Home Curis WAAYIHII WARSAME Q13AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q13AAD W/Q: Cali M Diini

0
SHARE

WAAYIHII WARSAME Q13AAD

Warsame waxa uu iska qoray labo fasal oo kale kuwaas oo kala ah saynis iyo Ingiriis. Warsame tan iyo intii uu Gaboobe bartayba waxbarashadii dardar cusub ayuu galiyay oo Gaboobe ayaa cajalad u daaray, waxaaba u muuqatay asaga dugsi sare dhammeeyay oo dibadda waxbarasho u aaday. Warsame saaxiibbo cusub ayaa ka bartay fasalladdii cusbaa gaar kan Ingiriisiga oo ardayda ku sheekaysiga (conversation) Ingiriiska isku foorjayso. Warsame ayaamihii hore oo dhan aad buu uga cabsan jiray wada sheekaysiga afka ingiriisiga, waxa uu si gaar ah uga cabsan jiray in uu gabar ku aado. Laakiin suurtagal ma ahayn in uusan gabar ku aadin waayo Baraha ardayda wuu isku dheelitirijirey oo labadii toddobaadkam isku aadda toddobaadka dambe waa la kala duwi jiray.

Fasalka Ingiriisiga ah ee Warsame waxaa dhigta ilaa shan gabdhood balse, waxaa ku jira labo dedaal badan  oo Warsame iska dhaafe ardayda oo dhani aad uga cabsadaan in ay ku beegmaan. Waa Muna iyo Maryan oo saaxiibbo ah. Ma kala haraan, mar walba isku kursi ayay fariistaan. Marka middood arday kale gool uga dhaliso wada sheekaysiga tan kale qosol ayay u jiibisaa.

Warsame dhawr jeer oo uu labadood ku kala beegmay weydiimaha ugu ma aysan adkayn sida ay wiilasha kale ugu adkeeyaan oo Muna ayaa oran jiray “Warsame waa uu cusub yahay ee yaan lagu adkayn yaah” galab uu Maryan ku aaday ayaase aad loogu maadsaday. Waxa wada sheekaysigu u dhexeeyay Warsame iyo Maryan markii la isdhaafsaday “how are you, I am fine, and you” ayaa Warsame xoogaa yara maqli waayay codka Maryan markaas ayuu yiri “I cannot hear you, stand up” waliba asaga oo isxariifinaya ayuu gadaal uga daray “please young girl” oo uu “Yareey” ka wado. Hal mar ayaa la wada qoslay. Maryan oo indhaha isuqaqabanaysa ayaa inta ay sinaha qabsatay oo tin iyo cirib ka fiirisay Warsame ayay tiri “are you blind? Don’t you see me I am already standing in front of you.” Aad ayay ardaydii u sii qosleen. Warsame waa uu farka naxay oo hadalkii ayaa ku dhagay. Muna ayaa tiri war wiilka ha ku qoslina “speak up” ayuu ka wadaaye. Muna waxa ahayd gabar aad u garasho badan inta badan ardaydu ayada ayay wixii ay garan waayay waydiin jireen.

Marka loo baxo nasashada fasallada u dhaxaysa Muna iyo Maryan waxa ay fariisan jireen kuraasta taalla bannnaanka iskoolka ee laamiga sii eegaya. Geed wayn oo ah geed tallaal ah ayaa ku yaal oo hooskiisu si wacan u qaboojinayo dhammaan kuraasta. Halkaas ayay ardayda qaarna fariistaan qaarna istaagaan.

Warsame asagu inta badan Gaboobe ayaa uu la firiistaa haddii uusan Gaboobe jooginna kaligiis ayaa meel gees ah fariista. Dhawr goor ayaa Muna iyo Maryan oo dukaan iskoolka u dhow u socda si ay jallaato uga soo gataan arkeen Warsame oo kaligiis meel fadhiya oo buug ku foorara, Muna ayaa ku oran jirray “mashaa Allaah waa aad dadaalaysaa Warsamow.” “Waad mahadsan tahay” ayaa uu ugu warcelin jirey.

Muna waxa ay ahayd qof kaliya ee la waydiiyo wixii ardayda ku adkaada ama la waayo qof ka falceliya, marka Bilkeyd aqooneedku (imtixaannadu) soo dhow yihiinna Muna ardayda oo dhan ayaa mid ba mar u imaan jiray xattaa marmar ayaa waxaa ku adkaan jirtay in ay casharadeeda akhrisato waa kansho xumo ardeyda kale kaga timid awgeed. Warsame asagu ma badnayn inta uu Muna  garab waydiistay, waa ba uu ka xishoon jiray uu inta hor istaago wax waydiiyo.

Warsame ka ma xishoodo Muna oo kaliya la hadalka dumarka oo dhan iyo meel la fariisigooda ayuu iska ilaaliyaa. Marka uu arko wiil iyo gabar wada fadhiya ama aad isugu dhow waxa uu damcaa in uu ku yiraahdo “Walaalayaal Ilaahay ka baqa, dad qalaad ayaad kala tihiin ee kala fogaado”, haddana xishoodkiisi badnaa ayaa u diida oo sidaas ayuu isaga aamusaa.

Balse,Muna mar walba oo ay Warsame oo aragto waa ay agfariisan jirtay oo xaal waraysan jirtay. Mararka qaar weydiimo casharrada ku saabsan ayay igu caawi ku oran jirtay gaar ahaan xisaabta oo Warsame oo aad ugu fiicnaa. Galab Muna oo fasalka ka soo baxday ayaa aragtay Warsame oo beerta nasashada fadhiya, inta ay soo agfariisatay ayay ku tiri “Warsame haye, maanta maxaa dhacay buuggii kuma foorartide?”, “

Mar walba in buugga un lagu hundhuro ma ahan” ayuu ugu  halceliyey,

Muna: “Waa runtaa, balse, wali kuma arkin adiga oo halkaan fadhiya oo aan buug akhrinayn”

Warsame ayaa asaga oo dhinacyada fiirfiirinaya weydiimaha Muna na aan yara jeclaysan ayaa yiri “Waan ka yara nasanayaa”

Muna maanta waa ay ku talo gashay in ay Warsame barato, waayo in door ah ayay dugsiga isla joogeen balse, wali sheekadoodu ma dhaafin bariidin iyo weydiin casharrada ku saabsan. Inta ay foolkiisa si toos ah u eegtay ayay dhahday “horta Warsamow wali kuma waydiine magaalada miyaad ku cusub tahay?”

Warsame: Haa, ammin kooban un baan joogaa.

Muna: Halkee ka timidna?

Warsame: Miyiga tuulada Bila

Muna: Mashaa Allah waxaaba lagu moodaa in aad magaalada ku dhalatay.

Warsame: Waad kaftamaysaa.

Muna: Runtii ma kaftamayo hubqaadkaaga iyo dhaqankaaga waxa aad u egtahay nin magaalada ku dhashay.

Warsame: Dharku suuqa ayuu yaallaa qofkii rabaana soo gadan kara ama magaalo ha ku dhasho ama miyi’e dhaqankuna waa u dhalasho.

Muna: Waa runtaa dharkuna suuqa ayuu yaallaa oo qofna wax uusan ahayn kama dhigo horay ayaa loo yiri “Dhar magaalo si lagu xirtaa waa ay fududahay dhal magaalo se si lagu noqdaa waa ay adag tahay. Warsamow mid se aan ku waydiiyee, dhaqanka wanaagsan ama xun ma loo dhashaa mise waxa uu ku xiran yahay barbaarinta qofka?”

Warsame: Inta aanan kaaga warcelin weydiintaada waxa aad ii sheegtaa adigu ma dhal magaalo ayaa tahay mise dhal miyi?

Muna: Anigu magaaladaan ayaan ku dhashay waligeyna meel uga ma bixin.

Warsame: Maxay ku kala duwan yihiin  dhasha magaalada iyo kuwa miyigu?

Muna: Inkasta oo aanan miyiga aad u aqoon haddana dhawr goor oo aan Ayeeyday oo miyiga deggan u tagay waxaan ogaaday in miyiga iyo magaaladu aad u kala duwan yihiin. Reer miyiga waxba isuguma darsana oo qoys walba goonidiisa ayuu u nool yahay . Qoyska miyigu kaligiis ayuu berrin degaa duunyadiisuna kuwa reer kale kuma darsana oo meel gaar ah ayay sooftaa.

Qoyska oo dhan hawshiisu waa soofinta soo hoynta iyo xaraynya xoolaha. Quudkoodu waa caanaha xoolahooda iyo marmar ay neef ka loogtaan. U ma baahna in ay dhistaan jidad waawayn oo xooluhu maraan marka ay soofayaan ama soo hoyanayaan, u ma baahna nadiifinta iyo dayactirka jidad laamiyo ah, u ma baahna koronto.

Marka ay biyo baahdaan dhawr haamood ayay rati saaraan kaddibna qof ayaa ceelka la aada oo haamanka biyo ka soo buuxiya. Marka xooluhu oomaan ceelka ayaa la geeyaan oo waa la waraabiyaa waxaana biyaha hor cabba qoyskii wiilal badan ama rag xoog lihi u joogo.

Reer miyigu haddii xattaa dhawr qoys isla degto xoolahana isla soofsato isla na aroorsato qoysaskaasi waa isku beel ama reer.  Reer magaalku ayagu gabi ahaanba waa ka duwan yihiin reer miyiga. Reer magaalku sida reer miyiga kali-kali u ma deggana ee boqollaal kun ama malaayiin ayaa wada deggan dhul aad u kooban oo guriba guriga kale ayuu ku dheggan yahay. Qoyska reer magaalka ah jidka gurigiisa hormara kaligiis ma leh ee waxaa la leh qof walba oo magaalada yimaada, sidaas darteed jidkaas dhismihiisa, dayactirkiisa iyo nadiifintiisa waa shaqo u wada taal reer magaalka.

Reer magaalku waxa ay u baahan yihiin koronto iyo biyo joogto ah si ay taas u helaanna waxa ay wada dhisteen hal ceel oo ay biyaha ka helaan ama warshad korontada u dhalisa. Reer magaalku waxa ay leeyihiin goobo waxbarasho oo ay ubadkooda wax ku baraan taas oo ah baahi ay wada qabaan si ay helaannna waa ay wada dhistaan wada na ilaashadaan. Reer magaalku waxa ay u baahan yihiin goobo caafimaad. Reer magaalku waxa ay u baahan yihiin ciidan nabadgelyada iyo kala-dambaynta suga. Si ay baahiyahaas ay wada qabaan oo dhan u daboolaan waxa ay baahan yihiin in ay lacago joogto bixiyaan, lacagtaas waxaa la dhahaa canshuur.

Warsame: Munaay haddii reer magaalku intaas aad sheegtay oo dhan wada leeyihiin maxay tahay magaaladaan jidadkeedu sidaan burbursan yihiin? Maxaa luuq walba qashinku u dhooban yahay? Maxaa magaaladaan mugdi ka dhigay? Maxaa magaaladaan dhiiggu u qubanayaa oo dadkeedu nabadgalyo darrada iyo cabsida ugu nool yihiin? Maxaa dadkeedu cudurrada ugu baaba’ayaan?

Muna: Waa weydiimo gar ah oo u baahan in la helo warcelin ku haboon. Aniguse ma hayo waxaanse u malaynayaa in dhibaatooyinka aad sheegtay oo dhan keentay  in dadka reer magaalka ahi ku heshiin waayeen sidii ay baahiyohooda u dabooli lahaayeen waxa ka wada dhexeeyana u ilaashan lahaayeen.

Warsame: Oo maxay ugu heshiin la’ yihiin sow qof walba baahi u ma qabo caafimaad, waxbarasho, nabadgelyo, jidad, koronto iyo biyo?

Muna:  Hubaal waa u qabaan laakiin waxaan u malaynayaa in waagii hore lagu heshiiyay balse dadkii hawsha ( dawlad) loo diray in ay fuliyaan ay wixii loo diray ku hungoobeen ama wixii loo igmaday wax aan ahayn faraha la galeen ama se ay u garsoor fali waayeen dadkii dirsaday, wixii loo dhiibayna is daba mariyeen.

Warsame: Haddaba reer miyiga waxba ma dhaantaan.

Muna ayaa inta qososhay tiri “War reer miyigii iyo reer magaalkii baa isku dhex qasmay markaas baa miyi iyo magaalo meel la joogo la garan wayay.” Muna ayaa markaas waydiisay Warsame “oo magaalada ma kaligaa baa jooga mise hooyo iyo Aabbe ayaa kula jooga?”

Warsame: Hooyadey aniga oo ilmo ah ayay dhimatay Aabbahayna asaga oo waayeel ah ayuu Bila joogaa.

Muna: Allah ha u naxariisto hooyo, carruur kale ma kula dhasheen?

Warsame: Haa, waxaa i la dhashay 7 gabdhood iyo hal wiil. Wiilku waa hore ayuu dhintay laakiin gabdhihii waa ay wada nool yihiin tan ugu yari waa hooyo 6 carruur ah leh.

Muna: Oo markaas oday baa tahaye haddii da’da kaa wayni 6 carruur ah leedahay?

Warsame: Oday waaba ahay oo anigaa qoyska oday u ah.

Muna: bal ii sheeg sidee da’da kaa wayni 6 carruur ah ku yeelatay?

Warsame: waxaan u malaynayaa in Aabbahay sidii Nabi Sakariye u ducaystay. Hooyadey 60 jir ayay ku dhawayd Aabbana 80 ayuu cagacagaynayay markaan dhashay. Markaan dhashay waxaa la igu naynaasay “Filan-waa”, balse, naynaastaas waa la ii qariyaa yaah! Yaan lagaa maqal. Muna inta ay qosol la dhacday ayay tiri “ haye Filan-waa” qofna u sheegi maayo.  Muna iyo Warsame ayaga oo sheekadu isugu baxayso ayaa waxaa laga gaaray waqtigii fasalka la gali lahaa waana la kala orday.

W/Q: Cali M Diini

SHARE