Home Qoraallo SUMADAHA QORAALKA Q2AAD W/Q: Xasan C. Calasow (Shiribmaal)

SUMADAHA QORAALKA Q2AAD W/Q: Xasan C. Calasow (Shiribmaal)

1
SHARE

Waa maxay HAKADKU, muxuuse qabtaa?,

Aadanuhu marka uu hadlayo waxa uu u baahan-yahay neefsi iyo hawo-qaadasho joogto ah. Waa inuu hawo (kaarboon) debadda u soo saaraa, sidaas oo kalena uu qaataa hawo(Ogsijiin ) ah. Hadalku haddii uusan lahaa laheyn goor lagu neefsadu, aadanuhu waxay u dhiman lahaayeen is cabburin iyo caddib, maskaxduna waa ay qarxi lahayd. Ka warran haddii lagu yiraa: waxa aad aqrisaa khudbo hal-bog ah oo warqad A5 ah ku qoran, mana neefsa kartid inta aad ka dhammeynayso/aqrineyso. Maya! Ma awooddid, mana soo jeedin-kartid hakad la’aan, (neefsasho-la’aan), waayo? Suurta-gal uma ahan aadanuhu inuu sidaa falo, mana ahan wax dhici kara, sababtoo ah waxa aan ku noolnahay inaan hawo sii deyno, tu’ cuddoonna dib u qaadanno. “Nolosha ayaa sidaas ku jiraysa, naftuna ay nayaayiir ku qabtaa.”

Haddaba HAKADKU waa summad-qoraaleedka ugu awoodda iyo wax tarka badan. Sidoo kalena waa astaanta ugu adeegsiga badan summadaha qoraalka. Marka aan ku leeyahay waa tan ugu awoodda badan, waxa caddeyn noogu filan qofbaa darteed  u dhintay oo loo dilay, maxaa yeelay qoraalkeedi ayaa boos qaldan dhacdey, ka dibna qof nool ayey galaafatay/dishay. Sida la soo weriyo, boqor ka mid ahaa boqorradii ifkaan soo xakumi jiray, ayaa nin ka mid ah shacabkiisu waxa uu isku dayey inuu boqorka iyo bulshada uu maamulo iska hor-keeno. Intaas ka dibna howlihii gurracnaa ee uu bulshada iyo boqorka isaga hor-keenayay ayaa lagu ogaadey.

Boqor maamulkiisii lagu lammaaniyey fadhi uma yaal ee waxa uu baadi-goob u galay sidii ninkaas maamulkiisa afgembinaya lagu soo qaban lahaa, waxaana uu jaho walba u diray ciidamo soo qabta ninkaas, boqorkana u soo gacan-geliya. Ayaama dabadood, ninkii eedaysanaha ahaa waa la soo qabtay gacanta ayaana lagu soo dhigay, isla markaana xabsi ayaa loo taxaabay asiga oo xukun suge ah. Markii uu ammin-dheer ku jiray, ayaa maalin-maalmaha ka mid ah boqorkii wuxuu go’aansaday inuu iska cafiyo ninkaas xabsiga ugu jira muddada dheer, maxaa yeelay lguma heyn fal uu geystay oo toos ah, marka laga reebo kicin iyo baraarujin bulsho. Isla jeerkaasna boqorkii wuxuu soo qoray warqad, wuxuuna u soo dhiibay gacan-yarihii xafiiskiisa, si uu warqaddaas ugu simo taliyaha maxaabbiista. Warqaddii ayuu u soo qoray sidaan: “Kill him,not wait for me”. Oo af-soomaali ku ah:- “DIL! HA ISUGIN ANIGA”.

Boqorka ujeedkiisu wuxuu ahaa inaan ninkaas la dilin, qoraalkana wuxuu ula jeeday sidaan: “KILL HIM NOT,WAIT FOR ME”. Taas oo afkeenna ku ah: “Ha dilina, aniga isuga”. Balse, HAKADKII booska qaldan dhacay ayaa sabab u noqday in ninkaas qoorta laga gooyo. Taliyihii markii uu warqaddii aqriy ammin kale siima sugin e, intuu ninkii tiirka geeyay ayuu qoorta u dheereeyay/toogtay. Dhowr saacadood ka dib ayaa boqorkii yimid xabsigii, asiga oo ku tala jira inuu ninkaas sii daayo, balse, waxa loo sheegay in la toogtay ninkaas, amarkana uu isagu bixiyey. Intaas ka dibna warqaddii uu soo qoray ayaa la hor-dhigay, kolkaas ayuu ku cataabay: inaan dilo ma dooneyn ee qoraal-xumadeyda ayaa sabab u noqotay geeridiisa.

Haddii aad intaas ogaatay, bal adigu is wayddii meeqo ruux ayaad dishaa maalin-walba?. Dembi kuguma caddeynayo ee ha nixin, ujeedku waa inaan barannaa xeerarka summadaha qoraalka, si aan u kala soocno, mid walbana u gelinno booskeeda. Haddii aan dhan kale ka eegno sow ma dhihi karno summadaha qoraalku waa dilaa qarsoon oo aynaan ku baraarugsaneyn, haddii aan si digtooni leh loo dhigaalin xeerarkooda iyo hab-soocooda kala jaadka ah, waxa hubaal ah inay noole kale galaafan-doonaan.”

HAKADKA yaa kaalintiisa geli kara?”

Sida aan hore u sheegayba; hakadku waxa uu ammin ay ku neefsadaan siiyaa aadanuhu marka ay hadlayaan iyo goorta ay wax qorayaan laba daba. Sidaa darteed, waa inaan si qumman u barannaa meelaha iyo madasha ay dhacdo. Sidoo kale, waxaan bidhaamin-doonaa goorta aan loo baahneyn in la adeegsado iyo erayda buuxin kara kaalintiisa. Tus:

AA, EE, II, OO, UU, IYO, AMA, EEN, IWM ee weeraha xariiriya. Xariiriyayaasha, haddii ay weedh ku jiraan hakad looma baahna, iyaga ayaana buuxin kara kaalinta hakadka laga doonayey. Waa marka ay qoraalka tahay e. Bal shantaan qaab si fiican u dhuux.

  1. Berri galab, ii imaaw.❌
  2. Shalay, iyo maanta xaalku waa heersare.❌
  3. Qaasim, oo daallan ayaa ii yimid.❌
  4. Mashquul-baan ahay, ee mar kale aan is aragno.❌
  5. Haddii, uu sidaa yeeli_lahaa kama qaateen. ❌

Shaxdaas waa tan iyada oo saxan.

  1. Berri galab ii imaaw. ✔
  2. Shalay iyo maanta xaalku waa heersare. ✔
  3. Qaasim oo daallan ayaa ii yimid. ✔
  4. Mashquul-baan ahay ee mar kale aan is aragno. ✔
  5. Cali haddii uu sidaa yeeli_lahaa kama qaateen. ✔

Haddaba shantaas hakad ee hore, boos aan sax aheyn ayey dhaceen, maxaa yeelay, haddii uu yimaado eray xariiriye ah, looma baahna hakad inuu ka hor dhaco. Sabab kale maahan ee shaqalkaas IWM ah ayaa neefsi ugu filan qofka aqirinaya qoraalka ama hadlaya, balse, ka gadaal waa uu dhici karaa hakadku. 

Xeerka HAKAD, laba dhacay

Waxa jira HAKAD aan ugu magac-daray hakad laba dhaca. Hakadkaasu waxa uu awood u leeyahay inuu laba weerood ama laba eray oo isku xiga uu mid waliba dhammaadkeeda dhoco, waa marka ay qoraalka joogto e. Tus: 

  1. Sidaas ayaan go’aansaday,maxaa yeelay,waa arrin aniga ii gaar ah.
  2. Agabka waan kuu keenayaa,balse,waan soo daahayaa.
  3. Cali taleefoonka qaban maayo,maxaa wacay,wuu shaqeeyaa.
  4. Kulmiye waa yimid,sidaa darteed,waa in la soo dhaweeyaa.
  5. Muuse waa kufay,ka dibna,lugta bidix ayuu ka jabay!.

Shantaas hab IWM ah iyagana waxaan u bixiyey, hakad laba dhacay, waxaana sababay hadalkii jumlada ahaa ayaa socda welina isku xiran, haddana si dadban ayaa neefsi u soo dhex-galay.

HAKAD, weer dhexdeed dhacay!

Hakadku, markaan waxa uu dhacaa magac ama weer-dhexdeed, balse, waa inay jirtaa sabab lagama maarmaan ka dhigaysa sidaas. Haddaba, hakadka weerta dhex-gala, waxa sabab u ah hal arrin, kaas oo ah, in weertaas ama magacaasu uu yahay mid la soo gaabiyey, sidaa darteedna, ay magaca ama weerta qeybta ka maqan uu xambaaro hakadku, si’ uu u buuxiso, booskii ay xarfuhu ka maqnaayeen. Tus: 

MAGAC

  1. M,ed. Oo_laga soo gaabiyey, Maxamed.
  2. M,eq. Oo_laga soo gaabiyey, Maan-deeq.
  3. C,sow. Oo_laga soo gaabiyey, Calasow.

WEER/WEEDH

  1. I,geyn. Oo laga soo gaabiyey, isu-geyn.
  2. K,meyn. Oo_laga soo gaabiyey, kaalmeyn.
  3. D,daag. Oo_laga soo gaabiyey, dood-wadaag.

Haddaba hababkaas ayey u dhacdaa, waase, in hadalka ama howraarta ay soo koobaysaa tahay mid kaligeed meel istaagi karta, macna ahaanna dhammeystiran oo hore laga garan-karo. Xeerkaan soo gaabintu ma ahan xeer aad loo adeegsado, balse, qoraha doonaya inuu ujeedkiisa soo koobo ayaa adeegsada. Marka ay magaca tahay ayaana aad loo adeegsadaa ama aan dhihi karaa waa ay ku bannaan-tahay in sidaa loo soo koobo.

Xeerka xariirinta

Hakadku, markaan wuxuu awood u leeyahay inuu xariiriyo walxo badan oo haddii laysku daba tixo, hakad la’aan aqintooda ama ku hadalkooduba uunan macno weyn iyo muunadba sameyn laheyn, ku waas oo ah, walxo tixan. Sida:

  1. Axmed, Xasan, Cali, Muuse, Kulmiye iyo Warsame shalay waxay u socdaaleen Xajka.
  2. Sool, Sanaag, Hiiraan, Banaadir, Baay iyo Bakool-ba waxay ka tirsan-yihiin goballada Soomaaliya.
  3. Madaale, wuxuu leeyahay: Geel, Ari, Lo’, Fardo iyo Dameero.
  4. Naayjeeriya, Al-jeeriya, Sinigaal iyo Masarba waxay u tartameen koobka Afrika.
  5. Xan, xaasidnimo, kibir, Isla-weyni iyo dulmiba Ilaahey waa xarrimay!.

Haddaba xeerkaan hakadku wuxuu meesha ka saaray IYO oo dhowr jeer soo noq-noqon lahayd, hadalkana ujeedkiisa iyo tebintiisaba dhaawac weyn u geysan lahayd. Xeerkaan waxa lagama maarmaan in walxaha la xariirinayo ay ka badan-yihiin, laba walxood oo ay ugu yaraan 3-walax gaarayaan. Mar haddii ay seddex ka yaryihiin oo ay laba yihiin, waxa lagama maarmaan ah inay booskaas buuxiso: “IYO”.

HAKAD SUUGAANEED,

Hakad suugaaneedku, waa awood lagu kala sooco, tuducda gabayga ama guurowga ah qeybteeda hore oo ah: HOOJIS iyo qeybteeda dambe oo ah HOORIS. Sidoo kale, waxay neefsi iyo hawo beddelasho u tahay curiyaha. Ma jirto astaan qoraaleed aan hakad ahayn oo beyd ama tuduc suugaan ah dhex-geli karta, hakadka mooyee. Tusaale: 

  1. Labaatan iyo kow aamustiyo,Shaqal irmaaneeya
  2. Amran iyo tilmaamiyo gudbe,Aade iyo jooge
  3. Isku dare xiriiriye falkaab,Erayadeennii ah
  4. Ebyan iyo haddaan magac u yaal,Ku arkay joornaalka
  5. Mar haddii afkaygii la qoray,Aabe iyo Hooyo
  6. Mar haddaan amaahsigii ka baxay,Lagu ogoontoobay
  7. Abaal waxa leh nimankii fartaa,Soo abaabulaye
  8. Amiirnimo sin iyo garab jirteey,Nagu abuureene
  9. Afafkaa qalaad iyo maxaa, Eregta ii dhiibay
  10. Anaa macallimoo raba dad loo,Furo iskuullaade.

Tobankaas tuduc ee gabayga ah, halka aan hakadka geliyay wixii ka horreeya waa hoojis, inta ka dambeysana waa hooris. Halkaasna waxan ka ogaaneynaa awoodda uu leeyahay hakad suugaaneedku iyo sida uu ilaalo ugu yahay in beydkaas gabayga ahi uu is dhex-galo oo la kala garan waayo. Cajiib!!

Qoraalka halkeebuu ka galaa hakadku?

Qoraalku, waxa uu leeyahay: afar jiho, ku waas oo kala ah; halka uu ka billaawdo, halka uu ku dhammaado, kor iyo hoos. Haddaba afartaas jiho/dhinac ee qoraalka, hakadku waxa uu ka degaa hal dhinac. Dhinicaas oo ah: “HOOS” dhinac kale haddii uu dhoco waxa uu noqonayaa summad kale, sida: “Filgin/hamso”. Tus:

Arrin, adeeg, ammaah, awood, aqoon,

Haddaba booskaas ayuu sax ku yahay hakadku inuu dego. Qoraalka qeybtiisa sare ayaan geynayaa ee ila soco.

Arrin’ adeeg’ ammaah’ awood’ aqoon’

Habkaani waa gef, kaalintana waxa geli kara oo kaliya filgin/hamsada, sidaa darteed, astaantii aad halkaas ku aragto waxay noqon kartaa uun HAMSO. Halka uu qoraalku ka billaawdo, waxa degi kara: GUNTIMO ama kolmo “”sidoo kale bil ama bilo. ( )labadaas summad waxii ka badan weer billaawgeed ma geli karaan marnaba, balse, labadaas summad goonidooda ayaan u bidhaamin doonaa. Dhammaadka weerta ama qoraalka idilkiisana waxa la dhigi karaa: 4-astaamood oo kaliya, ku waas oo kala ah: 

  • .joogsi.
  • ?wayddiin ?
  • !la yaab !
  • )bil )

Lagama maarmaan

Haddaba summadda ama astaanta hakadku, waa u lagama maarmaan sumadaha qoraal bilaha ah. Hakadku, waa summad si’ aan  aan sinaba loogam maarmeyn qoraalka iyo hadalkaba ugu soo noq-noqota. Hadalka marka ay tahay, waa neefsiga, qoraalka marka ay tahayna kaalinta aad dhigto ayaa neefsi ka dhigan. Haddii ay awooddeedu intaas la egtahay, sow isla ma oggolin iney tahay summad lagama  maarmaan ah. Haah!

GUNAANAD

Summadaha qoraalka in la barto, lana adeegsadaa  waa xil  saaran qof walba oo afkeenna qoraya ama dhigaalinaya, sidoo kalena baranaya ama baraya. Maahmaah-baa oraneysaa: “Inta aad afkaaga ka barato, ayaad af-qalaad ka baran-kartaa.” Mahmaahdaas ujeedkeedu wuxuu bidhaaminayaa qof aan afkiisa aqoon xeerarkiisa iyo xogtiisaba, af-islaameedna waxba kama baran-karo. Waxa aan ku soo gunaanadayaa tuducyo ka mid ah gabayga “HIIL AFEED” oo uu tiriyey: Abwaan Cabdiraxiin H. Galayr kuna asteysan dheerri-gelinta afka hooyo.

  • Afku horumar buu  doonayaa, Hawlo loo gala e
  • Hiigsi iyo hiraal buu rabaa,  Lagu habeeyaaye
  • Habdhacda iyo luuqduu rabaa, Lagu  hannaanshaaye
  • Hayb iyo dirsooc buu rabaa, Lagu higgaagaaye
  • Halqabsiyo ujeedduu rabaa, Hoosna loo dayo’ e
  • Hog inuu ku dhaco waa u halis, Lana hilmaamaaye
  • Hafashiyo dhib weyn buu qabaa, La hufinaayaaye
  • Shisheeyaa halgaadiyo ku wada, Halis colaadeede
  • Had-ba eray ayey siibayaan, Kii horuu jiraye
  • Hantaaqooyin baa lagu wadaa, Hoos an loo dhugane
  • Dadka hirana la ma haayo weli, Hoobadkaa galaye
  • Horseedkii aqoontuu lahaa, Waa Hagranayaaye
  • Hebed weeye kaan badhax ku darin, Hadalka soomaale
  • Howraar qalaad baa aqoon, Loo hormariyaaye
  • Buuniga hatigayaa ka badan, Heelka geedaha’e
  • Ka haariye dadkiisiyo ma jiro, Reer u hawl li’e
  • Hoggaan maamul oo hiil u gala, Kii horaa jiraye
  • Hooy lagu ilaashiyo ma laha, Hoosin loo dhigaye
  • Hadalkiisa maahine ma jiro, Han iyo muuqaale
  • Hooyaallaydii gabayga iyo, Tixiyo hawraarta
  • In yaroo Hunguri kaga jiraa, Haysa maantaba e
  • Mar-horuu hog-weyn geli lahaa, Hadalka Soomaale
  • Nin kastoow hareertaada qabo, Waa hantidi guude
  • Ama haanka goo waa habkaad, U hintineyseene.

La soco qeybaha xiga ee summadaha qoraalka.

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.