Tacsi tiiraanyo leh, Haldoor Cabdikariin Faarax Qaarey(AUN)

Tacsi Tiiraanyo leh Eebbe haw naxariisto haldoor Cabdiraxiin Faarax Qaarey

Waxa ay bahda Laashin oo isku duuban halkan tacsi uga direysaa guud ahaan bulshada soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisii, geerida ku timid Eebbe haw naxariistee Mulaxam iyo Codeeyihii magaca weynaa ee Cabdikariin Faarax Qaarey oo ku magacdheeraa (jiir).

Cabdikariin Faarax Qaarey waxaa uu ahaa tiir ka mid ah tiirarka fanka soomaaliyeed, waxaa uuna sooyaal wanaagsan uga tegay bulshadiisa, waxaa uu kaalin laxaad leh ka qaatay, habeynta hannaaninta iyo heensaynta heesaha soomaaliyeed oo qof walba oo dhegaysta nabdigiisa ku reebaysa xasuus aan go’ayn weligeed gudhayn.

Cabdi-kariin Faarax Qaarey waxa uu ku dhashay gobolka mudug gaar ahaan magaalada faca weyn ee hobyo, hilaada gugii 1943dii. Cabdikariin waxaa uu ku hanaqaaday waxna ku bartay deegaanka magaala xeebeedka Hobyo kuna bartay, waxbarashadiisa diini iyo maadiba. Sidoo kale isla deegaankaas ayuu ka bilaabay fanka, isaga oo qayb ka ahaa gubaabadii gobonnimo doonka iyo heelooyinkii bulshada lagu baraarujinayey.

Kaddib ammin ku beegan 1959 ka hor sannad gobonnimadii dalka soomaaliyeed ka baxeen gacantii gumeystaha ayuu yimid magaalada Muqdisho, waxa uunna ammin kaddib ka mid noqday  shaqaalaha Radio Muqdisho teer iyo ammintaas waxaa uu ku dhexjirey warbaahinta iyo fanka soomaaliyeed.

Cabdikariin Faarax Qaarey waxaa uu kaalin lixaad leh ka qaatey horumarinta iyo tayeynta fanka soomaaliyeed, waxaa uunna ku magacownaa Laxamiistaha ugu horreeya ee bulshada soomaaliyeed. Waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay, wasaaradda warfaafinta iyo kooxihii hobollada soomaaliyeed.

Sida aad ku arki doontaa muuqaallada hoose, waxaa uu sameeyey dhammaan laxanka heesahaas oo dhan oo ah  kuwa ugu magaca dheer looguna aqoonta badan yahay heesaha soomaaliyeed.

Bahda Laashin ay Eebbe uga baryeysaa in hoyaatinkiisa laga dhigo Jannatul firdowsa, kitaabkiisana midigta laga siiyo, Eebbena naxariistiisa ka waraabiyo, Aaamiin Aaamiin Aaamiin.

Laashin

Laashin77@gmail.com

Info@laashin.com

SHEEKOOYIN