𝗪𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗬 𝗠𝗔𝗞𝗧𝗔𝗕𝗔𝗗? W/Q: Cabdikariin Garruun

𝗪𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗬 𝗠𝗔𝗞𝗧𝗔𝗕𝗔𝗗? W/Q: Cabdikariin Garruun

Maktabaduhu waa goobaha xog-ogaanshaha ee bulshada. Dadka badankoodu marka ay maqlaan erayga “maktabad”, waxa maskaxdooda ku soo dhaca; “Buug”, Haa, way saxan yihiin, balse, kaliya maaha goob buug lagu ururiyay ee waa madal maan-dhis ah oo bulshada garaadkooda kobcisa, aragtidooda lista, fikirkoodana godlisa, bulshadana ula wadaagta hab qoraal ah, electorinic ah ama hab cod ah.

Maktabadu waa goob ka ballaadhan in buug laga helo oo kaliya, waa darka xikmadda, dooxa xogaha iyagoo ku siinaya tiro beel aqoon iyo xog ah oo ay adag tahay in aad meel kale ka hesho. Waa xarun bulsho oo hagta, hoggaamisa aragtiyaha, fikradaha iyo hiraalka dadka. Waa madal la dhigo wax soo saarka maskaxda sida fiican loo shiilay ee ummadda looga faa’ideeyay. Waa goob lagu ilaaliyo taariikhda iyo dhigaalka ummadi ay summad iyo sawrac u leedahay.

Maktabaduhu waxay u qaybsamaan dhawr nooc oo kala ah: kuwa dadweyne (Public), kuwo iskuullo, kuwa jaamacaddeed iyo kuwa gaar loo leeyahay (Private Libraries). Sidoo kale waxa jira kuwa loo sameeyo ciidamada, hay’adaha dawladda, goobaha ganacsiga iwm.

Maktabadu kalligeed ma noqoto maktabad ummada hoggaamisa, waxase ka dhiga kolba cidda u carbisan ee maamulkeeda haysa. Dad si gaar ah loo tababbaray ayaa ka hawl gala maktabadda, waxana loo yaqaan buug raacato (Librarian). Dadkani waa qubaro ku taqasusay, loona carbiyay xog nidaaminta, xog helidda, buug kala doorashada, habeynta iyo hormeynta buugta, qurxinta goobta, ururinta iyo ilaalinta xogta si dhijital ah iyo la macaamilka dadka isticmaalaya maktabadda iyagoo u fududeynaya helidda nooca buugga ay rabaan in ay aqristaan ama ka amaahdaan maktabadda.

Waxa jirta xikmad tidhaa: “Google wuxuu ku siiyaa 100, 000 oo jawaabood halkii su’aal ee aad waydiiso, balse, qofka buug raacatada ahi (Librarian) wuxuu ku siiyaa jawaabtii saxda ahayd ee aad waydiisay”. Neil Gaiman, Author

MAXAA LAGA FAA’IDAA MAKTABADAHA?

Maktabaduhu waa xarun bulsho. Marka laga yimaad in maktabaddu u fududeyso dadka in ay wax badan ogaadaan oo xogogaal noqdaan, haddana sidoo kale waxay isku xirtaa bulsho kala af iyo dhaqan duwan.

Waa goob lagu barbaariyo dhallaanka, lagu dhiso maankooda, lagu hormariyo hab akhriskooda iyadoo looga caawinayo hab ciyaareed, hab muuqaaleed, hab codeed iyo hab qoraaleed intaba. Intaa waxa u dheer maktabaduhu waxay bixiyaan koorsooyin gaar ah oo caawiya dadka waaweyn, kuwa aan awoodin in lacag wax ku bartaan, si ay dunnidan casriga ah ula socdaan.

Waxa kale oo xusid mudan in maktabaddu si bilaa lacag ah u bixiyaan goob deggan, buug badan, computer iyo internet bilaa lacag ah oo qofku hawlihiisa aqooneed ku diyaarsado.

Maktabaduhu waa goob si weyn uga qayb qaata is dhexgalka bulshada. Tusaale, waxa isku arka oo isku barta boqolaal dhallinyaro aqoonyahanno ah oo garaad cabbir iyo aragti falanqeyn iskugu yimaad. Waa goob is barta bulsho aan isku deegaan ahayn, bulsho aan isku af ahayn, bulsho aan isku dhaqan ahayn.

Waa goob carbisa, barbaarisa, kobcisa kasmada dadka, sidoo kale xoojisa xasuusta iyadoo u xambaarisa xago badan oo aanu laas kale ka maaxdeen. Waxa lagu qabtaa doodaha mawduucyada xaasaasiga ah, falanqeynta buugta , gorfeynta waraaqaha cilmi baadhista jaamacada iwm.

Waa meel aan sinnaba looga maarmi karin, meelkasta oo la joogaba. Ina marsha aan maankeena maal gashannee.

Let’s go!

W/Q: Cabdikariin Garruun 

Author & Blogger.

SHEEKOOYIN