Doob gaamuray! Q7AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q7AAD

Ugu danbeystii goortii ay duqayda isu ducayntooda ka dib, gogosha ku faataxeysteen buu Aw-Daahir oo Gobaad adeerkeed ahaa soo jeediayayis weydiin aheyd goorma ayaad u soo diyaar garoobeysaan madasha aqal galka?”.

Oday Warsame oo garkiisa salaaxaya,ayaa ku war celiyaywaxaan isla garannay,inaan howsha guri dhiska soo geba gebeyno billowga bisha mowliid ee inagu soo fool leh, hadduu eebbe yiraa”.

Waa hagaagiyo waa hagaag, hawraarsan iyo guddoon wacan baa la isku af gartay odayadiina lagu sii sagootiyay.

Mahad Cawaale, oo ah wiilka Gobaad loo mehriyay, wuxuu ahaa 25 jir miyiga ku soo barbaaray had iyo jeerna ku hawlanaa dhaqaaleynta xoolaha faraha badan ee uu ka soo dhaxlay aabbihii Cawaale Xirsi.

Mahad-dheere, ma uusan ahayn nin inta badan u gacan bannaanaa xodxodasho iyo haasaawe dumar, mana ahayn nin furfuran oo alabsami ay ka muuqatay, wuxuuse maanka ku hayay, inuu mar un guursan doono, kolkaasi oo uu ka nasan doono hawlaha faraha badan ee keligii ku soo foorara.

Raggu hoodo iyo ayaan iyo cawa dhaladnimo, ayey is dheer yihiine, Mahad, wuxuu ayaan u yeeshay oo uu hawl yari ku calfaday gabadhii rag oo dhami ay haasaawaheeda ka quusteen lagana lib keeni waayay balse iminka noqotay afadiisii dhabta ahayd ee uu aqal galkeeda iyo guri keenisteedaba dhararsan yahay, balse wuxuu moog yahay in ay go’aansatay in ay dhabarka xejiso!

Maalin ka dib, dadku waxa ay ka sheekeysanayeen, wixii ka dhacay guriga reer Haybe Warfaa, waxaana aad loo sii buunbuuninayay warka ah soo doonashadii iyo bixintii Gobaad iyo in la siiyay Mahad dheere, warkaasi oo degaanka oo dhan  aad ugu wada fiday, wax badanna la iska weydiinayay.

Guuleed oo ahaa wiilkii ay Gobaad horay isu calmadeen ee ay ballanta wada lahaayeen, isaguna warka waa la gaarsiiyay oo dhegihiisa, ayaa  lagu shubay, in Gobaad la mehersaday, waxaana si war xuma tashiilnimo ah loogu sheegay, Mahad-dheere oo ahaa wiilka Gobaad loo meheriyay, in uu si ku digdigasha  ah uu ugu faanayay, dadka hortoodana uu ka lahaa “Ma nin aan aniga ahayn oo Gobaad gaya, miyaa degaanka igu la nool, hadduu  jirase waa ku ma kaasi?”

Warkaasi xun ee naxdinta iyo murugada leh, Guuleed wuxuu ka qaaday tiiraanyo hor le iyo hinaase dhiiggiisa boqolka gaarsiiyay, maxaa yeelay jacaykii uu muddada dheer soo gardaadinayay, ayaa  gabbalkiisa la dumiyay iyada oo  weliba si fudud oo garba duub ah  lammaantiisii kalgacal nin kale  oo aanay raalli ka ahayn loogu af duubay!

Soo doonashadii kediska ahayd iyo meherka  is weydiin la’aanta  ah ee sida il biriqsiga ah ku yimid, ayey Gobaad ka qaadday muraara dillaac iyo naxdin beer goys ah oo ay biyo iyo baadba uga soontay, waayo? Waxaa  aad iyo aad ugu weynaa kalgacalka ay u heyso Guuleed iyo ballantii ay la soo gashay oo ah mid haatan gebigeedba meesha ka baxday, taas oo ah mid aanay Gobaad liqi karin waalidkuse ay u haystaan,  in ay dhiseen guri maamuus iyo milgo leh oo gacal iyo gayaanba ay ku soo hirtaan.

Gobaad, tan iyo markii ay maqashay nin baa lagu siiyay waana lagu meheriyay ooyin bay weheshatay oo indhaha ayaa casaaday, hiqlaynta iyo duufkuna wey ka dhammaadeen, oo cidna la ma hadasho gasiin cunistuna u ma hawooto, oo jacaylka haya awgii baahidaba ma dareento, waxayse had walba is weydiisaa “Ballantii aad gashay, maxaad uga gar bixi, maxaadse Guuleed u sheegeysaa?”

Arrinka xididnimada cusub lagu unkay oo ku dhashay degdegsiimo iyo la tashi la’aan go’aan waalid ah ma uusan ahayn mid Gobaad ku tala galkeeda ku yimid qalbigeedana ma guddoonsan mana oggolaan, waxa ayna uurka ka go’aansatay “In ay Mahad-dheere marwo u noqoshadiisa iyo u gogol galiddiisaba ay dhimasho ka xigi doonto jacaylkeedana ay la god galeyso” waxa ayna mar kale wacad ku martay “Guuleed ama geeri!”

 W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN