhammeeyey, bannaan iyo hawdba waxaan ka ahay caan, habaar iyo dagaal midna waxba waa laygaga tari waayey, waxuu yidhi laygama mudna deeqsinimo, dagaalyahanimo, iyo halgamaa inuu yahay ayuu sheegtay weger ayaa la wada yidhi.

Shabeel ayaa istaagay isaguna faallo dheer mariyey, waxuu sheegtay xilkan Libaaxu isku boqrayaa inuusan waxba ka jirin, caalamka markii aadamuhu tartansiiyey xayawaankana inuu dhinaca quruxda booddada iyo dagaalka kun barood dheeraday Libaaxa oo lala yaabay, xitaa jabhadda aadamiga ayaa magacayga isticmaalaan astaamaha aadamuhu ugu jecelyihiina uu ka mid yahay ,waxaan ahay astaan dagaal iyo tababare caan ah, sidaa awgeed, laygama mudna madaxnimada ragannimada ninna igu gaadhi maayo weger baa la wada yidhi.

Dawacaa hadalkii qaadatay, waxay tidhi waad iska faanaysaan ee Libaax iyo Shabeel iyo ma aqaanno Waraabe. Waxaan arko careabkaan mariyaa, guutooyin iyo gaasas ayaan ahay. Waxaan ahay tirada bahallaha ugu badan Yeeyda iyo Uulleydu xitaa waa tarantayda oo oo waa qoyska reer Dawaco iyo Eeydu xitaa waxay soo raacaan bah Dawacaad. Bah Dawacaad waa Qowmiyad ballaaran awood buuxda iyo muuqaal wanaagsan ku leh habar dugaag dhexdeeda wanaag iyo kartina nalagu gaadhi maayo, waxaan ahay tusaalaha Bani Aadamka inaan ahay kooxda ugu caqliga badan, ugu khiyaanada badan, hadal badan danbaa dhaantee mudnaana anagaa iska leh. Weger ayaa la wada yidhi.

Waxaa hadlay Haramcad ama Haramcas, waxuu yidhi anigu ugaarsiga ninka ugu dheereeya orodka, booddada iyo booli xooftada ayaan ahay. Waxaan ahay ma naxaan ma quustaan ah quruxda Shabeel sheegtayna waxba kama jiraan Allow Alle nimanyahoow ninna iga mudna maanta faan iyo hadalna wax tari maayo ha laytijaabiyo. Weger iyo ka waasacan ayaa la yidhi.

Waxaa hadlay Dhidar isagoo sheegtay inuu Weerna wakiil ka yahay, waxuu yidhi intaanu habar dugaag dab joog iyo duur joog abaal u galnay Ilaahay ayaa og, sidaa awgeed, waxaan odhan lahaay, maadaama aanu nahay bahda ugu deeqsisan, uguna godobta badan, xitaa waxaan nahay koox laysku habaar; weer ku gal iyo Dhidar kula tag, sidaa awgeed, nalagama mudna weger baa la wada yidhi.

Kuwo dulman oo lagu gorgortamayaa meesha soo tuban waa xoolihii meesiyada kala duwan ahaa iyo ugaartii, xaamaratadii, baalallaydii, waa kuwo xaqoodii la dhacay, dhiiggoodii la shubay, kuwa lagu faanayo iyo kuwa loo gurdaynayaa waa iyaga, waxay garab weydiisteen Ilaahay, shirkani ma alfana, belaayaa ka soo jiijiile, balse, gargaar waa ka Rabbi ayay talo ku gooyeen.

Waa lagu kala dareeray shirkii, waxaana laysku afgartay in guddi laga soo saaro, habar dugaaga kale ee aan waxba cunin, balse, magaca la wadaagta si ay go’aan u gaadhaan cidda mudan hoggaanka iyo talada ee looga danbaynayo.

Habardugaagta kale waa kuwa dulman ee dhiiggooda loo tartamayo codka iyo woodkana iyagaa laga sugayaa ninkii ku cuni lahaa dooraa meesha taalla, ninkii ku dili lahaa adigu soo xulo, wedkaaga kaad jeceshahay gacanta u tag.

Habar dugaagta kale talaa ku cad, kii ay doortaana isagaa inuu dilo oo cuno u diyaara kii ay diidaanna colaaddii hore ayuu sii laba jibbaarayaa (Hashii dhool ahaydba laba midigle dheelmoo dhanna uma fayooba!)

Waxaa dhimman codayntii iyo qolo ka mid ah habar dugaagta aan waxba cunin inay tartanka soo galaan.

 

La soco…………… qaybaha danbe

 

Qore; Cabdiraxiin H. Galayr

Galayr 1977@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN