𝗦𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗼𝗯𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮; 𝗔𝘆𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 A𝗯𝘄𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮

𝗦𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗼𝗯𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮; 𝗔𝘆𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗮𝗯𝘄𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮.

Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye ayaa qabatay mid ka mid ah Barnaamijyadii taxnaa ee aad horay uga barateen; Ayaanka abwaanka
Halbeegga kulankiisii 10-aad: Xuska iyo xasuusta Abwaan Jimcaale Casir Caynte (Jimcaale Dhegataag)

𝗗𝗿. 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗮𝘀𝗲𝘆𝗿 oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed sidoo kalana qoray buug uu ka mid yahay buugga Maansada abwaan Jimcaale Caser Caynte (Jimcaale Dhegataag) waxaa uu sheegay in uu 1910 ku dhashay magaala xeebeedka Mareeg, isaga oo waxaana uumagaalada Muqdisho yimid isaga oo 9 jir ah. Waxaa uu sheegay in xilligaas uu bilaabay halgan nololeed iyo in isaga oo da’yar uu xamaasho dadkii oo la yaabay ayaa ku yiri war Jimcaale waad yartahay ee maxaad xanaaliga ku falaysaa waxaa uuna igu jawaabay maansadaan isaga oo yiri;

𝗡𝗶𝗻 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝘅𝗮𝗺𝗮𝗿 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗼
𝗫𝗼𝗼𝗹𝗼 𝘀𝗼𝗼𝗳𝘁𝗼 𝗹𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻
𝗫𝗮𝗴𝗺𝗮𝗿 𝘂𝘂 𝘂 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆𝗻
𝗗𝗮𝗱 𝘅𝗮𝘄𝗮𝗮𝗹 𝗷𝗶𝗿𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗵𝗮𝗻
𝗫𝗮𝘆𝗮𝗮𝘁𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗮𝗻
𝗜𝗻𝘂𝘂 𝘅𝗮𝗺𝗮𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗴𝗮𝗿 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗲

Waxaana uu sidaas ku billaabay tirinta suugaanta isaga oo 9 sano jir ah, ka dib 1934-kii oo uu ku biiray ciidamadii talyaaniga ayaa waxaa uu ka qayb galay dagaalkii uu talyaanigu ku qaaday xabashida sanadku markii uu ahaa 1935 isaga oo ahaa askeri guushii iyo geesinimadii ay ka keeneen dagaalka isaga iyo dhallinyaro kale oo Soomaali ahaa ayaa talyaanigu ku abaal mariyay in ay dalxiis ku geeyaan waddankooda iyada oo la geeyay Roma iyo magaalooyin kale oo talyaaniga ah.

Abwaan Jimcaale markii uu arkay hormarka iyo sida ay u dhismayaan magaalooyinkii talyaaniga ayaa waxa uu xasuustay dhibta iyo burburka uu dalkiisii ku jiray waxaana uu soo laabtay 1940 isaga oo degaamaystay magaaladii uu ku dhashay ee Mareeg.
Waxaa uu ahaa afmaal iyo hoobal suugaan yahan ah waxaa uu ahaa nin caan ka ahaa fagaarayaasha suugaanta waxaana halhays u ahaa “ka-dhergi maayo dheel barbaar, in aan ka dhinto maahee” wa,aa uu sidoo kale qayb weyn ka ahaa halgankii gumeysi la dirirka waxaana uu ka tiriyay gabayo iyo shiribyo badan waxaana ka mid ahaa gabayadiisa;

𝗡𝗶𝗻 𝗴𝘂𝗺𝗲𝘆𝘀𝗶 𝗱𝗶𝗶𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗼𝗼𝗻 𝗴𝘂𝗿𝗮𝗻𝗻𝗶𝗻 𝗹𝗮𝗮𝗹𝘂𝘂𝘀𝗵𝗲
𝗡𝗶𝗻 𝗴𝘂𝘂𝗯𝗮𝗮𝗯𝗶 𝗷𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗴𝗲𝘆𝗶𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶
𝗢𝗼 𝗴𝘂𝗯𝗮𝗻𝗶𝗺𝗼 𝘂 𝗱𝗶𝗿𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗴𝗲𝗲𝗿𝗶𝗱𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗲𝗲𝗱𝗲.

Waxaa uu qayb weyn ka ahaa Ururkii dhallinyarada SYL ee gobanimo doonka ahaa waxaa uu na ka tiriyay gabaygii caanka noqday ee “Kulub ha noolaado”

ğ—žğ˜‚ğ—¹ğ˜‚ğ—¹ğ—®ğ—®ğ˜ğ—®ğ˜† 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮𝗮𝗻 𝗿𝗮𝗴 𝗶𝘀𝘂 𝗸𝗲𝗲𝗻𝗮𝗮𝘆𝗲
ğ—žğ—®ğ—®ğ—¿ğ—®ğ—µğ—® 𝗮𝗿𝗺𝗮𝗮𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗿𝗮𝗿𝘁𝗮𝘆 𝗸𝗶𝗰𝗶𝘁𝗶𝗻𝗸𝗶𝗶𝘀𝗶𝗶𝘆𝗲
ğ—žğ—®ğ—»ğ—¼ğ—¼ğ—»ğ—¶ğ—´ğ—® 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗿𝗶𝗱𝗮 𝗵𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿𝗮𝗮𝗱𝗲
ğ—žğ—®ğ—¿ğ—®ğ—®ğ—ºğ—®ğ—±ğ—¶ğ—¶ğ˜€ğ—®ğ—´ğ—®ğ—¯ğ—®ğ˜† 𝗳𝗮𝗮𝗿𝗮𝘅 𝘀𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗴𝘂 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆
𝗢𝗼 𝗸𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗱𝘂𝗰𝗮𝗮 𝗶𝗶𝗴𝘂 𝗺𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗸𝘂𝗹𝘂𝗯 𝗵𝗮 𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼
ğ—žğ—®ğ—¿ğ—¶ğ—¶ğ—ºğ—¸ğ—¶ğ—¶ğ—»ğ—® 𝘂𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗿𝘆𝗮𝘆𝗲 𝗸𝘂𝗹𝘂𝗯 𝗵𝗮 𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼
𝗜𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗿𝗮𝗴𝗮 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗮𝘆𝗻 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗹𝘂𝗯 𝗵𝗮
𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼
𝗜𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗲𝗲𝗿 𝗸𝘂𝗿𝘁𝘂𝗺𝗼 𝗴𝗼𝘆𝗻 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗹𝘂𝗯 𝗵𝗮 𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼
ğ—žğ—¼ğ—¼ğ—¿ 𝗴𝗲𝗲𝗹 𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗾𝗼𝗿𝗶 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗹𝘂𝗯 𝗵𝗮
𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮𝗱𝗼.

Abwaan Jimcaale ayaa qayb ka ahaa halganka ilaa 1960 xorriyadda la hantay iyada oo uu dhibaatooyin badan ka mutay gabayadii iyo kicintii bulshada Soomaaliyeed si ay isaga rogaan heeryada gumeysiga.

𝗣𝗿𝗼. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗶𝗹𝗺𝗶 𝗧𝗼𝗼𝘅𝗼𝗼𝘄 oo isna ka hadlay qaybo ka mid ah taariikhda iyo suugaanta abwaan Jimcaale Dhegataag ayaa sheegay in uu gabayadiisa ay ahaayeen kuwa wadi ah oo uu dadka ku kicin jiray waxaa uu na ku sifeeyay in uu ahaa waddani dal jacaylka iyo xornimada dadka soomaaliyeed wax walba u horay, waxaa uu sheegay geeraar uu abwaanka uga hadlaayay dadka hantida dowlada ku tari Fala waxaa uuna leeyahay:

𝗡𝗶𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗱𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱 𝗾𝗶𝘆𝗮𝗮𝗺𝗮
𝗪𝗮𝗮 𝗱𝗲𝗻𝗯𝗶𝗶𝗹𝗲 𝗶𝘀𝗺𝗼𝗼𝗴
𝗗𝗼𝗼𝗿 𝗵𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼
𝗗𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮𝗹𝗲𝗲𝘁𝗮𝗻𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼
ğ—žğ˜‚ğ—ºğ—® 𝗱𝗲𝗲𝗾𝗱𝗮 𝘆𝗶𝗿𝗮𝗮𝗵𝗱𝗼
ğ—žğ—® 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼𝗼𝘄 𝗶𝘀 𝘆𝗶𝗿𝗮𝗮
𝗜𝘀𝗮𝗴𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗹𝗱𝗮𝗹𝗮𝗮𝘆𝗼𝗼
𝗗𝗮𝗯𝗶𝗻𝗸𝗼𝗼𝘄 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮
𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱 𝗱𝘂𝘂𝗹 𝗰𝗶𝗹𝗹𝗮𝗻 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗲
𝗗𝗮𝗯𝗮𝘆𝘀𝗵𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝘆𝘀𝗮
𝗜𝘆𝗼 𝗱𝘂𝘂𝗹 𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗻𝗸𝗶 𝗱𝗮𝗯𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮.

𝗟𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗻 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗹𝗲 (𝗦𝗵𝗶𝗿𝗶𝗯𝗺𝗮𝗮𝗹)
Oo ah qoraa iyo suugaanyahan ayaa ka hadlay sooyaalkii iyo qora-isku dhiibkii Suugaaneed ee abwaan Faarax Shuuriye, abwaan Jimcaale Dhegataag iyo abwaan Cabdulle Raage Taraawiil waxaa uu sheegay in abwaannadaan ay ahaayeen rag boqornimada gabayga isku wareejiyay oo midba mid kale kala wareegay gabayga Laashin Shiribmaal ayaa xusay in uu ka soo gaaray abwaan Cabdulle Raage Taraawiil oo sheegaya in mar ay gabayo isku qabsadeen abwaan Jimcaale Dhegataag iyo abwaan Cali Cilmi Afyare ayaa abwaan Taraawiil waxaa uu ka codsaday in uu u jawaabo Abwaan Cali Culmi Afyare markii uu u jawaabay ayaa Abwaan Jimcaale Dhegataag inta madal casuumaad ah u fidiyay afmaalka ahaa iyo dhammaan hal-abuurkii bulshada ayuuhalkaas kula wareejiyay gabaygii 1963-kii. Waxaana uu tusaale u soo qaatay abwaan Cabdulle Raage Taraawiil oo gabay ku yiri;

𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻 𝘁𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿𝗮𝘆
𝗢𝗼 𝗸𝘂𝗻𝗮 𝗲𝗱𝗲𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵𝗮𝘆
𝗛𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗮𝗯𝗼𝗼𝘄𝗴𝗮 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗸𝗮𝗱𝗮
𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗶𝘀𝗼𝗼 𝗮𝗹𝗯𝗮𝗮𝗯𝗶𝘆𝗮𝘆
𝗔𝗯𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗝𝗶𝗺𝗰𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗗𝗵𝗲𝗴𝗮𝘁𝗮𝗮𝗴
𝗜𝘀𝗮𝗴𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗶𝗱𝗶𝗻 𝗾𝗮𝗯𝗮
𝗔𝗯𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗙𝗮𝗮𝗿𝗮𝘅 𝗦𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗲

Waxuuna sheegay Laashin Shiribmaal in boqornimada gabaygu ahayd wax ay gaar u lahayeen abwanadaas isaga xusay in abwaan Cabdulle Raage Taraawiil oo gabayo badan tiriyay markii uu la wareegay boqornimada gabay ka dib in uu isna ku wareejiyay abwaan Maxamed Gacal Xaayoow waxaana uu tusaale u soo qaatay in uu gabayga lagu wareejiyay abwaan Maxamed Gacal Xaayoow gabaygaan;

𝗛𝗲𝗲𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝗯𝗮𝗿𝗮𝗮𝗻𝗯𝘂𝗿, 𝗴𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗵𝗲𝗲𝗹𝗹𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗷𝗶𝗶𝗳𝘁𝗼
𝗴𝘂𝘂𝗿𝗼𝗼𝘄 𝗹𝗮 𝗵𝗼𝗼𝗿𝘀𝗵𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝗹𝗯𝗶𝘅𝗶𝘀 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗵𝗶𝗴𝗮𝗮𝗴𝗮𝗮𝘆𝗼
𝗛𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝘂𝘂𝗾𝗱𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗿𝗮𝗮𝗰𝘀𝗵𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗶𝘀𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮
𝗔𝗱𝗼𝗼 𝗵𝗶𝗹𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗺𝘂𝗿𝘁𝘂𝗱𝗮 𝗵𝗮𝘆𝗯𝗶𝗻 𝗼𝗱𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮
𝗡𝗶𝗺𝗮𝗻 𝘆𝗮𝗵𝗼𝘄 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗵𝘂𝗱𝗱𝘂𝗵𝗶𝗶 𝗵𝗮𝗹𝗮𝗹𝗮𝗯𝗹𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮𝘆𝗲
𝗜𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗵𝗮𝗯𝗮𝗾𝗹𝗲 𝘆𝗮𝗮𝗾 𝗸𝘂𝗹𝗮 𝗱𝗵𝗰𝗱𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗵𝗮𝘆𝘀𝘁𝗮𝗮𝘆𝗲
𝗛𝘂𝗱𝗾𝗮𝘆𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘆𝗮𝗿𝘆𝗮𝗿𝘂 𝗴𝗮𝗯𝗮𝘆𝗴𝗶 𝘄𝗮𝘆𝗻𝗮𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗹𝗹𝗲𝗲𝘆𝗲𝗲𝗻𝗲
𝗛𝗮𝗹𝘆𝗮𝗮𝘆 𝗺𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗴𝗮𝗰𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝘂𝗯𝗸𝗮𝗻𝗲 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹 𝗺𝗮 𝘀𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗶
𝗜𝘆𝗼 𝗵𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗰𝗮𝗿𝗮𝗯𝗼𝗼𝘄 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝘂𝗴𝗮 𝗵𝗲𝗿𝗮𝗮𝘆𝗮𝗮𝘆𝗲
𝗛𝗮𝗹𝗴𝗮𝗻𝗸𝗲𝘆𝗴𝗶 𝘄𝗮𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝗲𝗯𝘁𝗮𝘆𝗲 𝗵𝗲𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗲𝘆𝗱𝘂
𝗠𝗲𝗲𝘀𝗵𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗲𝗹𝘀𝗮𝗻𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗵𝗮𝘆𝘀𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮𝗻𝗼.

Ugu danbayn Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa abwaan Cabdirixiin H. Galayr oo ahaa xiriiriyaha barnaamijkan. Waxaan kale oo mahadsan Agaasimaha Xarunta Bashiir M. Xirsi oo barnaamijkaan.

 

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN