Home Curis WAAYIHII WARSAME Q14AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q14AAD W/Q: Cali M Diini

0
SHARE

WAAYIHII WARSAME Q14AAD

Muna iyo Warsame maalintaas sheekada dheeri dhexmartay wixii ka dambeeyay si joogto ah ayay sheeko wadaag iyo cashar wadaag u noqdeen. Muna waxa ay bilowday in qado iyo casho ay gurigeeda ku soo karisay Warsame u keento. Maalintii ugu horrayasay ee Muna qado u keento Warsame, Warsame waxa uu ku yiri “Sow kuuma sheegin in aan maqaayad ka shaqeeyo oo waliba maqaayadda dhex degganahay?”

Muna ayaa tiri “Cunto gabari karisay iyo mid nin kariyay isku dhadhan iyo tayo ma ahan”.

Warsame oo dhibsanaya ayaa Muna ka guddoomay bac uu ku jiro baaquli daboolan oo hilib iyo bariis ka buuxaan.

Xattaa Gaboobe ayaa arkay isku dhawaanshaha Muna iyo Warsame waxa uu na Gaboobe kula kaftamay Warsame “Warsame adigu kelinimadii waad  is deyseen”, Warsame kaftanka Gaboobe waa uu ismoogaysiiyay.

Warsame aad ayuu u necbaa la fariisiga gabdhaha oo waxa uu u yaqaan dambi wayn oo Alle ku cadaabayo sidaas darteed aad buu uga warwareegaa in la fariisiga Muna haddii uu la fariistana ku ma dhawaado oo dhawr tallaabo ayaa uu ka durkaa.

Shiikh Cabdi lix bilood kaddib ayaa uu soo noqday asaga oo caafimaad qaba jeebkana ku wata kuus lacag ah oo ka soo shaxaaday Nairobi iyo Muqdisho. Maalintii uu Shiikh Cabdi soo noqday maalintii ku xigtay waxa uu u wacay Cumar iyo Ciise waxa uu na waydiiyay xaalka Warsame. Waxa ay u sheegeen in Warsame uusan imaan mawlaca laakiin ay marmar masaajidka ku arkaan asaga oo boorso wayn sita.  Shiikh Cabdi ayaa waydiiyay Cumar iyo Ciise in ay soo ogaadeen magaca iskool uu Warsame dhigto, waxa ayna u sheegeen maxaa yeelay Shiikhu socdaal galay in ay dib u dhigteen uu sugayeen soo noqoshada Shiikha. Shiikh Cabdi ayaa amar ku siiyay labadii xerow in berri galab ay u keenaan magaca iskoolka iyo halka uu ku yaal.

Goor galabnimo arboco ah ayay Cumar iyo Ciise soo fariisteen maqaayad ku taal ka soo horjeedka maqaayadda Warsame ka shaqeeyo. Wax yar kaddib waxaa maqaayaddii ka soo baxay Warsame oo buugaag gacanta ku sita. Jidka wayn ee maqaayadda hore mara ayuu qoraxsin u raacay cabbaar kaddib na dhanka bidix ayuu u jiireeyay dabadeedna waxa uu dalaq yiri iridda fillo oo ay ku qoran tahay Mac-hadka Afafka iyo xisaabaadka ee Abuu Xaniifa. Cumar iyo Ciise oo kor ka wiidaysanayay Warsame markii ay arkeen ayay dib u noqdeen.

Warsame asagu ma oga in la la socday oo dareenkaasba ma qabo. Cumar iyo Ciise si deg deg ah ayay mawlicii u abbaareen. Markii ay tageenba Shiikh Cabdi ayay warkii Warsame ku dhibciyeen una sheegeen magaca iskoolka.

Shiikh Cabdi waxa uu yiri “Abuu Xaniifa? Waa iskool bidco, waan ogaa kaas in aan khayr ka soo socon, toban jeer ayaan manaam ku arkay asaga oo shaydaan ka qaalib noqday.” Shiikh Cabdi oo hadalkii sii wata ayaa yiri “Ma taqaaniin qabiilka ninka iskoolka iska leh?” “maya Shiikh” ayaa hal mar ka soo baxday afafka Cumar iyo Ciise. “Waayahay, waa la arki doonaa haddii bicdo xertayda gurubsan karto oo mid maalin la bixi karto.” Ayaa uu Shiikh Cabdi ku hanjabay kaddibna mawlicii ayuu bannaanka uga baxay.

Shiikh waxa uu go’aansaday in uu iskoolka xiro. Si taasi ugu suurto gasho waa in uu ogaado qabiilka ninka ama dadka iskoolka leh haddii ay yihiin qabiil aan kiisa ahayn hawshu waa fududahay oo dhawr wiil oo maleyshiyada Xuseen Lugeey ka mid ah ayuu u dirayaa. Haddiise ay iskoolka leeyihiin dad reerka ahi arrintu waa  cuslaanaysaa oo ma fududa in qof reerka ah xoog lagu maquuniyo. Waxaase Shiikh Cabdi kaalmeynaya waa sumadda bidcada ee uu ku dhejiyo qof walba oo danihiisa halis galiya. Waa sumad si wacan Gaalkacyo uga shaqeeysa Shiikh Cabdi na waa ninka ugu aqoonta badan sida loo adeegsado arrinkaas bidcaynta oo dhawr goor oo hore oo uu adeegsaday kuma uusan hungoobin.

Tobaneeyo iskool iyo isbitaallo oo magaalada laga dhisi rabay ayuu Shiikh Cabdi kala tuurey isagoo ku asteynaya bidcaynta  inay baadiyeeyaan ayay rabaan waana u suuragashay inuu horjoogsado. Middii ugu dambaysay waxa ay ahayd dhacdadii dhiigga badan ku daatay ee horay uga soo sheekaynnay.

Waxtarka iyo dheefta ugu wayn ee uu Shiikh Cabdi  helay sumaddaan waa masaajidka uu imaamka ka yahay. Dhawr gu’ ka hor masaajidka waxaa imaam ka ahaa Shiikh Shuuke oo masaajidka gacanta ku hayay tan iyo markii la dhisay. Galab galbaha ka mid ah ayaa Shiikh Shuuke oo masaajidka ku dhexwardinaya waxaa u yimid saddex nin oo uu wajiyadooda garanayo jameecada masaajidkana ka mid ah. Saddexdii nin waxa ay Shiikh Shuuke u soo bandhigeen qandaraas, guntiisa ay ku doonayeen in ay masaajidka maamulkiisa kula wareegaan. Saddexda nin waxa ay Shiikh Shuuke ka codsadeen in ay masaajidka kitaabaha ku akhristaan ku na akhriyaan asaguna uu imaam ka ahaado shan boqol oo doolarna bishii la siin doono.

Nimanku waxay ahaayeen kooxda Wahaabiyada oo Gaalkacyo aad ugu tabardaran halka Shiikh Shuuke yahay Suufi tusbax wayn. Balse Shiikh Shuuke ma ahan suufiyada mayalka adag. Waxaadba u malaysaa in Wahaabiyadu cilmi baaris dheer ku sameeyeen Shiikh Shuuke inta aysan mashruuca u soo bandhigin oo ay ogaadeen in uu yahay nin qunyar socod ah. Mise doolarka ayaa dawakhiyay? Si ay noqotaba, Shiikh Shuuke waa uu ogolaaday in Wahaabiyadu masaajidka kitaabaha ka akhriyaan asaguna imaam noqdo waxoogaagiisana qaato.

Bilooyin kaddib na Wahaabiyadii waxa ay la wareegeen dhammaan maamulkii masaajidka Shiikh Shuuke na imaamnimadiisi waa la kala qaaray oo khudbaddii jicmada nin Wahaabi ah ayaa lagu qoray. Suufiyadii magaalada ayaa arkay  masaajidkii oo markii salaadda la tukanayo faatixadii bisinka laga tagayo.

Shiikh Cabdi oo ciidankiisi wata ayaa maalin duhurkii masaajidkii weerar ku soo qaatay. Masaajidkii oo dadkii qaarna kutubo akhris ku jiraan qaarna sunno tukanayaan ayaa Shiikh Cabdi iyo xertiisi soo weerareen. Shiikh Cabdi xertiisu hubka ay wataan waa toorreeyo iyo ulo. Ugu horraynba waxa ay ul iyo feer ku bilaabeen Shiikh Shuuke oo salaad sunno ah ku jiray. Shiikh Shuuke waxaa uu ku  dhacday oo la qabadsiiyey sumadda ah in uu bidci noqday oo uu masaajidkii Wahaabiyo ku wareejiyay.

Masaajidkii oo dhan qofba qof ayuu ku dhagay, ugu dambaynna Shiikh Cabdi iyo xertiisi waa laga xoog roonaayday bannaanka ayaana loo soo saaray. Shiikh Cabdi oo wajiga daqar wayn ka gaaray kaddib markii labo wiil oo surweello gabaan dhinacyada ka galeen ayaa bannaanka u soo baxay asaga oo la eryanayo. Asaga oo aan dhinacyada fiirin ayuu laamigii isku maqiiqay, baabuur xiimaya ayaa labo cad ka dhigi gaaray balse tiisa ayaan galin. Asaga oo aan eegin gaarigii sigay ayuu laamigii dhinaca kale u gooyay kaddib na afka saaray meel mar kasta oo xaaladdu ku cakiranto uu maciin bido, waa Xuseen Lugeey iyo ciidankiisa.

Shiikh Cabdi oo dhafoorka dhiiggu ka hoorayo ayaa is dhextaagay xeradii ciidanka Xuseen Lugeey oo Xuseen Lugeey marduuf gaagaynte ahi dhinac yaallo xabbad dheer oo rooyal ahina u shidan tahay. Xuseen Lugeey markii uu arkay dhabannada foolka Shiikha ka tif leh asaga oo aan  waxba waydiin ayuu ciidankii ku armay in ay kacaan oo dhaqaaqaan.

Markii baabuurtii la fuulay ayaa Xuseen Lugeey waydiiyay Shiikh “Waa xaggee?”  “masaajidka Qudbidheere” ayuu ugu warceliyay. Ayada oo aan hal kale la is waydiin ayaa la dhaqaaqay wax yar o kaddibna waxa hareeraha laga marey masaajidkii. Shiikh Cabdi iyo Xuseen Lugeey ayagu inta aan masaajidka la gaarin ayay luuq yar oo labo guri dhexdood ah baabuurka dhigteen. Halkaas ayay  ka hagayeen ciidanka ilaa ay masaajidkii gudaha u galeen.

Wahaabiyiintu ayagu inta aan ciidanku meesha soo gaarin ayay masaajidka isaga bexeen waayo waa ay ogaayeen in lagu soo socdo. Sidaas awgeed maadaama awoodda kooxdu magaalada ku yartahay ajendayaasha kooxda kuma jirto in Gaalkacyo kooxdu dagaal ku gasho ammin la joogo.Waxaa rasaastii maleeyshiyadu masaajidka ku garaaceen haleeshay Shiikh Shuuke iyo nin kale oo meesha marayay waa na ay dhinteen, cid kalese waxba kuma noqon.

Shiikh Cabdi si buuxda ayuu gacanta ugu dhigay masaajidkii wixii maalintaas ka dambeeyayna asaga ayaa imaam iyo maamuleba ka ah. Shiikh Shuuke iyo ninkii kale ee meesha ku dhintay sidii dhaqanku ahaa ayaa arrintooda lagu xalliyay oo odayaasha ayaa dhammeeyay arrintaas.

W/Q: Cali M Diini

SHARE