Home Curis GARBADUUB Q22AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q22AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q22AAD

Durtadiiba Dhuxuloow waxaa  uu diyaarsaday ciidankiisi, waxa uuna u kala qaybiyey laba qaybood  maxaa suurtagal ma ahayn inay wada baxaan, oo waxaa cabsi laga qabay haddii jabhaddu ka war hesho inay xeradii ka wada tageen, in ay soo daba marteeyan agabka, sahayda iyo hubka kala wareegaan ama gubaan.

Dhuxuloow wuxuu soo kaxaysay saddex baabuur oo la yaqaan Dhafoor qiiqa oo baabuur walbana waxaa saaran 20 ciidan ah,  iyo Afar Beebe oo ah baabuur gaashaaman oo qoryo ku rakiban yihiin.

Waxaa markay soo jireen jiidaal 10 km arkay siigada ay kicinayaan wiilal dadka deegaanku korjooge iyo heegan u direen  oo fardo watay ah, kaddibna waa ka soo hormareen si ay ugu digaan dadka tuulada.

Waa qaab ay isaga ilaaliyaan dadka tuuladan degani ciidanka iyo jabhada oo labaduba dhibaabe gaadhsiiyaan hantidoodana xoog ku qaataan.

Markii Faarax dhiin warka dhiillada leh soo gaadhay ayaa durtadiiba laga qarsaday wixii hanti culus ahaa ee looga baqayey, sida lacagta, dahab iyo hub wixii la haystay.

Waxaa kale oo markiiba warkii la gaadhsiiyey ilaaladii iyo labadii nine e martida ahaa waa Guhaad iyo Dirire, in la qariyo, waxaana la geliyey meel barkad ah oo deden oo aan loo fili karayn, Barkaddu ma buuxin oo waxa ay ahayd kala badh mana liqeyn, waxaana laga waraabinayey xoolo iyo dhaan.

Faarax ayaa la hadlay dadkii deegaanka inay is dejiyaan oo aysan dareen is gelin, isaguna uu la hadli doono, nimankaas maganta ah aan la sheegin.Dadkii tuuladuna  si degan oo aan dareen lahayn isaga joogaan.

Markii raggii la qariyey  hawshina si wanaagsan layskugu dubariday ayaa waxaa yimid ciidankii Dhuxuloow, waxa ay is dhex taageen tuuladii waxa ayna bilaabeen inay guri walba laba ciidan ah hor joojiyaan.

Dhuxuloow ayaa dadkii isagu yeedhay waxa uuna kor fuulay baabuur Beebe ah, isagoo cod dheer kula hadlaya ayuu yidhi: Nimanka baxsadka ah ee aad magaalada ku haysaan soo saara, haddii aad soo saari weydaan ogaada, guud ahaan tuuladan waan gubayaa, dadkii qariyeyna waan laynayaa inta soo hadhana Qabirkaan u taxaabaya.

Faarax dhiin baa yidhi: Taliye soo dhawoow, dadkani waa dadkaagi waana dadkaad ciidanka u ahayd, annagu xabashi ma nihin ee waxaan nahay dadkii soomaaliyeed, taliyoow ma nihin dadkaad maanta sidan ku odhan lahayd ee waxaan nahayd dadkaan col iyo shisheeye ka jiri lahayd.

 Annagu baxsi ma ogin laba nin oo diifaysan baa noo yimid, waana marti soornay, kaddibna xalay bay ambabaxeen,  waxa ayna aadeen oo afka saareen dhankaas iyo galbeedka, intaas wax dhaafsan ma ogin, rag hubeysana ma aysan ahayn, dad socota uun baan u arkaynay, waana xil na saaran ciddii noo timaad inaan marti qaadno, inay baxsad ahaayeena waa noo afkaaga.

Dhuxuloow warkaasi ma deeqin wuxuu bilaabay inuu dhallinyaro soo qabqabto oo garaaco, goobihii ganacsiga iyo maqaaxiyihiina wax allaale wixii gacantoodu qaadaysay ay ka qaataan, dadkii oodhana intuu meel bannaan isugu geeyey ayuu yidhi: Qof idinka hadhi maayo ilaa aad sheegtaan meeshay ku jiraan.

Dadkiina hadalkii Faarax ayuu qof weliba ku celiyey, haddaan wax qarinayno miyaan ku dhihi lahayn laba nin baan aragnay, haddana xalay bay ambabaxeen oo waxay aadeen dhankaas iyo galbeedka.

Waxaa marba imanaya koox ciidan ah oo sheegaysay in aannay cidna guryaha ku jirin oo meel walba ay baadheen.

Markii baadhitaankii dhammaaday ayaa waxaa uu bilaabay Dhuxuloow inuu hanjabo oo guulguulo dadkii, waase loo bixi waayey.

Dhuxuloow ayaa u yeedhay Cali Madoobe oo ahaa ninkii warka u keenay, waxaa uuna yidhi sheeg waxaad ii sheegtay?

Cali Madoobe ayaa isaga oo khalkhalsan oo isku dhexyaacay yidhi: In nimanku yimaadeen uun baan ogaa, in la marti soorayna waa taas laguu sheegay, balse inay baxsad ahaayeen iyagaa sheegay oo haddana Jabhadda u sii gudbeen ee haddii ay xalay baxeen waad ka daba tegi kartaan.

Dadkii baa amakaagay in Cali Madoobe oo deegaanka ka mid ahi yahay ninka warka u qaaday ciidanka dhibaatada intaas le’eg geystay isagu soo hoggaamiyey,  Cali Madoobe meeshaas magac xumo iyo buyuurt ayaa ka  raacday waa deegaankiisi waxaa goobjoog ah dadkiisii oodhan, xidid, xigaal iyo tolba looma kala maqna, qof welibana afkuu gacanta saaray.

Nin hunguri xumi hogbuu ku dhacaaye, Cali Madoobe maalintaas ayuu buyuur xambaartey oo dadka dhexdiisii ka noqday Tuke Cambaar leh.

Dhuxuloow hawlgalkiisii kuma guuleysane intuu galalafay tuuladii ayuu wuxuu afka saaray galbeed oo ah meeshii loo tilmaamey, balse raq iyo raad midna kama helin, laba maalmood markuu wareegayey ayuu iska guryo noqday.

Faarax dhiin waxa uu ku hagoogtay in labadaa nin gacantooda lagala baxo ee maganta ah, waxa uu diyaariyey oo ku daray rag dhul yaqaana oo dhaweeya sahay iyo lacagna waa siiyey.

Barkadii markii ciidanku baxay ayaa laga soo saaray dhankii ciidanku aaday maahine dhinaca koonfureed ayaa loo kaxeeyey dhul kaymo ah oo geeduhu jiq yihiin, oo wadiiqo la falo maahine iyo in la dusmeeyo aan lahayn dhabe iyo jid, sidaasaana lagu ambabixiyey.

Bile dheere waxaa gaadhay warkii oo Dhuxuloow waa u sheegay in nimankii uu tegay tuuladay joogeen balse hortiis ay ka baxeen uuna ku daalay raadintooda, intaas ka badana uusan soohdinta gudaha usii geli karin.

Bile dheere jiif iyo joogba waa diiday, waxaa uuna markan go’aansaday inuu isagu lugihiisa ku raadiyo. 

Waxa uuna Huruuse u sheegay inuu is diyaariyo ciidan laba Urur ah oo qalabkoodu u dhan yahay oo xul ahna diyaariyo, inay aadayaa soohdinta iyo dhinaca jabhada si ay uga daba tagaan ninkii Guhaad, inta uusan guryahooda ugu iman.

Huruuse meel baa go’day, balse xiniinyo ayuu iska baadhay oo waayahay buu yidhi, sidii ayuuna ku hawlgalay oo isku dubariday ciidankii, si weerar loogu qaado, tuulada Bali xagar iyo dhulka Qudhyaale.

Bile waxaa uu la hadlay Kediye una sheegay sida xaalku yahay, waxa uuna u sheegay inuu isaga baxayo oo gacanta ku soo dhigayo.

Kediye ayaa aad ula dhacay arrinka ah inuu Bile baxayo kaddibna waxa uu faray sidan: Bilow waxaad kaxaysaa ciidan kugu filan, beelaha meesha degan waa waa reer Duure iyo Dambarle, reer Dambarlaa xigsada qoladaa kala ka hub badan hub siiya oo dhaqaale sii dhallinyaradoodana soo jiido, si ay meesha colaad uga aloosanto, ogoowna  haddii meesha colaadi ka dhacdo, reer Duure dib bay u guurayaan, reer Dambarlena waxay helayaan deegaankii reer Duurle, halkaasna taageero buuxda ayaad ku hanan doontaa.

Qaabkan ayaa ahaa qaab ay gaashaanbuurto colaado uga abuurto dadka deriska ah, si ay u kala disho una hesho koox iyada la dhan ah, dagaal beeleedyada iyo naca deegaanka dhexmara ayaa kooxdan u ahaa guul iyo horumar, waxa ayna labadii reer ee meel wada deganba isugu dhiibeen hubka si ay birta isaga aslaan iyaguna u helaan kansho ay uga libinaystaan kuwa ay markaas duulaanka ku yihiin oo aan  helay garab deegaanka ah iyo meel ay ku irkadaan.

Dirir iyo Guhaad oo goor galabnimo ah cadceeduna godkeeda isu diyaarisay ayaa iyagoo carowsan oo meel madheedhka iyo geed nugeylku isku baxay oo cidla ah dhex maraya ayaa waxa ay mar qudha ka war heleen, rag caleemo ku raran oo aadan foolkooda arkayn oo hareereeyey, ha dhaqaaqina iyo gacmaha kor u taaga ayay ka war heleen,

Wax badan ayay afka ka maqleen Jabhad iyo kooxo hubeysan maantase gacantooda ayay galeen, markii la arkay inaysan hubeysnayn waxba laguma samey nee waxaa la geeyey, fadhigooda oo ahaa meel aan ka dheerayn.

Waa meel balbalooyin ciidan ka dhisan yihiin waxaa ka qodan dhufeysyo, sidoo kale waxaa  geedaha hoostooda si teelteel ah u yaal baabuurta dadweynaha  ee rarka qaada oo  shiraacan iyo laankuruusaro ah oo dusha ka jaran qoryona la dul saaray yihiin.

Markaan waxa ay arkeen inay u galeen gacantii jabhadda, markiiba waxaa loo geeyey, Gurxan oo ahaa ninka hoggaamiya ciidanka jabhada ah ee meesha jooga, waxaa dhinac fadhiya Jaamac Qaylo iyo Geelqaad.

Waxba lama yeelin ee waa la wareystay, waxaana la weydiiyey, meesha ay ka yimaadeen waxa ay u socdeen iyo ujeedkooda?

Guhaad ayaa si togan uga warbixiyey bilow ilaa dhammaad si weyna ugu falanqeeyey isaga oo qaab ciidan ahaana u tebinaya, una sheegay inuu yahay nin  ciidan ah oo Kabtan buuxa ka gaadhay ciidamada xoogga dalka.

Markii la yidhi magacaaga sheeg ayuu yidhi: Guhaad Samatar Digaale ayaa lay yidhaahdaa aabbahayna ciidanka xoogga ayuu ahaa waxa uuna ku dhintey dagaalkii xabashida iyo soomaalida.

Gurxan baa istaagay oo si haaneed le u gacan qaaday, ma Samatar Digaala ku dhalay, wallee laba xiniinyood dirac ah baa ku dhalay ayuu ugu daray.

Kaddib waxaa la wareystay Dirir, isagana waa la gartay waayo, wasaarad walba oo dowladeed iyo waax walba waxaa jooga dad haya diiwaankooda, oo garanaya qofka ka shaqeynaya iyo qoladiisa,  waxa ay garowsadeen inay labadooduba xidhnaayeen, maxaa yeelay warbixinta Dirir in la dilay iyo Guhaad mid walba gaarkiisa ayay u maqleen, inayse god ku jireen ma aysan ogeyn.

Waxaa la soo sheegay in hore loo soo weydiiyey Guhaad gu’ iyo dheeraad ka hor inay dileen iyo in kale, balse ay  ogaadeen toddobaad ka hor inuu noolyahay qabirka Godka nacab uu ku jiray kanna soo baxsadey.

Gurxan ayaa ku yidhi, wax dhib ah ma jiraan meeshan dowlad kama taliso mana timaad waxaad tihiin dad madax bannaan, haddaad nala joogaysaan oo nagu soo biireysaan iyo haddii kaleba, waxaa laydiin gudbinayaa, xarunta guud idinkaana go’aan gaadhi doona. 

Kooxaha hubeysan ee jabhaduhu kama xog doon yara dowladda, cid walba iyo qof walbana waa la socdaan, markii hore ma aysan lahayn awood buuran , haddase waxaa ay heleen  hanti iyo dad labadaba, waxaana arrintaas u fududeeyey kooxda gaashaanbuurta ah ee cadaadiska ba’an  ku haysa dadweynaha.

Sidii ayay ku hoydeen habeenkii, iyaga oo cabsidii ka guurtay, balse waagu markuu baryayey ayaa waxaa lagu daray baabuur iyo ciidan si taliska iyo xarunta guud ee jabhada loo geeyo.

Dirir ayaa ku gubaabiyey Guhaad inuu ka mid noqdo jabhada iyo dalka iyo dadka u hiiliyo, isaga laftiisuna inuu ka mid noqonayo, oo dhinaca kaga aadan hawsha ee dhaqaalaha iyo horumarinta uu ka geli doono.

Guhaad ciil iyo cadho gaamurtey ayaa nabdigiisa buuxisay, waa uuna qaatay haddii loo soo bandhigo inuu ka mid noqdo, Jabhadda si uu ula dagaallamo ciidanka xoogga oo noqday kuwo sida dugaaga u dhaqmaya, dadkii laga rabay inay dhawraan oo colka iyo shisheeyaha ka jiraana gumaadaya oo u awood sheeganaya iyagoon waxba galabsan.

La soco qaybaha kale….

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here