Dhaca iy boobka hantida guud Q1AAD W/Q: ShaaficiMacallin Axmed

Dhaca iyo boobka hantida guuda Q1AAD

Maqalka erayga iyo dhac ama boob waa mid markiiba ku dhiilo gelinaya kuuna muujinaya in halkaas ay ka jirto in wax lagu qaadanayo awood iyadoo qofka ama dadka laga qaadanayaa aysan raali ka ahayn. Dhacu waa qof awood iyo si qaabdaran ku hantiya wax aannu lahayn, hanti iyo dad, dal  wax kasta oo la taaban karo ama muuqanaya.

Dhaqan ahaan bulshada soomaaliyeed, dhacu waa ka dhaxayn jirey dadka deegaan wada dega iyo kuwa kala durursan, waxaana jirey laba siyaabood oo wax loo dhaco, mid wuxuu ahaa qolyo qawlaysato ah oo dadka jidadka u gala, socotada iyo dadka gedislayda ahna ka booba oo ka dhaca hantidooda.

Midka kalena wuxuu ahaa Geel qaadka,  geela oo la kala dhaco guud ahaan geyiga soomaaliyeed waa dhaqan ay ka sinaayeen, marka colaado dhexmaraan ama qaarkood ayaabay u ahayd guul iyo ragganimo inay dhacaan geelasha dadyoowga kale, waagii xeerka kaynta iyo kala awood badnaanta wax lagu maareyn jirey.

Haddana ogoow dhacaasi mar walba ma ahayn mid bulshadu ku wada faraxsantahay kuna qanacsantahay ee wuxuu ahaa mid ay fulliyaan kooxaha falaago ah oo arrinkan u ban baxay, waxaa jira halku dhegyo ay lahaayeen marka ay geela ammaanyaan iyagoo leh : “ Xalaal iyo xoog suu ku xero galo, midna kuma xuma”

Arrintani maaha mid ku kooban soomaalida oo keliya ee dadyoowga kale ee carra edeg ayaa la wadaaga labadan habdhaqan ee qaloocan, boobka iyo dhacu waa midkii abuurey  in gumeyste dad nool ka qaato dhulkooda iyagana dhulal kale geeyo.

Waayihii dambe ee hannaanka ku dhisan sinaanta iyo garsoorka, talo wadaaga iyo nabad ku wada noolaanshuhu hirgalay, guud ahaan waxaa la joojiyey adduunka oodhan, dhaca iyo boobka waxaana laga soo saaray xeerar guud iyo dal walba xeer u gaar ah.

Halkudhega qormadayda ee ah dhaca hantida guud ee bulsho wada leedahay ayaa ah mid u baahan maanta bulshada soomaaliyeed inay ka qaadato talo iyo go’aan midaysan oo leh xeer iyo xayndaab aan cidna ku xadgudbi karin.

Sida aan kor ku sheegnay waa qayb ka mid ah nolasha aadanaha lagama waayo dhac iyo sed bursi. Sidaas daraadeed hantida guud waxa timaada marar badan in gacan dambeedis iyo boob awood qalin ku daaban lagu lunsado ama laguba qaato, iyadoo cid is weydiinaysaa jirin. Arrimahan ayaa inta badan yimaad marka uu qofku gabo xil ammaaneedkii loo dhiibtay inuu xadgudubyo.

Bulshada soomaaliyeed oo wacyigoodu yar yahay dhanka dawladnimada ayaa waxa ay u haystaan in badani xadgudubyada loo geysto hantida guud ay tahay keliya xatooyo lacageed iyo dhul lagu habsado.

Haddaba waxaan rabaa inaan si weyn halkan ugu lafa gurno una iftiimiyo muuqaalada kala duwan ee xadgudubka hantida guud:

Haddaba qoraalkan oo yeelan doona qaybo kale ayaan rabaa inta aynu ognahay keliya maahine inta inaga dahsoon inaan daaha ka qaado bulshadana u qeexo dhaca iyo boobka hantida guud ee dadban iyo midka tooska ahba.

Dhaca iyo boobka hantida guud ee dahsoon.

1.Dheefsiga (Ka macaashida) shaqada dadweynaha

Dheefsiga waxa ay noqonaysaa qofka masuulka ah sida: “ Madaxweyne ,, Ra,iisalwasaaare, Wasiir, Agaasime, Maamule, Maareeye  agaasime iyo qofkasta oo haya jago xileed dadweyne marka uu isku dayo In uu ka macaasho jagada uu haayo .ka macaashidda jagadaasi waxa ay leedahay dhowr muuqaal oo ay ka mid yihiin:

B-Bixinta fursado shaqo iyo qandaraas

Masuulku asagoo ka faa’ idaysanaya jagada uu hayo, In uu siiyo qandaraas shirkad uu asagu wax ka leeyahay ama qoyskiisu leeyahay,sidoo kale qandaraaska shirkada la siiyay in uu shardi oga dhigo in uu ku yeesho saami .

T-Faafinta sirta shaqada:

Xarumaha danta guud iyo wasaaradaha , waxa ay soo bandhigaan shaqooyin ay shuruudo ku xiranyihiin oo tartan loo galayo , haddii qofka ka masuulka ah jagadaas uu sirtii iyo su’aalihii imtixaanka, u gudbiyo dad asaga xigto la ah ama uu laaluush ka qaatay, si adeegaas ay uga faa idaystaan, waxa ay noqonaysaa dhac loo gaystay hantidii dadwaynaha.

J: Deeqaha waxbarashada

Haddii la helo fursado deeqo waxbarasho oo dowladdu bixinayso ama laga helayo dalka dibadiisa, kuwaasoo u baahan dadka  la siinayo inay maraan imtixaano iyo tartan,  haddii qofka masuulka ah ama kooxaha xilalka hayaa ku koobaan xigaalkooda, ubadkooda ama dad ay laaluush ka qaateen  lana dhaho iyaga ayaa ku guuleystay waa qayb ka mid ah dhaca iyo boobka hantida.

  1. Xil gudasho la aan

Qofka shaqaalaha ah ee ka shaqeeya xarumaha dadweynaha waxa uu ku shaqeeyaa heshiis. Waxa uuna ku qaataa shaqadaas Bilgoosad(mushaar) iyo xuquuq kale. Haddaba waxaa saaran qofkaas shaqaalaha ah,  in uu dadweynaha ugu adeego hufnaan iyo kala sooc la aan sidoo kale uu adeegaas iyo shaqadaas ku qabto, sidii lagu heshiiyey, Maalmo la yaqaan iyo gooro la yaqaan sida ku cad heshiiska uu galay ee uu ku mushahar qaato.Haddii taas ay dhici wayso, waxa ay noqonaysaa ku xadgudub hantidii dad waynaha oo lagu xad gudbay.

B-Is daba marin hawleed

Shaqaalahii oo ka soo dib dhaca xilligii shaqada  iyo ka bixidda shaqada ayadoon la gaarin xiligii ay dhamaanaysay inuu iska maqnaado shuruud iyo wargelin la’aan(Cudur daar)I n aan la dhawrin waqtiga shaqada oo shaqaalaha uu ku bixiyo waqti badan danihiisa gaarka ah sida sheeko ,cunto iyo xaajo gudasho iyo salaad sunno ah tukashadood, iyadoo aan la qaban hawl maalmeedkii la rabay in la dhammeystiro.

T-Adkaynta adeegyada xafiisyada:

In shaqo lagu qaban karo muddo yar laga dhigo mid waqti dheer qaadanaysa. Si loo dhibo qofka muwaadinka ah ee adeega u baahan, dhawr barina la iska daba celceliyo  ama uu daalo qofkaasi iyadoo looga gol leeyahay inuu bixiyo hawl fududay(Sharuur ama Caano) Laaluushka magacyada cusub ee loola baxay.

Waxaa  mudan in la dejiyo xeerar iyo  qawaaniin ma dhaafaan ah oo dhammaan boobka dahsoon ee aan ka soo hadalnay  xadidaya si loola dagaallamo, lunsiga iyo dhaca  hantida dadweynaha si dadban iyo si toos ah.

W/Q: Shaafici Macallin Axmed

SHEEKOOYIN