RUWAAYADDII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY Q-5AAD W/A: Muxyaddiin Xuaeen Ciid

RUWAAYADDII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY Q-5AAD

Faras:

  • Anagaa ku siin
  • Sabannadaad maqnaydiyo
  • Saakadan aan joogno
  • Silsiladu siday
  • Subax noolba aahayd
  • Ee marka hore saaxiiboow
  • Sannadkee naga socdaashay?

Daacad: Gugii deeqa la’la aqal galay.

Faras: Aqalgalkii odeygii deeqa loo soo hambaabulay.

Daacad: Haa!

Faras: Xilligaas waxaan ugu yeernaa dararso oo odeyga iyo Deeqa waa loo hanwaynaa oo waxaa la is lahaa odeygu mid iyo labo waa ka dhali donaa Deeqo, dadkuna waa u hanwaynaa, jacaylka gabarta iyo odeyga waa loo sacaba tumayay, inkastoo uu haraati watay.

Daacad: Waan gartay!

Faras: Xili dagganaansho loo baxshay ayaa raacay oo Deeqo duq cusub ku baddalatay kii hore ayaa xigay, dabayshuse ma xoog badnayn, waad taqaannaayoo doomuhu dabaysha waa ku xisaabtamaan, marka dabayl la’aan baa jirtay xilligaas, Deeqana waa is calfan waayeen odeygiidii cusbaa, waana kala hadaafeen, maxayse kuugu taal maalinba mid baa u soo hulaabanayay Deeqa, ayana dhal raadis bay ahaydoo wax ma diidayn.

Daacad: Waan gartay!

Faras: Dee maantana waad noo timidoo, Odeygii Xaaji Daadihiye ahaa iyo Deeqo, waa ka dhex curatay, furriin bayna dalbatay, Xaajiguna ma oggala oo gabadha jacayl daran buu u qaaday, darbigaad martaba hadalkoodaa lagu hayaa. Ragna waa soo kacay markii ay maqleen in gabadhii Deeqo ahayd mar kale guudka firan doonto. Dhinaca kalema Maandeeq iyo dirkeedii wali dabkii kama bakhtiin. Dahabo oo Deeqa ka waynayd, darisna ay ahaayeen dab ma kala qaataan. Saaxiiboow dayaca kalena waa iska badan yahay. Aniga iyo Feyflana rag waalan baa naloo yaqaan, xaal halkaas ayuu marayaaye adigu maxaad nagu siyaadin.

Daacad: Saaxiibayaaloow!

  • War idinkaa dhameeyay
  • Anigana dhabtii
  • Waa i dhaawacayoo
  • Qalbiguu i dhalaashay
  • Mar haddii dhulkeennii
  • Iyo Dhiigga dadkeennii
  • Qiima dhacaas uuba joogo
  • Wax kaleeto dhihi maayee
  • Rabbi aaban dhankiisa
  • Iyo dhawaanno xaggiisa
  • Toobadna aan ku dhawaaqno.

Heesta GUULLOOW ayaaa Daacad ku dhufanayaa, Feyle iyo Farasna waa la jiibinayaan:

  • Guulloow garab iyo Gargaarbaan
    Guulloow geyigay u rabaa.

    Guulloow Gedo iyo Gabileey
    Guulloow Ummaddaa gowriirta
    Guulloow garab baan u rabaa
  • Guulloow Saylac iyo Ganaane
    Guulloow Ummaddaa gowriirta
    Guulloow gacan baan u rabaa
  • Guulloow Gaalkacyo iyo Banaadir
    Guulloow Ummaddaa gowriirta
    Guulloow garab baan u rabaa
  • Guulloow Calankiinii gob ahaa
    Guulloow garab baan u rabaa
  • Guulloow Arligaa gubanaaya
    Guulloow garab baan u rabaa
  • Guulloow Hooyadaa gablamaysa
    Guulloow gacan baan u rabaa
  • Guulloow Gowracaa cadowgayga
    Guulloow garab baan u rabaa
  • Guulloow Gaajadiyo halaagga
    Guulloow gacan baan u rabaa
  • Guulloow Gulufkiyo colaadda
    Guulloow gargaar baan u rabaa
  • Guulloow goof ma reebto abaar ah
    Guulloow garab baan u rabaa
  • Guulloow galinsii Ummaddeyda
    Guulloow garashiyo samahoo
    Guulloow garabkooda ahoow!.

W/A: Muxyaddiin Xuseen Ciid

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN