XEERKA ABTIRSIINTA ERAYGA AF SOOMAALIGA” sida aan u arko oo kooban
Horumar kasta ee ay bulsho gaarto wuxuu ku jaango’an yahay hadba tayada aqoonleyda iyo hoggaankeedu ay leeyihiin. Si loo xaqiijiyo nolol cid walba u suubban, ogaalka iyo milicsiga sooyaalka ayaa ah barta laga ambaqaado xoojinta wixii hore u jiray iyo gogolxaarka waxa soo socda. Cilmibaaristu waa jidka loo raaco higsigaas, afkuna waa awoodda lagu qaabeeyo masiirka bulshada, waana lamahuraan inuu yahay mid risaalada u gudbin kara sida ugu saamaynta wanaagsan.
Inkasta oo qoraalka far Soomaaligu uu mar dhaw ahaa, haddana waa af ka fac weyn kuwa kale oo maanta ah horyaalka lagu wada xiriiro iyo astaanta ilbaxnimada. Waxa keliya ee afafka kala reebo waa hadba dadaalka la geliyo iyo tayeyntooda.
Barashada macnaha erayga iyo halka uu afku kaga jiro nolosha weligeedba waxay aheyd dood furan balse “Abtirsiinta Erayga Af Soomaaliga” wuxuu dhaafay seerihii ay culuunta afku ku ekeyd. Dhanka kale, aragtidani waa falsafad si cad noo tusaysa xiriirka ka dhexeeya erayga iyo walaxda loogu yeerayo. Tusaale ahaan waa la wada yaqaan erayga caleen balse lama sheegi karin sababta ay walaxdaasi u yeelatay magacaas iyo sifada uu caleenta ka bixinayo labadaba. Haddase xeerarka buuggan lagu daahfuray ayaa si fudud bannaanka u soo dhigaya macnaha asalka ah iyo sirta ku jirta erayada.
Xeerkan iyo boqol iyo siddeetankiisa eray waa daahfur afeed kii iila qotada dheeraa inta ogaalkaygu yahay, waana falsafad idil oo baritaaraysa horumarinta dhaqanka iyo weliba kobcinta af cilmiyeedka.
W/Q: Dayax Cabdi Kulmiye
Qoraa iyo Bare: Jaamacadda Jamhuuriya
Muqdisho – Soomaaliya
Sebtember 2021