Home Qoraallo Falsafadda go’aanka qumman! W/Q:- Jamaal Cabdinaasir

Falsafadda go’aanka qumman! W/Q:- Jamaal Cabdinaasir

0
SHARE

Falsafadda go’aanka qumman!

Ninba waxa uu ku taamaa afgarad aqoon, ama ujilleecsi dumar. Dhaqdhaqaaqyada ka aloosan dugsiga nolosha waxaa ka jira xeerar is afgarad ah oo ruuxii soo ajiiba ku biirista noloshan looga saxiixayo in uu raalli ka ahaado cadka iyo diifta la soo hordhigo in uu ka jawaabi karo. Barashada dib iyo horba waa kala wareegga marxaladaha, daqar iyo qunyar socodna waa tinta iyo cidhibta nolosha.

         In loo halgamo loollanka nolosha waa suurad cajaa’ibteeda sidata, sidoo kale in la meersado doodaha dhirta iyo xiddigiska waa duluc aad ka dheehan karto sawirka is afgaradka.
Daruuftu waxay laciifisaa bini’aadamka, cudur iyo jahwareerna way hubsataa. Nabsi iyo midho macaan bay kol dambo kugu la imaan xaashaa xilligaa garashada in la cireeyo baa mudan.

Aqoontu waa dal kugalka fahanka iyo dhacdooyinka ka yeera nolosha iyo noolaha. Aqoontu waxay xeendaabisaa, fahantaana dowrka bini’aadamku uu ku leeyahay sharuucyada lama taabtaanka ah.
Marka dhacdo ay gilgisho bulsho ama ruux maskaxdiisa waxaa asal ah in tijaabo la marsiiyo caadifadda iyo muuqaalka bini’aadannimo.

Dhacdada oo la sii beero lasii iftiimiyo heerka bini’aadamka uu ka tagan yahay waxa dhacdadan ay farriin ahaan usidato waxaa maanka iyo ciddiisaba looga baahan yahay inay is xasilliyaan rog-rog badanna sameeyaan.

Dhacdo kasta looma aananeyn karo horumarinta caadifadda iyo muujinta bini’aadannimo waa sida ay ila tahee bal waxaa habboon in la qiimeeyo amaba la qeexo wajiga dhacdada iyo farriintu sida ay u dhacday. Qolooyinka anlysiska waxay cambaareeyaan deg-degga bilaa sababta iyo fahanka uu qaato bini’aadamka la soo hordhigay dhacdo laga argagaxo.

              Dhacdo kasta xeelad baa lagu cabbiraa, caadifad kastana waxaa majaraha uqabta qofkeeda. Haddii caadifadda loo heli waayo halbeeg oo bulshadii badankood ay qeelo dhaan u dirsadaan shucuurtooda haddii hadal, amaba qoraal iyo dareen gudeed lagu muujiyaba waxaa is casilaya farriintii saxneyd ee nidaamka bini’aadannimo ka muuqato. Balse, xaaladaha aynnu nolosha ku aragno waa kuwa in badan falcelintooda oo garba duuban kaliya aan adeegsanay wixii hadal uu yidhi! Falanqeynta qalalaasaha ama(conflict) dhaco waxaa loollanka qabta viisaha howraarta dareenka ku milantahay ayna ka madhantahay xeeladda xalinta dhacdadan si shardiyeysan.

         Marka dhib meel ka dillaaco waxay culumada maareynta musiibooyinku is waddiiyaan ka hor inta aan miiska la soo saarin xalka gogol xaadhka u ah dhibtan.

     1: Waa maxay dhibtan qaaskeeda (specific)?
     2: Ilaa intee buu saameyn yeeshay?
     3: Dhibtan maxay muhiim u noqotay dabagalkeeda?
      4: Goobta ay ka dhacday sidee loogu xaqiijin karaa in xal loo heli karo dhibtan?

In badan baynnu aragnaa sawaxanka qiirada oo fatahaad sameeya, qiirada fatahaadkeedu waa dareen xilkasnimo, balse, garashada wax lagu garto waxay lumisaa cabbirka ku filan xaaladda la qiiroonayo. Haddii maareynta loo dhiibo kacaan caaddifadeysan waxay karaamada ka xuub-siibeysaa fahanka marxaladda dhacdada markaa taagan.

In la fahmo xaaladaha qadhaadhka ah saameyntooda waa shardi asaasi ah, sidoo kale in la yagleelo xalal cabbir iyo sugnaan leh waa sir iyadana aqoonteeda loo baahan yahay. Faraqyo baa kuu soo baxayo marka aad dib u raacdid halka aad ku nooshahay iyo musiibooyinkii ka dillaacay waagii xiskaaga uu tarmay ilaa imikadan, lama dhayalsan karo kala duwanaanta daruufaha iyo xaaladaha farriimaha gurracan sita.

Cibaarooyinka nolosha lagu arko waa uun labo middood, in dhacdo aan soo kabasho laheyn aad kala kulanto iyo dhacdo soo kabasho leh inaad kala kulanto. Asalkaba dhacdooyinka iyo sooyaalladu waa kuwa xiska fuula oo aan ka dagin, goortii loo jilleecaba ay tahay kuwa aan duugoowin.

Daruufo (cawaaqibo) badan baa fatwoodeen waxayna ka dhawaajiyeen in xal aysan ka jirin nolosha uu buuqu hareeyay! Marka aad umilacsato dhaqdhaqaaqyada dareemaha bini’aadamka badanaa waxaa kuu soo baxeyso in aadamahu uusan garasho badan u heli karin xaaladaha hortaagan. Barashada xalalka iyo fahankooda waxaa lagu bartilmaameysadaa qalalaasaha afka furan ee loo waayay xalal aragti furan. Qoondada uu ka siiyay bini’aadamka xaaladaha adag waa mid kooban oo wuxuu is raacsiiyay noloshan iyo amminnadeeda qurxoon, balse, ma shaqooyin baa daris la ah nolosha, mararka qaarna waad weyneysaa go’aanno mowqif iyo tiir sugan leh.

Nafta marka ay deris la noqoto go’aan xumi waa marka ay doorashadu badato oo ilaa xad aan la haleelin go’aamo horseed u ah qibrad iyo xasillooni aragti. Waxaa jiro go’aamo doorasho ku habboon iyo go’aamo ku xadgudba isla doorashooyinkaas. Kuwa ku xadgudba doorashooyinka waa kuwa loo maro nidaam feejignaan iyo bahwadaag aqoon. Go’aanada udub dhaxaadka u ah doorashada taagan waxay jiho iyo qatar u yihiin caaddifad iyo qibrad la’aan. Hayeeshee go’aan kasta waxaa horbooda caaddifad iyo walaxooyin kale, balse, aqoon-go’aaneedku waxa ay tacsi u diraan go’aannada aan ku taagneyn ilo-aqoon iyo wadci-daruufeed!
Marka aadan murtiyeyn (rational decision) go’aanka qumman oo aadan fahmin heerka go’aankaaga iyo saameyntiisa hor iyo dibkiisaba, waxaad filaneysaa rajo aan waareyn oo arrinka waxaad kula sabbeyneysaa halka tiradu u badato. Tusaale aragti odhaneysa baa jirta (utilitarianism), aragtidan dadka badanaa waxay u adeegsadaan hannaan caadifad oo arrimaha qaar gartooda waxay u eegaan halka faa’iidada amaba tiradu ku badan tahay.

        Xeerkan waxaa aad u deegsada dadka caseska baadha oo fahankooda ku soo aroorta tirada iyo faa’iidada. Aan yara iftiimiyo, aragtida (utility) waxay caddeyn u tahay marka seddex qofood ay dilaan gabadh oo maxkamadda la horkeeno waxaa dhacdadan la horgeeyaa qolyaha dhogor-gora dambiyada. Aragtidan marka dhacdo nuucaaas ah ay la soo daristo bay hurdada ka kacdaa oo waxay la xiiqdaa sidii ay u bannaan bixin laheyd aragtida ku keydsan. Maxkamadda dil bay ku xukantay seddexdaas qof, markaas ka dib baa waxaa la furay (arguments) dood ujeeddadeedu tahay bal in la halbeego dhacdadan iyo go’aanka maxkamadda halka ay isku qilaafayaan iyo halka ay is kala egyihiin.

Waxaa doodda hordhaceeda hore ku fur-furteen kooxda (utilitarianism) waxay ku doodeen in saddex nafood la dilo macquul inaysan aheyn! Oo saddex nafood miyaa loo burburin karaa hal naf? May! macquul ma’aha waa in saddexdan nafood nolosha loo fasaxaa oo hal naf waa laga samri karaa! Halkaa dooddoodu marka ay mareydo oo go’aankoodu uu sidaa yahay waxaa iradaha loo furay koox kale oo iyaguna aragti ka duwan sita. Waxayna ku doodayaan in aragtida (utilitarianism) aysan wadan (rational reason) sabab qumman oo cabbir u ah dhacdadan. Kooxdan naqdiga wadata waxay ballaqayaan aragtida (moral delima).

        Kooxdan habraaca caaddifad diineedka u badheedhay waxay yidhaahdeen, dhacdadan waa dhacdo qaldan oo dhanka diinta aan munaasib ku aheyn, sababtoo ah waxay kufsadeen gabadh. Gabadhuna waa noole sharfan kana mid ah tiirarka loo qoondeeyay inay ku xasilaan noloshan!
Arrinku halkaa marka uu marayo waxaa albaabka loo furay aragti kale oo ibo-fur u ah xiska fikira kuna fikira fiyoobi fahan. Aragtidan waa aragti loogu yeedho (logical reason) caqliga wax sababeeya. Aragtidan waxay gogol xaadh u tahay mufakiriinta u fikiraan si sababeysan. Aragtidan waxay dharbaaxyo maan-fur la timid goobta dhaacdada lagu gorfeynayey. Waxay la soo shirtageyn qodobo asaasi u ah xormeynta iyo badbaadada arrinka gabadha. Waxay yidhaahdeen:-

  •      1: falkan gabadhu raalli ma ka aheyn!
  •      2: lama weydiinnin in gabadha la dili doono?
  •      3: Mana ku qanacsaneyn in gabadha la dilo, oo si xor ah uma ay dhihin idila oo macnaheedu yahay si qasab ah baa loo dilay! Maxkamadduna ay mudnaatay ama aysi sax ah ugu kuurgashay go’aanka qumman (rational decision).

Xeerarka ka jira aragtiyaalka, waxay sabab u yeelaan barashada iyo bulshada. Barashada koowaad waa nuuca ay u sameysato bulshada (regulations) qawaaniin oo fal kasta qodob u leh. Bulshaduna waa miciyaarka is fitaaxa dhaqanka iyo aragtiyaalka faraha badan ee ay ka soo maaxdaan. Bulshadu waa in nuucyo aragtiyo kala duwan ay abuurataa si dhacdooyinka loogu helo sababooyin iyo xalal badan. Annaga soomaali ahaan dhacdooyinka aynnu aragno waxaan awaamiir ku bixinnaa go’aanno deg-deg ah oo aan sal sugan aan ku abtirsan.

Dhacdooyinka nolosha lagu arko waa kuwa soo jireen ah, sababtoo ah, indhaha lagu eegayo ma’aha kuwa soo jireen ah oo qibrad iyo xifaaltan aragtiyo sita. Kolka ugu horreyso ee dhacdo miiska la soo saaro waxaaba deg-deg u shaqeynaayo maslaxadda ruux kasta iyo aragtidiisa, maxaa yeelay, xeerka baadhista iyo maan-galkuba way ka biyo-diidaan sababtoo ah xeerka shiilitaanka waxaa u asal ah in la karkariyo arrinta taagan si (methods) habab badan loo helo. Ruuxa soomaaliga caadifadda kama tanaasuli karo oo wuuba quutaa, arrin kasta oo muuqato maslaxaddiisa iyo fahan-ogaalkiisa buu ku cammirayaa waana ceebta aqoonta-xallinta. (Learning approaches) barashada xalalku waa marin aad u sarreeya oo bulshadii fahantaa ay isku dabbaqeyso, waxaana shardi ah in (conflicts) qalalaasaha ay soo muujiyaan waji habboon oo xal loo haleeli ogyahay.

      Qalalaasahu waa keyd ma guuraan ah oo nolosha loo asteeyay, ciddii garasho kula mintiddaana ay waareyso ciddii is dhigato oo rajo iyo itaal darri ku naaxdaa ay wiiqmeyso. In bulshadeenna aysan u bisleyn fahmidda qalalaasaha, sidoo kale in bulshadeenno aysan heybta aqoon-go’aaneedka aysan u bisleyn waxaad arkeysaa dhallinta oo si xor ah uguursaneysa guurkaasuna uu ku micneysan yahay dareen caaddifadeysan. Qalalaasaha ugu horreeya oo guur lagu yagleelo qeybna ay ka tahay dareen caaddifadeysan oo shardiga go’aanada qumman aan soo marin baa ugu wacan. Guurku waa masaalix udgoon, udgoonkuna uu yahay fahanka badhaadhaha iyo isu xilkaseynta iyo milgaha lammaanaha. wadciga aynnu joogno tiro badan waxay soo fasaxeen cadkooda, cadkeeda/cadkiisa. Arrinku ma’aha in guurku uusan waareyn bal sartu waxay ka qurantay cidda is dareemeysaa inaysan u diyaarsaneyn xallinta qilaafaadka. Horta qilaafku waa sunno kowni ah oo xaalad waliba loo tixeeyay taasi bal ila fahma. Qawaacidda nolosha lagu fur-furto bay qeyb ka tahay fahmidda qilaafaadku.

     Waxaa kaloo ka jira nolosha bulshadeenna in doorashooyinka aynu ka qoomameyno taasi waxaa ugu wacan ma saameysanno qorsheyn badan oo difaac u ah fashilka iyo walbahaarka. Maxaa arday badan oo bukaan socod ah ku fashilmeen go’aannadoodii ay jeclaayeen! Sababta ugu weyn kama heleysid waxa doorashooyinkoodu yahay, amaba ay ku wacanaan lahaayeen inay helaan, haddaba, sabab kale oo aan muuqan baa jirto oo u baahan in tooshka lagu ifiyo sababtaasi waxa weeyaan waxa ay dooranayaan ma’ahan mid loo qasday oo xiskooda iyo fahankooda ayaan u cabbirin halka ay ka soo muuqan karaan. Kolkaa ka dib bulshadii baa aragtideeda ka gadday iyagiina meelaha bay ku buuq-buuqayaan oo aqoontii bay u maleynayaan in si fudud loo kasban karo. Lagama xumaan karo in doorashooyinkooda ay ka qasaarto bal waxaa muhiim in bulshada ay soo bandhigto waxa ay u baahan tahay inay iska tayeeyso.

Go’aannada qalalaasaha ku gudban waa go’aanno ay adagtahay in laga tillaabsado, aqoon iyo waayo-aragnimo fog u baahnaaneyso. Dhallintuna waxaa muhiim u ah inay fahmaan nidaamka (critical thinking). Nidaamkan waxaa jiro afkaaro badan lagu naqdin karaa in la dhex dabaasho xirfaddan asaasiga ah. Maaddadan waxaad ku fahmeysaa halbeegga caqliga-sababeysan iyo xeer naqdineedka loogu talagalay ardayga doodaaga ah. Si loo helo dhallin sababeysa doodaha ka aloosan waaqica ay ku noolyihiin, waa in ay la faguraan fikirkooda iyagoo u maraya nidaam maan-gal ah.

Ardayga baranaya maaddadan wuxuu dooddiisa u cuskan doonaa go’aamo loogu yeero muuqato iyo ma muuqato. Sidoo kale ardayga daneynaya doodaha kala ceynka ah, waxaa asal ah in uu kala shaandheeyo doodaha salka ku leh caqliga-sababeysan. Dhallintuna maaddadan shardi bay ku tahay in ay iska dhisaan oo dacallada iyo bariga doodaha ka aloosan inay faaqidaan waa astaan ilbaxnimo ah. Wayna wacneyd in manaahijta wax-barashada amaba kuwa heerarka jaamacadaha maamula inay ku daraan manhajkooda wax-barashada academica.

Nidaamkan critical thinking waa aalad suurtagalnimadeedu ay tahay mid feejigan oo bini’aadamka fahmana ay waxtar badan u sameyneyso. Bu’da ugu weyn ee aragtidan gudbineyso waa isu xaaltan nafeed iyo fahan wadareed loogu baahan yahay in lagu fahmo xeendaab kasta ama meel kasta oo qalalaaso ka oogan in (arguments) doodo lagaga furo isla xeendaabkaas.

Go’aannada aan ula tiigsanno maslaxadeenna waxaa daaha ka rogi karo fahan sababeysan iyo caqli fikira una fikira si kala wacan. Marka go’aan uu miiska kuu saaran yahay waxaa lama huraan ah in (models) badan la isticmaalo si xaaladda taagan loogu helo waddooyin badan. Tusaale: waxaa aad loo arkaa ma sawirro ku xardhan arrimo cajiib ah oo go’aan gaaristoodu ay adagtahay. Ma sawirradaas ma’ahan kuwa fudud oo waxaaba lagu ogaadaa amaba lagu darsaa aragtida ruuxa la soo hordhigay iyo hal-xidhaaladan hannaanka uu ugu gudbi karo oo waa arrin critic ah. Ka waran hooyadaa, aabbahaa iyo gabadha aad is dugaashataan (lamaantaada) ay baxar ku wada jiraan oo arrinkuna yahay hal jaanis oo hal ruux uun lagu badbaadin karo. Maxaad fali laheyd? Runtii waa arrin adag oo si feejigan in loo fikiraa ay tahay.

        Arrinku waa doorasho, balse, doorasho kasta waxaa horyaal (sabab iyo saameyn) in si lexjecli ay ku dheehan tahay aad u fikirtaa amaba hannaan caaddifad ah waa arrin gunteeda aan sugneyn. Bal ruuxa soomaaliga ah marka uu rog-rogayo maankiisa si uu go’aan quumman u helo waxaa asal ah in uu horayba maankiisa ay usoo tuftay badbaadinta hooyadiisa. Sida badan ruuxa soomaaliga maqaaddiirtu waxa ay ku qufushay jaceylka hooyada oo waaba muqaddas asal ah. Sida ugu badan dadka jawaabahooda waa iska sidaas.

Nolosha aynu noolnahay lagama tanaasuli karo oo nafta looma haajirin karo dhib, maxaa wacay, waxaa jirta tallaabooyin hor leh oo lagu caddeyn karo in jiritaanka xaaladaha adag ay yihiin kuwa ku xagal ah isla jiritaankeenna. Waxaa jirta caddeymo maan-gal ah oo loogu samatabixi karo qalalsasaha aan dhammaadka laheyn. Marka aqoonta xalalkeeda uu dhuuxa inoo istaago, fogaan aragana uu inna daadihiyo, waxaan caddeymo u heli karnaa daruufahu in ay tiir u yihiin noloshan aynnu noolnahay.

      Go’aannada qaar sii deyntooda waa kuwa ay daba socdaan xaalado mashaqo leh, haddii ruuxa soomaaliga ah uu fahan ka helo go’aannada mudnaanta u leh noloshiisa waa marka bar-billowga isbadalka saxda ah uu innoo yimaado.

W/Q:- Jamaal Cabdinaasir
Email: jamaalabdinaser@gmail.com

Tixraac:-
1: Critical thinking for students….
2: Rational decision model by Francis Uzonwanne
3:Book Justice by philosopher Micheal j. Sandel

SHARE