Home Curis GARBADUUB Q24AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q24AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q24AAD

Guhaad isaga oo ku xisaabtamaya in ciidanka uu weerarayaa inuu yahay mid ka awood badan kana hub iyo gaadiid badan, wuxuu ku talo galay inuu u weeraro qaab gaadmo ah oo aysan ka warqabin kuna rido argagax iyo firka nax.

Wuxuu dejiyey hab cusub oo aysan weligood u dagaal gelin jabhadu, waxa uuna  kala qaybiyey ciidamadiisii 3 garab.

Garab weerar ah oo  saddex 3 kooxood ah, oo koox weliba ka kooban tahay tahay 30 nin oo si dhammeystiran u hubeysay iyo hal gaadhi, Halka Garab labaad uu ka dhigay Gurmad laba kooxood oo koox weliba tahay 30 nin.  

Garabka saddexaad ayuu ka dhigay, Dhabarjebin iyo Raacdo reeb min laba kooxood ah. Kooxda soo hadhay ee Afraad waxaa loo reebay ilaalo madaxdii la socotay, sahayda iyo gaadiidka kale la joogta iyo gurmadka degdeg ah.

Weerarka hal dhan kama uusan soo geline, wuxuu u qorsheeyey inay saddex dhan ka soo galaan, qoloba dhankay ka soo gashay maahine dhanka kalena u gudbaan.

Ammin ayuu u qabtay qolo weliba qaabka ay ku gelayso ayuu u dejiyey, wuxuuna u sheegay inay  gariirka badiyaan oo  Baasuukayashaa,   Bambo taangiga, Banbo gacmeedka, Qoryaha Bambada tuura ku bilaabaan qolo weliba,  ayna xoogga saaraan inay  gubaan baabuurta awoodda saaraan si argagaxa ciidanku ugu bato oo ay awoodoodu u wiiqanto ayna u kala firxadaan.

Intaasoo dhan markuu dejiyey ayuu wuxuu iska sii hormariyey galabnimadii sahan  si uu xog dhammeystiran u helo,qolyo reer miyi baadi doon ah oo iska dhigaya.  Iyo baabuur siible ah qaad sida oo waddooyinka iyo ciidanka siduu u kala duwan yahayna soo hubiya.

Markii uu xog buuxda ka helay si wanaagsana u agaasimay isuguna dubariday ciidankiisa ayuu mar kale la dardaarmey ciidanku inay isu gurmadaan una adkaystaan dirirta oo aysan baqan.

Ciidankii habeenkii oodhan waxay ku soo socdeen baabuurta oo dhuukinaysa oo aan lahayn nal, markii ay soo dhawaadeena waaba la damiyey oo waa la riixayey,  markii ay soo gaadheen duleedkii tuuladii Balli xagar.

Balli xagar  waa balliga ay dhex degeen ciidankii Bile dheere keenay oo halkaas  balbalooyin ka dhistey, dhufeysyana uga jiraa, maxaa yeelay waa meel biyo fadhiisin ah oo dhir badan, baraagona ku wareegsan yihiin, marmarna laasas laga qodo yeelata oo marka biyaha baligu go’aan soo maaxda.

Waa meel dhanka ilaallada iyo dhanka deegaanka ciidanba ku wanaagsan oo leh dhir badan iyo caro tamuux ah daafaha biyuhu ka soo galaan balliga.

Ciidankii  dowladdu habeenkii ayay intooda badan qayileen, waaberigiina waa iska gataati dhaceen, ciidanku in ku dhaw toddobaad ayuu meesha deganaa mana qabaan wax dareen ah oo duulaan ku yimaada ah. 

Way og yihiin in jabhaddu meelaha ka dhawdahay waxa aysa leeyihiin may noo yimaadaan waayo labaatameeyo ama afartameeyo inay ka badan ku soo weerar tegayaan kama rumeysna.

Ciidankii waxay soo gaangaanbiyaan oo soo dhabacdaan hadbana soo fadhfadhiistaan, waxa ay soo gaadheen  afaafkii hore ee ilaallada iyo xerada, meeshu waa meel waageersan maaha meel xidhan mana ah meel daboolan waa kayn ciidan dhex degay.

Sidii balantu ahayd markii qoladii ugu horreysay ku riday dhufayskii ugu dhawaa Bombo kaddibna baasuukee baabuur aan ka dheerayn qabadsiiyeen ee gugucu isla kacay, ayaa qoladii kalena dhanka kale ka soo billowday, si garba siman ah ayaa ammin ku dhaw toban miridh xabbadu isku dhacaysay.

Kooxdii hore ee dhanka waqooyi galbeed ka timid waxa ay markiiba u gudbeen dhinaca  waqooyi bari, kooxdii kalena dhanka koofur galbeed ka timid ayaa iyaguna markooda galay waxa ayna u gudbeen dhinaca koonfur bari.

Ciidankii ilaalada ahaa ayaa labadii dhinaca ee weerarku ka yimid awoodda saaray oo rasaas ku harqiyey, balse galbeed quman ayaa mar kale weerar laxaad leh iyo laba baabuur oo qoryo culus ahi ka yimaadaan kuwan oo si weyn u jebiyey labadii ciidan ee ku kala jeeday labada jiho.

Ciidankii ayaa usoo durkay dhankii ciidamadii hore aadeen waxaase ka darnayd markii jiib baasuukayaal is daba joog ah iyo bamboo gacmeed lagu soo laysu daba mariyey, kaddibna qoryihii boobaha ahaa lala harqiyey iyadoon la kala joojinayn waa dardaarankii Guhaad.

Xeradii uuro iyo qiiq ayaa ka kacay ciidankiina majarahaa  ka lumay,  cid wax hagta iyo cid wax sheegtaa la waayey,  kuwaa hurday oo intay saseen hortooda u orday, kuwana jilibka ayay laabeen oo dagaal bay kala hortageen ciidankii jabhadda, kuwana waa kala firdhadeen iyagoo u qaatay in dhan walba laga jiro,  inta badan gaadiidkoodii waa ka tageen, oo juqda ayay ku yaaceen.

Ciidamadii dhabarjebinta ahaa ayaa markiiba hawshooda bilaabay iyagoo kii dhaqaaqaba madaxa jebiyey ileyn waa loo sii diyaariyey wixii xerada iyo kaynta baliga madaxa kala soo baxa inay shiishaan oo aanu gudbin gaadiid iyo dadba.

Habqankii ciidanka ayay intii hadhay mid dhintey iyo mid dhaawaca ka dhigeen, waxaana is dhiibey oo hubka dhigay ciidan badan oo argagixii u qaatay waxaa soo galay in ay xabashi yihiin kumanyaal ah, marnaba ma aysan filaneyn in weerar laxaadkaas leh jabhaddu ku soo qaadi doonto.

Kuwii kalena waxa ay u baxsadeen dhanka  Raxanreeb iyagoo gurmad ka raadinaya ciidankii hore u fadhiyey ee Dhuxuloow taliyaha u ahaa.

Markii la kala  gadoomey jabhadiina libintii hantiday ayaa waxaa la galay in la kala guro maydadka iyo dhaawaca, ciidankii Jabhadda halkaas waxaa kaga dhintey toban ka mid ah waxaana dhaawacmay ilaa saddex iyo toban,  halka ciidankii dowladda ay ka dhimatay  ay halkaas kaga dhimatay ilaa  shan iyo labaatan dhaawacooduna gaadhay afartameeyo.

Waxaa Guhaad hantiyey hub iyo gaadiid dagaal oo badan oo laba Beebe(BB) ku jiraan, Baabuur qori suug ahi saaran yahay, Laba Shilke iyo saddex Baroon 50  Laba macaf oo jiibab saaran iyo Dhawr qori oo dhulka ku rakibnaa oo B10 iyo hub culus ah gantaallo ah.

Ciidankii damaashaad iyo xabbado rid bay galeen iyagoo haddana feejigan, waxaanna ay durtadiiba u dhaqaaqeen inay ogaadaan, dhibka gaadhay iyo kan gaysteen xogtiisa.

Dhammaan hoggaankii kooxaha iyo hormuudkii ciidanku waa isu yimaadeen, geedkii weynaa ee  dadka lagu daldali jirey, waxaa lagu tashaday in dagaalkii uusan weli dhammaan oo aan lays dhigan ee qolo raacdo ah la diro dhinac walba laba baabuur loo diro oo ka daba taga habqanka ciidanka soona ogaadaan halka ay ku kala sugan yihiin.

Ciidan badan ayaa nolosha lagu qabtay oo qaarkood iyagoo hurda weerarku ku yimid kuwa la kala go’doonshay iyo kuwa laga soo kordhacayba, sidoo kale waxaa jira kuwa iyagoo dhaawac diriraya rasaastu ka dhammaatay, gurmadna waayey kaddibna sidaa isku dhiibay.

Ciidankii jabhadda iyo kuwii dowladdaba wixii dhaawac ahaana  dhirtaa la hoos dhigay oo kooxdii gargaarka iyo gurmadka degdega ah ee jabhada la socotay iyo kuwii ciidanka dowladda intii badbaaday ayaa  loo direy dhayaan oo la dedaalaan.

Kuwii dhinteyna waxaa loo qoday xabaallo wadareed lagu guray raggii dhintey iyadoo ciidanka dowladda iyo kuwa jabhadda gooni loo  kala aasay,oo aan laysku darin, wixii dhaawac ahaana qolyihii gargaarka ayaa la faray inay dhayaan oo dhiig joojiyan wixii fudud intii darnayd waxaa baabuur loo saaray taliska iyo xaruntii Ceelmaajeen ee jabhadda.

Dagaalkii kaddib ilaa galabnimadii waxaa lagu jirey hawl iyo hardan, habeenkii iyadoo baqe la yahay aadna loo digtoon yahay oo gaade iyo mir laga baqayo in ciidankii dib isu soo uruursaday firxaday soo rogaalceliyaan ayaa dhufeysyada loo hooyday oo habeenkaas ninna laba indhood isuma keenin.

Qaar ka mid ah madaxdii la socotay Jabhadda ee aan ciidanka ahayn ayaa ku talisay in wixii la qaadan karo la qaato, meeshana laga baxo, balse, Guhaad ayaa diiday oo yidhi:  Nin aan ka adkaaday oo ka guuleystay xeradiisiina qabsaday inaan ka baxo, waa fulaynimo, adeerayaal sida aad uga baqaysaan ayay iyaguba idiinka baqayaan “ Rag wax isaga gabara waaweyn”

Isagaa talada gacanta loogu shubay oo markii horeba sidaasaa heshiisku ahaaye, waayahay ayaa la yidhi.

Ciidankii ayuu qolo walba meel aadiyey,  kuwa gaadhaya ilaa labaatameeyona wuxuu u xil saaray inay ragga la qabqabtay ilaaliyaan, waxa uuna aad ugala dardaarmay inaysan waxyeelayn oo dhibaateyn.

Reer miyigii meelaha ka dhawaa ayaa waxa ay bilaabeen ugaadhsi ciidankii firxadka ahaa inay hubka ka furtaan qaarkoodna waaba dileen, waxaanna is uruursaday geeljirihii oo kii dhiig rabayna ee ciidanka dowladda u ciil qabayna wax dilay  , kii qori rabayna intuu qoryihii ka furteen waxna siiyeen sii daayeen nin iyo garashadii.

Dhacdadani waa mid aan  hore loo arag waxaana ciidankii firdhaday ee baqay u sheegeen oo taarka ku gudbiyeen iyo warlaliska in ciidankii xabashidu soo weeraray oo ciidan kumanyaal gaadhayaa qabsaday xeradoodii, sidaas ayaana gaadhay taliskii Baarcad iyo taliye Bile dheere.

Bile dheere mar waa obsiyey in cawadiisa uusan halkaas joogin oo loogu iman marna waa xanaaqay oo dareen baqdina ayaa sii galay in Guhaad raggaas ku jiro tuhun ah, mase oga inuu hoggaaminayo isagu  ciidanka.

Durtadiiba waxaa uu la xidhiidhay Dhuxuloow iyo  Cismaan Kooreeye una sheegay inay wardoon diraan dadka reer miyiga ah ka mid ah si loo ogaado, meesha waxaa ka jira iyo ciidanka inuu soomaali yahay iyo inuu xabashi yahay.

Waxaa la abaabulay odayaal reer miyi ah oo qaarkoodna danta deegaankoodu jujuubayso qaarna ku daaban yihiin  ciidamada, waxa ayna u tageen goor barqa iyagoo xoolo wada iyo awr caano ku raran yihiin xeradii la qabsaday ee Bali Xagar.

Guhaad iyo raggii kale ee madaxda ahaa ayaa soo dhaweeyey, waxa ayna ka gudoomeen deeqdii iyadoo goobtii la fadhiyo ayaa iyaguna waxaa dhankooda iska soo abaabuley, dadkii ka barakacay deegaanka Bali Xagar oo uu hoggaaminayo nabaddoon Faarax dhiin oo warku gaadhay.

Guhaad ayaa si diiran usoo dhaweeyey oo fadhiga uga kacay, markii xoolihii la qalay halkiina lagu hilba cuney, ayaa odayaashii dhanka ciidanka dowladdu soo diray ee sahanka  ahaa mid ka mid ahi yidhi “Nimanyahaw hadda idinkaa talada deegaanka gacanta ku hayee, reeraha is dilayana kala celiya, nabaddana adkeeya,  ragga ciidanka ah ee aad qabateenna iska sii daaya, dadka waxgaradka iyo waayeelka deegaankana  la tashada oo xidhiidh wanaagsan la sameeya.”

Guhaad baa  la hadlay markaasuu balan qaaday in uusan qof  la qabtay dhibaato u geysanayn, sidoo kalena  hantidooda iyo xoolahoodu ka nabadgelayaan, beelaha deegaankana ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.

Isagoo kaftamaya ayuu yidhi: Geedkan anigoo lugaha iyo gacmaha ka xidhan baa lay keenay, kaddibna waxgaradka uu ugu horreeyo Faarax dhiin baa iga furay, sidaasoo kale geedkan waxaa lagu daldalay dad aan waxba geysan, waxaanse idiin balan qaadayaa inuusan geedkani noqon mid gardaro iyo gaboodfal dambe lagu sameeyo intaan joogo, ciidanka aan qabanayna, ninkii dadka godob ka galay waa la gole keeni doonaa, ninkii aan waxba geysana waa la sii daynayaa ama ciidankiisi haku noqdo ama meel kale ha ah aado.

Arrinkaas waxaa aad u dhibsaday  qayb ka mid ah ciidankiisa oo markii hore lagu carbiyey in aragti ka dhaxayso iyaga iyo ninka dharka ciidanka gashan, haddii ay arkaanna ay aragti ku dilaan.

Waxa ay filayeen in go’aan laga gaadhayo ama lagu xidhi doono rag kale oo qabirada ku jira in lagu soo daayo, waxaase dhegahooda mari waayey waa la sii daynayaa nin ciidan ah oo weliba isagoo dagaallamaya la qabtay.

Dhuuhe iyo Cabdi dhagax ayaa u tegay koox yaryar oo ay ogaayeen in nacayb gaamurey ka buuxo, waxa ayna si qarsoodi ah ugu sheegeen in taliyaha cusubi yahay nin ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu soo dhex darsaday ilaa haddana aan la hubin aragtidiisa jabhadnimo, sidaa awgeed ay suurtagal tahay inuu basaas iyo tiftif yahay doonaya inuu kala jebiyo ciidanka jabhadda, waxaa ay durtadiiba dhallintii ka dhaadhiciyeen inuu rabo in raggaas aabbayaashood dilay ee hooyooyinkood kufsaday ee guryahoodii gubay ee ay dartood jabhadda u noqdeen uu sii daynayo.

Caano nuug iyo Maslax Dabayare ayaa aad uga xanaaqey oo indhuhu ximir guduudan noqdeen waxa ayna ku dhaarteen in uusan mid ka noolaan doonin,  taliyaha laftiisana ay toogan doonaan haddii uu arrinkaas isku dayo.

La soco qaybaha kale…..

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE