Hasaawe Suugaaneed Bille iyo Barni Q2AAD W/Q Cabdi Nuur Waddani

quotescover-JPG-19

Waa Q2aad shiribkii taxana ahaa ee bille iyo barni, qaybtii hore waxay noo joogtay bille iyo barni oo wada sheekeysi ka dib ballamay caawa waa iyagoo isu yimid, sheekadina halkeedi kasii amba qaaday akhris wacan wixi dhax maray.

 

Bille,

  • Bismilah waa ninkaad basrooy
  • Beri dhawayd u boonisee.

Barni

  • Balanti waaka soo baxdee
  • Biladya hoo wixii bannaan

Bille,

  • Bilad ma gooyo waasa buux
  • Nin baqday oo la sii boqraa

Barni,

  • Bar baarka jooga buuladaan
  • Bile adaa kasoo baxaa,

Bille,

  • Bela amay jirtaaya baas
  • Baqaaga barni woow begee?

Barni,

  • Baadiya ma jiraan bukaan
  • Waana barwaaqo reer bahdaa!

Bille,

  • Baqshada aan furee basrooy
  • Banaanka muula soo baxnaa?

Barni,

  • Baqshada ka hor baashiyoow
  • Biya cab oon hakaa ba,yee

Bille,

  • Baadi nimey gashoo bursaa
  • Biya miyuu cabyaa basrooy?

Barni,

  • Baadidi waala baytiyee
  • Bashley adoon is buujiheyn!

Bille,

  • Baabuur nin fuulay woow begyee
  • Baaqaas miyaan la soo bislayn?

Barni,

  • Baarintu waa nin buubsadee
  • Bile warkeygu waa bisayl,

Bille,

  • Beer baxday lama beeniyee
  • Bun iyo baalcad waa baxaa,

Barni,

  • Basiin deb looma baaliyee
  • Kuma bixi kartiiska baar,

Bille,

  • Birimo waa aqaan bishii
  • Barwaaqo EEBE soo burqee,

Barni,

  • Beri beri ninki badmaax
  • Bile ahaa ayaan baxsayn,

Bille,

  • Baqaagu way dhacyee basrooy
  • Burcad nin rabay baar ha siin,

Barni,

  • Baraad la,aaw adoon baqayn
  • Buuggana noo fur baashiyoow,

Bille,

  • Buugga waxaa ku yaal bukaan
  • Barni dartaa an baanahayn,

Barni,

  • Baantaada maan hellaa billoow
  • Beri jawaad kusoo bogsee,

 

 

La socoto Q3aad,

Curiye: Cabdi Nuur waddani

SHEEKOOYIN