Home Qoraallo BARO BOQOL ERAY Casharka 3aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

BARO BOQOL ERAY Casharka 3aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

0
SHARE

BARO BOQOL ERAY Casharka 3aad

Haliil  – Hamuun – Hilow

Haliil –ka (m): Rabitaan ama go’aan maskaxeed, oo wixii la rabay lagu degdegayo. Waa eray  ka unkamay hal + liil.

  • Hal: Mid; meel; xag; wax.
  • Liil: Si xoog ah ul wax ula dhicid; gacanta oo tuuryo ah wax ku dhifsasho; liilid.

Haddaba,  hal + liil waxay sheegayaan koran-waa ama sugi-weyto wixii la rabay lagu liilayo. Alle ha u naxariisto ee maanso uu lahaa abwaan Xasan Sh. Muummin Gaafane ayuu haliilka sidan ugu adeegsaday:-

Qof harraadan oo helay

Haan quruxsan oo hilan

Ku haliilay oon hubin

Waxa hoosta kaga jira.

Mar kastaba haliilku wuxuu ka yimaad maanka oo waa go’aan maskaxeed. 

Hamuun –ta (m): Rabitaanka wax uu jirku u baahan yahay sida raashin aanan laga dhergin iwm. Waa eray ka yimid ‘hanmuun’ oo ka kooban han + muun.

  • Han:  Qab; isla weyni. Awoodda quurista iyo qaadashada.
  • Muun: Weyneyn; bilid; muunid, ka mudan waxa aynigiisa ama filkiisa ah.

Wadarta ‘han + muun’ waxay tilmaamayaan walax uu hanku muunay.  Abwaan Maxamed X. Dhamac “Gaarriye” oo maansadiisii ku adeegsaday erayga  hamuun ayaa yiri:

Bilicdaadan ugub

Dhayladaadan bilan

Bahal qaba hamuun

Ha u soo bandhigin.

Mar kastaba, hamuuntu waxay ka timaad baahida jirka, oo way ka duwan tahay haliilka oo ah  go’aan maskaxeed.

Hilow –ga (m): Xiisaha ay naftu tebto wax ay jecleyd.

Berigii hore waxaa ‘hilowle’ la oran jiray ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh, ujeedkuna wuxuu ahaa  –hilow leh.  Hilowgu waa xiise iyo rabatin ka yimaada nafta oo jamata wax ay hore u baratay ama u aqoon jirtay. Wax aan la aqoon looma hiloobo.

Abwaan Xasan Sh. Muumin (AHN) oo mar labaad adeegsanaya erayga ‘hilow’ waxa uu yiri:-

Naftu inay hilowdoo

Hamidoo hawaawido

Higsataa waxanay hayn

Waa himiladeedee.

 

Kala duwanaanta saddexda eray:-

·    Haliil: Rabitaan ka yimaad maskaxda ama maanka.
·    Hamuun: Rabitaan ka yimaad baahida jirka.
·    Hilow: Rabitaan ka yimaad baahida nafta ama ruuxda.

 

Koofaar – Naanays. 

Koofaar  –ta (m): Magac-maamuus; magac labaad oo aan ahayn kii dhabta ahaa, ee qof loogu yeero. Waa eray ka kooban koo + faar.

  • Koo: Magac u yaal la raaciyo tilmaanta ragga, gaar ahaan ninka arrinkiisa la weyneynayo, sida in uu  aad u xun yahay  ama u fiican yahay. Tusaale ahaan; ‘koo aftahan ah’ ama‘koo tuug ah’.
  • Faar: Waa eray ka yimid far. Ujeedka farwaa mid ka mid ah shanta xubnood, ee ku kala leexda calaacasha qaarkeeda hore.

Israaca ‘koo far’  waxay sheegayaan  koo (qof) farta lagula fiiqo wax gaar ah. Inta badan koofaartu waa magac-labaad wanaagsan oo aanu qofku diidin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa  –nin aan koofaar lahayni waa ey koor leh. Ujeedkuna waa qofkii aan koofaar lahayn, in uu raaci karo magac-labaad xun oo sida koorta meel kasta uga shanqara.

Naanays –ta (m): Magac-labaad aanan ahayn kii dhabta ahaa oo qof loogu yeero. Waa eray ka yimid ‘naanni’.

Waxaa ‘naanni, la yiraa meelaha biyaxirka laga sameeyo, ee marka uu roobku da’o geesaha looga teedo dhoobo, si aanay biyuhu uga galcan. Shabeellada Hoose/Dhexe waxaa looga yaqaan ‘muquud’. Biyaxirkaas naannida ah samayntiisa ayaa ah naannays; waxaana lamahuraan u ah fiiro joogta ah, si hadba dacalkii faruurma looga daariyo dhoobo iwm.

Hawsha sidaas ah ee naannayska ama naanniyayntu waa arrin u muuqata sida dhul iyo biyo is diidaya oo laysku dirqinayo. Biyuhu hadba dacal ayey u faruurmayaan, waxaase lagu celinayaa dhoobo. Misana falka sidaas ah, ayaa lala meeldhigayaa qof lagu dirqinayo magac aanu rabin, oo markii uu iska diidaba haddana dusha laga saarayo ama lagu naannaysayo.

Kala duwanaanta labada eray:-

·    Koofaar: Magac labaad inta badan wanaagsan.
·    Naanays: Magac labaad inta badan xun oo la isku dirqiyo.

 

Maad  – Madadaalo – Maaweelo.

Maad –ays (m): Wax lagu qoslo sheegid; kaftan lagu qoslo.

Eraygan waxaa salkiciyey ‘shacatiro’ oo ka yimid shacar-tiro kana unkan shacar + tiro.

  • Shacar: Gabay; waa eray af-carabi ah.  
  • Tiro:  Badan; badnaan.

Israaca shacar + tiro waxay sheegayaan gabay badnaan, ama qof gabay badan tiriya. Dhanka kale shaacir oo afka carabiga ku ah gabyaa ayay  Soomaalida reer-maagaalka ahi u adeegtsataa jaajaale oo ah qofka maadeeya.  Halkaas waxaa ka cad, in shaacir lagu dooriyey jaajaale, maadaysna loo rogay shacatiro.

Siday ahaataba ujeedka ‘maad’ waa kaftan iyo sheeko loola jeedo in lagu qoslo.

Madadaalo –da (m): Kaftan; sheeko ama wax kale oo la sameeyo xilliga laga nasanayo shaqo, socod ama hawl lagu daalay. Waa eray ka yimid maaddaalo oo ka kooban maad + daalo.

  • Maad: Wax lagu qoslo; kaftan lagu qoslo.  
  • Daalo: Noog leh; tabar-dhig leh; la xiriira daal.

Haddaba, maad + daalo  waxay sheegayaan maad iyo daal isla xiriira,  ama kaftan la xiriira daal badan. Mar kastaba  madadaaladu waa kaftan, hadal ama sheeko la xiriira  daal iyo nasiino.

Maaweelo –da (m): Tix ama tiraab wax lagu sabaaliyo; sheeko iyo wax la mid ah, oo loogu talagalay in lagu meel-gaaro.

Soomaalida qaar kolka ay eraygan ku dhawaqayaan waxay xarafka Wee bartanka ku jira ka hormariyaan Nsanqada looga dhawaaqayo –maanweelo. Sababtuna waa in eraygu ka yimid ‘maanweelo’ oo ka kooban maan + weelo.

  • Maan: Garasho.
  • Weelo: Weel ahaan; la xiriira weel. Weelku waa alaabaha wax lagu cuno midkood, sida xeerada, serefka, kurta, kaayda, kurbinta, godanta iwm.

Israaca ‘maan + weelo’ waxay samaynayaan weedh u dhiganta ‘maan weel leh’ ama ‘maan weel la xiriira’.

Habeennada qaar waa kuwa aanay carruurtu sugi karin cuntadii la karinayey. Sidaas awgeed sheeko maan ku dhisan ayaa weelkii cuntada lagu gaarsiiyaa, oo waa  la maan-weeliyaa. Inta badan maanweelada carruurtu waa sheeko iyo hees. Sidoo kale martida inta looga keenayo weelkii sooryada ayaa iyadana la maan-weeliyaa, oo loo galaa sheeko maaneed ay weelka ku sugto.

Kala duwanaanta saddexda eray:-

·    Maad: Tix ama tiraab ujeedkeedu yahay in lagu qoslo.
·    Madadaalo: War ama wax la qabto xilliga nasiinada ee hawsha dabadeed.
·    Maaweelo: Tix ama tiraab lagu meel-gaaro; sheeko cuntada lagu sugo.

 

Suuro – Miskilixyo

Suuro –ha (m):  Muujinta faldhaqan aanan run ahayn ama ka badbadis ah.

Suuruhu inta badan waa sansaan uu qofku codkiisa si kale ka dhigo ama uu  korkiisa jejebiyo, isaga oo dabacsanaan muujinaya. Sidoo kale, qofka is bihinbihiya ama ooyin aan dhab ahayn iska keenaya, ayaa isagana la yiraa waa uu suuroonayaa.

Waxaa jirta ciyaar la yiraa  ‘suurow’ oo ay dumarku dheelaan, ahna magac ka yimid erayga suuro. Waayadii dambe suurowga waxaa ka tarmay ciyaar kale oo la magac-baxday buraanbur. Ciyaartan dambe waxay xagga dheesha iska leeyihiin suurowga, balse waxay kaga duwan tahay iyadoo la keli noqotay maansadii suurowga oo iyaduna qaadatay magacii buraanburka.

Erayga ‘buraanbur’ waxaa loo yiqiin ciyaaraha ay xooluhu dheelaan mid ka mid ah. Waa dhaqan arigu iska leeyahay, in ay fuulaan dundumaha iyo buraanta gaaban, oo ay hadba dhinac uga boodaan. Ma jiro ari ladan, oo inta meel buraan ah soo mara aanan ku buraanburin. Inta badan waxaruhu marka ay buraantaas ka soo boodaan ayay sameeyaan orod la yaab leh, oo la moodo, in ay qaarka dambe dhinac u tuurayaan. Haddiise aad dhab ugu fiirsato qaabka ay haweenku u dheelaan ciyaartan iyo qaabka waxaruhu u  buraanburaan waa isku mid. Balse magaca buraanburka waxaa ku horrreeysay ciyaarta ariga. Waxaa jira ciyaara badan oo habka booddadooda lagu saleeyey ciyaaraha xoolaha.

Macnaha guud ‘suuro’  waa faldhaqan u dhow is yeelyeelka. Waayadii dhawaase maansada haatan loo yaqaan buraanburka ayaa la oran jiray ‘suurow’ halka uu erayga buraanburku ku koobnaa ciyaarta dumarka ee boodboodka ah oo qura.

Miskilixyo –da (m): Isyeelyeel ama suuro ka badbadis ah.

Miskilixyadu waa faldhaqan uu qofku codkiisa iyo sansaantiisa ka dhigo si aanan looga baran. Miskilixyadu waxay suuraha uga duwan tahay waa in ay la xiriirto isla weyni ama is-moogaysiin. Sidaas awgeed ayuu u xanaaqaa qofkii lagu yiraahdo –naga daa miskilixyada.

Erayga isyeelyeel waa in la iska yeelo wax aanan la ahayn. Iska-doondoon isaguna waa in uu qofku dhaqankiisii ka doono meel aanan isaga ahayn, oo uu muujiyo dhaqan ay cid kale leedahay. Balse miskilixyadu waxay labadaas eray uga duwan tahay waa in uu qofku muujinayo faldhaqan dhib ku ah cid kale.

Kala duwanaanta labada eray:-

·    Suuro: Faldhaqan aanan run ahayn, oo la muujiyo, balse aanan la dhibsan.
·    Miskilixyo: Is yeelyeel ka badbadis ah oo la dhibsado.

 

W/D: Caliqeyr M. Nuur (Qoraha buugga: Abtirsiinta Erayga Af-Soomaaliga)

Caliqeeyr@gmail.com

La soco casharka 4aad.

SHARE