Ma ogtahay? W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed (Warmooge yare)

Untitled

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma ogtahay?

Ma ogtahay in 90% dadka waalani ay u waalan yihiin saamaynta uu ku yeeshay qaadku maskaxdooda, isagoo ku sababaya qofka deganaansho la’aan iyo nasasho la’aan qofku isku rido.

Ma ogtahay dadka aan ku waalan cunista qaadka inay ku suganyihiin dhibaato caafimaad daro, ilkaha oo dhammaada ama kadaata, sida odaygan oo kale, waxa uu ku waayay ilkihiisi wellina waxa uu isticmaalayaa qaad uu tumay si uu uga hello murqaan.

Ma ogtahay gobolo kamida yemen, in aanay ahayn wax lala yaabo inaad aragto carruur da’doodu tahay lix jir oo cunaya qaadka kuwaasoo ay siinayaan aabbayaashood.

Ma ogtahay in maaddooyinka qaadka ku jira ama qaadkaba ay dadku aaminsan yihiin inuu kordhiyo shaqada qofka ama shaqaalaha, sidaa daraadeed layaab malaha inaad aragto qof shaqaale ah oo qayilaya isagoo shaqada ku guda jira.

Ma ogyahay in dad badan oo yemeniyiin iyo Soomaali ah ay aaminsan yihiin inuu qaadku u dhigmo khamriga ama alcoholka.

Ma ogtahay in ay dad badani aaminsan yihiin in aan la joojin Karin cunista qaadka, iyagoo ku sababaynaya inay cunayeen illaa carruurnimadoodi.

Ma ogtahay in dadka beera qaadku ay yihiin qani £160m ayaa beeralayda Ethiopia oo kaliya soo gashay sanadkii 2013, kuwaasoo ku tiriya qaadka inuu yahay shayga afraad ee ugu weyn ee loo dhoofiyo waddamada dibadda.

Ma ogtahay in Soomaaliya, Soomaalilaan, Yemen, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ay yihiin meelaha ugu caansan ee laga isticmaalo qaadka, sidoo kale Kenya iyo Uganda waxa aad looga yaqaana qaadka noociisa Miraa-ga

Ma ogtahay dhibaatada ugu yar ee uu keeno qaadku ayaa ah ilkaha oo qofka daata iyo afka oo xanuuno kaga dhacaan, waxaanay ku badan yihiin dadka soomaalida ah

Ma ogtahay in dadka qaadka ka ganacsada ay u badan yihiin dumar si ay uga hellaan wixii ay cuni lahaayeen iyo wixii ay carruurtooda siisan lahaayeen, kadib markii ay rag badani dayaceen masuuliyadii qoyskooda iyagoo ku mashquulsan qayilaad (qaad)

Ma ogtahay qaadka 571, dadka ugu badan ee ganacsigiisa hogaamiyaa inay yihiin dumar.Ma ogtahay in dumarka ethiopianka ah badankoodu aaminsan yihiin in cunista qaadku abuurto jacayl iyo soo jiidasho ka dhex dhalata lammaanaha.

Ma ogtahay in waddamada Yemen, Somalia, iyo Soomaalilaan goob kasta oo aad istaagto aad ku arki karto bac-miiko loo isticmaalay qaad, bacmiikadunna waxa ay saamayn tabban ku leedahay bilicda iyo quruxda magaalo ee deegaanka.

Ma ogtahay in lagu qiyaaso beeralayda qaadka beerta ee geeska afrika iyo carabta 500,000 beerwale.

Ma ogtahay in qiimaha qaadku uu ku xidhan yahay had iyo jeer tayada iyo darray ahaanshaha caleemaha qaadka.

 

W/Q  Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

SHEEKOOYIN