Home Curis GARBADUUB Q11AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q11AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q11AAD

Guhaad ayaa isaga oo raba inuu laabta u qaboojiyo wadnahana u adkeeyo ku yiri  “Adeer Diriroow igana waayo aragsanid igana  xog ogaalsanid, balse, ogoow in ay iman doonto maalin aad ka sheekayso, haddana arrinta ubadka iyo oorida aad ka dhawaajisay, eebbe u daa isaga ayaa ilaalinayaa, nacabka iyo colka kuu tashadayna waxba kama qaadi doonaan, waxaana ii muuqata in dalkeena duulaan hoose  iyo gacan shisheeye ku jirto, waana tan keentay in dadkii wanaagsanaa la ugaadhsado intii xumeydna la boqro.

Dirir baa yidhi “ Beribaa nin wuxuu garsoor xumo kaga timid nabaddoonka beeshiisa u tiriyey gabay dheera, waxaase ka hadhay halqabsi ahaa:

  • Rag caddaalad waayaa sidii, Cawsha kala yaacye
  • Caarrow shabeel iyo Dhurwaa, Nalagu cawreeye
  • Canka nagu gur bahal Goodiroo, Loo cimaamaday

Garsoorxumadu waxay dhashaa kala guur iyo guluf aan damin, waxayna kala goysaa laba gacmood oo wadajirey, ogoowna gabboodfalka maanta kuwa noo geysanaya waxba innagama dambeyn doonaan, iyagana waxaa heli doona duul ka awood badan oo naftooda halis iyo halako geliya.

Dirir  oo markan ka soo noqday xasuusti fogeyd ayaa intuu si haneedsan u soo fadhiistay go’iina dooyeystay yidhi “ Guhaadoow waxaan ku weydiiyey maxay ahayd gabadhan aad habeen iyo maalin magaceeda ku qarowdaa ee aad Ubaxeey ubaxeyda haysaa?

Guhaadbaa intuu naxay oo yaabay wuxuu ku hadlona  garan waayey yidhi “ Oo ma anigoo ku qarwayaad maqashay?”

Labadoodiiba waa isla qosleen, Guhaadna ogaa inaan waxba u qarsooneyn, markaasuu sheekada ugu soo bilaabay ilaa yaraantoodi, qaabkay ahaayeen iyo siday isula soo jaanqaadeen, ugu dambeyna wuxuu u sheegay inay noqdeen far iyo fargashi ama ul iyo diir ku midoobay nolosha kalgacalka.

Wuxuu yidhi “Ammin dheer ayaan kala gabanayn oo qof weliba wuxuu qabo qarsanayey, hase yeeshee, habeen habeennada ka mid ah, ayaa waxaa xanuunsatay hooyaday oo neeftu qabatay, kaddibna waxaa lay direy inaan doono dhakhtar in doora noo jirey inaan u yeedho ammintuna waa saqdhexe magaaladu awalba ma if badnayn haddana nalkii waa la damiyey meel furanina ma jirto, socodkuna waa dani kugu qabatay.

Ubax oo iyada iyo reerkooduba ku soo kaceen yabaqayaga ayaa  i tidhi waan ku raacaya, anna waan ka diiday, markaasay intay ii soo dhawaatay tidhi “ Haddii aad ii oggolaato inaan ku raaco war xiise leh oo aad la dhacdo  kuna dareensamaato ayaan kuu sheegi doona”

Waan yaabay waxaana is idhi tolow maxay kuu sheegi doonta waa ka yeelay aniguna waxa aan ka filayaa inay waxa aan rabo ii sheegto ileyn ku dhci waayaye ,way isoo raacday, hadba waxaan dhan kaga imaado ileyn oggolaaday oo iga hadh ma odhan karee, markii dambe ayaan weydiiyey “ maxaad ii sheegi lahayd oo aan u riyaaqi lahaa Ubaxeey?

Intey qososhay bay tidhi “Waxba ee inaan ku soo raaco ayaan rabay waana ku guuleystay inaan ku soo raace ina dheeraysi aan dhakhtarka u yeedhne”.

Dhakhtarkii ayaan u yeedhnay markuu arkay xaalka hooyo ayuu noo sheegay in dhakhsi loo baahan yahay in la geeyo xarunta caafimaadka gobolka ayna wanaagsan tahay in qof gaadhi leh oo deriska ah la raadiyo,. in qof gaadhi leh xaafadda laga doono,  waxaase jirey oo aan naga  fogeyn oday deriska ah oo hooyona ay xaaskiisa wax isku yihiine, isagii baana laga kacashay oo markuu arkay sida arrin yahay nala orday.

Yaa raacayaba intaan la odhan ayay Ubax la soo booday idinku iska seexda, anigaa wehelinaya Guhaad, reerkii oodhamina guddoon bay yidhaahdeen, sidaasaanuna labadayadii ku soo baxnay, mid walba oo naga mid ah kansho iyo meel cidla ah inaan isku helno waa jecelyahay.

Ubax iyo anigu habeenkii oodhan waa isla joognay hooyana dedaal iyo ogaalbaa loogu dhaqaaqay markii dambe Irbad baa lagu muday neeftiina waa ka soo raysay, kaddibna daalkii iyo hiinraagi ayay iska gataati dhacday oo seexatay.

Aniga iyo Ubaxna hurda iyo meel aan seexano ma aanaan hayne soo jeed baan ku qaadaney,  ugu dambeyn annagoo xiddigaha tirinayna ayey Ubax igu tidhi “wax maku weydiin karaa?

Anna waxaan ugu warcelshay “waxaad doonto i weydii ”Waxaana  na dhexmartay dood dheer iyo falanqeyn badan, waxayna ubax i weydiisay markii dambe:

Ubax: Guhaadoow horta walaaloow weligaa wax ma jeclaatay?

Guhaad: Haa weligayba wax waan jeclaa ilaa haddana waa jeclahay.

Ubax: Yaad jeclaatay?

Guhaad: Waxaad jeclahay hooyaday oo waa aniga  u soo jeeda amminta iyo milleyga aad arkayso.

Ubax: Kaasi waa dhalan jacayl ee waxaan ka hadlayaa dhaqmaati.

Guhaad: Maxay kala yihiin?

Ubax: Dhalan jacayl waa midka aad la dhalato dhuuxaaga iyo dhiigaagana raacsan, sida jacaylka walaalka, waalidkaa iyo gacalkaaga kale. Dhaqmaatina waa jacaylka dareenka qof kale kuu gala.

Guhaad: Haa aniguse si kale ayaan u aqaana.

Ubax: Sidee baad u taqaan

Guhaad: Jacayl guud iyo mid gaar ah, Jacaylka guud waa midka aad jeceshahay dadka kuu dhaw sida qoyskaaga, walaal iyo waalid,  widaay iyo  waxyaabaha ama walxaha naftaadu xiisayso ee ay ka hesho, jacaylka gaarka ahina waa midka ku yimaada dareen aad u qabto qof kaa cayn duwan  ama rag ah ama dumar hadba kaa tahay maahine kan kale.

Ubax: Wax garad baad tahay “ Oodi qaadis iyo jiidis waa isla meeshi” hadda waan isla garanay ee midka guud maahine miyaadan mid gaar ahba weligaa dareemin?

Guhaad oo cirka iyo dhulkuba ku yaraadeen xiddigihiina korkiisa yimaadeen, ayaa inta neef weyni ka soo fuqday la soo booday “ Haa waan jeclahay, balse inay i jeceshahay iyo in kale ma ogi, waana tan keentay inaan ka meermeero”

Ubax oo marna naxday marna obsiday ayaa is weydiisay armuu qof kale kuu sheega, oo aad bad isku gashaa, haddana waxay nabdiga iska tidhi “God iyo ninkii loo wado lama kala qariye” ha sheego cidda uu jecelyahay, waxay tidhi “ Oo waa tuma gabadhaas hooyadeed iyo aabbaheed inay dhurowdo eebbe uga tuugeen ee aad jeclaatay tolow ma garanayaa anigu?

Guhaad yaa ugu warceliyey “ Haa waad garanaysaa waadna taqaana aad oo weyn”

Ubax oo weli daba socota doonaysana inay weydiinteena meel cad uga soo hadhaa tidhi walaaloow waa tuma taasi?

Guhaad ayaa inta naf is galshay is yidhi meeshay doonto hakaala dhacdee kanshadan yeysan kula dhaafin markaasuu yidhi ” Cid kaleba maahee waa adigan Ubax Carraale ah!

Ubax shibay tidhi, waxayna kala saari weyday inuu yoolbaadhayo iyo iney dhab ka tahay, waxay garan weyday waxa ay kaga halceliso, waxaana dhanxanageeda ku dhegay hadalkii, waxaa wadnaheedu isu garaacay si saddex jibbaar ah sidii uu muggii hore isugu garaaci jirey, waxa isna  war dhawr ah Guhaad oo leeb ka fuqay naftiisa, balse aan ogayn waxaa uu kala kulmi doono, isagoo laba arrimoodba ula diyaar ah, inuu yidhaahdo haddey ku gacan saydho, waan iska ciyaarayey dhibkiisana qarsado iyo in haddii ay ka yeesho waa samaad u beryo doono berida gooraha gaabani ka hadheen.

Markuu dhankeeda ka waayey warcelin ayuu haddana ku dhiiraday oo yidhi “ Haddaan kuu sheegay cidda aan jeclahay, maxaadan wax u dhihin ee aad la aamustay”

Ubax oo meel ay ka wax billowdo la’ ayaa tidhi “ Naga daa ciyaarta ee qofka aad jeceshahay ee aad iga qarsanaysey ii sheeg, anigu ayaankaas iyo biligaa ma lihi aan Guhaad jacaylkiisa ku noqonaye”

Guhaad ayaa isaga oo dareemay in aysan waxba diidanayn balse xishoodku ka awood badshay, ku celiyey, sawtii xaalku ahaa maaha, Ubaxeey “ Ruux hadduu ku jeclaado, ku jantay baa la yidhaa” haddii aadan i jeclayn maad ku jantay iska tidhaahdid.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHARE