Home Qoraallo GORFEYNTA MAANA-FAAY W/Q:- Xuseen Maxamed Cabdulle ”WADAAD”

GORFEYNTA MAANA-FAAY W/Q:- Xuseen Maxamed Cabdulle ”WADAAD”

0
SHARE

FALAQEYNTA MAANA-FAAY

MAANA-FAAY….

Waa Buug Sheeko-faneed casriya, soona ifbaxday xilli baahi loo qabay. Waxa ay aheyd tii nooceeda ugu horreysay deegaannadeeda, waxayna noqotay curaddii sheeko qoraaleedka casriga ah ee soomaalida, waxaa ka farcamay oo waddadeedii qaadday kuwa badan oo iyana galay sooyaalka sheeka qoridda soomaaliga. Sheekada ama qisada MAANA-FAAY, ma aheyn uun waddada ay jeexday ee sheeka qoristeenna, balse, waxa ay farta ku fiiqday wax badan oo horteed aan laga hadal lana tilmaamin. Qorayaashu kala culus, kalana heli og magac-bixinta ay wax ka qorayaan, kuna kala geddisan hababka iyo halbeegga ay u maraayaan wax gudbinta, sidaa aawgeed, M. D. Afrax tiisu waa mid gooniya.
Dr. M.D. Afrax oo ah qoraha Qisada MAANA-FAAY, Waa Halyeey Jebiyay albaab xirnaa oo in badan oo qalinleey ahi ay ka baqayeen in ay ku dhiirradaan, kuwaas oo ku quus qaatay ”Ishii ow Weeroow ka laalaadday”. Kuwaas oo kolka ay wax qorayaan shuka huwinayay waxa ay bulshada u gudbinayaan, Maana-faayse wixii lala ganbanayay ayey bannaanka soo dhigtay.

    Adduunyadu, waxa ay isku raacday; {194-8dii} Baaqii Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ee ahaa: ”xuquunal insaanka”, kaas oo u oggolaanayey in qof kastabaa uu xur u yahay cabbirka aragtidiisa ”hadal iyo ficilba”, balse, waxa nasiib darro ah in ilaa iyo maanta aanan waddamo badan laga oggoleyn xurriyadda cabbirka aragtida. Xilligii MAANA-FAAY soo if baxdayna waxaa reebbanaa fikir kasta oo ka hor imaanayey aragtidii XHKS ama aan aheyn wax isaga lagu buunbuuniyo waxqabadkii kacaanka.
Uma jeedo, umana socdo in aan waayihii hantiwadaagga cilmiga ku dhisan ka faalloodo waxna ka sheego, balse, waxaa uun aan rabaa in aan ifiyo xaaladdu sida ay aheyd soo ban-bixiddii qisada Maana-faay iyo qoraagu dhiirranaanta uu muujiyay amminkaas. Qisada MAANA-FAAY, maxay ka hadleeysaa oo ay ugu noqotay tuurta ama (kuriska) dhacdooyinka qoran ee soomaalida?

dhacdadaanu, waa dhab ka hadal ay ka dhex buuxaan qisooyin kala socda, haddana wada socda oo soo wada jiidaneyso dadyow kala geddisan ”kala xillli ah ”Nolol aan isku arag”, kala aqoon ah, ”heerka ogaal ku kala sarreeya, kala garasho badan oo haddana, kala mansab iyo nilge ah”, taas oo mid walbaahi ka helaayay wax gaar ah oo uu isagu daneynayo, waana tii keentay in maalmaha ay xiddigta oktoober ku soo baxeysay aan suuqa laga waayi jirin war-tebiyayaasha oo idil. Anigu, waxaan ogahay dad ku waayay shaqadoodii dawladeed aqrinta iyo xiiseynta qoraaleedka MAANA-FAAY.

Sheekada MAANA-FAAY, waxay ka hadleysaa dhaqan jiray oo u baahnaa in laga guuro, si asluubeysan oo deggen ayayna bulshada ugu baraarujineysay, waa dhaqankii ”Maqabbiyannimada”, kaas oo ay ku lunsaneyd xuquuqdii gabdhaha soomaaliyeed, dhaqankaas oo ahaa, mid keenayay in gabadha kolka uu naaskeedu soo kobco mininka ”guriga” lagu oodayey loona diidayey in ay waxbarato ama iridda aqalkooda dhaafto. Waxa uu ahaa dhaqan adag, ka hadalkiisana aan lagu dhiirran karin, xilliga ay sheekadu curatay, si gaar ahna dhaqankaas gurracan si aad ah ayey u ifisay dhacdada MAANA-FAAY”.
Dhinac, waxay ka bidhaamisey Jaceyl iyo kalkacal qoto dheer oo sheekadu ku dhameysay farax iyo yiddidiilo mug leh oo u soo muuqatay lammaane is jeclaaday dhib iyo rafaad badanna isu maray, sheekadu waxay muujisay culeyska jaceylka, waayahiisa iyo xikmaddii aheyd: ”waxaan loo dhibtoon lama dheefsado”. Dadku dhinac waxa ay sheekada kala socdeen jaceylka mugga leh ee dhex maraayay Axmed Jaamac iyo Maana-Faay.
Ka rogoo haddana laba saare, dadka qaarna waxay kala socdeen naqdin iyo iftiimin ballaaran oo qoraagu toosh lix qaada uga daba qaatay kuwa magaca kursiga dowladeed ku dhacaya hantida ummadda, wuxuuna tusmeeyay qaabka iyo falalka foosha xun ee ay ku kacayeen qaybo ka mid ah madaxda bulshada, kuwaas oo lahaa garbo ka daafacaya, wax ka qabadka waxa ay sameynayeen, si isku kalsooni ku jirtana u falayey xumaantii ay doonaan.

       Kuwa noocaasa waxaa tusaale noogu filan tusmada iyo tilmaanta ay qisadu ka bixineyso Maareeye Jaamac Dhegeey oo ah Eng. Axmed Jaamac aabowgiis.
Siddeetamaadkii, kolkaan aqrin jiray; sheekada MAANO, waxaan is dhihi jiray goormaa lala boodi doonaa saaxiibkaa Afrax, weliba marka uu farta ku godayo Jaamac iyo nuuciisa. Haddaba Jaamac, maahan ruux jira, wuxuuse u taagnaa dad ku kaca ficilladaas gurracan ee ay qisadu werineyso, waana tan sheekadu ay gabagabada soo joojiheyso CEEB iyo LAMA ARAG.
Doc kale haddii aan ka istaago dhacda, waxay farta ku fiiqday dhaqan bulshada ku soo badanayey oo ku saabsanaa: ”Qayil, tumasho, kufsi, boob iyo kuwa kale oo badan. Waxaad eegtaa kaalinta ay ku leedahay qisada BAYDDAN-Shabeel, waxa aad ku arkeysaa fasaadka iyo sida gabdhaha yaryar ee reerahoodu ay skuulka ama suuqa u dirsadaan sida loo shir qoolayo, looguna gacan gelinayo, odayo tuugaa oo ma xishoodayaal ah oo u tafaxeytay kuna shooba, (dhiqleeya) xummaanta, kuwaas oo sheekadu bidhaamineyso masiirka u dambeeya iyo halka xumuhu ay soo joojinayaan. Sidoo kale sheekadu, waxay digniin sarbeeban ay siineysaa, kuwa kaloo badan oo ku soo jiro jidkaas fisqiga iyo xumaanta ah.

Qisada MAANA-FAAY, waxa ay ku bareysaa wax badan oo aad u baahan tahay, waana hubanti kolka aad kala furto inuu baalba kan xiga kuu dhiibayo ilamaa aad garato sheekadi oo kaa dhammaatay oo aad dib ugu noqoshadeeda billowdo, waa silsillad xiran oo gunud walbq tan xigta si xeeladeysan kuugu dhiibeyso adiga oon dareemin.

Waxaan leeyahay hambalyo walaalkeey/saaxiibkeey Afrax iyo Maxamed Cartan (LOOHPRESS) oo si qurxoon u soo daabacay daabacaaddaan 4-AAD ee MAANA-FAAY.

W/Q:- Aqoonyahan/qoraa Xuseen Maxamed Cabdulle ”WADAAD”
Xariir:-huswadad@hotmail.com

SHARE