JIRIDKII JABAY! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Jiridkii jabay!

Boqorkii gableey shimbirta, laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble Eebbe ha u naxariisto. Jiridku wuxuu leeyahay; macnooyin badan waxaase ugu dhaw laba si, kuwaas oo kala ah: Jiridku waa geed jabay oo qeyb ka mid ah ay dhulka ku sii harto, taas oo ilaa iyo in muddo ah halkaas ka sii muuqda. Jiridku markiisa horeba waa mid geed lab ah, balse, jiridda aan geed labka aheyni kama haro dhimashada geedkiisa. Mar kale, waxaa la yiraahdaa: gowsaha jiriddoodda iyo waxkasta oo jirid ah ayna ka falliirmaan laaman kale. Haddaba laashin; Axmed Caalin Caddaan boqorkii jaceylka, ahna boqorkii gableey shimbirta, waa jiriddii u aasneyd ciyaar dhaqameedka gableeyda iyo boqorkii bahda jaceyl ku noolka ah.

Geeridu waa surin iyo suqduud la wada marayo. Nooluhu sidiisaba ma jecla geerida haddana ma diido, maxaa yeelay, nooluhu imaanshiyihiisa hore ee jiraalka sida uusan talo iyo tusaale ugu laheyn ayuunan joogitaankiisana tab iyo xeelad ugu laheyn. Waa madal iyo muddo ka daahan aadanaha iyo dhammaan noolaha kale. Lama doonto, lamana diido. Geerida waa la fishaa lagumana farxo. Dhanka kalese, waxa ay aadanuhu ku samraan haddii aysan nololi jirin geeriyona ma jirteen. Soomaaliduna waxay ku duceystaan; ”Geeridu naguma qaddo, nagumana qobleyso”. Taas oo ka dhigan halkii ay ku qadda geeridu in aan dad joogin, halkii ay ku qobleyso, kusoo noqnoqtana aan dad ku harin.

Aadanuhu, waa boqorradii jiraalka, noolaha intiisa kalena waa mid u adeega iyo mid ay ku adeegtaan. Noolaha kale dhammaantiis aadanaha ayey si daahan iyo si ded qaadanba anfac ugu leeyihiin. Waana milgeyn uu Eebbe milgeynayo aadahana.

Aadanuhu marka uu ifka yimaado ee uu kaallin galo, wedkuna uu in mudda ah ka meereysto, wuxuu noqdaa; dhowr si. Qof bulshadii uu u yimid kaallin maran u buuxiyey. Qofkaasi waa mid qoyskiisa, qaraabadiisa iyo ehelkiisa soo dhaafay isla markaana bulshada inteeda kale tusaale u noqday, sidoo kalena, shartiisa laga nabad-galay oo inuu dheef u noqdo bulshada maahan ee aan dhimmaal la gole imaan. Mid qoyskiisa iyo reerkiisa ku filnaaday, dhibkiisana laga nabad-galay iyo mid aan dhib mooyee dheef kusoo kordhin imaanshiyihiisii jiraalka.

Haddaba, geeridu waa gooyaan iyo gaagmareebto aan cidna u turin ee waxay 20-11-2020 siibtay jiriddii u aasneyd farshaxanka iyo suugaanta soomaaliyeed, gaar ahaan; shiribka, gableyda, guurowga iyo jaanta la ciyaaro. Laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble, waa boqorkii jaceylka, waana boqorkii gableey shimbirta, sidoo kalena waa Af-aqoolkii eray dhilidda. Horqaadihii suugaanta guud ahaanteed, laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble Eebbe (SWT) ha u naxariistee. In la dhimanayo laashin Axmed Caalin Caddaan asiga ayaa suugaan ku tilmaamay inta uusan geeriyoon ka hor, wuxuuna guurow ku yiri:

  • Naftu waa ku meel gaar yar oo Mowle eregtii ah
  • Lagamana maslaxo maaliteey wed isu muuqdaane
  • Mas qaniinyayaa iyo libaax micida saaryaarba
  • Mariid loo qasyaa iyo qisaas lagu maleegyaaba
  • Waa midaan muddada Eebbeheey mirir u dhaafeyn!.

Haddaba, geeridu waxay ku timaadaa afar siyaalood. Afartaas si’ oo kala ah:

  1. Ciqaab.
  2. Cibro/cibaaro.
  3. Mucjiso.
  4. Ajal dhammaatay.

1). Ciqaab: Ciqaabtu waa in qoladii Eebbe ku gardarroota ee haddana geerida inkirta ama ka cararta inuu Eebbe tuso oo uu dhedhensiiyo geerida, intaas dabadeedna uu dib usoo nooleeyo. Sida: 70-kii oday ee la socotay nabi Muuse c.s. Kolkii ay ku yiraahdeen: Muusow Ilaahaaga na tus, abaal-gudkoodii wuxuu noqday geeri, intaas dabadeedna Muuse c.s. Ayaa Eebbe u baryey, dib ayaana loo soo nooleeyay. Waxaa ka mid ah kumanyaalkii ka baxay magaalada ee reer bani israa’iil kana cararar daacuun ka dillaacay magaaladooda amminkii nabi Xasqiil/Xisqiil c.s, qoladaas oo Eebbe ku yiri: ”Dhinta!” dabadeedna uu soo nooleeyay. Geerida nuucaas ahi waa ciqaab.

2). Cibaaro: geerida cibaarada ama ku waanaqaadashada ahi waa sida middii ku dhacday: Nabigii soo maray magaalaga ee niyadda iska yiri: ”sidee ayuu Ilaaheey usoo nooleynayaa magaaladaan dhimatay/kharbaantay?” nabigii inta uu jiiftay ayaa halkaas ruuxdii looga qaaday, waxa uuna goobtaas jiifay 100-sano. Waxaa kale oo ka mid ah dhallinyaradii asxaabul Kahfi ee seddaxda boqol oo sano ama seddax boqol iyo sagaalka sano hurdayey. Taasna waxa la yiraahdaa: geeri cibaaro ah.

3). Mucjiso: geerida mucjisada ahina waa sida tan ku dhacday: nabi Ciise c.s. Nabi Idriis c.s. IWIM.

4). Ajal dhammaatay: geerida aan soo noqoshada laheyn ee ajal dhammaatay iyo amar la xukmiyey ku timaada aanna laga soo noqon ilaa maalinta qiyaame waa midda aan wada naqaanno ee noolaha midba mar asiibta. Waa tan dhabta ah ee ku dhacaday laashinka aan sooyaalkiisa bidhaaminayo ee Laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble, boqorkii jaceylka, ahaana boqorkii gableey shimbirta. AUN.

Sooyaalka laashinka inta aanan u gelin, aan idinla wadaago gabay yar oo baroor-diiq ah:

  • Naxwihiya kitaabkiya sunnadi, Nalan ku nooleeyay
  • Nusqadii Jibriil keeni jiray, Berigi neecaawda
  • Nabigii la siiyaba adduun, Laguma noolayn’e (SCW)
  • Allihii intaasoo nimcaya, Nabiyadii uunka
  • Nuurkoodi siibee ka tegay, Nacab ku gaaloobey
  • Nolol kuuma waayini waxbaa, nalan ogaysiine
  • Namruud binu Kancaan waa necbaay, Nabi Ibraahiim
  • Annaguna sidaas beynu nahay, nolosha qeybteede
  • Qofka inuu ku naaxuu qabow, Naxashku hoosyaale
  • Ninmaa malaggu nabar daynayaa, Waa naf kali noole.
  • Naska iyo Qur’aankaa na yiri, Noloshu waa qaal e
  • Haddii negida Eebbihi lahaa, Nolol ku waydaarshay
  • Niyad xumo ha joogtee asaa, Tiisa loo noqon e
  • Najaxaa qiyaamaha ka yeel, nuur jannoo udug leh.
  • Naf hujuunsan neecaaw ka dheer, Nabadna loo diidye
  • Maalmaadse nolol fiican iyo, Wadatay naaneyse
  • Nudkiyaa falkadi loo naqaa, Waa niyaan jebin e
  • Dunidaanna waa lagu nastaa, Nin iyo xeeshiiye
  • Nabdigaad ku kulantaan qofkaad, Saaxib noqotaane
  • Adduunkaaba na la nuuxsadee, Eebbe kuma noojo!.
  • Naxariista Eebbaa adduun, Lagula naaxaaye
  • Noormaalka diintaa qabtee, Naafac ku ahaada
  • Naartana Alloow naga xijaab, Iyo nusqaanoo dhan
  • Nafti noolna Eebbeey u naqan, Ee naxliga daaya
  • Nabiyadi Ilaahaan adduun, Lagu negaysiine
  • Nafaqada cibaaduuga dhiga, Ruuxda naqan doonta!.

Ma aqaanno erayo aan ku cabbiro, mana garanayo si aan malakul mowd ula garnaqsado, maxaa yeelay, waa amrane ku socda farid Eebbe, farid Eebbana waa waajib biya kama dhibcaan ah inay sideeda ku fusho weliba waydiin la’aan!. Shalay inuu aadanaha ku soo biiro laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble, maantana uu dib ugu laabto xagga Eebbe waxay aheyd: oggolaansho Eebbe, annaguna ma nihin kuwa diiddan qaddarta Qaadirkeen, balse, waxaan jecleyn inuu ayaamo noo sii noolaado mase dhicin. Run ahaantii wuxuu ahaa; ”War-biyood iyo waadi ka guray bulshada soomaaliyeed meel iyo madal ay joogaanba”. Wuxuu noo reebay dhaxal aan marnaba duugoobi doonin oo aan weeleysan doonno haddii Eebbe idmo.

Waa kuma laashin Axmed Caalin?

Laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble, wuxuu dhashay; hilaadda qarnigii 20-aad qeybtiisa hore, gaar ahaan, gugiisii 45-aad. Wuxuu ku dhashay magaalada muqdisho, agagaarka Weliyow Cadde, muddo kooban ka dibna, waxay qoyskiisu u diga-rogteen; degmada warta nabadda (Wardhiigleey). Wuxuu kusoo kacaamay, isla markaana uu yaraantiisi iyo korriinshihiisiiba kusoo qaatay isla magaalada muqdisho. Sida aan baaritaanka kusoo helana weligiis kama bixin dalka Soomaaliya guud ahaantiis.
Daljirnimadii Satte Caalin:
Laashin: Axmed Caalin Caddaan Eebbe ha u naxariistee, wuxuu ka mid noqday daljirayaasha soomaaliyeed ee amminkooda qeyb ka mid ah usoo huray difaaca qarankooda iyo qiyamka ummadnimadooda. Axmed wuxuu ka mid noqday ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed, gaar ahaan madaxtooyada soomaaliya oo uu in muddo ah ka howl geli jiray. Derejada ciidamada xoogga soomaaliyeedna wuxuu ka gaaray derejada: ”lab alifle”.
Waa heer-dhexe iyo derejo aan si sahlan lagu siin qof aan jarrib usoo marin, weliba xilliga laashin Axmed Caalin qaatay derajadaas laba alifle, waxa uu ahaa; xilli dhismo ahaan ciidamada xoogga soomaaliyeed ay lahaayeen talis dhexe iyo awood heersare ah, isla mar ahaantaana hal-gacan laga maamulayey, taas oo aan derajada leysugu tolijirin reernimo, wolow mararka qaarna ay dhici jirtay. Daljiranimadiisii ka dib, laashin Axmed Caalin wuxuu u diga rogtay dhanka dhowridda dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed, wuxuuna ka mid noqday; hoballadii waaberi oo ilaa uu ka geeriyoodayna ka mid ahaa. Laashin Axmed Caalin inuu metelaadda, medadaalada, muujinta, maaweelada iyo mu’allifidda ka qeyb-qaatay, ka sokow, wuxuu ka qeyb-galay bandhigyo dhaqameedyo caalami ah oo kooxda hoballada waaberi ay ka soo hooyeen guulo waaweyn oo ay ku muteen billad-sharafeedyo heer caalami ah, isla markaana ay kooxdu uga hormartay dowlado badan oo bandhiggaas qeyb ka ahaa.
Caannimadii Caalin:
Laashin Axmed Caalin Caddaan Cosoble, Eebbe naxariistii janno ha siiyee, wuxuu ka mid yahay; laashimiinta ugu magaca dheer geyiga soomaaliyeed, wuxuuna gaaray meel aad u sarreysa oo aysan gaarin laashimiin badan oo dhiggiis ah. Laashin Axmed Caalin wuxuu ka gaaray heerka laashinnimo in loogu yeero boqorkii gableey shimbirta. Gableey shimbirtu, waa farac ama laan ka baxday shiribka, isla mar ahaantaana koofurta soomaaliya aad looga ciyaaro, gaar ahaan labada shabeelle, galgaduud iyo banaaddir. Waa ciyaar xiiso badan oo jaan iyo jiib leh, sidoo kalena rag iyo dumarba ay wadaagi karaan, sidoo kalena, in taagnaan lagu dheelo iyo in fadhi lagu dheelana ay isku mid tahay. Gableeydu, miisaan ahaan; waxay aad isugu dhawyihiin: Guurowga/gabayga, shiribka, masafada iyo suroowga. Tusaale: gabaygu waa hoojis iyo hooris. Sida caadiga ahna hoojiska oo ah; gabayga qeybtiisa hore ayaa dheer, halka qeybta hooriska ahina ay aad u gaaban tahay ama kooban tahay. Gableydu gabayga caksigiisa ayey aaddaa, hoojiskeeda iyo hooriskeedana waxaa dheer hooriskeeda, halka hoojisku uu aad u gaaban yahay.
TUSAALE: GABAY;
NABDIGAAD KU KULANTAAN QOFKAAD-_Saaxib noqotaane.
GABLEEY:
Ninkii dooy u bartaan-_DEEXDA U DOONAHEYN DUGGAALEEY.
Gableydu sidaas ayey gabayga caksigiisa ugu jiheysan-tahay. Waa ciyaar dhaqameed aad u xiisad iyo xaraara badan, sidoo kalena waa suugaan kaftanka iyo xifaaltanka aad ugu caan ah. Waa gole ka fuul aan la soo diyaarin ee isla goobta la joogo laga curiyo. Haddaba, gableey shimbirtaas ayuu caan ku ahaa, laashin Axmed Caalin aadna loogu xasuustaa tirinteeda. Gableeyga kaliya kuma uusan ekeyn ee wuxuu tirin jiray; god kasta iyo jaad walba oo ka mid ah suugaanta soomaaliyeed, sida: guurow/gabay, shirib, jiifto/maanso, geeraar, IKKB. Wuxuuse aad u tirin jiray; gableyda, shiribka iyo guurowga. Boqorkii gableey shimbirta laashin Axmed Caalin wuxuu ka tegay suugaan dhaxal ah, kuna jaango’an waayo walba ee nololeed, gaar ahaan jaceylka.
Jaceylka iyo Caalin:
Laashin Axmed Caalin Caddaan, Eebbe ha u naxariistee, wuxuu heystaa derejada boqorkii jaceylka. Jaceylkiisu ma aheyn mid iska yeelyeel ah iyo ii dheh, balse, waa mid dhab ah oo sooyaal aad u fog leh. Jaceylka laashin Axmed Caalin Caddaan wuxuu caan ka yahay koofurta soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, inta badan dadka magaaladuna way la socdaan.
Laashin Axmed Caalin Caddaan Alle ha u dembi daayee, jaceylkaan haleeyay una sabab noqday inuu ka quusto haween kale, wuxuu gaarsiiyey heer hadalkiisuba uu suugaan miideysan noqdo, taas oo laashinka ka dhigeysa inaan marnaba meel lagu soo koobi karin wixii uu yiri: muddadii uu noolaa ee 75-ta gu’ aheyd. Gableey shimbirtiisa cajiibka leh waxaa ka mid ah mar la waydiiyey; maad iska deysid oo aad dumar kale raadsatid? Wuxuu ku jawaabay, iskama deyn karee:
  • Duggaalkeeda i geey
  • Ha i dishoo ha ii dadeysee.
Waa meel hadal ku dhammaaday! Gacanteeda ha igu disho ama dabeysha iyo geferka ha iiga wehel noqoto ee duggaalka ama guriga ay ku noo shahay ha la igeeyo ayuu hadalkiisii ku soo koobay. Mar kalena waxaa lagu yiri: dumar badan oo iyada ka qurux badan, adigana ku doondoonaya ayaa jira ee maad dhankaas u jeesatid gabadhaan joog iyo jiif kuu diiddana aad isaga hartid? Asiga oo hadalkaas ka jawaabayana waxa uu yiri:
  • Dhexdiinneey ku jirtaa
  • May dhalaheyso naag ka dheereey.
Waxa muuqata golahaan lagu kaftamayey inay gabadhu joogtay, isla mar ahaanta dadkii ayuu ku qanciyey hadda ayey dhexdiinna fadhidaa, minaad keeneysiin naag ka dheer ama ka bilicsan. Abwaan hore ayaa yiri: ”Nin waliba middii uu calmado wow Cambara luul”. Mar kalena, waxaa la yiri: ”Nin waliba hablaha middii uu ka helo ayuu hodon ku sheegyaa”. Waa run, waayo, qof walba waxbaa la qumman lana quruxoon. Qummanaanta iyo quruxduna dadku isku si uma yaqaannaan oo qofba meel ayey ka fiirisaa quruxda. Sooyaalka jaceylka laashin Axmed Caalin, suugaantiisa ayaa laga dhex helayaa umana baahno inaan tilmaamo, balse, suugaantiisa ayaan idin dhex-geyn doonaa, si aan badweynta jaceylka u dhex dabaalanno.
Suugaantii kala duwaneyd ee laashin Caalin:
  • Allahoow adaa weyn adaa waaxid ahoo waara kaligaa e
  • Adigaa wacdiga soo dejiya diinta noo wada e
  • Adigaan walaal iyo lageyn warisa loo eexdo
  • Adigaan waqtigu kaa tegeyn laguna wayheyne
  • Adaa waaberyaa iyo habeen waa kan kuu yahaye
  • Welweltire qofkii soo aqriyey weheshay diintiiye
  • Wa kamaan ku xiray aayaddii waaxidka aheyde.
Afmeer:
  • Wayeerkaan fadhiyaa
  • Wiil kama weyna waalidkiisee.
Jawaab:
  • Wadaaggii cishqigoo
  • Waagi jiraa lagaa warsaahee.
Mar kale:
  • Waxa leys warsahaa
  • Warbixintii jaceylka waayee.
  • Warqaastaadu haddeey
  • Warrameyn leys wareysan maayee.
Laashin; Loof Xasan Ubbooy ayaa yiri:
  • Haddaad waaw tahanaa
  • Welweltiraa laguu wadaahee.
Jawaab:
  • Wadaantaada dhacsoo
  • naga waraabi weesadaadee.
Laashin, Axmed Caalin ayaa ku jawaabay:
  • Waxaan kaa warsahaa
  • Warya jaceyl wuxuu dhaxeeyee?.
Jawaab:
  • Ammeey waalli yihiin
  • warya jaceyl wuxuu dhaxeeyee!.
Laashin Axmed Caalin mar kalena wuxuu yiri:
  • Ma kaa ooyi karaa
  • maadan aqoon astaahilkeygee?
Laashin Muxuddiin Xasan Ubbooy ayaa guurow iyo tuduc gabley ah oo afmeer u ah ugu jawaabay, wuxuuna yiri:
  • Alif waa qur’aan dhigan runtaa lag abbaaraaye
  • Ujeeddada barbaarkana waxaan ahay abwaankeed e
  • Sida qoray il-doombira helaan ugu abbaaraaye
  • Axdigii la qaadaba haddaan leysla wada oofin
  • Dhiiggii wadnaha aadi jiray iridda soo dhaafye
  • Sambabadana aaryadu mareey ku ag-wareegtaaye.
Afmeer:
  • Ammuur looma xiree
  • ma ogidoo nafkii irmaaneey?.
Laashin kale ayaa ku jawaabay:
  • Abwaannaa fadhiyee
  • Iri ilaalis yaa uleeyeey.
Laashin kale ayaa guurow ugu jawaabay, wuxuuna yiri:
  • Seddax alif ku taal aabi ma leh uurna kuma haayo
  • Waa toow aaqil yiri aabi waa ku isticmaalaaye
  • Aammin ma leh adoon orod laheyn laguna soo aaday
  • Waxaad uurka gelidaa shimeey kugu dhacdaa eebo
  • Aammin ma laha ari kaaga dhumay meel asuud badan leh
  • Waxaad uurka gelidaa ardiga dheyso aadaan wal
  • Inan leysla wada aaday oo leysla wada eeday
  • Aammin malahan axidiyeey ku tiri aadmi weeyaane
  • Waxaad uurkaa gelidaa nimeey la irdhisaa jooga.
Afmeer:
  • Ul waa tuurajiryee
  • Axmed muggoow igaar ahaayee.
Laashin Axmed Caalin ayaa u jawaabay, wuxuuna yiri:
  • Ulaa ii jaranoo
  • Idinna way adeejiseenee.
Laashin Yaasiin Addoon ayaa su’aalay markaas oo yiri:
  • Maxay kaaga ordee
  • Inta aroostay maad irdeyseey?
Laashin Axmed Caalin ayaa ku halceliyay:
  • Abkow aadan ibliis
  • Ka eryaayaa abooto xaaweey.
Laashin Axmed Caalin mar kalena wuxuu yiri:
  • Dad weys diidi jiryee
  • Doqonsanaa naf leygu daabeey.
Suugaanta jaceylka ee laashin Axmed Caddaan aadbey u mug iyo miisaan culustahay, haddii la faalleyona lagama dhergayo, lagamana xiisa dhacayo, balse, waxaan kusoo gunaanadayaa guurowgaan cajiibka leh ee laashinku uu tiriyey, isla mar ahaantaana uu gableeyda kusoo afmeeray:
  • Adigaa dhabbaha loo mariyo dhaafay hadlkiiye
  • Dhafan-dhaaf dharaar iyo habeen Eebihii dhigaye
  • Ilaahii dhugtaan leennihiyo dhaqanka noo yeelay
  • Ee na dheefihaayee ximnaha noo dhammeystiraye
  • In la dhowro mooyee ma ahan inaan ka dheeraanno
  • Waa laga dhimmaayaa adduun leysma dhaxalsiine
  • Waa soo dhawaadaa waqtigu jeer la dhowraba e
  • Dhibaatada jeceyl leeyahayna kaama dhaadhicine
  • Midka aniga dhuuxiigaa galaa waaga kuu dhimane
  • Yaa dhareer wadaag kula naqda ee dhab kula seexda
  • Dhudhunkaaga bilicda leh maryaa dhabanka ii saara.
Afmeer:
  • Dhir waa dhoobantehee
  • Dhirindhiraanse caana dhiiqeyn.
Laashin: Axmed Caalin Caddaan Cosoble Eebbe ha u naxariisto.
W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”
imeyl:
cuute23@hotmail.com
shiribmaal@gmail.com
NAGA LA SOO XIRIIR:
laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.