Home Curis GARBADUUB Q9AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q9AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q9AAD

Guhaad oo xasuustaas iyo waayaha dhex dabbaalanaya, maankiisu ku hawshan yahay oo isla baraad la’ ayaa mar qudha maqlay sanqadh xooggan iyo dad is daba dudaya,  hadduu dhankii albaabka eegayna, waxaaba soo galay koox uu horjoogo taliye Duubane, waxba lama weydiine inta dhankiisa la soo aaday, ayaa lala booday inta afarta addin la qabtey.

Waxba markan baqdini ma gelin waayo waa hayimay, dilka iyo garaacana waa qabatiyey wuxuu ku talo galay in sidii waagii  loo geli jirey uun loo gelayo, markanse hawshu waa ka duwan tahay.

Inkastoo uu kadeedkii iyo xakaarki uu ka nasta ammin xoogaa ah, dilkii iyo garaacina laga joojiyey, balse hatigaadi iyo cagajugleyntuba dilka ka daran, waxaa la keenay barxada dhexe ee qabir dadeedka, oo nalal waaweyn ka shidan yihiin, jilbaha ayaa dhulka loo dhigay meel dhagax quruurux iyo qalaxi buuxo, idnahana waa laga xidhay.

Isagoo mugdi ka soo baxay nalalki ifka badnaana aragiisa mugdi geliyeen ayaa haddana indhaha laga sii xidhay,  waxaana la saaray baabuur, In ku dhaw 45 cagood(miridh) la joojiyey baabuurkii, baabuurku wuxuu ahaa baabuur gaashaaman oo aabudhan ciidan ayaa hareeraha ka fadhiyey, balse markii la joojiyey ee iridka la furay ayuu maqlay hugunka iyo guuxa hirarka gugcaya waa uuna dareemay in meel xeeb ah la keenay.

Taliye Duubane ayaa qaylo dheer ku faray  inay ciidanku is diyaariyaan isagoo leh ” Diyaar garow, wuxuu kale oo maqlay jaanta ciidanka digtoonida galay oo uu ku mutuhiyey ilaa lix ciidan ah, mid ka mid ah ayaa intuu sida awrta u tujiyey oo jilbaha dhulka u dhigay ayuu xadhigii gacmaha uga xidhna ee garduubka loogu xidhayna ku giijiyey.

Guhaad wuxuu oggolaaday geerida, waa nin ciidan ah oo si wanaagsan loo tabbabaray, wax argagax ah lama uusan kulmin, waayo hore ayaa loo siiyey tabbobarka iyo u adkaysiga maalinta geeridu ku timaad inuusan bilqan oo cataabin, haddana waxa uu arkay inay kama dambaystii tahay.

Markuu maqlay sanqadha qoryaha xabbada la raacsiiyey,ayuu intuu si wanaagsan u soo jilbaha oo dhulka ugu aastay luquntana toosiyey isu diyaariyey  inuu geeri gobeed dhinto.

Kaddib ayaa mar qudha ooda looga qaaday rasaas, habaaska iyo ciida ay kicinayso faniinkeeda ayuu ku asqoobey, sanqadh xooggana waa mid aan ku cusbeyn oo waa nin tabbobar ciidan qaba, maantase wuxuu sugaya geeridiisi.

Markii ilbidhiqsiyo xabbadu dhankiisa ku soo dhacaysay welina uu jilbihii dhulka ku hayo,  balse waxaa ka dhaadhacsan xabbaduhu waa ku dhaceen ee weli xanuunka ayaan ku soo gudbin.

Garowsay markan inaysan xabbaduhu ku dhicin wuxuu is weydiiyey sidee wax u jiraan? Ugu dambeyn waxaa isa soo dul taagay oo dhafoorka ka saaray Bastoolad taliye Duubane  wuxuuna ku celceliyey weydiimihii hore loo weydiin jiray isagoo leh waxaad haysataa kansho wanaagsan inaad naftaada badbaadiso.

Guhaad ayaa intuu si karti leh ula hadlay ku yidhi “ Taliye waad ogtahay inaan ahay nin ciidan ah, haddaan ka baqanayo geeri iyo xabbad shafta layga dhuftana ma aanan gashadeen dharka giirgiirka leh ee ciidanka, marka inaan dhimanayo haygu hanjabin , ciddii ku soo fartay inaad i disho fuli waxay ku fareen, haddii kale guulguulka iga daa, waxaan ahay nin dalkiisa iyo dadkiisa u dhaartay, halkana waxaa i keenay dad aanan ogayn ujeedka ay ka leeyihiin noloshayda”

Taliye Duubane waa nin loo carbiyey raxanraadinta iyo kadeedka ciidanka, waxaana loo soo gudbiyaa keliya qofkii xog ciidan laga raadinayo oo dalka iyo dadka godob ka galay.

Waa uu arkay waana garowsaday nin da’daa jira oo intaas oo kadeed ah uu marshay in uusan waxba ka soo saari karayn inuu dilo maahine, waxa uuna amar ku siiyey ciidanka in dib loo saaro baabuurka.

Isagoo sidii indhaha uga xidhan ayaa lagu soo celiyey halkii laga waday iyo godkii madoobaa ee uu ku xidhnaa.

Oday Dirir oo ka werwersanaa ” Kor waayeel waa wada indhee” isna lahaa caawa waa habeenkii colki qalan lahaa wiilka yar ee dhallinyarada ah,  ayaa ku obsiyey una riyaaqay markii isagoo nool dib loo soo celiyey, Oday Dirir iyo Guhaad yaannu xidhiidh wanaagsani kala dhaxeyn, haddana waa dad nolosha ku deris ah qol madoow waa is weheshadaan.

Dirir wuxuu ahaa nin madax ah oo milge iyo maamuus bulshada dhexdeeda ku leh, nin dareen dal jacayl iyo gobonnimo isku darsaday, nin bulshadiisa ku hawlan horumarinteeda, waxaase halkaas dhigay, niman u qaba ciil iyo godob hore oo kula dagaalansanaa oo uu ka diiday wax is daba marin iyo hanti lunsi, taasoo keentay in lagu oogo qaan iyo eed uusan falin lagana dhigo nin dalka iyo dadka dhagray.

Niman ay in badan is yaqaaneen kuna hawlan dib u dhaca iyo kala dilka bulshada oo ugaadhsi ku haya qof walba oo ay ku tuhmaan ama ku tebayaan wanaag iyo dal jacayl.

Dirir ayaa laf dhuun gashay, kaddib markuu ka ilaaliyey inay gacantooda gasho lacag iyo hanti booli ah oo aan waddo xeerka ku qotonta loo soo marin.

Tuug iyo nin hufan heshiis maaha ee waxaa loo maleegay dabin waxaana u tashaday niman xumo isku biirsaday iyo inay bulshada dhibaateeyaan.

Kaddib ka soo noqoshadii dagaalkii xabashida dalku wuxuu galay is qabqabsi iyo kala orod, tuhun iyo dareen qofba qofka kale iska dhawro, waxaana arrintaas kansho ka dhex helay,  raggii ciilka iyo utunta hore qabay Dirir oo weligoodba la goobay shirqool ay ku dhagareeyaan. Kooxahani ma jirto aano iyo anafo aan ahayn inuu ka ilaaliyey hantida dalka inay si qalloocan u adeegsadaan.

Kooxdan “Gaashaanbuurta” waa koox isku xidhan oo ka midaysan inay awoodda iyo heerka maamuus ay joogaan ku daneystaan, kaalin walbana dowladda way kaga jiraan, marka way fududahay inay u maleegaan dabin qofkii ka hor yimaadan rabitaankooda iyo hawshooda eek u ad adag xeerka iyo heshiis bulsheedka dalka u degan.

Ugu dambeyn waxaa  ay daba socdaanba waxay gacanta ku dhigeen dhammaan gacan yarayaashii Dirir oo malas loo daadiyey, Afkana loo buuxiyey, balanqaad wanaagsan iyo kor u qaad heer hawleedna loo carrabaabay.Dirirna waxay ku soo xidhay meeshan  iyagoo  ku oogay qaan uusan qabin.

Markii Guhaad la soo geliyey ayaa Dirir oo arrinkiisa aan waxba ka mooganeyn, qayladiisa iyo saskiisa habeenkii oodhana ka war haya, ayaa isku dayey bal inay wada hadlaan.

Oday Dirir ayaa isku dayey markan inuu wareysto, wuxuu yidhi “Wiiloow dhibka ku haya amba waa soo maray, saddex bilood oo dhalatay, dhammaatayna ayaa dil iyo garaac laygu hayey, jirkaygana meel nooli ma jirto, markay iga daaleene, waxay igu soo tureen meeshan, waana laga baxaya goor ay noqoto guul iyo geeri midkood.

Guhaad oo hadalkan dhiirigelinta ah u riyaaqay  isagoo markan uu ka baxay tuhunkii uu hore u qabay ku yidhi “ Been maaha adeer   waa laga  baxaya nolol iyo geeri midkay noqotaba”.

Dirir oo dareemay inuu soo dhiiraday Guhaad ayaa si degan oo kooban ugu warceliyey “Magacaygu waa Dirir Colaad, waxaana meeshan ku xiranahay shanta intii aad ila joogtay iyo Lix bilood kaa sii horreysay, maalin welibana waa ii tirsan tahay gardarada godkaa madoow laygu riday, waxaa halkan lay keenayna ma ogi waxayse ila tahay waa kaa xoog badni”.

Guhaad ayaa yidhi “ Adeer magacaygu waa Guhaad Samatar, dhibta ku hayana maaha mid iga qarsoon, aniga laftaydu haddaan ogaan lahaa waxaa aan meesha ugu jiro ama ay jiri lahayd gabboodfal aan sameeyey, dhib uma arkeen waayo waxaad gef geysato in laga gooya maaha wax culeys ah, waxaase wax laga tiiraanyoodo ah, dalkaad u halgameysay iyo dadkaad u halgameysay markay horror kaa dhigaan oo ku halgaadaan”.

Intaas markii lays dhaafsaday ayaa waxaa soo wareysigii dib u bilaabay, Dirir oo yiri “Ciidanka miyaad ka tirsanayd?”

Guhaad “Haa, ciidanka xoogga dalka, weliba waxaan ahay kabtan buuxa, waxaan ka mid ahaa ardaydii markay dugsiga sare ka baxeen ee gurmadka soo mareen iyagu doortay inay ka mid noqdaan ciidanka, waxaana  tababar laygu direy dalalka masar iyo  talyaaniga.

Waxaan ahay sarkaal ka tirsana qaybta 91aad kana hawl gala guud ahaan gobollada Kor iyo Oogo, inkastoo aysan jirin meel u gaar ah ciidanka oo hadba talisku meeshii rabo kuu dirayo, waxaan  ka mid ahaa ragga ayaanka iyo cawada u helay in deegaankii ay ku koreen ay ka adeegaan kana hawlgalaan.

Dirir oo garowsaday marka ninkan in dhibka haystaa uu la mid yahay kiisa ayaa u bilaabay inuu uga  sheekeeyo noloshiisa wuxuu yiri:………

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE