Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q4AAD W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)


Wallow ay fogaatay habeenka ballanta loo dhigay Bashiir haddana waxaa uga darneyd inaanu ogeyn sidduu qorshahoodu noqonaayo iyo in aanay meel cayimin ku ballamin, hadalkoodana aanu dhaafin laba habeen kaddib inay is arkaan, makaana fursad uma helin inay balanta goor iyo madal isla meel dhigaan, markaa wuxuu Bashiir ku khasbanaaday inuu soo aado xaafadda Habboon si uu u soo saxo arrimaha ballanta kulankooda ka dhinaa, galabti sabtida 21.11.1981 ayuu nasiib wanaag la kulmay Habboon oo ka timid dhanka suuqa oo ay ka soo adeegtay una socota guriga, kulankaasna wax ka badan meesha ay ugu imaaneyso iyo saacada ay u imaaneyso iskuma dhaafsan Bashiir iyo Haboon, wuxuuna ka tegay asagoo ka fekeraaya maadaama ay Habboon suuqa ka timid inay ka soo adeegatay Dukaanka Maxamuud uu ku iibiyo suuqa oo ah meesha ay isku barteen Maxamud iyo Habboon kuna saaxiibeen wallow hadda loo sheegay inay kala boodsan yihiin, laakiin uu Maxamud kaga fursad badan yahay aragtida Habboon.

Habeenki kulanka waxaa Bashiir u suurta gashay inuu Habboon u sheego dareenkiisa iyo muddada uu sugaayay inuu u sheego jaceylka uu u qabo, Habboona waxay ku soo dhaweysay si aanu qiyaasi karin, waxaana billowday xiriirki ugu horreeyay, Bashiir ma weydiin Habboon inay laheyd saaxiib asaga uga horreeyay iyo in kale, asagoo ogaa inuu jiray, Habboona maba fahsaneyn arrimahaas in leys weeydiiyo iyo in kale, Bashiir markuu xaafadda u soo dhaweeyay kaddib ayuu ka tagay ayagoo ku ballamay inuu habeen dambe ugu yimaado gurigeeda.

Toddobadii habeennimo ayuu Bashiir garaacay albaabka guriga Habboon waxaana ka furtay Hooyo Faaduma oo habeenki labaad uu Bashiir yimaado gurigooda noqotay qofka ka fura albaabka, waxay mar labaad ku soo dhaweysay jawi farxadeed iyo inay u yeerto gabadheeda Habboon si ay ula soo dhaweyso martida sharafta leh, Bashiir waxaa isugu darsamay farxad iyo cabsi aanu garaneyn wuxuu ka baqaayo, waxaa shaki geliyay sidda ay Hooyo Faaduma markiiba ay qolkeeda u gashay markeey Habboon la wareegtay soo dhaweyntiisa iyo weliba tarmuuska iyo koobabka lagu diyaariyay miiskuu ku cabay faantada habeenki ka horreeyay uu guriga yimid, wuxuu u qaatay in aaneey jirin sheeko qarsoon oo ay xataa ogtahay Hooyo Faaduma.

Markeey Habboon soo ag fadhiisatay ayuu weeydiiyay ” Hooyadaa ma waxbaad u sheegtay?” Habboon ayaa ugu jawaabtay “waxba uma sheegin ee maxaad aragtay?” Bashiir ayaa ugu jawaabay ” waxaan u maleeyay inay sheekadeena la socoto oo sidaa daraadeed noogu firaaqeysay” Habboon ayaa ku soo afjartay inay Hooyadeed siiso fursad ay ku sheekeystaan dadka ayada u yimaado, Bashiir asagoo og inaan leyska indha tiri karin inuu guriga u yimid Habboon aawgeed ayuu haddana jecleysan sida kashifaada ula muuqata ee uu xaalku ku socdo, wallow Khadiijadi ka horreysay uu ugu sheekeyn jiray gurigooda, balse farqiga u dhexeeya uu yahay in markaas loo arkaayay mid wax u akhriya Khadiija balse aan la ogeyn muraadkiisa iyo waxa ay iska damacsan yihiin, laakiin soo gelitaanka gurigaan malaha wax loo sababeeyo aan ka aheyn inuu gabadhooda u yimid muraadkiisa uu u muuqdo mid wanaagsan maadaama aan lagu ogeyn xumaan lana og yahay inuu wiil fiican yahay.

Bashiir wuxuu si fiican u fiiriyay wejiga Habboon oo intay soo agfadhiisatay u shubtay koob shaah ah oo caddeys ah, Habboon oo fiirintiisa ka xishootay kuna taqaanay inuu aad u fiirin jiray ayaa ku sigatay inay koobka la gefto shaaha ay ku shubaysay, markaas ayay tiri “hee” sidi inuu u yeeray oo kale, Bashiir asagoon weli ka jeesan ayuu yiri “maxay!” Habboon oo soo baraarugtay ayaa ku tiri “Inaad ila hadashay ayaan mooday”, habeenkaas waxay wada galeen hishiis ah in sirtooda aaney dhaafin labadooda iyo inay ka wada hadlaan wixii is afgaranwaa ama kala aamin bax keeni kara, wuxuu Bashiir soo tegay asagoo aan weli meel dhigin inay ku ballamaan meel ka baxsan guriga Habboon.

Maalin ha ahaato ama habeen ha ahaatee waxaa Habboon u caadda ah in aaneey gurigooda ka maqnaanin wax ka badan saacad ama laba saacadood, meel aan ka aheyn Dugsiga haddeey u baxdo waxaad moodaa inay tebeyso inay wax ka maqan yihiin, ma jecla filimada haddeey aadana madaxaa ku soo xanuuna, saaxiibkeed Bashiir wuxuu rabaa inay firaaqo isku helaan ulana sheekeysto si xor ah, si uu u barto ayadana ay u barato, wuxuu rabaa inuu ogaado farqiga u dhexeeya Khadiija iyo Habboon oo quruxda ka siman wallow ay Habboon ka yar tahay Khadiija, way u muuqataa inay joogitaanka guriga ka siman yihiin iyo dhegaysiga afkiisa hadalada ka soo baxaaya, balse aanu ogeyn erayada kala ah “Haa” iyo “Waayahay” ay ka wada siman yihiin inay dhab ka tahay iyo in kale, waayoo Khadiija weli hadal uu ku yiri kuma soo celin, Habboona waxay ula muuqataa sideedi oo kale, waxay Habboon u sheegtay inay xor u tahay gurigeeda inay kula sheekeysan karto qofkeey doonto, sidaas ay tahayna waxaa Bashiir ka xirnaa inuu weeydiiyo inuu Maxamud ugu imaan jiray guriga ayna ku sheekeysan jireen, sababtoo ah jiritaanka xiriir inuu ka dhexeeyay ayuuba weeydiin, markaana uma furna su’aalaha noocaas ah.

Waxay noqotay inuu habeen walba aado guriga Habboon intuu xal kale ka imaanaayo, sidaa daraadeed ayuu u soo aaday gurigi oo uu markan yimid albaabki oo furan, markuu gudaha soo galayna waxaa soo dhaweeysay Habboon, Hooyo Faaduma waxay ku maqneyd islaamo madax shub qabay oo xaafadda degan, habeenkaas ayuu Bashiir weeydiiyay inay suuragal tahay bannaanka inay ku kulmaan markeey ballan leeyihiin, waxay Habboon ku tiri “mar mar haa haddii aan ku soo daaheyn” Bashiir oo ku farxay ayaa jawaabtaas ayaa u sheegay inay qaadaneyn wax ka badan inti filin laga daawado, wuxuu habeenkaas ka soo tegay ayagoo kul ballamay inay habeen dambe Shaneemo isu raacaan ayna ugu timaado buundada Ugaandha dusheeda.

Bashiir markuu ka soo baxay guriga ayay Hooyo Faaduma uga hor timid meel albaabka guriga aan ka fogeyn, markeey isi salaameen ayay ku tiri “Bashiir ileyn habeen walba xaafada waa timaadaa?” Wuxuu yiri “xaafadda cusub ee aan degnay weli si fiican dad ugama baran, sidaa darteed ayaan u soo aadaa xaafadaydi hore” markay xoogaa reerka ka wareeysatay kaddib ayay kala tageen.Bashiir markuu cabbaar socday wuxuu dib ugu soo ceshaday hadalki Hooyo Faaduma ay ku tiri oo ahaa “Ileyn xaafadda habeen walba waa timaadaa!” Wuxuu is weeydiiyay ma xaafadda ayay ula jeeday? Mise gurigooda ayay ula jeeday? Waxaa uga soo baxday inay Habboon hooyadeed wax dareensan tahay xataa haddii aan loo sheegin xiriirka curdunka ah ee ka dhexeeya asaga iyo gabadheeda, kaasoo markhaati u ah soo noqnoqashadiisa, Hooyo Faadumana ay is leedahay “Bashiir soo noqnoqoye ma gabadhiina ayuu arkooday”.

Bashiir wuxuu qabaa inay weli wax u qabsoomay aanay jirin, sheekadiisuna aanay ka badneyn wax dhaafsiisan “Waan ku doonaayay Habbooneey iyo anigana waa kaa aqbalay Bashiiroow” Taasina aanay aheyn mid waafi ah, wuxuu rabaa inuu si qota dheer u barto qofka uu dusha ka caashaqay laakiin aanu ogeyn dabeecadeeda, waxay jeceshahay iyo waxay neceb tahay si aanu hadhoow khalad ugu dhicin, waxaa maskaxda Bashiir ka hor muuqatay waddo dheer oo u baahan in looga gudbo qorsho habeysan iyo deganaan lagu maro, iyo inuu ka maarmi karin Haboon oo looga baahan yahay inay qorshahaas la dejiso ama ugu yaraan ay ku saacido midkuu asaga keeno, waana midda ugu horreysa ee uu rabo inuu kala hadlo ballanta ay ugu imaaneyso, haddii ay intaa la fahamto waa siduu rabay, laakiin haddeey kaga hor timaado ayaa ayadana u baahan in xalkeeda la baadidoono.

 

La soco qaybaha kale

W/Q: Axmed Xaayoow (Aun)

 

SHEEKOOYIN