Home Curis GARBADUUB Q10AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q10AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q10AAD

Dirir oo garowsaday marka ninkan in dhibka haystaa uu la mid yahay kiisa ayaa u bilaabay inuu uga  sheekeeyo noloshiisa wuxuu yiri “Wiilyahaw wax kasta aad jeceshahay ama aad si aragto, waxaa jira dar si ka duwan kuu arka, wanaaggu dadka qaar waa dhibaa, kuwana waa u dhaqan.

Waxaan ku indho dilaacsaday soomaali oo mid ah isku duuban oo wadajirta nacabkii saancaddaalaha iyo gumeysiga dhan uga soo wada jeeda,  anigoo yar oo reer miyi ah, ayaa kacaankii gobonnimada doonka ee xera geelka looga sheekaynayey laabtayda xulay, waxaan  go’aansaday inaan geela iyo reerkaba iskaga tago oo  aan ka baxsado.

Waxa aan rabaa inaan ka qaybgalo gobonnimodoonka oo aan ku biro dhallintii leegada oo aan naftayda u huro dalkayga iyo dadkayga

Waxaan imid magaalada Mahadweyn oo aanan cidna ka aqoon gaar ah marka laga reebo adeerkay Abtidoon oo aabbahay ay ilmo habreed yihiin aadna noo dhaqaalayn jiray  oo dhar iyo cunto magaalada nooga soo diri jirey, aabbena socoto walba wax ugu soo dhiibi jirey inuu maqalka ku hayo inuu deganyahay magaaladan.

Adeerkay waa nin magac dheer oo si weyna looga yaqaanay magaalada.Markaan in cabbaar ah meelaha warwareegay  ayaan bilaabay baafis iyo yabooh si aan adeerkay cid taqaanno u helo. waxa aanan markii dambe helay islaan taqaan iyada ayaana siday ii waday gurigiisa ii geysay.

Adeerkay waa i soo dhaweeyey si kal iyo lab ah, waxaana layga dhigay nin guri boqortooyo yimid, adeerkay waa nin furfuran oo reer magaal ah, kaftan badan, inkastoo uu hawshaysnaa oo arrimaha ganacsiga iyo hawsha gobonnimo doonku ku hawshaysnaa,  haddana aniga iyo carruurtiisa oo iga yaryarayd, aad buu nooga war hayey noona siin jirey ammin iyo milay uu nagula caweeyo.

Markaan laba maalmood joogay ayuu ii yeedhay wuxuuna i weydiiyey “ Maxaa reerkii kaa keenay? Maxaadse u socotay in aad magaalada ka qabsato, bal ii warran adeer?”

Anigu ma laba labeyne waxaan idhi “ Waxaan dad badan oo magaalada ka yimid ka maqlay in Leego la aas aasay oo dalka gobonnimadiisa u dirirayaan, gumeystaha iyo saancaddaha cadna dalka laga saarayo, aniguna inaan ku biiro Leegada Ayaan rabaa”.

Adeerkay ayaa arrinkan u qaadan waayey, waayo anigu ma ogeyn inuu isagu xubin weyn ka yahay Leegada, kuna jiro arrimaha dedaalka dalka iyo dadka gobonnimada loogu goobayo.

Adeerkay ayaa gacanta iga qabtay waxa uuna i geeyey meel guri ku dhextaal oo weegaar ah, oo la daleeyey, oo ay rag badani dhooban yihiin, kaddib intuu is dhex taagay ayuu yidhi “ Ninka u maleeya waxa aynu halkan ku hayno qarow iyo calwasaadoow, bal ilmahaa yar wareysta, wuxuu ka yimid, Maygaag cadde, wuxuuna u yimid Mahadweyn  bal weydiiya!

Nin odaya ah oo gadhweyn oo filsan astaantii salaadduna foolkiisa ka muuqato ayaa hadalkii bilaabay oo yidhi: “ Wiilow bal loo warran?”

Markaas ayaa amigo waxooga firka nax iyo dareen xishoodihi i galay haddana intaan xiniinyo is galshay u sheegay intaan adeerkay u sheegay,  aad baa loo wada riyaaqay, waana layla booday, waxaana noqday  tusaale lagu dhiirigeliyo dhallinyarada iyo kuwa iga waaweyn.

Habeenkaas ayaa waxaa ii curatay nolol ka duwan tii miyiga, waxaana laba maalmo kaddib markii lay arrad tirey lay geeyey dugsi quraanka, inkastoo dugsi quraanka hore aan miyiga ugu dhiganayey oo wax yar baa ii dhinaa, waxaa kale oo maalmo kaddib lay geeyey dugsi waxbarasho.

Waxaa adeerkay Abtidoon igu dhiirigeliyey inaan waxbarto si aan dalka u horumariyo una noqdo nin dadkiisa u hiiliya. Maalintaas kaddib waxaana noqday nin firfircoon, oo dedaal badan, dhinaca kale halganka dhinacayga Ayaan kaga jirey inkastoo aan yaraa.

Markaan waxbarashadii dhammeeyey ayaa adeero ii qalqaaliyey in dibadda lay qaado oo aan waxbarashada ku soo dhammaystirto dalka masar iyo dalka talyaaniga.

Markaan dalka ku soo noqday iyadoo gobonnimadii la qaatay, waxaan bilaabay inaan si hagar la’aan iyo iskaa wax u qabso ah ugu shaqeeyo bulshada soomaaliyeed.

Dareenkaygii dad iyo dal jacaylka ahaa igama bixin waxaan tegay dalalka masar iyo talyaaniga oo labadaba aan waxbarasho u tegay, waxaan ku naaloonayey in dalkaygu ka qurux badnaado kana dhaqaale badnaado.

Ammin kooban kaddib soo laabashadaydii waxaa geeriyooday  Adeerkay inkastoo loo aaneeyo in nacabkii saancaddaaluhu shirqool u dhigeen waxaa lama huraan noqotey inaan la wareegay xilkii agoontii adeerkay iyo dhammaan qoyskii aan ka dhashay, waxaan ka mid noqday dadkii ugu horreeyey ee wasaaradda maaliyadda ka hawl bilaabay.

Dirir wuxuu yidhi: “Waxaan habeen iyo dharaar ku heegan inaan aqoonteyda dalkayga ugu adeegayo waxa aana hawlanaa horumarinta dhulkayga.

Halkaa markuu marayey ayuu yara aamusay oo goroda laadlaadiyey, wuxuu sii watay hadalkiisii wuxuuna uga sheegay Guhaad  in uu ahaa Aabbe iyo waalid u taagan korinta ubadkiisa sidoo kalena nin u dhaartay horumarinta dalkayga.

Waxaa layga dhigay tuug taasoo ah arrin sooyaal xumo u ah ubadkayga in aabbe tuug ahi dhalay oo waxay ku noolaayeene tuugo ahayd, waxaa kale oo abaalkaygii laga dhigay in garbaduub lay xidho, habeen iyo maalina laygu jidh dilo layna garaaco waxaanan war iyo wacaal ka haynin.

Guhaad oo aad ula murugooday ayaa weydiiyey “Sidee baa laguu dhagray? maxayse tahay tuuggada lagugu haysto? yaa ku shirqooleyse?

Dirir oo weydiimahan ka warcelinaya ayaa wuxuu u sheegay Guhaad, waxaan ahaan nin hufnaan iyo dhawrsoonaan ku guta xilkiisa iskana ilaaliya in shilin booli ah ku soo weecdo, waxaan dalka u shaqaynayey laga soo bilaabo  1961-1983 ammin gaaraysa 22 gu’  inkastoo aan  Hawlfalyo(mashruuc) badan oo horumarineed ka soo qabtay wax inta badan waxaan u ahaa hawlwadeen wasaaradda maaliyada ah.

Waxaan deganahay guri shan qol ah oo xaafaddaha magaalada ee dadweynuhu deganyahay ku dhexyaal, gurigaasna  shan gu’ ayuu dhismihiisu igu qaatay, iyadoo weliba dad xigaalo ah iyo widaayo igu garab istaageen inaan carruurta guri u dhiso, weligayna  gaari ama baabuur ma yeelan, waxaa jirey mid dowladdu i siisay oo ay iska lahayd.

Ninkaygii sidaa ahaa waxaa laygu eedeeyey inaan lunsaday hanti gaaraysa 40 Milyan oo shilin soomaali ah, arrinta la yaabka leh ayaa ah in lagala baxay kaydka dowladda lagulana baxay sumadinteyda(saxeex) laba Milyan oo ka mid ahna lagu xaseeyey oo lagu qariyey qol hawleedkayga(xafiiska) meel ka mid ah, markii laamaha xog doonka iyo xuuraanku baareena lacagta maqan iyo mida laga helay xafiiskaygu waa isku tireyn.

Qareen walba oo lay qabtay wuxuu ka gacan taagay waayo maalinta aan u dhiibo galalkayga habeennimada ku xigta isaga oo wada ayuu ii keenayey.Waxaa ugu dambayn layla tiigsaday garsoorka iyadoo lay sheegay in baadhitaankaygu soo dhammaaday wax walibana ay igu cad yahay waxaana halkan ku sugayaa  dil toogasho ah, waxaa laygu qaaday xeerka  “Xisaabi xil ma leh”

Intaa uu hadlayo Dirir Colaad waxaa indhihiisa ku taagan ilmo ciilka iyo caloolyowgu ka keenayo waana faruuryo qaniinsan yahay. Guhaad waxaa ka soo hadhay indho keliya waxaa uuna aad ula yaabay meesha laga wada maagay isaga iyo Dirir inay isu eg yihiin.

Dirir, wuxuu u sheegay in ilaa hadda uusan garanayn cidda shirqoolkaas u dhigtay, balse hadduu garanayo inaanu sinaba u dhaafeen ee uu ka aar gudan lahaa, wuxuu yidhi: “ Intaan halkan ku jiray ma jiro qof qoyskayga ah oo i soo booqday ama aan arkay,  mana ogi xaalka ubadkayga iyo ooridaydu ku sugan yihiin.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE