Home Qoraallo TANI WELIGEED BAY JIHAADAYSAY! W/Q: Suldaan Nayruus

TANI WELIGEED BAY JIHAADAYSAY! W/Q: Suldaan Nayruus

0
SHARE

TANI WELIGEED BAY JIHAADAYSAY! W/Q: Suldaan Nayruus.

Waa aan kuray ahaa ayaa niga oo marar kala duwan raadye daarnaa mawjadihiisa warwareejinaya, waxa aan geeyey meelo ay ku kala jireen raadyihii Kulmis iyo kan BBC da. Dhawr mar oo kala duwan baa waxaa maankayga ku soo dhacayey erayada jihaad iyo mujaahid oo ay adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadii SSDF iyo SNM ee ka horjeeday dawladdii Kacaanka.
Si fiican waagaas uguma baraarugsanayn waxa uu jihaadku yahay, laakiin xilli dambe oo aan kitaabbo raacanayey baan waxa aan ogaaday, in uu jihaadku yahay dagaal barakaysan oo muslimka kala dhexeeya gaalada cadawga ku ah ee aan heshiis nabadeed kula jirin.
Ayaan u dhaw waagaas uu macnaha jihaadku wax iiga bidhaamay, baa aniga oo fadhiya makhaayad waddo saarnayd oo shaaha laga cabbo ayaa waxaa magaaladii soo galay gaari; nooca loo yaqaan Jaamiska oo uu saarna qoriga loo yaqaan 37 oo aad sheellaraha loogu cadaadinayey, hoon dheerna yeerinayey. Waxaa gaariga dusha ka saarnaa 5 nin oo, laba ka mid ah qoriga labada dhinac ka saarnaayeen isla markaasina xabbado ridridayeen, laba kalana go`yaal ayey warfinayeen, iyaga oo ku qeylinayey “War ka kacooy, magaalada cadaw baa ku soo socdee, war jihaad u kaca, war jihaada…” mid kalana uu seeri dhawaajinayey. Gaarigii oo xiimaya ayaa i dhaafay, isaga oo magaalada oo dhan ku wareegayey. Magaaladu waxa ay ahayd magaalo col-u-joog ehe, daqiiqado yarba, waxa ay noqotay qof iyo qori.
Xilligu casar buu ahaaye, waxa aan aaday masaajidka jaamaca ah oo ii dhawaa, si aan casarka ugu soo tukado jamaacada. Markii casarkii laga baxay baa waxaa istaagay imaamkii oo horay dhiilladu ka soo gaartay, kolkaas buu waxa uu masjidkii ka iclaamiyey jihaad, isaga oo ka sheekeeyey fadliga jihaadka iyo qofka ku dhinta jihaadkaas jannada halka uu ka galayo. Culimo iyo caammo, intii galabtaas masjidka joogtay qoryahoodii bay iyaguna gurteen. Jihaadkii waa la qaaday galabtaas.Waa laga hortagay cadawgii. Waa la jabiyey. Gawaari, hub iyo saad badanna waa laga soo qanimaystay. Waagaas keliya ma ahayne, dhawr mar oo dambe ayaan arkayey dadka deegaanka oo jihaadyo kala duwan, mar qaadaya, kolna isku difaacaya.
Aniga oo aad ula yaabbanaa kala duwaanashaha jihaadka aan kutubta ku soo arkay iyo midka dadka deegaanka ay isticmaalayaan, baan ayaan dambe waxa aan u socdaalay koofurta Soomaaliya. Xilligaas aan koofurta imaanayo, waxaa ka jiray dagaallo sokeeya oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ay kala hoggaaminayeen qabqableyaal jabhado beeleed oo intooda badan watay xarfo magacyo Ingiriirska ah oo la soo gaabiyey oo ay badankood ka sinnaayeen xafarka ʻSʻ.
Kolkii aan koofurta soo gaaray, waxa aan ugu imid erayada jihaad iyo mujaahid oo ay u isticmaalayaan dhammaan qabiilladii iska soo horjeeday. Qolo kasta waxa ay aaminsanayd in ay jihaad xaq ah kula jirto qolada kale ee ka soo horjeedda. Deegaankii aan ka imid, kuma arki jirin dumar jihaadka ku jira iyo qof la leeyahay ʻMujaahid hebel` laakiin waxa aan koofurta ugu imid oo igu cusbaa dumar jihaadka dhinacooda uga jira iyo dad mujaahidiin loogu yeerayo. Marar kala duwan baan waxa aan arkay dad kala duwan oo daagaallo ku nafoobey oo loogu yeerayey mujaahid hebel/mujaahidad hebla iyo kuwo dagaallo ku dhintay oo la leeyahay, Ilaahay ha u naxariisto mujaahid hebel.
Sidii uu u socday jihaadkaas qabaa`ilka ka dhexeeyey baa Soomaaliya waxa ay misena sii gashay marxalad kale oo dadkii u kala miirmeen laba geesood (Laba maamul oo midna dawlad hoggaaminayso midna Alshabaab horkacayo). Sidii hore oo kale, labadaas dhinacna, horay bay jihaadkii ka sii wadeen.
Aniga oo muddo dheer la amakaagsanaa habka uu jihaadku kitaabka ugu qoran yahay iyo sida Soomaalidu u taqaan, wax ii fasirana intaa aan laʻaa, ayaa maalin dhaweyto soo ag fariistay odayaal meel ku qaxweynayey. Ilaahay amarki, dooddoodii ay kaga hadlayeen xaaladda waddanka ayaa waxa soo dhexgalay erayga jihaad, kolkaas bay cabbaar ka hadleen jihaadka waxa uu yahay iyo sida ay Soomaalidu u taqaan.
Nin aad u da`weynaa oo waara-arag ahaa ayaa waxa uu ka sheekeeyey in waagii uu erayga jihaad soo galay carrada Soomaaliya, ay Soomaalidu u fasiratay (Culimo iyo caammaba), in uu yahay dagaal xaq ah oo la isaga dhiciyo qof kasta oo ka soo horjeeda, gaal iyo islaan, kuu doono ha ahaadee. Isaga oo faahfaahin galay buu odaygii sii lahaa, “Marka, xilligii uu erayga jihaad afka Soomaaliga soo galay, inta saas loo qaatay baa labadii qolo ee is dagaashaba, jihaad uu dagaalkoodu ahaa.” Odayga oo caddaynayey in uusan farqiga saasa u dhaxayn jihaadkii hore ee Soomaalida iyo kan hadda, ayaa waxa uu lahaa, “Weligiisba jihaadka Soomaaliya ka socday nafhur wuu lahaa, laakiin, waxaa jihaadkan hadda ah ku soo siyaaday hub cusub iyo hab cusub.”
Odaygaas sidii uu taariikhdaas u waday buu markii dambe isaga oo suuljaawinaya, waxa uu hadalkiisii uga baxay, “Jihaadku ma wax hadda Soomaaliya ku cusub baad u qabtaan, tani weligeed bay jihaadaysay.”
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus 
SHARE