2.2 Afafka bahda Semitigga W/Q:Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Siciid (Suldaan Garyare)

2.2  Afafka bahda Semitigga

 

Bahda Semitiggu waa bahda la rumaysan yahay in ay ugu ballaaran tahay bahwaynta Xemito-Semitig waxaana ku hadla dad lagu qiyaasay ilaa saddex boqol iyo soddon (330) malyuun kuna kala nool qaybo ka mid ah Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika, Geeska Afrika iyo weliba Waqooyiga Ameerika iyo qaaradda Yurub, tiro aan badnayna waxa lagu sheegaa in ay ku dhaqan yihiin qaaradda Austraaliya, dhulalka loo yaqaan Bukhaara ee ka go’ay Midowgii Sofiyeeti iyo bartamaha qaaradda Aasiya. Dadyowga ku hadla bahdaan Semitigga waxa ka mid ah dadka Carabta ah oo lagu qiyaaso ilaa saddex boqol (300) oo malyuun, qowmiyadda Amxaarada oo iyana lagu qiyaaso ilaa laba iyo labaatan (22) malyuun, Tigrinya oo iyana lagu sheego in tiradoodu dhan tahay todobo (7) malyan, Cimraaniga oo aan la hubin tirada saxda ee dadka afkani uu yahay afkoodii hooyo oo iyagana lagu qiyaaso ilaa shan (5) malyuun. Waxa kale oo bahdan ka mid ah af la yiraahdo Armaica, kana kooban afaf dhawr ah oo Cimraaniga iyo Carabiguba ku jiraan waxaana ku hadla dad tiradoodu lagu qiyaaso 575, 000 oo qof. Jasiiradda Malta oo ku taal Koonfurta-bari ee qaaradda Yurub ayaa iyana lagaga hadlaa afka Semitigga waxaana ku hadla dad dhan 520, 000 oo jasiiraddaas ku dhaqan.

Bahdan ayaa ka kooban saddex af oo laba ka mid ahi ay waa hore dabargo’een, saddexdaa afna waxa ay kala yihiin: Semitigga Bari, kan Waqooyi iyo Semitigga Koonfureed. Labada af ee Waqooyi iyo Bari waxa la rumaysan yihiin in ay dabar-go’een oo aan maanta la helayn cid adeegsata ama ku hadasha. Semitigga Bari ayaa ah afka ugu faca wayn bahdan Semitigga waxaana la hayaa raadkiisii, uuna ka mid yahay afka loo yaqaan Akaadi, loogana hadli jiray dhulka maanta loo yaqaan Ciraaq muddo hadda laga joogo shan kun (5,000) oo sano, xilligaas oo ku beegan qarnigii 29aad ilaa kii 25aad ee Nebi Ciise hortii (cs). Afkan ayaa ah mid ay ka farcameen afkii ay ku hadli jireen dadkii la oran jiray Cashuuriyiintii iyo Babiliinti hore ee mar ka arrimin jiray geyigaas.

 

 

 

 

 

 

 

 

Khariidadda uu caddaanka khafiifka ahi saaran yahay waa mandiqadda ama aagagga lagaga hadlo afka-Semetigga (Wikipedia).

Afka Semitigga Galbeed iyo Waqooyi ayaa isna ah af aan waxba ka harin, cidina aysan adeegsan maanta, waxaana afkaas laga tilmaami karaa afka Ceblayto, Ugaritig, kii Kancaaniyiinta, ka lana ahaa Carabiga iyo Faniiqiyiintii iyo kan isna loo yaqaan Aramaayiga. Semitigga Koonfureed oo ka kooban afka Carabiga ee maanta looga hadlo Jasiiradda Carabta iyo Waqooyiga Afrika iyo afka kale ee loo yaqaan Koonfurta Careebiya oo ay ka mid yihiin afaf qadiimi ah, loogana hadli jiray carriga Yeman, sida afka loo yaqaan Ximyariga, Maciiniga, Sabaa’iga, Qatamaaniga, Xadramiga iyo weliba afka la yiraahdo Cawsaaniga. Waxa iyana weheliya afaf weli looga hadlo dalka Yeman, balse aysan tiro badnayn dadka ku hadlaa lana yiraahdo Mehriga, Shixiriga, Suqadariga, Hobyootiga iyo Batariga.[1]

 

Geedkani waa geedka abtirsiinyaha ee bahda Semitigga (Wikipedia).

 

 

 

 

 

Bahdan Semitigga waxa ku jira afka lagaga hadlo dalka Itoobiya ee loo yaqaan afka-Itoobiya kana kooban dhawr af, asal-ahaanna ka soo farcamay afkii la oran jiray Jacsiyada (Ge’ez) laakiin imminka ku haray meelaha ay nasaaradu ku cibaadaysato ee Kaniisadaha. Afkan waxa sidaa oo kale lagaga hadlaa dalka Ereteriya waxa uuna ka kooban yahay Amxaariga, Tigriinya, Guraage, Tigree, Orgabe, Harari ama Adari iwm. Sida la wada ogsoonyahay bahdan Semitigga waxa ugu ballaaran adeegsigiisa afka Carabiga iyo afafka Semitigga ee Itoobiya iyo Ereteriya looga hadlo, balse waxa jirta in Cibriga oo ka mid ah bahdan Semitigga aan aad loo adeegsan waayo ma aha af muddo la adeegsanayey. Afkan Cibriga ayaa hadda ah halbeegga afeed (standard language) ee dawladda Isra’iil waxaana Yuhuudda carrigaa deggan la faray in ay afkan bartaan maaddaama ay yihiin dad ka kala yimi dhulal kala geddisan oo afafkoodu kala duwan yihiin. Dadka ku hadla afkanina ma badna oo waa shan (5) malyuun sida aan horeyba u soo xusnay.

 

La soco qaybta xigta:

W/Q:Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Siciid (Suldaan Garyare)

[1]Mansuur.

SHEEKOOYIN