Maansada: GAYIMARA W/C: Farax Sheekh Cabdirisaaq

Maansada: GAYIMARA

Maansada GAYIMARA waxaa curisay Hal abuurada eebbe deeqda u siiyey Farsahaxanimada iyo garashada xeeldheer ee dhaqan iyo dhur ee bulshada Soomaaliyeed,   murtida iyo miida ka sakoow waxaad aad ula dhacaysaa xulashada erayada aad is odhan doonto, ma 70 jirbaa curiyey. Aqriste yaanan ku hawline waa maanso togan oo ay bulshadeeda ugu deeqday Drs Farax Sheekh Cabdirisaaq(Drs Zedra)

 

 

 

Guulaamo rooboo
Ku gadaaman heegoo
Fad dharaara gaaxdiyo
Daruuruhu gelbinayaan
Oo guban dushiisiyo
Giriyaad ku hortaa
Gu’ bay curashadii tahay.

Waxaan goconayaa weli
Gudgudaha habeenkii
Ladhka iyo gufaacada
Gaadhsiiya waagee
Galabtiina caadkiyo
Cirka gibishii saarnayd
Go’a shaal ka xaadiyay
Ishii gacalo eegtaan
Ka go’ayn xasuustee
Soo goor barwaaqa
Gayigaan ku ababiyo
Gaaroodii maan tegin.

Afartaasi googgoos
Iyo guud mar weeye
Maansada gunteediyo
Godolkiyo ujeeddadu
Waa geeddi dheeroon
Guud ahaan dalkeenniyo
Gobollada ku aadoon
Muddo gaaf wareegee
Adigoon ka gaabsanin
Gunto faalladaydaa.

Gallad baynu dheer nahay
Inta Guulle uumaye
Gado inay ku caan tahay
Dhaqan aan gudhaynoo
Gobtu ay ku nooshahay
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Gacammada Shabeeliyo
Jubbo waa gu’waynyoo
Biyahoodaa guuxaa
Balad wayne gaadho
Gala badaha waawayn
Oon gelin maqnaanine
Webigeenna aan gu’in
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Hiiraan gosheediyo
Galgaduud inay tahay
Gacaltooyo waartoon
Garta looga maarmayn
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Garbahaarray waa meel
Habta geesiyaashoo
Gumaystaha la dirirtee
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Goobaha dalxiiskana
Galka Ceerigaabiyo
Cadalaa gudboonoo
Gebiyada baraawiyo
Qof Cadaado gaadhoo
Guriceel u hoydoo
Diinsoor ku gamayoo
Hobyo geel ku maalaa
Gobonnimo ku faanee
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Ogow geedka Baydhaba
Iyo maydh god laga helo
*Ganto waxay ku leeyiin
Boorama gunteedoo
Sina looma goyn karo
Sharaf geeska taallee
Garashada ku hayso
Diiwaanka taa geli.

Taariikhdu may gabin
Xamar goonyaheedoo
Sool iyo Garooweey
Isku uur galeenoo
Gacmahooda farahaa
Garab qudha ku yaalee
Samahooda gaarkaa
Garashada ku hayso
Diiwaanka taa geli.

Gogol nabaddu taalloo
Godob aan lahayniyo
Guri lagu badhaadhaa
Burco waa u gooniye
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Fanka gura-dhiggiisiyo
Gaadiidka heestiyo
Gabayada xogtoodiyo
Geeraarka meeshii
Lagu soo gardaadshee
Calankana gudoontee
Gadh cadaagu joogee
Guurtidu ku idishee
Soomaali guushiyo
Gobonnimo u curisee
Midnimada u gaysee
Abaal loo gudaa waa
Golihii Hargaysee
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Ganacsiga wajaaliyo
Gaalkacayaan dhaafee
Gudbayee Kismaayiyo
Barigiyo galbeed tegay
Boosaaso waa gacan
Maalka iyo guunyada
Giddi laga waraabshee
Garashada ku haysoo
Diiwaanka taa geli.

Barashada gayaankiyo
Gantaalaha jacaylkiyo
Gadh-wadeenka caashaqa
Goobtii lahaydee
Xiisuhu ku gororee
Boodhari gu’yaal hore
Gaarida ku caashaqay
Berberaa gaddaas ehe
Garashada ku hayso
Diiwaanka taa geli.

Maansadii: GAYIMARA
ereyadii: Zedra Sheikh
Taariikhda: 14.12.2018

SHEEKOOYIN