Home Curis WAAYIHII WARSAME Q1AAD W/Q: Cali M. Diini

WAAYIHII WARSAME Q1AAD W/Q: Cali M. Diini

0
SHARE

 

WAAYIHII WARSAME Q1AAD

Waxa uu fadhiyay kursi ka samaysan alwaax oo la dhigay figta sare ee qarka ku foorara Badwaynta Baasifigga ee xeebaha bari ee Awstareeliya. Dhanka galbeed waxaa ka muuqda raadka qorrax godkeedi ku sii carrowday, fallaaraha isdhaafay waxa ay soo xasuusiyeen heestii hoobalkii Cumar Dhuule(AUN) ee Fad-Galbeed.

Dhanka waqooyi daaraha ifaya ee cirka ku shareeran waa muuqaalka magaalada saddexaad ee ugu wayn Awstareeliya ee Brisban oo aad guud ahaan ka dheehan karto hodantinnimada iyo horumarka dalkaas, laakiin asagu waa uu ogyahay in aan waxba ka galin wixii ifaya iyo wixii cirka shareeran waayo waa uu ogyahay xaqiiqda ah in uusan waxba ku lahayn hantida u muuqata dhowr sababood dartood.

Tan ugu horreysa waa in uu ku yahay marti, tan Labaadna in uusan lahayn xirfad iyo aqoon uu dhiniciisa kaga cuno barwaaqada u muuqata. Arrinka dambe ayaa laabtiisa leebab dab ah ku gamaya, sababta uusan u lahayn xirfadda iyo aqoonta ay leeyihiin dadyowga kale ee dalkaan?

Haddii uu isku qanciyo qaxooti cusub baa tahay, waxa jira kuwa badan oo xaqooti ah ka na yimid Eeshiya, Afrika iyo Ameerika laakiin leh aqoon iyo xirfad ay ku shaqaysteen markii ay dalkaan yimaadeen.

Talankaas waxa uu dhex maquuriyay waayihii madoobaa ee uu soo maray, waxa ay ka dhigeen mid aan qalbigiisu sugnayn oo gebi dhaclaynaya, waxa uu ka qoomamaynayaa ficillo uu gaystay iyo eedo uu galay taasina waxa ay gabi ahaan ba mugdi iyo hubanti la’aan galisaa mustaqbalkiisa waxa ayna u muujisaa quus iyo in uu adduunkaan imaanshihiisa ku soo qaldamay. Maya, “anigu dookha ma lahayn ee Eebbe ayaa lahaa go’aanka aan dunida ku imid.” Ayuu niyadda ku dhisanayaa. Waxaa uu dhagaha gashay fiilada maqalka ee moobeelka suran kaddibna waxa uu daartay heesta Fannaankii waynaa ee Cabdulle Yuusuf Hanuuniye ee magaceedu ahaa AMMAANOOY..

  • Ammaanooy ammaanoy
  • Ku bixin waayay,
  • Abaaloow ku gudi waayay,
  • Aqooneey ku bogan waayay
  • Axdiyoow ku lumin waayay
  • Eedeey ku sidi waayay
  • Afeefey ku mari waayay
  • Eexeey ku fali waayay
  • Adduunyoow ku qaban waayay
  • Adduunyoow ku qaban waayay,
  • Samiroow ku aaminay
  • Iimaanku waa sed’ee
  • Samiroow ku aaminay
  • Iimaanku waa sed’ee
  • Samiroow ku aaminay
  • Ammaanow ammaanow
  • ku filan waayay,
  • Ajaleey ku celin waayay
  • Arrineey ku goyn waayay…

Nafta ayuu ku sasabayaa heesta oo kaarka haya ayaa xoogaa ka jaba mar walba oo uu dhagaysto, naftiisa ayuu isku dayayaa in uu ku dhayo boogo iyo dhaawacyo uu damqintooda qayb ka soo ahaa. Dadku waxa ay u yaqaannaan ama u arkaan nin dhallinyaro oo iska xammaasha oo aad u afgaaban, aad ayay u qaddariyaan. Waa nin farxad iyo dhoolla caddayn dadka u muujiya laakiin taasi waa midda muuqata ee dadku arkaan. Warsame wuxuu wehel u yahay welwel iyo walbahaar, wuxuu gocanayaa waayihii iyo nolashii waqtigu baday, hurdo wacan ma seexdo si kasta oo uu isku maaweeliyana welwelku maahan mid marna ka go’aya qalbigiisa waa beer wax dhalay oo baadi goobaya dhallaankiisi (Guuleed) ay ugu dambaysay asagoo 3 beri dunida jooga. Hadal badan haan ma buuxshee bal aan warsame warkiisa kula wadaago waxna kaaga taataabto waa kuma Warsame?

Warsame wuxuu ku dhashay miyi gaar ahaan miyiga Gobollada Dhexe ee Soomaaliya dhawr gu’ ka hor burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waa yaraankii Aabbihii Faarax Wacays iyo Hooyo Cibaado Warsame. Waxaa la dhashay 7 hablood iyo hal wiil. Hablihii dhammaantood Soomaaliya ayay joogaan waana dad waawayn oo ilmo dhalay. Walaalkiis Axmad oo curadka qoyska ahaa Warsame nolol iskuma soo gaarin oo Axmad wuxuu ka mid ahaa Ciidankii Xoogga Dalka, wuxuu ku dhintay shil ka dhacay dhoollatus ay ciidanku samaynayeen sannad ka hor dhalashadii Warsame.

Aabbihiis Faarax wuxuu ahaa ilmaha kaliya ee ay dhaleen aabbe Wacays iyo hooyo Barni. Deegaan ahaan waxay degi jireen dhulka Hawd ee Xabashidu hadda maamusho. Is fidintii Taliska Xabashidu isku fidinayay dhulka Soomaaliya bilowgii qarnigii tagay ayaa qoyska ku qasbay inay ka soo hayaamaan dhulkii ay daganaayeen waxayna u soo guureen Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Gobollada dhexe qudhoodu kama badbaadin dhul fidsiga Taliska Xabashida laakiin waxaa hakiyay xoogag iska caabin oo jilibka u dhigey, waxaa kale oo isna diidana iney soo gudbaan dhanka koonfurta  Talyaaniga oo waagaas gumeysanayey koofurta dalka.

Sidaas awgeed qoysku way ka raysteen gaboodfalladii ciidanka Xabashidu ku hayeen shacabka Soomaaliyeed markay ka soo fogaadeen dhulkay ku noolaayeen ee ay ka soo barakaceen, laakiin aabbe Wacays marnaba ma uusan hilmaamin falalkii gurrucnaa ee ciidanka Xabashidu u gaysan jireen, mar kastana wuu uga sheekayn jiray wiilkiisa Faarax.

Faarax asagoo ka duulaya cadaawadda uu u qabay Xabashida iyo dardaarankii aabbihiis Wacays, wuxuu qortay ciidankii Talyaaniga 1933 asagoo da’diisu tahay 18 jir.  Wuxuuna ka qayb qaatay dagaalkii Talyaanigu  ku qabsaday Itoobiya asaga oo tagay Addis Ababa iyo Asmara.

Sannadkii 1941kii markii Talyaaniga lagu soo jabiyay dagaalkii labaad ee uu Igiriisku xoreeyay Itoobiya Faarax wuxuu dib ugu noqday noloshii miyiga iyo u ciidaminta waalidkiis kaligiis ilmo ka dhalay. Faarax qiyaastii 1967kii ayuu guursaday Cibaado Warsame asagoo da’diisu tahay 52 jir oo u dhashay toddoba hablood iyo labo wiil. Qoysku waa iska danyar aan lahayn xoolo badan.

 Axmad oo ahaa curadka qoyska asagoo toddoba jir ah ayaa eeddadiis labaad Xamar u wadatay si ay wax u barto. Axmad waxaa eeddo gaysay mid ka mid ah Iskoolladii dawladda wuxuuna noqday nin waxbarasho jecel oo dadaal badan. Intuu Dugsiga Sare dhiganayay wuu shaqayn jiray wuxuuna bil kasta biil u diri jiray qoyskiisi miyiga dagganaa. Markii uu dhammeeyay Dugsiga Sare wuxuu qortay Ciidanka Difaaca Cirka laakiin wuxuu ku dhintay shil dhacay maalin ciidanku sammaynayay carbis ciidan.

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cali M. Diini

SHARE