Home Qoraallo BARO BOQOL ERAY; Casharka 5aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

BARO BOQOL ERAY; Casharka 5aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

0
SHARE

BARO BOQOL ERAY; Casharka 5aad

Jareer – Jiriir – Jidhiid

  • Jiriir:Miraha ama badarka la tumo qurubyada yaryar ee aan burburin.

Jiriirtu waa iniino yaryar oo aanay kasha ama makiinaddu sii jejebin karin. Badarka la tumay ayaa loo qaybiyaa afar nooc oo kala ah: I) Xashir oo ah qolofta kore iyo isha badarka; waa qayb ku baxda tumidda ama sakulka hore. II) Dhanbal waa badarka la tumayo inta aanu aad u burburin balse uu jilco lana moodo in uu fidfidsan yahay. Badarku wuxuu dhambalmaa marka la biifo ama hore biyo loola radiyey. Inta badan waxaa la dhambalaa galleyda.  III) Buunsho oo ah qolofta hoose ee badarka balse la moodo budul aad uga yaryar xashirka. V) VI) Budo oo ah badarka la tumay inta ugu jilcan; waa budul haddii la haadiyo bidayo. Budada waxaa kale oo loo yaqaan jilac. VII) Jiriir oo ah badarka qurubyada ah ee aanay kashu sii burburin karin.

Jilac & jiriir’  ayaa guud ahaan loo qaybiyaa badarka la tumay, waana inta cuntada ah ee  ay dadku cunaan. Xashirka, isha iyo buunshada waxaa la siiyaa xoolaha.

  • Jidhiidh: Jiriir; badarka intiisa aan budada ahayn. Iniinaha ka soo hara inta budowda ee badarka.

‘Jidhiidh’ waa eray ku yimid kala duwanaanta afguriyada koofurta iyo waqooyiga. Dhulweynaha Soomaalida intiisa koofureed ayaa laga adeegsadaa xarafka ‘R’ (xiriir, gabar, bur iwm). Dhanka waqooyina waxaa la adeegsadaa ‘Dh’ (xidhiidh, gabadh, budh iwm).

  • Jareer:Jarreer, gallad, naxariis, dhimrin, turaal. Deeq ama raxmad badanaa ka timaad xagga Alle sida roobabka, naqa, ladnaanta, caafimaadka.

Erayga ‘Jareer’marka la wadareeyo wuxuu noqdaa ‘jareero’.  Halkaan ayuu ka soo jeedaa magaca beelaha Soomaalida ee la yiraa ‘Jareer’.  Ma aha magac lagu abtirsado balse waa magac tilmaamaya dhaqanka cidahaas. Waayadii hore dadka maanta la yiraa ‘Jareer’ waxay u badnaayeen beeraleey  halka ay beelaha kale badankoodu ahaayeen xoola-dhaqato.

Dhaqanka beeraleydu wuxuu ahaa in dalagga beeraha ka soo go’a ay saddex u qaybiyaan: Qayb loo reebo abuur ahaan, qayb kayd & dheefsi ah iyo qayb saddaqo ah. Tusaale ahaan, qabiil Makanne la yiraa oo waxaa jira dega gobalka Hiiraan. Magacaan dambe wuxuu ka yimid dhul-beereed magaalada Beledweyne uga beegan dhanka waqooyi-galbeed oo la yiraa Beeraha Hiiraan. Makannuhu marka ay beertu u go’do ayuu qoys walbaba beertiisa ku reebi jiray in badar ah oo sadaqo ahaan loogu tala-galay. Dadka xoola-dhaqatadu way ogaayeen taas, waxaana dhici jirtay in lagu hiiraysto beerahaas marka uu badarku soo go’o. Hiiraysigaas caadada noqday ayuu dhul-beereedku ku helay magaca ‘Beeraha Hiiraan’ markii dambana gobalkii oo dhan ayaa magacaas qaatay.

Dad ayaa yiraa magaca ‘Hiiraan’ wuxuu ka yimid geed magaciisa la yiraa ‘hiiraan’ oo dhulkaas ka baxa. Se taasi waa sheeko samays ah. Dadka dhulkaan dega waxaa ka mid ah Makanne, Xawaadle, Gaaljecel, Baadicadde, Sheekhaal, Fiqi Muxumed, Fiqi Cumar, Jidle, Janjeele,  Cayr, Ujeejeen, Madhibaan, Awsan iyo Reer Aw Xasan. Ma helaysid hal qabiil uu afgurigooda ku jiro geed la yiraa  hiiraan, marka aad dhulkaas joogtana ma arkaysid geed magacaas leh.

Jareerada ama samafalka ay dadka beeraleyda ahi bixin jireen kuma koobnayn Makanne balse waxay ahayd dhaqan ku baahsan inta labada webi u dhexeysa.  Jareeradu waxay leedahay macne balaaran sida barwaaqo, baraare, naxariis, raxmad, samafal, garabyeel, ladnaan iwm. Marka ‘jareer’ lagu sheego ‘barwaaqo’ waxaa si dadban loola xiriirinayaa galladda Eebbe.

Waxaa jira gabay aan waayey qofkii  lahaa oo ay tuducdani ku jirto “jirka da’ay, jareerada la helay joofafka hilaacay’. Marna waa kii abwaan Axmed Dhaqane gabay ku adeegsaday tuducdan “Jareerada Ilaahay ka qadi Jananku saw maaha”. Jananka uu sheegayo ee naxariista (jareerada) Eebbe laga qadiyey wuxuu ula jeeday Maxamed Faarax Caydiid, Alle ha u naxariisto eh.

Kala duwanaanta saddexda eray;

·    Jareer: Gallad, naxariis, samafal, turaal, kaal. Wanaag kasta ee loo falo uumanka Eebbe.
· Jiriir: Badarka la tumay inta iniinaha ah.
·    Jidhiidh: Erayga ‘jiriir’ oo loogu dhawaaqay habka lahjadaha waqooyiga iyo waqooyi-galbeed ee dhulka Soomaalida.

 

La soco qaybta 6aad.

W/D: Caliqeyr M. Nuur (Qoraha buugga: Abtirsiinta Erayga Af-Soomaaliga)

K a la xariir: Caliqeeyr@gmail.com

SHARE