Home Qoraallo Midkeen daacad u nahay WQ:- Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Cali Ugaas)

Midkeen daacad u nahay W\Q:- Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Cali Ugaas)

0
SHARE

Midkeen daacad u nahay (Qaranka, Qabiilka, mise Diinta).

Soomaalidu waa isir da’ weyn oo leh sooyaal xaddaarad, dhaqan, diin iyo deegaan u gaar ah. Waa ummad soo-yaalkeedu aad u fog-yahay fac ahaan oo ilaa iyo xilligi Faraaciyiinta saameynteedu taagneyd ganacsi ahaan. Dhanka kale, waxay Soomaalidu ka mid tahay dadyowgii ugu horreeyey ee ku dhiirrada rumeynta diinta Islaamka, sida ay taariikhdu xuseyso Makkah iyo Jasiirad-la-moodda Carbeed oo aan si fiican Islaamku ugu fidin ayaa Seylac oo ay markaa ka talinneysay boqortooyadi Afat/Awdal la soo gaarsiiyey diinta oo waxaa Seylac weli raadkiisu ka muuqdaa masaajid laba qibladdood leh. Marka diin ahaan Somaalidu waa Muslimiin heysata firqada sunniga loogu yeero, mad-hab ahaanna waxay ku dhaqmaan mad-habta Shaaficiyadda oo (Suufiyadda ku xoogga badan tahay) oo abtir-diinneedkeedu badanaa Ciraaq galo, aadna u ixtiraamta awliyada, barakeysiga, iyo sunnada Nabiga SCW imaamka u ah Islaamka iyo qoyskiisa, waloow qarnigIi la soo dhaafay afkaar saxaraha Carbeed ka timiD lagu laray Shaaficiyaddi taas oo ugu dambeyn u xuubsiibatay mad-hab barxane ah oo afarta mad-hab ee ugu weyn si isku mid ah wax uga wada qaadanaya, seef la-bood ah oo qal-qal caqiiddo ku abuurray ummadda Soomaaliyeed.


Sidoo kale, dhaqan ahaan Soomaalidu waa ummad u qeybsan qaab qabiil oo dhaqan-wadaag ama dhiig-wadaag ah, waa bulsho xooladhaqto-beeraleey ah ama dabato ah (kalluumeysato ama ugaarato). Sidoo kale waxaa loo qeybin karaa hab-nololeed ahaan wadaad, waranle iyo waable, oo waa bulsho ku dirirta marka laga hadlaayo xooladhaqato-baaraleeyda bar xoolaad ama beer, ceel ama cows. Dagaalladaas oo ah kuwo soo noq-noqda oo mushkiladdooda leh laguna xalliyo dhaqan soo jireen ah. Qaran ahaanna Soomaalidu waa qaran aan aad u da’ weynneen, ayadoo arrinkaas ay la wadaaggaan dhammaan wadamada la gumeystay, waayo Soomaaliya oo u qeybsaneyd waqooyi iyo koonfur oo xurriyadda ka kala qaatay boqortooyada Ingiriis iyo Talyaaniga sannadkii 1960-ki ayeey qarannimadeennu ka soo billaabata. Madaxbanaanida iyo siyaadda (independency and sovereignty) ummaddeenuna waa muqaddas laguma xad-gubnaan ah tan iyo xilligi aan xurriyadda qaadanay, haddii aynan innagu ku ciyaareyn oo aan ka dhigeyn wax sahal ah.


Fikradda diinta iyo waxa mabda’ ahaan ay xambaarsan-tahay, tan qabiilka iyo nuxurka uu wato iyo midda qarannimada casrigan saldhigga u ah waa afkaar iska hor-imanneysa marar badan oo si uun liddi isugu ah. Qaabka ay diinta wadaaddadeenu u meeriyaan maaha qaab la jaan-qaadi kara midka qabiilka iyo tan qaranka. Qabiilkuna dhaqan ahaan milgeyn badan uma haayo afkaarta diinta iyo qarannimada. Qarannimada casriga ahna maaha mid diineed oo asalkeeduba waxaa asaasay dad kaniisad ka carar ahaa, ma na aha mid qabiil oo waxay ka timid galbeedka oo aan dhaqan ahaan u sameysneen qaab abtir reereed ah. Tusaale fudud waxaa noqon kara, qabiilka marka la jooggo dhaqan ahaan wuxuu diinta u oggol-yahay in la raaco marka la is mehersanayo ama marka la kala qisaasannayo oo inta kale arrimahiisa isaga ayaa xal dhaqameed u raadsada.


Marka laga soo tago fikradda qarannimada oo aan labada kale il-hoose ku sii fiirinno, qabiilka iyo diinta waxay kaloo ay wataan mushkilad xagjirnimo oo marar badan horseedda inay isku jihaaddaan dad isku diin ah oo wada muslimiin ah (1910 iyo 2006…..) ama dagaal sokeeye uu dhex-maro dad isku dal ah oo Soomaali wada ah (1991). Waxay sidoo kale aqoonyahanno badan oo soomaaliyeed ku doodaan in isbaarada ugu weyn ee hortaalla dowladnimadeena ay tahay iskamhor-imaadka iyo is-dabarka saddexdaas, waayo waa mabaadi’ isbarbar ordeysa oo u baahan in si maangal ah laysku waafajiyo tiiyoon arrinta loogaga sii darin oo dhaqamo ummaddo kale ku aflaxeen na lagu tijaabin. Iyadoo intaasi ay jirto, qofka soomaaliga ah uma maleyn maayo in saddexdaas midkood uu ka tanaasulli karo, waa qaranka, qabiilka iyo diinta e.


Haddaba suaashaydu waxay tahay midkee ayaan daacad u nahay, ma qarannimadeenna, ma qabiilkeenna, mise diinteenna? Ayaga iyo Allahoode waxay ka sheegaan in Sayidka uu halgankiisi wejiyada badnaa ka billaabay in uu ka horyimaado Sheekh Cabdillaahi Caruuse oo ahaa wadaadki isaga wax soo baray ee macalinka uu ka diin qaaday ahaa degmada Berbera. Maalin gartooda lagu jiray guri ku yaallay magaalada ayey ka sheegaan in Sayidku yiri, “haddii aad shalay macallin ii aheyd maanta aniga ayaa kaa cilmi badane ii noqo arday” , arrintaas oo dhaqan ahaan ugub ku aheyd ummadda Soomaaliyeed waayo caasinimadii diineed ma aysan aheyn wax dadkeennu uu yaqiin oo macallinka wax ku baray wey adkeyd in xitaa muran ama dood lala galo ixtiraam loo hayo darteed. Waxaa kaloo Sayidku caan ku ahaa ka qeyb qaadashada silsilado maansooyin ah oo uu reerkiisu ku difaacayo ama uu ku deedafeynnayo reer kale (Isaaq ama Majeerteen) isaga oo adeygsannaya hibadiisa suugaaneed. Marka aad si qoto-dheer u daraaseyso Sayidka dagaalladiisi uu la galay gummeystaha, kuwi uu la galay qabiillada kale ee Soomaaliyeed ama dariiqooyinka ka baxsanaa Saalixiyadda, waxaa kuu soo baxaya in Sayidku uusan aheyn kaliya halgamaa gobannimo doon ah, balse, uu mararka qaar lahaa sifaad hoggaamiye kooxeednimo ama sifo wadaad mintid ah oo gaalleysiinaya cid walba oo aragti ahaan aaminsan mid tiisa ka horimanneysa, waxaana tusaalle kuugu filan dagaalladi uu la galay dariiqada Qaaddiriyadda ee uu Sheekh Aweys Al-Baraawi hormoodka u ahaa.

Haddaba shaqsiyaddaas qeybsan ee Sayid Maxamed oo ka mid ah halgamayaashii Soomaaliyeed waxaa loo daliishan karaa in qofka Soomaaliyeed si isku mid ah uu u aaminsanaado aragti diinneed, mid reerreed iyo mid qarannimo oo uu daacad u wadaa ahaado afkaartaas sida tooska ah isaga horimanneysa. Sidoo kale SYL oo ahaa urur gobannimo doon ah oo dadaal iyo juhdi xooggan galiyey sidi lagu heli lahaa dal madaxbannaan oo xornimadiisa ka qaata gummeysihi Talyaaniga, markii ay guuleysteen ka dib oo ay hadafkoodi gaareen waxay arrintoodu marar badan ka fursan weysay inay aragtidooda qarannimo hoos uga soo dhacaan oo nidaamki gumeystaha ee siyaasadda ay u xirneyd Talyaaniga iyo inta ka ag dhaweyd ku beddelaan mid reerreed iyadoo awoodda dowladnimadi ay maroorsadeen laba qabiil halka ummadda inteeda kale laga soomiyey dheefta dowladnimada ilaa maantadan aynu joogno. KacaankIi 21-ka Oktoobar ee uu garwadeenka ka ahaa Janaraal Maxamed Siyaad kuna doodi jiray in ay dalkan ku maamulayaan nidaam hantiwadaag cilmiyeysan ah sannado ka dib qabyaalladooda ayey dhinac ka walaaqdeen oo afkaarti qarannimo ay xambaarsannaayeen waxay siisteen mid qabiil oo ugu dambeyn sababtay in uu dumo nidaamkii dowladnimo ee dalka ka jiray. Waxay kaloo sababtay in dagaallo ahli ah oo lagu hoobtay ay dalka ka dhacaan.


Lama dafiri karo halgankii Sayidka uu la galay saancaddihi gumeystaha ahaa, sidoo kale ma jiro nin ku dhacaa in uu yiraahdo SYL ma aheyn urur gobannimo doon ah, waana muuqata raadadkii wanaagsanaa ee uu kacaanki innooga tagay, dhibaataduse waxay tahay maxaa halgamadaas iyo waxqabadkaas quruxda badnaa baddalay oo keenay in qabiilka laga fursan waayo oo nin walba ay khaatumadiisu noqoto mid lid ku ah wixii uu sheeganayey? Haddii wadaadku yahay dallaal suuqgeynaya afkaar dalal kale laga leeyahay, nabaddoonna ku yahay mid raba in uu ka macaasho dhiigga reerkiisa, siyaasiguna yahay mid qarannimada ummadda raba in uu ka dhigto ganacsi uu asagu leeyahay, sow ma muuqato in aynan daacad u aheyn midkood, sow ma muuqato in daacadminadeennu tahay mid jiid-jiid meysa (elastic) ah oo hadba meeshii markaas danteennu ay ku jirta aadeysa. Waxaa dood ila saxan ah in wadaadkeennu uu diinta ku daneysanayo, madax-dhaqameedkuna faa,iido iyo dufaneysi ka raadinayo danta qabiilkiisa, siyaasiguna qarannimada uu rabaa aysan dhaafsiisneyn afka baarkiisa oo cid walba ay daacad u tahay danteeda shaqsiga ah kuna raadinneyso saddexdan midkood. Ma shaqsi aan Soomaali aheyn bey ka suurtowdaa in qof uu shalay gaaleysiineysay uu kursiga kala wareego sannado ka dib? Ma urur aan mid Soomaaliyeed aheyn ayaa qarannimadi shalay uu u halgamayey ku baddali kara dhaqan qabyaaladdeed? Jawaabaha su,aalahan waxaan u deynayaa akhristaha maqaalka.

W\Q:- Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Cali Ugaas).

SHARE