ILMADA CABDI YARE EEDDEEDA YAA ISKA LEH?
Waxaa labada dhinac ka taagan waardiyeyaal dukaanka ilaalinayay, waxayna waydiinayaan, miyaad samaysay danbigan? Na soo raac ayay yiraahdeen. Markiiba waxaan u dhaqaaqay xaggooda, waxaana ku iri:
“miyaan idinla hadli karaa?” Waxay igu yiraahdeen:
“ma adigaa dhallay?”
“ Maya” ayaan ku iri, kadib ayay igu yiraahdeen:
“anaga ayaa xallinayna, waadse mahadsan tahay’’
In cabbaar ah ayaan meeshii taagnaa, waxaan eegayay bal sida uu xaalku noqdo, markii danbe ayaan is iri, waqti baa kugu socdee danahaaga qabso.
Galinkii danbe, abbaaro seddexdii galabnimo, ayaan waxaan arkay hooyadiis oo taleefan ku hadlaysa, waan u gacan haatiyay, wali waxaan qalbiga iska waydiinayaa, tolow xaggee ku danbeeyay arrinkii wiilka, ma waxay la hadlaysaa police ka, oo arrintii ayaa loo sheegayaa? Xaggeeda ayaan u soo dhawaaday, mise af soomaali ayay ku sheekaynaysaa! Faraha ayaan kala hadlay, oon ku iri: teleefanka dhig, balse, waxay ii sheegtay inay sheeko fiican haysato, kumaan qancine, waxaan ku iri: waad ku celinaysaa, ee bal in yar ila hadal, wayna iga ogolaatay.
Waxaan waydiiyay xaaladda iyada iyo wiilkeeda, waxayna igu tiri waanu fiican nahay kulligeen, haye, si dulmar ah ayaan ooga waraystay xaaladda Cabdi Yare, waxayna ii sheegtay, inuu aad u wanaagsan yahay, waxaan is iri: ma u sheegtaa? Haddana waan baqay, waanse ku calool adaygay, waxii dhacayaa ha ka dhaceene, in aan u sheego, waxaanna ku iri:
“maanta mar aan farmashiga ka soo iibsanayay dawo, ayaan arkay wiilkaaga Cabdi Yare, oo laba nin oo waardiyeyaasha dukaanka ay sii wadaan, ee miyaad ka warhaysaa sababta iyo danbiga uu galay, mase ku soo waceen police ka?’’
Intay naxday ayay igu tiri:
“maya. Muxuu sameeyay?” waxaan ku iri:
“ma garanayo, balse, inta badan carruurta alaabta dukaanka xadda ayaa qaabkaas loola dhaqmaa!” markiiba waxay igu tiri:
“oo iskuulkii ma uusan tagin miyaa? Iskuul inuu jiro ayaan moodayay”. Waxay kaloo ii sii raacisay in taleefankeeda uu yahay nambar cusub uuna yahay nooca labuuxbuuxiyo, oo uusan diiwaan gashanayn wayna adag tahay in la soo helo mar haddii aysan iyadu diiwaan galin, balse, haddii uu ahaan lahaa khadka caadigaa markiiba waxaa fududaanaysa, in waalidka la soo helo. Tani waa dabeecaddeeda oo marka ay lacagta yar ka marataba way iska tuurtaa, oo mid cusub ayay soo qaadataa, maadama aysan ku shubayn lacag oo sidani ay u jaban tahay.
Waxaan ku iri; dabcan waxaa kuu sahlan inaad tagtaa xarunta ciidanka policeka, oo aanba sidaas nooga fogayn qaybteeda xaafadda. Sidii ayay samaysay, oo ay arrinkii ku xallisay.
Maalin kadib ayaan haddana ku arkay isla goobtii Cabdi Yare, waxaan waydiiyay sababta uusan iskoolka u tagin, oo uu halkan u joogo? Sharciga dalkan waa in ilmaha ay qasab ku tagaan iskuullada, haddii aysan sidaas yeelin waalidkuna ku guuldaraysto, ayadda badbaadada carruurta waxay ku ciqaabaan, in qoyska laga wado, oo la geeyo goob si qasaba uu ilmuhu ku tagayo waxbarashada.
Cabdi yare waxaan ku iri; ogow haddii aad sidan ku sii socotid, oo aad waxbarashada sagsaagtid macallimiintaadu waxay war galinayaan qaybta badbaadada carruurta iyo hooyadaaba, waxuuse iigu jawaabay;
“hooyo ma ogaanayso oo maba la socoto waxa iskuulka ka jira!” Aad ayaan ooga xumaaday.
“oo aabbahaana, miyaanu ogayn?” markaas ayuu igu yiri;
“maya”.
Aabbihiis muddo laga joogo 4 sanadood, ayuu ku soo guursaday gabar yar magaalada Muqdisha, mar uu safar ku gaaray dalkii hooyo, taas oo sabab u noqotay burburka reerka Asli iyo Ali. Way wadda shaqaysanayeen waqtigii hore, dhaqalahooduna waxuu ahaa mid wanaagsan, waxay bishii dhigan jireen xoogaa dhaqaalo ah, oo ay kaydsadaan si ay mustaqbal uga dhigtaan ama ay hanti maguurtaa ku iibsadan, haddii ay ku noqdaan dalkii hooyo, si ay hanti uga horrayso. Asli dhanka kale, waxay guriga ku iibin jirtay alaabo yaryar, oo ay Dubai ka keeni jirtay, noloshoodu waxay ahayd mid aad u wanaagsan.
Farxadda iyo bulshonimada ka so koow, Asli waxay ahayd gabar nadaafad iyo xarrago meel dhigatay, martida iyo dadka wax ka iibsanaysana waxay ka soo baxaan gurigeeda iyagoo ka maqsuudsan qaabka ay u agaasinto soo dhawaynta macaamiisheeda. Waxay ka shaqaysaa meesha waayeelladda lagu daryeelo, mushaarkeedu waa mid fiican guriga ay daggan yihiina kiradiisu ma ahan mid qaali ah. Cali isaguna sidoo kale, waa darawal, oo waxuu wadaa gaadiidka dadwaynaha, ee magaalada gudaheeda ka shaqeeya.
Safarkii uu ku tagay dalkii hooyo, waxuu ahaa inuu reerka u soo iibiyo aqal ay hanti ka dhigtaan. Muddo markii uu Cali Xamar joogay, oo uu soo dhammeeyay hawshii loo xilsaaray, waxaa xaafadda soo galay hadallo iyo xamxam ahayd inuu Cali gabar yar ku guursaday Muqdisho.
Anigu qof ahaan maan aaminin, waayo, waxuu ahaa nin reerkiisa ku qanacsan, oo aan hawaysan xataa dumarka xaafadaha daggan. Maahayn nin dhacdhaca, oo af dheer markuu dariiqa marayo indhihiisa hoos ayay u badnaayeen.
Kulayl iyo fariidnimo Asli uu ku ogaana wuu ooga gabban jiray dumarka magaalada, oo wuu ogaa inay balaayo dhici, haddii uu ku dhiirrado inuu halkan wax ka raadiyo, maadaama uu ilmo wiil kaliya ka dhalay, dhaqanka Soomaaliduna ayahay ah, in reerka carruur badan u joogto.
La soco qaybta labaad.
F.G: Qoraalkan lama qori karo, lamana daabacan karo, lama beddeli karo oggolaasho la’aan.
W/Q Nimco Noor