Home Qoraallo Dhaqan-gelinta kasmo nafeedka W/Q:- Nimco Mustafe Isxaaq

Dhaqan-gelinta kasmo nafeedka W/Q:- Nimco Mustafe Isxaaq

0
SHARE

Dhaqan-gelinta kasmo nafeedka W/Q:- Nimco Mustafe Isxaaq

Marka hore waxa iswaydiin mudan Cilmiga barashada naftu waa cilmi noocee ah, muxuu qabtaa, waa maxayse himiladiisu, ma yahay cilmirumaysan kala duwanaanshaha qofeed, diineed, bulsho iyo dhaqan?

Haddaba aqoonta barashada naftu (psychology) waa mid ka mid ah culuumta bulshada ( social sciences), ama culuumta loo yaqaanno culuumta bani’aadannimada (human sciences). Cilmigani waxa uu diraaseeyaa:-

-Habdhaqanka (Behaviour),oo ah waxa uu qofku samaynayo ama ku hadlayo, kaas oo ah wax la dheehan karo, sidoo kalena la arki karo (objective activity).
-Waxyaabaha caqliga ku saabsan ama shaqooyinka ka dhacaya maskaxda bani’aadamka gudaheeda (cognition activities), shaqooyinkaa oo aan la arki karin, balse, laga dheehan karo habdhaqanka qofka, sida: fikirka “thinking” xasuusta (memory), garashada “perception”…
-Dareennada (emotions and feelings), sida dareennada kala duwan ee ay ka midka yihiin; dareenka cabsida, farxadda, jacaylka, daganaashaha, cadhada, doonitaanka IWM […]

Marka la soo hadal qaado qof barta/bartay cilmiga kasmo nafeedka “cilmu-nafsi”, waxa maskaxdeenna ku soo dagdagta qof akhriyi kara waxa ay dadku ku fikirayaan ama ay nabdiga ku hayaan, iyadoon wax wada hadal ah ama xidhiidh ahi aanu dhex marin, waa fikrad aan xumeyn oo laga qaatey cilmiga yaaney sax noqonin ba e’. Waxa jira iyaguna dad fikradda qudha ee ay ka haystaan qofkaasi ay tahay, qof diin ahaan iyo dhaqan ahaan-ba qaldan oo dad aan muslim ahayn u adeega!!!

Aan u soo noqonno, muxuu qabtaa kasmo-nafeedku (psychology)? Kasmo-nafeedku waa mid ka mid ah culuumta adduunka ka jirta ee Ilaahay baray aadamaha, kaas oo ku dadaala fayoobaynta iyo waxtarka aadamaha, meelo kala duwanna ka shaqeeya oo aan odhan karno, waa cilmi looga baahan yahay meel uu aadame joogaba; ha ahaato goob shaqo, goob waxbarasho, goob caafimaad iyo goob kastaba e’. Hadafka cilmigan ee ugu weyni waa in la helo naf caafimaad qabta maskax fayowna, caafimaad qabkaa maskax ahaaneed oo aalaaba saameeya kan jidheed. Ixtiraamka kala duwanaanshaha qofeed, diineed, dhaqameed waa qayb muhiim ah oo ka mid ah cilmigan.

Hadaba, sidee ayuu caqabad ugu noqon karaa cilmigani bartayaasha Soomaalida ah ama muslimka ah iyo bulshadoodaba?! Cilmigani waxa uu leeyahay; akhaqiyaad iyo mabaadi’, kuwaas oo ah xeerar loo arkay in ay ilaalin karaan xuquuqda qofka bani’aadamka ah, si aanay dhib u soo gaadhin wax yaabaha qofka u gaarka ah, sida waxa uu aaminsanyahay (beliefs), dhaqankiisa iyo waxyaabaha la midka ah.

Shaqo kastaa waxa ay leedahay: akhlaaqiyaad (ethics) iyo ma dhaafaan (principles) ay waajib tahay in ay fuliyaan dadka mihnaddaas bulshada ugu adeegayaa. Akhlaaqiyaadka ay waajibka tahay in qofka bartay cilmigan uu ugu adeego bulshada waxa ugu muhiimsan ilaalinta dhaqanka iyo diinta ay bulshadaasi leedahay , ilaalinta sirta u dhaxaysa isaga iyo qof ka bukaanka ah ee uu u adeegayo (confidentiality), waxa iyana ka mid ah in aanu xidhiidh laba geesood ahi (dual relationship) dhex marin qofka ku shaqaynaya mihnadan iyo bukaanka. Way tiro badanyihiin akhlaaqiyaadka iyo ma dhaafaanka cilmigan qofka bartay laga rabo in uu ku dhaqmo. dhammaantoodna waa qaar u adeegaya bulshada. Waxa iyana mudan in aan hoosta ka xarriiqno in wax “akhlaaq” looga yaqaan meel cayiman ama bulsho dhaxdeed ay bulsho kale dhaxdeeda noqon karto wax aan waafaqsanayn akhlaaqdeeda, waana kala laba akhlaaq (dhaqan wanaagsan) oo bulsheed iyo mid u gaar ah mihnad oo akhlaaqda mihnadda waxa la waafajiyaa falsafadda insaaniyadda, taas macnaheedu maaha in dhaqamada ay bulshooyin leeyihiin iyo akhlaaqiyaadkoodu dhammaantood ay lid ku yihiin bani’aadanimada, balse, waxa jira waxyaabo tiro badan oo bulsho u taqaan wanaag oo lid ku ah insaaniyadda!.

– Ugu dambayntii maxaa la gudboon kasmo-nafeedyahanada soomaalida ah ama ka duwan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba dhiggooda (western psychologists)?

Waa muhiim in uu caalimka nafsiga ahi barto waxa uu yahay dhaqankiisu, waxa ay tahay diintiisu, iyo in uu jiro kala duwanaansho bulsheed, kala duwanaanshahaas oo aan ka hor imanayn in uu bulshada u soo guuriyo faa’iidooyinka aqoonta ay barteen. Sida aynu wada ognahay cilmi kasta oo cusub waxa uu maraa, caqabado ka soo waajaha bulshada uu ku cusub yahay. Fahamsiinta wajiga dhabta ah ee cilmigaasina waxa ay saarantahay dadka bartay iyaga oo tix galinaya aaminaadda bulshada ee diineed iyo tan dhaqan ee saxda ah, sidoo kale, waa muhiim ah ka hortagga ama baddalidda dhaqammada ay bulsho leedahay ee dhibaateeya qofka). Waa in aan xuso in ay jiraan aragtiyo (theories), kuwaas oo ka hor iman kara milgaha aadamaha, si guud muslim iyo muslim la’aan ba, taas oo lagaga gudbi karo in uu ahaado qofka bartaha/baadhaha ahi qof wax kala shaandhayn kara ( criticism).

W/Q:- Nimco Mustafe Isxaaq

Ahfad University for Women. Faculty of psychology( Counseling and Health Psychology).
nimamustafa3@gmail.com

SHARE