Ma Illoobi doono Q6AAD W.Q: Ibraahin-Nolosha

 

Ma Illoobi doono Q6AAD

Waxaa iigu dambeysay iyadoo foodley ah. Intii ka dhinneyd baa loo dhammeeyay! Dherer iyo dhuubni bey u dhalatay oo waa aan ku ogaa. Waxaanse aad ula ashqaraaray, ladnaanta iyo dhaldhalaalka ka muuqda!

Waxay heshay meel firaaqo ah. Waa dhabbihii roogga cas la dhigay. Laafyaha socodkeeda, waxaadba mooddaa in la yiri “ragga doobka ah ku canaano!” gacan baa u laaban oo ay sinta ku haysataa, midna wey u raaracdaa oo ay hadba dhinac u wilfineysaa! “Maasha’Allaah!” waa intii ley faray ee aan uga gaashaamay indho cawryi lahaa.

Inantaa inamowday, waa Faadumo, Dhaqane walaashiis ka yar.  Intii ay i soo gaarinba, kaftan ayey igu billowday “aawday qoftii xafladda kula nuurin laheyd, saaxiibtaa?” “waa adiga!” ayaan kula kajamay. Kaftankii, farxaannimadii iyo furfurnaantii ay laheyd iskama beddelin. In aan “Meyran” guursaday oo ay ubad ii hayso waa ay ogeyd, anna waxaan iyada ku tabayey wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo waxbarasho ku maqnaa.

Xaal wareysi ka dib, heesihii kolba mid naloo qaadayey waa la hakiyey, “qof walba kursigiisa ha ku noqdo, waxaa soo galaya arooskii iyo aroosadda, sacabka sacabka…” wiilkii xiriiriyaha ahaa ayaa sidaa yiri. Waa xilligii arooska iyo aroosadda, malxiiska iyo malxiisaddu soo gali lahaayeen gudaha. Si wadajir ah ayaa loogu sarakacay looguna sacabtumay, oo ay haweenku u carrab-dhebeen kuna firdhiyeen ubaxyo kala jaad ah.

Saaxiibkey iyo ooridiisu, waa ay fariisteen. Waalidka ka sokoow, wuxuu barbarka ka fadhiyaa wehelkii ugu qiimaha badneyd ee nolosha u macaaneyn laheyd. Waa xaaskiisa cusub, marwo Deeqa Dalmar. Dhinaciisa bidix ayey fadhidaa. Gacmaha kuwooda is xiga ayaa ay is dul saarteen. Dahab baa ku raran teeda, tiisana saacad dahabi ah ayaa ku dhuuqsan. Labo is dooratay iyo midabbo isu eg oo leysla doonay! Cajiib! Faruhu midba midda ku aaddan ayey dulsaaran yihiin, gacanta Dhaqane ayaa sarreysa.

Maxaa ka qurux badan, oo ka wanaag badan kana farxad badan, marka ay lammaanuhu sidaa yihiin? Ilbiriqsiyo kasta ka dib waa ay is eegayaan isuna dhoollacaddeynayaan. Si la mid ah waxa ay indhaha ka salaamayaan asxaabta iyo ehelka soo xaadiray xafladda, oo iyaguna u gacan-haatinaya.

Waa la cunteeyey oo la baashaalay. Fannaaniintii hormuudka u ahaa hobollada Guubaabo, mar kale ayey goobta wacdaro ka dhigeen. In badan waa la wada ciyaaray.

Bal si aan u ogaado, sababtii ay ku kala tageen Dhaqane iyo Mullaaxo, waxaan weydiiyey Faaduma. In nin la siiyey bey ii sheegtay: “Iyagu ma aysan filaneyn, go’aankuna gacantooda kuma jirin” waa ay ii raacisay. “Mullaaxo Aabbeheed baa xanuunsaday, dibaddana waa loo qaaday. Waxaa qalliin looga sameeyey wadnaha.”

“Nin maalqabeen ah oo aan reerka ka fogeyn baa bixiyey qarashkii lagu daweeynayey. Markuu aabbeheed bogsaday ee uu dalka dib ugu soo laabtay, wuxuu ninkii maalqabeenkii soo doontay Mullaaxo, loomana diidine waa la siiyey.” Intaas markii ay tiri, gabar ay saaxiib ahaayeen baa hadalka naga soo dhaxgashay oo salaantay, anna dhan kale ayaan daymooday si aan isu moogeysiiyo sheeko-wadaaggooda.

Anigoo hadba dhinac eegaya, ayey indhaheygu qabteen Istaahil! Qof aad hore ugu baratay belo iyo dhagar, aragtida xigta wax baad is weydiineysaa, oo ay ugu horreyso, waxa xiga ee la maaggan yahay. Markii hore, lama aanan yaabin, sababtoo ah, qofku marka uu waayo wuxuu doonayo, waa hubaal in uu ka falcelinayo. Falcelintaasi waxay noqon kartaa mid laga shallaayo, waana sababta ay hoos u eegtay markii ay i aragtay anigoo fiirinaya.

Markiiba, waxaa billowday barnaamij kadis ah. Waa lambar iyo nasiib. Qofku tirsigii uu doorto, wixii ku qoran ee u soo baxa ayuu ku qasban yahay in uu sameeyo. Barnaamij murti iyo maad badan ayuu ahaa.

Wiil da’ ahaan aanan labaatan jirsan, ayaa lambar qabsaday. Waxaa u soo baxday in uu goobta ka soo jeediyo, ereyo jaceyl oo dareen-taabad leh. Wuu qoslay. Hoos ayuu eegay madaxana waa uu xoqday. Dhiirranaan buu isku beeray. Waa kan makaroofankii haabtay: “waxaad ii dhaawacday si aanan u qalmin; waayo waxaan ku jeclaaday in ka badan intii aad u qalantay!”

Intaa markuu lahaa, waxaa u dheeraa dareen tiiraanyo ah. Jilaa run ah la mood! Da’diisa iyo amuuraha uu dhex dabaalanayaa kala fog. Dadku waxay gabeen sacabkii. Afkaa gacanta la wada saaray. Markuu wiilku fariistay ee uu booskiisii ku noqday isagoo gaggabaya, ayuu xiriiriyuhu yiri: “ha loo sacbiyo mucaashaqa weyn.” Markaas ayaa la baraarugay loona sacabgaraacay.

Dad badan baa madasha is geeyey oo nasiibsaday wixii u soo baxay. Lagu kala wacnaa habka soo 0jeedinta iyo nuxurka hawraarta, waxaase loo badnaa qosolka iyo maadda. Dhowr jeer bey jug igu siisay garabka Faaduma, oo aan ugu yeeri jiray Faadno, anigoo ku fowdeynaya. Waxa ay rabtaa inaan istaago oo aan tirsi qabsado, halkaana aan ka soo muuqdo. Waan ka diiday, waayo, u ma baran inaan dad badan ka hor hadlo, baqdinta la sheegana anigey i barkan tahay.

Sidaa iyadoo ay tahay, anna aan madax adeygayo, Faadumana iigu baaqeyso inaan is biimeeyo, ayaan suuli u baahday. “Waan soo noqonayaa ee ha iga tagin” iyo “haye, waayahay” ayaan is dhaafsannay, Faaduma. Hoteelku waa laabab badan yahay. Nin ka mid ah shaqaalaha ayaa ii tilmaamay halkaan gali lahaa. Daqiiqado wax ku siman kama aan maqneyn hoolka xafladda.

Dhulgariir! Waxaan garanwaayey goob aan joogo. Jahawareeray oo argagaxay! Wixii dhacaba cid baa u aaneysan. Adduun eedi kama dhammaato; aadmiguna arbushaad ma daayaan.Jugtii musqusha igu soo dumisay, waa mid ka mid ah falalkoodii bahalnimada ahaa – waa kooxdii mucaaradka aheyd. Ma maleysanayo, oo waxaan ogahay in aysan cid kaleba ka suurtoobin.

Sida ay is-qarxinta ugu duceystaan una jecel yihiin, si la mid ah waxaan uga duceysataa una necebahay qarax iyo dhiig la qubo. Nolosheydii, in aan maqlo maahane, qarax iyo dil midkood lama kulmin. Maantadanse marti baan u ahay. Ugumana horreyn inta nasiibkoodu mugdiyoobay, ee waxyeelloobay wehelna u noqday waraabe iyo weer walaahow ku haya. Xitaa haddii ay kama’ ka aheyd, halkan kuma habbooneyn.

Waxay nala aheyd in wax kasta ku soo idlaanayaan sidii loogu talogalay; sidii loogu talo galay waaba ay noqdeen, balse sidatan cid fileysay naguma jirin. Damaashaadkii habeenkaas, waxaan isu haysannay dadka dunida ugu farxadda badan.

Tamashleyntu wanaagsanaa! Oo wadajirka ku sii wanaagsanaa! Ma mudneyn mana aheyn in ay tacaddi isu beddesho. Murti baa oraneysa: “Waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajiya, ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun.” Shisheeyaha waxaa ka xun kuwa aynu is sheeganno, ee shiiqinaya sharciga iyo midnimada, kuna showra shafidda shacabka.

Waan gabbaday. Baruud agteyda ahna indhahaan ka soo taagtay. Hareerahaan eegay. Uuro madoow, holac iyo qiiq baa is qabsaday. Waxba waa aan arki waayey. Kaliya waxa aan maqlayey dad ashahaadanaya, oo birmad u baahan, baqdin darteedna loo dhawaan karin.

Halkaan ku jiro ash ilama aha, haddaan carari lahaana waxaan ka baqayaa toogasho iyo waxyeello kale, sidii dhici jirtayba. Rasaas baa gudaha ka billaabatay. In yar markii ay socotana waa ay qayootay. Xabbado yoolbaar ah ayey iila muuqdeen. Sidii anigoo u dhakan, aadaarka dadkuna isa soo tarayo, ayaan maqlay cod u eg waardiyeyaashii hoteelka, oo leh “aambalaas ha loo Waco, dad liitaa meesha dhooban.” Madashii xafladda leygama horreyn, aan ka aheyn ragga ilaalada ah.

In ay wax isoo gaareen iyo in kale, kansho aan ku hubiyo iima furneyn, maxaa yeelay, waxaa horteyda warnaa meydad tiro-beel ah, iyo hilbo sida kawaankii dhulka daadsan. Qof dinixsan oo galgalanaya. Mid calooshu soo dhacday oo madaxa iyo faraha nuuxnuuxinaya. Mid bowdada ama gacan ka go’ay. Mid waayey qaarka dambe, welina rafanaya oo qaarkiisa hore ay naftu ku dambeyso. Lafaha sida qoryo la shidayo falfalliirmay. Maxaa meesha silac iyo saxariir yaalla!

Inaad dhaawacanto ama inaad dhimato, wax u dhexeeyaa ma jiraan, markaad tahay qof waqtigu soo afduubay oo halkaa joogay, markii ay walaaleheen nagu waraaboobeen! Miyeysan Islaam aheyn? Oo xitaa haddii ay diintu qaddarin beeshay, miyeysan danqasho kale noogu qiildayin? Intaas buu afkeygu karay oo aan ku cataabay, anigoo caloolxumo tii aheyd la walaaloobay. Uurkaan ka ooyey. Indhahaa adkeysan waayey, oo ilmo soo qubay. Daamanka intey ku habiirraqday ayey shafkeyga dharbisay.

Intii badbaadday, shaqaalihii iyo ka soo qebgaleyaashiiba, qalqalse aan ka nabadgalin, iyo anigoo naxdin la leelleemoonaya, ayaa is garabsannay. Waxaan billownay gurmadkii nala gudboonaa. Saaxiibkey iyo reerkiisii, raq iyo ruux midna kuma hayo. Qof baa ii gacan haatiyey dhiiggu ka qulqulayo oo dhulka yaalla. Waan xambaaray. Dibaddaan u saaray. Wali waxaa la sugayaa gurmad caafimaad.

Dib baan u soo laabtay. Waxaa leyga horkeenay Bashiir iyo Xaliima oo la deddaaminayo. Wey ruux bexeen mar hore. Argagaxii baa igu sii kordhay. “Bile, walaal i caawi.” Waa Istaahil!

  • Utun ruuxa kaa gala
  • Marna lawa illaawoo
  • Ragannimana mey oran
  • Qof itaal laheyniyo
  • Xaawaley ka aargudo!

Aayar u soo tukubay. Qaaday oo geeyey halkii dadka lagu daadgureynayey. Hoolkii muunadda lahaa, waa kan gubnoodka noqday ee dhuxuloobay. Waxaan eegay hareeraha anigoo gacmaha laallaadinaya tabardarro aawgeed. “Dhaqane…?” ayaan dhowr jeer ku dhawaaqay. Wax juuq ii yiraahda oo aan ka aheyn dadka dhaawacan ee aadaaraya, waa aan waayey. “Dumaashi…” waxaan wacay xaaskii saaxiibkey. Iyana iima muuqato codna kama hayo.

La soco qaybaha kale

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

 

SHEEKOOYIN