10-ka Hoggaamiya shirkaddaha isgaarsiinta afrika!

quotescover-JPG-89

10-ka Hoggaamiya shirkaddaha isgaarsiinta afrika

Waxaan qormadan uga hadli doona 10-ka shaqsi ee hoggaamiya shirkaddaha is gaarsiinta afrika ugu awoodda badan, shaqsiyaad kaas oo adduunyada siyaabo kala duwan looga xusay hormarka ay gaarsiiyeen shirkaddaha ay hoggaamiyaan iyo shaqsiyadoodaba.

FG: shaqsiyaadka aan xusi doono waxaan isticmaalay sida caadiga ah ee uu qoranyahay magacoodu si haddi loo baahdo loo raadin karo.

1: Naguib Sawiris

12

Naguib Sawiris waa Nin ka ugu sareeya shirkadda isgaarsinta ee ugu weyn dalka Masar ee la yiraahdo Orascom Telecom Holding (OTH).

Sidoo kale waa guddoomiyaha shirkadda Wind Telecom oo 79% ay leeyihiin qoyska uu ka dhashay Naguib Sawiris oo ah kuwa iska leh shirkadda is gaarsiinta ee Orascom Telecom Holding ee uu ka yahay hoggaanka ugu sareeya.

Orascom Telecom Holding (OTH) Waxey xarunteedii ugu horreysay ka furatey dalka Masar 1998, waxaana ka howl-gala 20.000 Kun oo shaqaale ah, waxeyna xarumo ku leedahay 11 dal oo adduunka ah.

2010-kii Nagub Sawiris wuxuu ka soo muuqday liis ay dabaacday Majalladda caanka ah ee Forbes oo uu galay Kaalinta 374-aad ee shaqsiyaad ka dunida ugu taajirsan, waxaana lagu sheegay hanti-diisa qaas ka ah $2.5 billion USD, sidoo kale waa shaqsiga labaad ee ugu qanisan guud ahaan dalka Masar.

Wuxuu u weyn yahay sedex wiil oo uu dhalay Aabihii aas aasay Oscom Group oo dhashay shirkadda uu hadda hogaamiyo, walaalihiis waxaa la kala yiraahda Nassef Sawiris iyo Samih Sawiris

 Naguib Sawiris wuxuu heysta shahaadada Master-ka ee Maamulka Ganacsiga iyo Makaanikal injineer oo uu ka qaatey Mac-hadka Swiss Federal Institute of Technology (ETH), Zurich, Switzerland.

2. Mohamed Abdel Rehim Hassanein

132

Maxamed Abdal Rihim waa Hoggaamiyaha iyo Maamullaha guud ee Shirkadda is gaarsiinta Telecom Egypt (TE) oo ka shaqeysa dalka Masar.

Maxamed waxaa laga soo dalacsiyey Madaxweyne ku xigeen iyo Maamulaha Xafiiska Teknolojyada oo uu u xilsaarnaa arrimaha la xariira guud ahaan maamulka, kontorolka ,qorsheynta iyo dayactirka ee dhanka isgaarsiinta oo shirkadda uu u qaabilsana muddo 35 sano ah.

Wuxuu heystaa shahadaada Baaj-ka ee culuumta Computer Science oo uu ka qaatey Jaamacadda Azhar ee dalka Masar.

3. Alieu Conteh

324

Aliyuu konteh waa Gudoomiyaha shirkadda Congolese Wireless Network sidoo kale waa ninkii ugu horeyey ee ka hirgaliyey dalka Congo adeega is gaarsiinta ee telfoonka gacanta GSM.

Aliyuu wuxuu wax ku bartey dalka UK iyo USA, Aliyuu sumcadiisa la xariirta dhanka Ganacsiga iyo isgaarsiinta wey si kordheysay labaatankii sano ee u dambeysay maan daba uu ka hirgaliyey qaarada afrika shirkado badan oo guuleystay iyo mashaariic isgaarsineed.

4. Mike Adenuga

3456

Mike Adenuga waa Gudoomiyaha shirkadda isgaarsiinta dalka Nigeria ee la yiraahdo Globacom laakiin caan ku ah GLO, Adenuga wuxuu gaarsiiyey magaciisa iyo sumcadiisa meel sare maandaaba uu leeyahay taariikh adag oo saboolnimo iyo halgan badan oo uu usoo galay inuu heerkaan soo gaaro.

Adenuga waxaa lagu xasuusta oo ka mid ah taarikhihiisa inuu Taksiile mar ka ahaa dalka USA iyo waardiye goobaha Ganacsiga ah si uu u maareeyo waxbarashadiisa iyo nolol maalmeedkiisa, xilligii uu ku noolaa USA.

Adenuga wuxuu ku qaatey waxbarashadiisa dugsiga sare Ibadan Grammar School, Ibadan, Gobolka Ohayo intuusan u gudbin jaamacadda North-Western University ee Oklahoma iyo Pace University, New York, oo labaduba ah USA, halkaas uu oo u ku bartey Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga (business administration).

Adenuga maanta isagaa si shaqsi ah uleh GLO waxeyna qeyb ka tahay Shirkaddo badan oo u leeyahay kuwaas oo la isku yiraahdo Mike Adenuga Group oo uu xataa ku jiro Equatorial Trust Bank (ETB).

Adenuga wuxuu isna Kaalinta 595 ka galay Majalladda Forbes liis keedii ugu dambeeyey ee dad ka dunida ugu taajirsan, sidoo kale waa shaqsiga labaad ee ugu taajirsan dalka Nigeria.

5. Etinne Kouadio

Etinne waa Hoggaamiyaha guud ee Alink Telecom ee dalka Côte d’Ivoire. Alink Telecom waa hoggaanka shirkaddaha la iska yiraahdo pan African Telecommunications Group kuwaas oo ka howlagala ilaa 12 wadan oo ka kala tirsan galbeed ka iyo bartamaha Afrika.

Etinne wuxuu ka ahaa Alink Telecom Maamulihii Dalalka Niger iyo Ghana inteysan ka howl bilaabin Côte d’Ivoire.

Etinne wuxuu heysta 10 sano oo qibrad xaga suuq-geeynta iyo iibinta adeegyada is isgaarsiinta ah, wuxuuna ka qalin jabiyey mid kamida iskuulladda ugu sarreeya magaalada Abidjan 1999. Wuxuu heysta shahaadada Certificate of Business Language Proficiency uu ka qaatey Jamacadda Brighton, UK 1998.

6. Steven Evans

Steven Evans Maamulaha shirkadda Etisalat qeybteeda Nigeria, wuxuu qibrad dheerad ah u leeyahay sida looga Shaqeeyo shirkadaha ku baahiya adeegyadooda iyo alaabahooda aduun weynaha (Globalization), waana sababta ay ku xulatey shirkadda Etisalat oo ah shirkad ka shaqeysa wadamo badan oo Afrika iyo Asia ah.

Evans wuxuu leeyahay 20 sano uu qibrad ah gaar ahaan dhanka global mobile telecommunications ah.

7. Sifiso Dabengwa

Sifiso Dabengwa waa Gudoomiyaha guud ee MTN Group .Dabengwa waxaa xilkaan loo magacaabey kadib muddo 11 sano ah oo uu shirkadaan kasoo shaqeynaayey guulo badana gaarsiyey dhammaan qeybihii uu kasoo shaqeyey. Intuu san kusoo birin dhanka isgaarsiinta wuxuu madax kasoo noqday shirkadda korontada Koonfur Afrika ugu weyn ee layiraahdo Eskom, halkaas ayuu kusoo maamulay lacag aad u fara badan iyo shaqaale gaaraya 17.000 kun, sidoo kale wuxuu madax kasoo noqday Dawn Suite Hotel Group.

Dabengwa wuxuu ka qaatey Electirical Enginer Jaamacadda qaranka ee Zimbabwe, iyo inuu isla jaamacadaas ka diyaariyey MBA.

8. José dos Sontos

José waa Maamulaha Vodacom ee dalka Mozambique, wuxuuna leeyahay 20 sano oo qibrad dhanka is gaarsiinta ah. Wuxuu muddo ku noola waddamo badan oo dibadda ka ah dalkiisa South Africa, gaar ahaan wuxuu waqtibadan ku noola dalal ka Tanzania iyo Mozambique. Waa Nin aad ugu xeel dheer sida loo abuuro baahi ganacsi, aadna uyaqaan dhaqan galinta iyo suuq geeynta adeegyada cusub ee is gaarsiinta.

Intii uu shirkadan ka shaqeynayey wuxuu kasoo shaqeyey dhowr boos oo uu isku bad badalay sida Message Link, Auto Page Cellular iyoCell C, dhammaan shaqooyinkaan wuxuu kasoo shaqeyey intuu joogay shirkadda Vodacom qeybteeda Tanzania.

José wuxuu xubin ka yahay South African Institute of Directors, sidoo kale wuxuu xubin ka yahay South African Institute of marketing Management (IMM).

9. Bob Collymore

Bob Collymore waa Madaxa ugu sareeya shirkadda is gaarsinta ugu weyn dalka Kenya, Safaricom. Ka hor kusoo biiritaankiisi Safaricom, Bob wuxuu soo noqday Maamullaha xafiiska guud ee la xiriirka dadweynaha ee shirkadda Vodacom Group, kaas oo uu masuul uga ahaa shirkadda arrimaha la xariira isgaarsiinta, anshaxa iyo dacwaddaha, sharciyadda, xiriirka dibadda iyo masuuliyadda bulshada, intaas oo dhan kasii horna, wuxuu ahaa madaxii xafiiska la xariirka dowladdaha ee Vodacom, kaas oo qaabilsanaa hormarinta howlaha kala dhexeeya dowladdaha ay maal gelinta ku sameyneyso Vodacom ee Afrika, sidoo kale qaabilsanaa la xariirka maal gashatada dibadda ka ah Vodafone. Bob wuxuu leeyahay in kabadan 25 sano oo qibrad xaga Ganacsiga iyo isgaarsiinta ah.

Collymore hadda wuxuu ku noolyahay Kenya, kadib markuu kasoo guuray South Africa oo u ku noola seddexdii sano ee lasoo dhaafay and iyo seddex sano oo shaqo usoo joogay Tokyo, japan asagoo ah Madaxa suuq geynta Asia ee Vodafone. Wuxuu kaloo door muuqda kasoo ciyaaray xafiiska Global Purchasing ee Vodafone iyo xafiis ka Dixons Stores Group, shirkadda ugu weyn ee ibisisa qalabka korontada UK.

10. Mickael Ghossein

Mickael Ghossein Maamullaha Shirkadda Orange Telkom Kenya. Ghossein wuxuu leeyahay 28 sano oo qibrad dhanka is gaarsiinta ah. Wuxuu mar soo hoggaamiyey shirkaddaha kala ah Jordan Telecom, Mobilecom iyo Orange Reunion.

Ghossein wuxuu mar kasoo shaqeyey Mobilrom asagoo qaabilsanaa xafiis kii guud ee Ganacsiga marna wuxu noqday Madaxa suuqgeynta ee isla shirkadaas. Wuxuu kasoo shaqeyey France Telecom Group 1991 ilaa 1997 oo uu kasoo shaqeeyey qeybaha suuqgeynta , iibka , sharciyada , xiriir ka dibadda iyo Maal galinta.

Shirkadaha kale ee uu kasoo shaqeyey waxaa kamida Enterprise General de Telecommunication’s iyo Thomson CSF cooperation oo France ah.

Ghossein wuxuu heysta shahaadada Master of Electronics Electrotechnics Automatisation oo uu ka qaatey jaamacadda Lyon, France.

W/Q: Maxamed Axmed Cali Royal

Email:Mohamedmidnimo@gmail.com

Business & ICT RESEACHER

SHEEKOOYIN