Kula lihi! Q-3AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

Kula lihi! Q-3AAD W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

Waryaa hooy-hooy, adigaan kuu maqanahay ee i af-garo? Aanse haddana ku weydiiyee weli ma i siisay warbixin aan garan karo? Yac, Maxaan kuu weydiihaa, horma ma innagaaba isku duul ah. War hooy iga dhaqaaq. Kuye: ”Maxaad ka waddaa” I af-garo?” Ayuu la soo booday, waxa uuna raacshay: ”IKRAAMIYA” miyaad u jeeddaa? Yaa gartay; IKRAAMIYADA uu sheegaayo? Kan gartoow farta taag!. Horta ”Muhu mihI maahan” mise muhu mihi ma tahay? Si kalaan u gartay hadalkaas, adigu teyda iskala aal ee adigu sidee ayaad u garatay? Waryaa haddii aad sidaa u waddo soow ma maqal fikirkii ahaa: ”Laba qaawani isma qaaddo?” Kuye: ”ma anigaa waalan mise Cadan ayaad ka heeseysaa”? Kkkkk, ma aniga ayaad ii maqantahay? Isma dhihine, adigu ha dayacmin.

Waryaa, inta goori-goor tahay iga tag, minii kale war kalaad arkee. Yaad la hadlee oo aad u hanjabee?  Ima taqaannid wallee, waase la is baran. Waryaa-waryaa, waqtiga waan is heeynaahe ha ii lug-qaban ee jikaarkaaga uun iga la tag. Kuye: waa kee waqtiga aad is heeysaan? War-war durugtaye dib u soo noqo. Kanu, isagu guryan badanaa, xaalkiisu wa hal tillaabo ha dhaqaaqin, haddii aad dhaqaaqdana dib uun ha ahaato. Usuga ayaa la yiraa: ”Kir iyo kal dheh, yaahuuna ugu dar”. Ma i maqalyay horta? Ma ogi, hadii uu maqlayna yeelkiis. Ewel miyaa mahaan wax kala qarsoonaayeen? Wax kastaa oo jira waa ”Daahir yaa shams”, marka laga reebo uun…

Waa kan haddana dib iigu soo labakacleeyay, kuye: ”Xadkaaga ha dhaafin”, waxa uuna sii raacshay: ”Ha taraarin ee is qabo”. Ma kasin, ariiroow maxaad ka waddaa ereyadaas? Maya, maya, waan ka noqday, mana rabo in aan gorado ee shililiqoonkaaga uun iga-la tag. Kuye: ”Adigaa ila meereyso wado” ee aniga maahan, midka la fahmi la’yahay. Is-afgaradku waa iga diyaar ee adiga uun baalashaada rog-rog oo kala fur kitaabkaaga.

Dedaalaa, wuu gaaraa!, waa kee midka dedaalayo? Adigaaga iga hor muuqdeey ku khuseeysaahe, minaad garatay si qumman uga jawaab-celi. Maxaad hee isla yeelyeelee oo aad kolba doc ugu jeesahee?. Waa kaa dhaqaaqay isgoo dib ii soo jalleecaayo. Gartaye, soow isagu ma aheyn midka aan wax weydiihaayo? Bal ka roonoow oo adigu ii jawaab, kol ay ku tahay waxa dhaqaajiyay aniga oo la hadlaayo? Iina raaci waxa uu ii soo jalleecaayay isagoo indha xun? Ma quursi iyo yasmoow ka wadaa?. Xaalku waa kaa u eg ”Kala maankii iyo laba kala baridaa kala war la”.

Isna kuye: Caalim nafsi, maad i moodday? Ma dadka uur-koodaan degaa ayaad maqashay? Waryaa ”Faqaburaale aa ku haaye ha lagaa soo qaacsho”. Faqaburaaluhu, maxoow ahaay? Ciddi kastooy ii jawaab. Jawaabtaadu yaaneey ka badan ”Laba erey” ka badan waqti uma haayo, waa sida aad la socotaba. Isku daygu sidiisaba ma reebbana, waana furaha guusha. Tororog, hadalbadni iyo ha lagaa sheego haddeey kaa tahay ka joog. In aad ka joogta ayaa kuu sharaf badan. Waxaa la yiraa: ”Lisaanul caaqil waraa’a caqlihi”(Carrabka caaqilka waxuu ka dambeeyaa caqligiisa), aan kuu sii jilciyaa qaybaa ka dhimman ee adigu buuxi….Midka aad tahayna garo. Kuye: waxaan aad calwisay noo jilci, dunta aad milqisayna kala furfur.

War yaa tan oo kale arkay!, minoowsan garan, maa uu iska aamuso oo ganbado. Maya! Maxaan saas u dhahaa?, soow ma mudna in wax la isa su’aalo. Haah! Balse, soow maahan warkiisu: ”Af-kaaga-fur ilkahaaga aan tirshee”. Haddana soow tii la lahaa: ”kor waayeel waa wada indho!” Mise taas ayaa been aheyd. Kuye: waryaa ”riyooyinkaaga naga la tag”. Isagu maba oga in wax kastaa ka billoowdaan riyooyinka. (Waxaad fiirisaa Buugga ”When Donkeys Give birth to Calves”, gabayga la yiraa: ”Exponential,” (p. 71) Prof: Ali Jimale Ahmed). Haa, balse isagu, maxuu ka wadaa riyooyinkaaga naga la tag!. Horta bal, kaaga kale ee ila socdoow ”Qaswadoow” adigu, ma fasirtaa riyooyinka?

Kuye: Saad u socotay, miyaad la timid; riyooyinka ma fasirtaa? Wax riyo fasiro Ibnu Jacquub ayaa ugu dambeeyay ee middaa garo. Kolkuu saas i yiri: ayaan u daba dhigay bal (fiiri  Buugga Gaso) ee Prof: Cali Jimcaale Axmed bogaggiisa 27-28aad. Yaa kuu sheegay middaas? Kuye: Taas yaa moog. Cid moog ma jirtee ”Is-jiid-jiidka naga dhaaf” ee innaga nala qabso, waxaas kalena ka bax, waa minaad ”aayo loo aayo rabto”. Yaa gartay, aayaha uu ka hadlaayo moogahaan? Aan dib u noqdee, horta, ”Beertii ma baxday?”. Kuye: ”Yaaba beer abuuray” intee ayaad noogu celihee 100 sano horteed. Waxa  uuna ii raacshay ”Adigu qarnigaan ma noolid”, haddana isaga oo hoosta ka sii leh: ”Kan waa reer aaqiraad ee duulkeenna ma ahan” ayaan si hoose u maqlay. Wixii kaleba qushigeed e, aan ku weydiiyee  ”Siduu rabaa in uu u noolaado?” Soow tii la dhihi jiray: ”Nin aan shaqeysan shaah waa ka xaaraan”. Maya-Maya, anaa gartay. Kuye: ”Maxaa aad og tahay oo aad garataa?” Waxaa uun aan ogahay in aad tahay: ”Ma tacbade burweynihi aan maqli jiray”.

La soco qeybta xigta: idam Ilaaheey

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN