(01-06-2016) Xusuus iyo xanuun is ku xiran! W/Q: Cabdixafiid Maxamad “Wasiirka”

Xusuus iyo xanuun is ku xiran!

 

Soonqaad suubban

 

Caawa oo kale, 01-06-2016dii, waxay eheed habeen ay soo galaysay khamiis. Jawiga magaalada Muqdisho maalintii arbacaad oo dhan, wuxuu ahaa sida caadada eheed mashquul, aan madaxa kor loo qaadin, oo dadku waxay ku mashquulsanaayeen nolol maalmeeddkooda. Salaaddii maqrib oo ay ka dhimmaneyd wax ka yar 15daqiiqo, ayaa waxay dadku marqura maqleen dhawaqa qarax culus iyo rasaas xigtay.

Wixii la is waydiiyo meeshay wax ka dhaceenba, waxa ay noqotay waddada Maka Al-Mukarama, illinka xiga laamiga hotel Ambassador, oo ku yaalla ka soo horjeedka IBS Bank, ee degmada Hodan. Goobta gaariga naftii halliguhu uu ku dhuftay waxa dhinac ku haya xawaalado, hotello, biibitooyin lagu shaaxo iyo dukaamo kale, waxaana waddada mara ama ka adeegta mehrada u dhaw dad badan.

3 salaadood, ka mida 5ta waajibkaa, dadku waxay ku oogaan bannaanka hore ee xarunta Dabahshiil. Waxaa meeshii hareeyay dhawaqa dadka dhawaca ahaa, oo wada taahayay, xabbado ka dhexbillowday gudaha hotelka iyo meydad aan xisaab lahayn, oo daadsanaa laamga iyo marriimada hotelka!

Waxaa fududaan waysay, in loo gurmado dhaawicii daadsana waddada, ee intan mashaqadu dhicin isugu jiray, dad rabay gudashada waajibka Alle saaray, kuwa u joogay adeegasho, kuwa ku qaxweysanayey iyo kuwa marayay waddada, oo saarnay gaadiidka nuucyadiisa ka la duwan, haba ugu bataan caasi iyo mooto bajaaj.

Goobta ay beegsadeen UGUS oo sidaa u mashquul ahayd, ayaa haddana waxa fududaan waysay, in dadka bannaanka jooga ay waayeen wax ku gaaraan si ay gurmad u fidiyaan, loona geeyo goobaha caafimaadka, sababtoo ah, waxa u fududaatay sharwadayaashii, in ay kor u koraan hotelka, misana ay ka soo ridaan xabbado dariishadaha kore ee hotelka, iyagoo liifaya raq walba oo nuuxsata.

Gugta dhacday iyo bilaabashada weerarka iyo weerar celinta ka socotay gudaha hoteelka, oo u dhaxaysa ciidamada ammaanka iyo qarbudayaasha, ayaan mar qura ku soo baraarugay, anoo hurdo dheer ku jiray, oo waxaan qalleynayay dhafar dhowr hobeen igu aruuray awgeed, oo an ku jiray shaqooyin adag, oo ay qeyb ka ahayd u diyaargarowga soo dhaweynta Rajab Dayib Ordugaan, Madaxweynaha dawladda Turkiga ee aan walaalaha iyo gacalka nahay.

Boobsiis iyo degdeg ayaan ku labbistay, ka dib markii aan ogaaday meesha ay musiibadu ka dhacday. Waxaan soo dhaqaaqay anoo hoggaaminaya 3 gaarii gurmad, ee ambalaaska iyo 3 gaari dab damis. Waxaa ii suurtagashay iyadoo ay ii diiddan yihiin qaar ka mida guddoomiyayaasha degmooyinka iyo sarakiil booliis, oo taagnaa agagaarka Premier Bank, in aan galo xabbadda oo socota iyo toogasho ay wado mid ka mida dhagarqabayashii saarnaa dusha sare ee hotelka,

Aniga iyo teamkii i la socday, waxaan u dhaqaaqnay tala saarasho Eebbe ka dib, in aan isku dayno, in aan ka gaarsiinno goobaha caafimaadka ah, si wax loogu qabto, wixii aan ka gaarnay. Wixii shaqada aan wadnaba, waxaa mar qura jawiga meeshi ay noqotay mid mugdi ah, oo aad kaliya arkaysid iftiinka dhimbilaha la isku adeegsanaayo, maadaama qorraxdii dhacday. Rasaasta la is weydsaarsanayo!

Dadkii ku geeriyooday qaraxa iyo weerarka waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo xildhibaan Maxamuud Maxamad Guure, Cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir oo la dhashay xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir, iyo toboneeyo dadweyne kale, sidoo kalana kontomeeyo kale ay ku dhaawacmeen, halka ciidamada ammaanku ay soo badbaadiyeen ilaa 4 xildhibaan oo ka la ah xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Maxamad Cumar Maclow, Cabdullaahi Xaaji Dayib iyo Maxamad Xersi Ducaale.

Dhagarqabihii korsaarnaa waxaa uu ku jiray, in uu sii wado liifidda qofkii uu is dhaho waxaa ka muuqata astaan dowlo, sida: dharka ciidanka, gacamada isgaarsinta ama halow halowga sida ay bulshada u taqaan. Intii aan ku gudajirnay gurmadkii, ayaa waxaan wax ka qaaday meydka wiil dhalliyaro ah, oo aan ku qiyaasay da’diisa 23jir, si loo dhigo dhagaxa isbitaal Madiina, oo maydadka la dhigo, xilliyada lagu jiro xaaladahan oo kale, illaa waagu ka baryayo, si ay ugu fududaato helidda ehellada ruuxaa dhintay, oo ay ka soo raadshaan.

Markii aan wax ka saaray meydka ambalaaska, ayaan u soo tallaabay dhanka mid ka mida baallayaasha shubka ah, oo ay ku xiranyihiin nalal waaweyn, anoo ku mashquulsan sidaan iga tirtiri lahaa dhiigga iiga yaallay gacmaha, ayuu dhagarqabe kor ka arkay helow helowgii dhinaca iigu jiray, markaasow asoo ka faa’iideysanaya iftiinka aan hoostaaganahay wuxuu ii so raaciyay xabbad, asoo i soo shiishay, waxayna xabbaddu iiga dhacday lugta bidix, gaar ahaan xagasha!

Laalabasho ka dib waxa ay ka baxday is la xagashii, waxa ayna u gudubtay lugtii midig. Xoogga ay lahayd xabbaddu darteed, ayaan u dhacay sidii rati qawaar ah oo kale. Waan is dhiirragaliyay, oo waxaan dhahay rag iska dhig, yuusan cadowgu farxin, isna dhihin ruux ayaad la heshay, deedna waan is taagay, oo waxaan u soo qaaday dhowr tillaabo dhanka marsha biyeediga xiga degmada Hodan oo xilligaa mugdi ahaa.

Kufkuf ka dib, waxaa garabka bidix i qabtay Shiiq Maxamuud, oo ah agaasimaha howlaha Farsamada Dowladda hoose ee Xamar. Waxa uu iga caawiyay, in aan helo gaadiidka gurmadka ambalaasta, si la iiga gaarsiiyo goobaha caafimaad. Waxyar ka hor, dad dhaawac iyo maydba isugu jira anaa wax ka daadguraynayey, haddana aniga ayaa la i daddaaminayaa, oo isbitaal la ii sii wadaa. Adduun iyo xaalkii! Xabbaddu waxay igu dhacday 19:50 fiidnimo.

Waxaa la i geeyay isbitaalka Digfeer, oo hadda loo yaqaanno {Ordugan Hosbital}, nasiibxumo, waxaa ay ilaalada isbitalku sheegeen, in maamulka isbitalka uu ku amray, in aan la qaban karin wax dhawac ah, mar haddii qorraxdu dhacdo. Tallaabo ammaan la xiriirta, haddana wax ka badalin u baahan.

Waxaan ka xasuustaa masuuliyiinta iiga daba timid isbitaalka inta aan hortaagnayn, Maxamad Axmad Diiriye “Yabooh” Guddoomiye ku xigeenkii hore amniga iyo siyaasadda Gobolka Benaadir, haddana maareeye ku xigeenka labaad ee Dekedda, Maxamad Daahir markaas ahaa Taliyihii Qeybtii Waliyow Cadde, haddana ah Taliyaha Qeybta Galbeed, Cabdifitaax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Benaadir.

Dood dheer ka dib, waxaa ay asxaabta gurmadka iigu timid isku raaceen, in la i geeyo isbitaalka Deyf, halkaas ayaana la i dhigay. Waxaa isbitaalka bannaankiisa soo buux dhaafshay madax, asxaab iyo ehel aan xisaab laheyn, si ay xaaladdeyda meel ugu ogadaan.

Cirbaddii la igu dhuftay ka dib, walina dhiiggaa la joojin la’ay, ayaa wiil aan ku qiyaasayay, in uu ku jiro bahda caafimadka wuxuu dhagta iigu sheegay, in HALBOWLAHA lugto go’an yahay, intana aan wax looga qaban karin, ee isbitaal kale, in la i geeyo ay tahay! Waa hawl kale iyo isbitaal kale raadsha! Midkii hore, waxaa na loogu diiday, in aysan habeen dhaawac qaban, kanna adeegyari awgeed, ayey dantu na leedahay ka baxa! Bukaan, dhaawac ama qof dhibban si qabata ma ahan, haddana, waa duruuf dalka taal, oo hagaajin iyo hadig u baahan.

Waxaa Alle iigu gargaaray, in aanan marna miir daboolmin, iyadoo intaa dhiiggu iga socdo si xowli ah, oo aan ka la joogsi lahayn. Waxaan is leeyahay, oon ku qiyaasi karaa saacad iyo ka badan. Waxaa ii suurtagashay, in aan la xariiro Dr Cabdirisaaq, oo ah agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, markaan uga warbixiyey xaaladdeyda caafimaadna, wuxuu ii sheegay, in uu i la tacaali doono, haddii la iigu geeyo isbitaal Banaadir. Geynteydii Isbitaal Banaadir ka dib, waxaa mar kale soo buuxdhaafiyay goobta dad badan, oo aan xisaab lahayn, Rabbi ajir badan ha siiyee.

Markii Isbitaal Banaadir la i geeyay ayaa waxaa la igu shubay 1,500 oo dhiig ah, waxaana dhiigga ii shubay Xasan Indhoos, Cabdulqaadir Cawaale iyo Cabbaas Daacad, oon abaal la soo koobin uga hayo, Eebbana ajir ha ka siiyo. Intii lagu gudajiray isku keenidda Halbowlaha waxaa tira dhowr jeer ah ii yimid guddooomiyihii hore Gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Shiiq Yuusuf Xuseen Jimcale “Madaale”.

Waxaa miyirku ii soo laabtay 02:30am, iyadoo howl adag layga qabtay. Xilligaa dareenkayga soo laabtay, dadka indhahaygu qabteen waxaa ka mid ah guddoomiye Madaale, guddoomiye ku xigeenkii hore, ee Howlaha guud gobolka Banaadir Cabdicasiis, haddana ah xildhibaan, maareye Yabooh, Shukri Xuseen Cosoble Ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Yaaqshiid, Gallad agaasimaha Xafiiska Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, G/le Cabdalle Cosoble, Ilhaam Sheekh Abuurkar Huwa, Maxamad Xasan, Abkow, Dayax, Xasan Dheere, Cumar Qatar, Makaraan, Cabdifitaax Xalane, Mustaf, Maryan, Khaalid, Zeynab, Cabdullaahi Buur, Cabdiqani, Xuseen Curri, Eeddo Shukri Aadan Diiriye, Hooyo Faadumo, abbaayo Fardowso, habaryaaryaal, eeddeyaal, oo dhan iyo asxaab kale, oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Dr Cabdirisaaq ayaa guddoomiyihi gobolka uga warbixiyay qalliinki uu igu sameeyay, markaa ka dib, mudane Shiikh Yuusuf wuxuu go’aansaday, in dalka dibaddiisa la ii qado, si wax looga qabto dareenka lugta, oo Dr Cabdirisaaq uu sheegay in uu halis yahay.

Waxaan is leeyahay waxaan ahay dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen qofkii ugu nasiibka badnaa, marka loo eego daryeelka caafimaad iyo wehelka aan helay iyo soo booqashada aan kal a go’a lahayn, ee aan la kulmay. Waxaa intii aan ku jiray Isbtaal Banaadir waqti kasta imaanyay madax, asxaab iyo qaraabo aan, oon xad lahayn. Waxaa i soo martay, in aan wayay xilli aan hurdo, tiro badnida booqashado ageed. Allow idin ka abaalmari.

Dadka i soo booqday ma soo kobi karo, waxaana ka mid ahaa, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin, culumo awdiin, inta badan guddoomiyasha degmooyinka gobollka, agaasimayaasha dowladda hoose, ardayda Jaamacadda City Universty, ardaydii aan is la dhammennay Jamacadda Muqdisho, abwaanno, qaar ka mida saraakiisha ciidamada qalabka sida, boliiska, NISA, xoogga dalka, wariyayaal, asxaab iyo qaraabo dalka dibaddiisa ku sugan oo wicid iyo ducaba i soo marshay baraha la is ka la xariiro.

Muddo 5maalmood ah ka dib oo ay dib ii dhigtay imaanshihii Madaxweyne Ordogan, ee uu caasimada dalka yimid, waxaa la ii qaaday dalka Turkiga. Waxaan Muqdisho ka ambabaxay 06-06-2016. Waxaa sagootin qiima badan ii sameeyay G/le Cabdalle Cosoble, Dayax, Xasan Dheere, Shukri, Maryan, Taliso, Guure, Axmad Gaafow, Miikaa’il, Cabdullaahi Buur, Maxamad Xasan, Agaasime Gacal iyo asxaab iyo ehel kale oo badan mahadi ha ka gaartee.

Safarka waxa igu wehliyay abboowgey Shaafici Maxamad Xersi, oo dadka qaar u baxsheen Mataanka Cabdixafiid “Wasiirka”, Halkaa ayaan ka raacnay Diyaarada Turkish, oo na gaysay Istanbul.

Waxaa garoonka igu soo dhaweeyay agaasimihii hore ee waaxda Arrimaha Dibadda ee Gobolka Banaadir mudane Axmad Showqi, Cabdinuur iyo asxaab kale.

Waxaa la i geeyay isbitaal, isla habeenkiina waxaa igu soo booqday, oo ka warhelay imaantankeyga asxaab aan aqaan iyo kuwa aanan aqoon, oo ay ka mid yihiin, Cabdishakuur, Gudoomiyihii Midowga Ardayda Turkiga Mudane Xaashi, Guddoomiyihii Midowga Ardayda Istanbuul mudane Ibraahim, wariye Salmaan Jamaal, Haashim iyo asxaab fara badan.

Waxaa maalintii xigtay aan galay qalliin qaatay 4saacadood. Mahadi ha ka gaartee Digtoorka qalliinka igu sameyay, waxaan isleeyahay waxa uu ku guuleystay, in lugtayda ay ka badbaaddo, in dareenkeeda uu ka tago. Dhaqtarka ka sokow, waxaan la’aantiis wax ii hagaageen guddoomiye Madaale, oo hiil iyo hooba i la garabtaagnaa, intaa aan bukaanka ahaa qalliinka ka hor iyo ka dibba.

Walow ay saas tahay, gu’ ka dib, walina aan shaqo dawladeed hayo, kuna faraxsanahay, waxaan dareemaa xanuun, dikaan iyo barar ay lugtu keento, oo ka dhigan, in aysan lugto si rasmi ah u bogsan, maadaama aysan markii hore helin bajiino ku filan, maxaa yeelay, waxaan mar walba dareensanaa, masuuliyadda iga saaran gudashada waajibaadka qaranka iyo xilka aan bulshada u hayo!

 

MAHADNAQ;

 

Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo gudoomiyihii hore ee Gobolka Benaadir ahaana Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo aanan marna iga maqnaan intaan ku jiray Isbitaal Banaadir, intii aan maqnaana, xaaladdeyda uga warhayay sidii in aan Muqdisho la joojo kale, anoo waliba og shaqada uu ku jiray xilligaa, isagoo mar kasta i la garab taagnaa qaab walba, oo uu ku dabooli karo wax walba oo aan u baahdo.

Waxaan kaloon u mahadceliyaa asxaabtii Istanbuul garabka weyn ii ahaa sida Cabdishakuur, guddoomiyihii hore ee Midowga Ardayda Istanbul mudane Maxamad Xaashi iyo Nasro Cabdi Cismaan Bakaal Cabdi, oo ka mid ahayd ardaydii afartii sano aan soo wada qaadanay shahadada heerka darajada koobaad, oo intii aan joogay Istaanbul aanan marna iga tagin, iyo asxaab aan xisaab lahayn oon qaarkood ka heli jiray dhiirragalin iyo niyad dhis.

 

GUNAANAD

 

Waxaan halkaan uga mahadcelina dhammaan, cid kasata oo gacan ka geysatay dib u soo istaaggayga, ka qeybqaadatay haynteydii Muqdisho iyo Istanbuul, talo iyo duco iyo waxtar kalana. Dhammaantiin, mid mid ayaan idiin kugu mahadcelinayaa, Guulle haydin wada gargaaro. Guulaysta.

 

DARDAARAN:

 

Dhallinta Muqdisho waxaan ku la dardaarmayaa, in ay u dhabar adeygaan dhibatooyinka dhacaya, ee dhammaanteen aan la wada kulanno, qofba heerka ay u la ekaataba, maxaa yeelay, haddii aannan u dhabar adaygin, guntigana aannaan dhexda u xiran, dhibka ka ma baxaynno, oo dheef aan dhib ka horrayn la ma helo, marka si aan baraara u gaarno, aan u dhabar adeygno waxyaabaha yaryar ee dhacaya, naguna dhacaya.

 

Soomaalaay si suubban.

 

W/Q: Cabdixafiid Maxamad “Wasiirka”

SHEEKOOYIN