Home Curis GARBADUUB Q25AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q25AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q25AAD

Maalinnimadii markii la wada hadlay ayaa odayaashii iska hoyaadeen oo nin weliba meeshuu ka yimid u carraabey, iyadoo is afgarad iyo heshiis lagu kala tagay.

Waxaa durtadiiba qorshe dejiyey Dhuuhe oo yidhi, waa inaan nimanka laynaa,Madoobe, Caanonuug iyo Maslax dabayarena waa ku raaceen, waa niman yaryar oo aan midkoodna gaadhin labaatan jir, ciil iyo cadhona ku gaamurtey “ Labaatan jir intuu geed ka booduu, talo ka boodaaye”.

Guhaad waxaana u qorsheysnayd  in uu  iska sii daayo balse Saxardiid oo ka mid ahaa ragga madaxda ah badan ayaa yidhi: Waa inaan muujinaa jabka ku dhacay ciidankii dowladda si  aaney mar dambe dhankeenna ugu  soo dhiiran.

Raggan waa inaan qabirnaa haddii ay dhacdo in qof lama huraan ah oo madax ah laynaga qabtona ku soo furanaa haysashada ciidan intaas le’eg wuxuu kor u qaadayaa magaceenna iyo awoodeenna sidoo kale dowladdana intaas ayaa magac xumo ugu filan.

Guhaad arrinkan aad buu u soo dhaweeyey waxaa uuna qorsheeyey in waagu markuu beryo baabuur la saaro oo loo gudbiyo xerada iyo taliska jabhaddu ka soo duushay ee Ceelmaajeen. Arrintii ayaa waxaa maqlay raggii kale ee ciidanka ahaa in nimanka beri laba baabuur lagu dari doono baabuur weyn lagu qaadi doono.

Durtadiiba waxaa la diyaariyey raggii lagu tuhunsanaa inay ka soo horjeedaan aragti in nin ciidan dowladeed ahi sii noolaado, inkastoo rag badan ka biyo diideen haddiiba nolosha lagu qabtey in dilkooda iyo sii deyntooda madaxda loo dhaafo, waxaa la helay tiro toboneeyo gaadhaysa oo ku dhegan aragtida ah hala laayo.

Dhuuhe iyo Cabdi dhagax ayaa waxa ay maleegeen qorshe ah in raggaas ciidanka raggan la qabtey gudbinaya ee xarunta geynaya lagu daro ragga diidan inay noolaadaan inta aan xarunta la gaadhina, dhammaantood la laayo oo uusan midna ka bixin.

Arrinkaas si wanaagsan baa loo qorsheeyey waxaana hoggaanka qabtey mid ka mid ah taliyo kooxeedyadii waa Dhuuhe oo kooxdiisii u qarsooneydna ku wada darey, waxaannu kooxdiisii wada saaray hal baabuur halka uu isaguna raacay kooxdii kale.

Waagi markuu baryey ayaa laysku af gartey in la dhaqaajiyo, Guhaadna waa ambabixiyey isagoon waxba ka ogeyn xadhkaha miliqsan iyo waxa ciidankiisu maagan yahay, ma jiro koox uu kalsooni ku qabo Guhaad, waayo ciidanka oodhan ayaa  ku cusub, waxaase jirta koox og inuu ku hayb yahay oo ay xigaal yihiin oo si gaar ah uga war haysa ilaashanaysana.

Kaddib markii ay ambabaxeen ammin doorana ay socdeen kana fogaadeen Bali Xagar iyo halkii ciidanku joogay ayaa baabuurtii uu la hakiyey Qalaaf oo hawsha wax ka ogaa, ayaa soo jeediyey in labada baabuur mid sahan  iyo miino baadh loo diro,  Qalaaf oo dhul yaqaan ah ayaa yidhi: Halkani kama foga xerada ciidanka ee Jeerinley waxaana suurtagal ah inay jidka miino inoogu xidhaan, marka waxaa ila qurux badan in baabuur sahan ah la diro, innagu aynu ka war sugno, inta aynaan dhanka kale soohdinta u gudbin.

Qalaaf waa runtiis marayaan inkastoo ay soohdin beenaadka hawd ka xigto, haddana waa meel sahanka iyo gaadaha ciidanka dowladdu soo gaadhi karo, waana meel is goys ah oo waddooyinku iskaga soo dhacaan, sidaa awgeed Dhuuhe ayaa faray ciidankii intuu laba kala soo degay baabuurka kale inay sahan tagaan.

Markii baabuurkii sahan loo direy dhaqaaqay in doorana sii maqan yahay, ayaa  raggii qabirnaa ee garbaduubnaa laga furey baabuurka xagiisa dambe, waxaana la faray inay soo degaan oo dhulka yimaadaan baabuurkana ay ka soo dhaadhacaan.

Ma jiro mid aan xadhig ku laba diblaysnayn. Diif ayaana ka muuqata oo saddex maalmood marna dagaal bay ku jireen, marka god iyo barkad baa lagu hayey. Hal waqti ayaana wax ay cunaan la siiyey oo waa maalintii xoolaha la qalay, laba wiil oo yaryar oo bilaa naxariis ah ayaa haraati kala daalay oo mid walba ka soo tukhaantukhiyey baabuurka, iyagoo cay iyo hanjabaad isugu daraya.

Ciidanku rag xun iyo kuwa wanaagsanba waa isugu jiray,balse keliya waxa ay u dhimanayaan inay wataan tuutaha ka dhaxeeya, sidaasna waxaa ku agoomoobaya kuna dhimanaya, nin dalka iyo dadkaba waxtar u lahaa “ Gar iyo mag la’aan” ayay u dhimanayaan ciidanka badankiisu.

Kaddib markii la soo daadjiyey baabuurka ayaa waxaa lagu teediyey si garba siman ah meel waddada aan ka dheerayn, Caano nuug oo u diyaarsanaa una ciil qabay oo xambaaraan qoriga 100 qaadka ah ee RPD ayaa xabbado ku bilaabey oo hadba dhan ula raacay, Raggii kalena nin weliba dhankiisa ayuu kaga bilaabay.

Ciidan tiradoodu gaadhayso  sagaashameeyo ayaa sida balka la jafay is dul fuulay, iyagoo kii nuuxsadaba xabbadaha lagu celcelinayo lana dhammeystirayo,  Dhuuhe dhoosha ka qoslayey waxa uuna u arkayey inuu aarsaday oo guuleystay, balse, ragga qaar baa aad uga xumaa qorshahan xun sidoo kale diidana inay dhexdooda isku qabsadaan arrinkan. 

Baabuurkii baxay ee sahanka loo diray ayaa markuu xabbadaha maqlay isa soo rogay, waxoogaa kaddibna waxa uu u yimid raggii oo isku dul saaran yahay maydkoodu oo aan midh ka nooleyn.

Jeenigaab oo ahaa ninka labaad ee dhanka talada ciidankan gudbinayey ragga la qabtay ahaana nin dhaqan ahaan aad ugu adag balanta ayaa xanaaq naftu kala dhacday, waxaa uuna si cadho leh u yidhi: Yaa laayey nimanka, waa gunnimo in la dilo nin aan hubeysnayn oo laba dibleysan waa dhaqan fulaynimo ah ee maxaa loo laayey?

Dhuuhe ayaa ugu warceliyey: In ay baxsadaan bay rabeen marka annaguna waxa aannu yeelay qaabkii ugu fududaa ee aan joojin kareynay.

Waxaa la direy durtadiiba taar waxaana arrinkii loo sheegay Guhaad iyo raggii kale oo madaxda ahaa, aad baa looga xumaaday inkastoo lagu kala aragti duwanaa, Saxardiid iyo Guhaad ayaa soo baxay si ay u ogaadan sida wax u dhaceen iyagoo wata laba baabuur oo oo ciidan ah.

Markii warbixintooda dhegaystay ayuu  Guhaad weydiiyey taliye Dhuuhe: Ma waxaad i leedahay niman baxsi ah ayaa hal dhinac baabuur ka wada degay? Raadkan ii muuqdaa waa dad wada socda oo aan midna dhinac u dhaafin waddada hal dhinacna loo kaxeeyey ee sideen kugu rumeysan karaa? Nin laba dible u xidhanse side ayuu baabuur uga degi karaa dhigo dhaadheer leh oo cirkaa ku shareeran?

Taliye Dhuuhe ayaa khalkhal galay oo yidhi: Sidaasey ii sheegeen dhallinyaradu anigu bannaanka ku yara maqnaa oo waa kortegay, markaa aniguna markaan xabbadaha maqlay ayaan soo ordey.

Arrintani guux badan ayay dhalisay Guhaad ayaa faray ciidanka in Dhuuhe iyo kooxdii dilka gaysatay dhammaantoodna hubka laga dhigo ayna yihiin wixii hadda ka dambeeya eedaysanayaan u xidhan maamulka.

Balse Dhuuhe iyo kooxdiisii ayaa markiiba dhinac u baxay, waxa ayna isku dayeen in ay dagaallamaan iyagoo filanaya inay taageero ka heli doonaan ciidanka kale, taasise uma suuragelin oo ciidankii kale oo dhan ayaa u hoggaansamay farida Guhaad, waxaana lagu wada jeedshay hubka iyadoo la yidhi,  nabad ku dhiga hubka una hoggaansama farida taliyaha.

Iyagoo ku xidhan halkii raggii ay laayeen ku xidhnaayeen ayaa dib loogu noqday xeradii la qabsadey ee Bali Xagar.

Wada hadal daba dheeraaday iyo dood dhexmartay raggii ciidanka hoggaaminayey madaxdii ayaa waxaa laysku af gartay in marka hore lala  wadaago taliska xarunta Ceelmaajeen si ay ula socdaan una ogaadaan sida ay wax u dhaceen iyo arrinta soo korodhay.

Talisku markuu dhegaystay, iyadoo weliba qaab farsamaysan oo ciidan loo wada hadlayo, waxa ay muujiyeen iney ka xun yihiin, balse, waxaa laga diiday in uu ciidankiisa xidhxidho.

Buraale ayaa kugu yidhi: Guhaadoow waan ogahay waad ku qumantahay in aad ganaaxdo aad xidho ninkii darjiidh sameeya kuna qaado xeer ciidan, balse dhallinyaradani ma qaataan guno iyo bil goosad waana halgamayaal naftooda huraya, marka waxba Faqash dhimatey haw ganaaxine, nimanka wareyso, adigaa ogaan doona waxa jiree.

Guhaad faritaanka waa qaatey isaga oo aan ku uur fayoobayn,waxaana uu faray in la sii daayo nimankii Dhuuhe hoggaaminayey, balse ay hub la’aan xerada joogayaan inta laga noqonayo.

Guhaad baa yidhi: Waxa aynu meeshan u nimid maaha inaan la mid noqono kuwa aan la dagaallamayno ee waa inaan ka dhaqan duwanaano, waa inaynu lahaano is maqal isku duubnaan iyo tixgelin sida talada laysugu igmaday. Ma nihin dad xoogsi iyo hanti doon halkan u jooga ee waxaan ku jirnaa halgan gobonnimodoon ah, sidee baan nin ciidan ah oo noo arka col iyo shisheeye kalkaal uga dhaadhicin karnaa inaan dowladda iyo hoggaanka xun inagu ka wanaagsanahay.

Markuu hadalkaa ciidankii ka dhex jeediyey aad baa loogu wada guuxay, balse wixii dhacay ciddina ma soo celin karto, qof weliba wanaaggu waa u muuqdaa waxaase jira ciil iyo cadho ka tan badan oo ku jujuubaysaa inuu ilaa heerkaas gaadho.Waa halkii murtida soomaaliyeed ka lahayd ” Rag ciilkii caddaab ka doorey”

Markii odayaashii ciidanku soo dirsaday ay warkii u celiyeen iyo waxa ay kala soo kulmeen xeradii, ayuu weydiiyey ayuu u sheegay in ragga meesha qabsaday yihiin soomaali oo weliba uu hoggaaminayo nin dhawaan ku soo biirey oo la yidhaahdo Guhaad.

Dhuxuloow markuu arrinkaas maqlay waxaa u galay obsi iyo riyaaq iyadoo ay u  muuqatay kanshadii uu xilka iyo arrinkii loo balanqaaday ku hanan lahaa , waxa uuna galay inuu isku dubarido ciidankii la joogay iyo ciidankii firxadka ahaa isagoo isu diyaarinaya inuu dagaal foolka fool ah ku soo qabto Guhaad ama ku dilo.

Waxa uu la wadaagay warkii soo kordhay Bile dheere una sheegay in ninkii uu raadiyey uu ciidanka Jabhadda hoggaaminayo, welina ay fadhiyaan Bali Xagar.

Bile dheere markuu maqlay warkaas dhiillada leh wuxuu qaylodhaan u diray Kediye una sheegay in ciidankooda uu jebiyey ninkii ay raadinayeen, hawshuna cakirantahay, haddii aannu garab helina isaga iyo wiilkiisuba yihiin tallaabada koowaad ee uu qaadayo Guhaad kagana aarsanayo. Bile ayaa u tar sheegtay oo yidhi, haddaan dhinto ogoow waxaa la keenayaa nin kale oo kaalintayda buuxiya, markaasna Baarcad iyo agagaarkeeda ciidanka joogaa gacanta gaashaanbuurta wuu ka bixi doono.

Arrinkaa dambe ayaa dareen cabsiyeed geliyey Kediye, inkastoo aad uga xumaaday ninkaa weli nool, haddana waxaa uu ku sandulleysnaa inuu taageero hiil iyo hooba isla garab taago Bile dheere, waxa uuna faray in ciidan guuto ah lagu saaro deegaankaas oo dhan, dhammaan gaadiidka dagaalkana loo dhammeystiro, weliba gaadiidka gaashaaman iyo taangiyada lagu duulo.

Bile dheerena hadduu helay oggolaanshiiyaha arrinkaas oo ah duulaan weyn oo u baahan sahay badan iyo dhaqaale aad buu ugu riyaaqay, waxa uuna isagu isugu habarwacay ciidankii Baarcad hoos imanayey oodhan raggii hormuudka u ahaa si duulaan culus laysugu diyaariyo.

La soco qaybaha kale…….

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE