15-ka May Dharaar Xusid Iyo Xigasho Mudan W/Q Maxamed Wali Maxamuud

unnamed234

15-ka May Dharaar Xusid iyo Xigasho Mudan

Waa maalin loo asteeyo dhalinyarada soomaaliyed guud ahaan, taasoo aynu ka dhaxalney ururkii dhalinyarada ee SYL aabayaashii Gobanimada Maanta kadib hindisihii Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmarke,

Aduunyada Hawl walba oo lagu hodmey ama dhicisowdey wuxunba hal-abuurkeda yeesha shaqsi oo aykasoo maaxataa kadibna uu la wadaagaa hal-doorada uu markaa u arko iney la hirgalin karaan ama aragti ahan ay wuxun ku biirin karaan!!!

Hadaba yaasiin Xaaji wuxuu ahaa halyeyga u horseedey dhalinta berigaa iney noqdaan urur la magac baxay SYL Oo Marxalado iyo Daruufo kala duwan Soo maray,  oo ayku wehliyeen xubnahaan kala ahaa:-

  1. Xaaji Maxamad Xuseen
  2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawoddiin
  3. Khaliif Huudow Macallin
  4. Maxamad Cismaan Baarbe
  5. Cismaan Geedi Raage
  6. Maxamad Faarax Hilowle
  7. Dheere Xaaji Dheere
  8. Sayidiin Xirsi Nuur
  9. Maxamad Cabdalla Xayeesi
  10. Maxamad Cali Nuur
  11. Cali Xasan Maxamad “Verdura”
  12. Daahir Xaaji Cismaan

Guud ahaan 13-kii dhalinyaro ee SYL waxay ahaayeen RAG u guntadey sidey u samatabixin lahaayeen dalkiyo dadkooda, oo Qabay markaas Baahi xurnimo sida maanta aan u qabno Baahi Midnimo iyo Soomalinimo, guul iyo gobanimo waartana ugasoo hoyi lahaayen gumeysiga kusoo duuley gayigoda, Arintaan oo run ahaanti noqotey mid ayka miro-dhaliyen xornimana aynu ugu nool nahay maantadan lajoogo ALLAYARAXIMA DHAMMAN AWOOWAYAASHEEN. Iyo 13-SYL IYO intii la’duubned ee hiilka iyo hoodaba la hareer joogay!!!?

DHALINTA MAANTA

Geddeeda maanta dhigoodi badali lahaa way ka duwan yihiin wixii dhibaato ka dhacay dalka dhaliisha iyo dhaleeceyntu intuba dushooda weeye,

Magaci dhalinyaradu maanta waa:-

❌Dhoohane

❌Dhagar-qabe

❌Dhoof u tahriibe

❌Dhiigya-cab

❌Dhaqan dooriye

❌Dhufaan-Argagixiye

iyo naaneysyo kaloo badan waxayna dhaxal u yeesheen maahmaadi ahayd “wixii xunba xaawa  iskaleh”.

DHALINTA DALKA KU SUGAN

Waa jiraan dhalinyaro dadaashey oo wax-bartey, waa jiraan dhalinyaro dadaashey oo innaba dhaq-dhaqaaqyo sameeya kuwaaso u qeybsan ururo kala  duwan oo ay dallad guud oo mideysaa jirin, sheeda oo layskala socdo mooyane aanan lahayn xiriiro hoose iyo iska-warqab,  taasoo la oran karo waxay sabab u tahay habacsananta hareereysay dhalinyarada oo ay wax u qabsan la’yihin.

Dalka gudihiisa kuma haysano maamus cizi iyo sharaf sidi dal iyo qaran lagu yiqiin inuu dhalintisa siiyo ahmiyad gaar ahaaned iyo u tababarid iney yihiin kuwii beri badali lahaa taas badalkeeda waxaynu nahay xaabo dabka lagu shito oo siyaasi walba fikirkisa si uu u meelmariyo ayuu aragtisa quracan noogu booriyaa isagoo doonaya inan u fulino,

Markuu dantuu lahaa gaarana MEDIA-HA ka tabiyaa inaad tahay qof leh tilmaanta ” NAANEYSYADA” dusha sare ku xusan.

DHALINTA QURBAHA

Anigu waxaan tusaale u ahay dhalinta qurbaha waxan ahay muhaajir soomaliyed oo ku nool dalka koonfur Africa run ahaanti dhibta qurbaha kajirta maaha mid dahsoon gebi ahaanba gaar ahan halkan aanku suganahay tacadigeda ka sokow waxaa hareer yaala hadalada damaqa réeba, Maalin waxaan dhageysanayey Hees wadani ah oo miraheedu ayka mid ahaayen:-

  • In dalkeenu hodan yahay
  • Weli uu mid dihan yahay
  • Dabeyl udug ku siisiyo
  • Hawo diiran leeyahay
  • Dalxiiskuna ku wacan yahay

……..

Ayaa waxaa ii timi mid kamida ah Qof Reer South afrikaan ah waxa ay i su’aashey waa maxay micnaha heesta aad qaadeyso, waxan ku iri waxay ka hadleysaa qiimaha dalkeygu leeyahay aadban u dhadhansnayaa oo dalkeyga waan jeclahay.

Markale waxay i su’aashey wadankaga haddad jeceshahay maxaad ugasoo tagtey?!

Waxan iri dagaal sokeya iyo siyaasadda oo naga xumaatey aya qarankenu ku weynay lkn hadda rajadu wey fiican tahay mardhawna waan noqonayaa!!!

Waxay kaloo i weydiisay oo ma mawaxad halkan u joogtaan inaad dalkeenana ka dhigtaan sida dalkiinu yahay?!

Su’aashaa jawaab waan u waayey

Weyna  badashey dareenkeyga oo maalinta waxan ku sugnaa xaalad jaan-rogan”.

Waxaa Sidii Dhididka oo kale igaga soo Maaxday Erayadaan:-

 

Nafteyday dhiilada daa

Ha u dheeliyin waayaha

Wixii ku dhantaaley iyo

Dhibka kugu geedaman

Midna ha u dhakafaarin.

Sida dhabar-Weyne jiilal

Fidmoyinka dhumucda le’

Illeyn ada dhidibka aasoo

Labo daryaalka u dhisayo

Udbey dhigtiyo loolkeda e.

Haddad dhaafsatey qayali

Dhulkaagi hodanka ahaa

Hore uga dhiidhiyi weyday

Dhaayahago marag arkaya

Qarannimada la dhoofinayo.

Dhaxal waxad u yeelatey

Dhaxantiyo barafka dhacaya

Dhammidiyo sharaftad lahayd

Jiritaanka sinjigad u dhalatiyo

Dadnimadaado la dhaawaco.

Afartaa dhadhaab adag iyo

Kaaga dhigey tusaale muqda

Hoosna waan u dhaadhici

Waxa dhabanna hayskiyo

Igu dhaliyey tixda maanso…

 

Maansadu iyadoo halkaa ii mareysa ayan mashquuley lkn waan dhameystirayaa

Insha Allah? ”

AAYO KA TALINTA

Hadaba sideen uga gudubnaa dhibaatoyinkaa aynu dhexda kaga jirno haddeynu nahay dhalinyaradii maanta?

Waxay ila tahay aragtida gaaban kaskeyga xalka kama danbeysta ahi wuxuu ku jiraa waa inan helnaa:-

✅Midnino Guud

✅Olole Cilmi ku dhisan

✅Wadaniyadnimo

✅Dhiiranaansho

✅Aqoon iyo karti

✅Afkaar ururin

✅Hogaan geesiya oo daacad ah

  1. W. M.

Waxaan Gunta iyo gabagabada Maqaalkaan gaaban Hambalyo iyo Bogaadin ugu diraa Dhalinta Guud ahaan, gaar ahaan Dhalinyarada soomaaliyeed Meel walba aay joogaan, Waxaan leeyahay Midnimada iyo XOOGGA dhalinyarada hala Adkeeyo,

Waxaan Anigoo Ku hadlaaya Magacayga Iyo kan Golaha Sama wade Aan leeyahay Dhalinyarooy MEEL Aad Madax ka tahay Minjo ka iska dhigin, Dalkii Anaga ayuu nasugaa, Aan Ogaano Horta inaan Leenahay Dal Aan nahay Madaxdiisii Mustaqbalka.

Halku Dhigeenana Waa “Dhoof Kuma Imaanin Waxaan Ahay Dhashii Dalka” oo aan ku Muujineyno Inaan nahay Laf dhabarka Dalka iyo Dadkeenaba

MAHADSANIDIIN.

 

IMG_20160514_201944

© Md. Maxamed Wali Maxamuud

(Xeeboow)

Xoghayeha Golaha Sama Wade

Ahna G/G/Arimaha Bulshada.

SHEEKOOYIN