Danmoog!
Xil iyo xoolo isbarkan ayuu jirjir ugu jiifaa. Qol laydi ah, dhererkiisuna ka weyn yahay ballaciisa ayuu gurada dambe u fadhiyaa. Qolka waxaa dhinac kasta ugu dherersan nimco-wadareed isku qoofalan. Nasiib iyo naruuro isku tiirsan ayaa dhan waliba ka soo jeeda. Waa billowga gu’ barwaaqo ku curtay. Waa galab nabdoon. Waa baradiisii uu adduunka ugu jeclaa. Nafta iyo nabdiga ayuu ka faraxsan yahay.
Hortiisa waxaa taxan wax kasta oo naftiisu u muhato. Waxaa isdabayaal marqaan, maraq iyo malab. Halkan, halkoo, halkeer, halkaas iyo hareertaba waxaa yaalla wuxuu jeclaay oo dhan. Waxaa u raaca hablo xuuralcayn ah. Waxay heegan ugu jiraan hagaajintiisa kaliya uun. Wuxuu la hayo ama uu ka helo, hoo bay yiraahdaan. Sidii Jannaatu Cadnin, wuxuu raboodo eegmaa ugu filan. Hadduu sidaas u daymoodo horay baa laga fahmayaa. Adeegayaal caabboon baa u qaybsan in ay hiyigiisa la socdaan. Hawshoodu waa inay macno-gartaan. Ulajeeddadiisa dahsoon ka warqabaan. Isagoon eray dhihin u adeegaan.
Waa xoogsade siyaasadeed. Laba indhood oo waaweyn sidii indhihii guumeysta, ayuu qolka ku dhex kaahinayaa. Dhinacuu eegaba wuu salkacayaa. Waa laysku wareeganayaa. Daymadiisu way macno badan tahay… wayna kulushahay. Waa daymo maanka, maskaxda iyo miyirkaba kala duulaysa ciddii ay ku jeeddo. Intuu ismadaxmaro oo uu madoobaado ayuu miyirbeelayaa ruuxay ku cusub tahay daymadu.
Hoolka waxaa kula jira siyaasiin kala jaad ah. Qaar shaxaadaya iyo kuwa la shaahaya. Sidiisa ayey nimcadu tuban tahay hortooda. Qaar baa u sheekaynaya… afka kala qoslaya uurkana uga gocanaya. Waxay la cuqdadeysan yihiin, siduu waqtigu kaligiis u wanaajiyay. Sida weertiisa oo kaliya loola hayo. Sidan iyo sidaas sababtee ayey u dhacday?.
Inta badan isagaa hadla. Sidii macallinkii ayaa faahfaahinta iyo fasirka hadalka kaligiis loo daayay. Marba sheeko ayuu soo qaadanayaa. Tu kaloo ku soo ridday uga sii gudbayaa. Guurarkiisii ayuu ka khibroonayaa. Gaabsigiisii ayuu ku tookhayaa. Gogoshiisii ayuu ku dhadhabayaa. Markuu qarwayo, aamus lama yiraahdee, -cidday dhibayso dhegaha ha cubbaysato- waa lala sii wad-wadaa. Mararka qaarkood, isagoon wax qumman sheegin ayaa si xarago leh loogu sacab-tumaa. Qosol aad or mooddana loo raaciyaa. Waa guddoomiye degmo, wuxuuse naawilayaa in wasiir laga dhigo. Waayo, ballanqaadyo badan ayuu sidaas ku haystaa. Xil-kala-wareejinta wuxuu filayaa, bishan hadda socota gudaheeda.
Dhawr sano ka hor ayuu siyaasadda xaggeeda u soo wareegay. Wuxuu ahaa beecmushtar rugcaddaa ah. Ganacsigiisa ku niyadsan. Dadkiisa ku dhex jira. Waligiis siyaasad kuma riyoon, balse, markay lacag uusan u dhibtoon si waalli ah u soo gashay ayey yididdiilada madax-noqoshadu ku beerantay. Xeeladda ganacsiga suuqa xorta ah ayaa u sahashay in uu lacag badan ku guntado gudcur dhexdiisa. saaxiibbadiis qaarkood baa kula taliyay, in ay waajib tahay xilqabashadiisu. Waayo bay yiraahdeen, hantidaada baad ku ilaashanaysaa. Way ku sii weynaatay fikraddii madax-noqoshadu. Fikrado badan ayaaba ka sii tarmay. Mar buu isweydiiyay, adigoon waxbarannin, sidee laguu aaminayaa! Sidee xil loogu dhiibayaa, nimaan waligiis buug xarriiqin! Wuu isla yaabay isna cawriyay!. Maya! Maya! Yaa yiri: aqoon baa xil lagu helaa?! Gacantaadu yaynan ku ciilin ayuu go’aan ku gaaray. Hantidiisiiyoo dhan ayuu ku iibsaday kursiga uu ku fadhiyo.
Wuu garanayaa in uusan shacabku ra’yi ku lahayn madax-noqoshadiisa. Wuxuu isu-sheegay dadkii badeecadiisa iyagoon iska eegin cantuugi jiray, inaysan dhib ahayn xukunkoodu. Sidii loo joogay bay subax shaashadda ka daawadeen macaamiihiisii. Dadkii ganacsigu kala dhexeeyay. Kuwii ku xirnaa bakhaarkiisa. Kuwii dariska la ahaa dukaankiisa. Kuwii sida fudud ku waayay ee ay hal-xiraalaha ku noqotay maqnaashihiisa ayaa subaxdii dambe ku argagaxay aragtidiisa fajac kediska ah. Isagoo xilhaya oo telefishinka ka khudbaynaya ayey ku soo tooseen.
Qarsigan uu ku soo dhuunto kuna nasto, siduu aaminsan yahay, mar dhow baa la qalabeeyay. Lacag boqol kun oo {dollar} taako u jirta baa lagu dayactiray. Wax kasta baa laga haqabtiray gurigan cusub. Albaabbo wada quraad ah iyo armaajooyin afar mitir ah baa ka mid ah, waxyaabaha dadka yimaada mucjisada la noqday. Isagoon bannaanka u soo bixin ayuu isaga dhex baxayaa, dhawr qol oo isku furan. Waa habka daarta loo naqshadeeyay. Mararka qaarkood buu laftiisu u qaadan waayaa, in uu guri sidan oo kale ah ku nool yahay. Hadduu shir u baxo, markuu soo noqdo, darbiyada guriguna u muuqdaan, ayuu naxdin iyo farxad kala badbadataa.
Kharashka ku baxay hannaaninta qasriga, waa faa’iido. Waa dheeraad bilaash ku soo gelay sanduuqiisa. Ilaahay baa sii hodontinnimeeyay. Lacagtii uu qasnadda dawladda ku shubtay, kuna iibsaday kursigiisa ayaa hanti kaloo badan u sii dhashay. Daartu way daggan tahay had iyo goor. Dadka soo gelaana waa siyaasiin soocan. Marka laga reebo, kuwa nasashadiisa u heelloon. Kuwaas oo laftoodu isubeddela siday maalmuhu isubeddelaan.
Marar dhif ah ayey yimaadaan odayaal shaxaad doon ah. Yaan lay soo daynin, wuu ku celceliyay. Sidaas oo ay tahay way soo gelaan. Markay waardiyaha isku murgeen, ayuu isagii ugu dhiibay waxay ku hakadaan. Waaridiyihii baa musuqay wixii odayada loogu dhiibay. Waxay ka fursan weyday, in laysaga soo daayo. Markay soo calfadaan wuxuu Ilaahay uga soo qaado oo ay duceeya maagaan ayuu yiraahdaa: “Bannaanka iigu duceeya, gurigana buuqa la dhaafa.” Iyagoon garaysnayn hadalkiisa, kuse khasban ayey gadaal gadaal u baxaan. Ducada iyo diinta neceyb gooni ah uma hayo, balse, in siyaasadda lagu dhex milo diinta ayuu xoog u diiddan yahay.
Xaaskiisii iyo darsinkii carruurta ahaa ay u dhashay, siduu jagada u helay, araggiisa way ku diimeen. Biilkooda waa loo diraa oo ma seego. Wakiillo gaar ah baa ka kala dira biilasha iyo deymaha lagu soo sheegto. Liiskii halmaanku duugeeyay ayey geleen reerkiisu. Mararka qaarkood bay iskood isu-soo-xusuusiyaan. Meeshay deggan yihiin, kuma habboona siyaasi sidiisa xil muhiim ah haya. In ay la soo deggaanna uma roona nasashadiisa. Waayo, wuxuu aaminsan yahay inuu nasasho buuxda u baahan yahay ninkii dawladda u shaqeeya. Madaxdu way daallan tahay, mar kasta. Gurigooda meel ka baxsan waa in ay helaan. Si ay u sii shaqeeyaan. Noloshooduna ayaan khalkhal u gelin, buuqa iyo indho-caddayska maalinlaha ah awgood. Sidaas ayuu qabaa, kana dhaadhacsan. Markaas ayey huriweyto noqotay in ay reerkiisu ka mid noqdaan qaraabadiisa. Haddayna hadda ka dib dhalmo ku harin islaantu, maxaa is-daba-dhigay?! Iyada iyo ilmaheeda?! Isaga iyo xilkiisa. Qofba iyo waayihiisa.
Hablaha xuuralceynta ah ee loo soo xulay si loogu raalligeliyo waxaa u raaca kuwa kale uu isagu goonidiisa u soo naqaystay. Si uu raaxada mar u wada kabbado, ayuu ballantoodii ku dawdhaafay. Laba gabdhood oo midiba munaasabad gaar ahi keentay, iyagoo horay u joogay ayey Damac soo saddexaysay.
Damac waa lafihiisii hore. Siyaasadda ka hor buu waayuhu danta isugu tolay. Markuu ganacsadaha ahaa ayey macaamiil u ahayd. Marwaxad fuqa koowaad maqan yahay, ayey bakhaarkiisa kula neecawsan jirtay. Faqri daran ayey la soo martay. Markuu hantiyaystay ayey liiskiisii iskeed uga tirantay. Sannadihii ee uu xilka la maqnaa way kala lunsanaayeen. Bilo ka hor ayey iska soo hor baxeen. Markay ogaatay in uu xil hayo ayey kabihii ka soo daba illatay.
Gurigiisaan cusub kuma aqoonnin. Maanta way soo tilmaansatay. Iridkiisii laguma khashkhashaadin sidii odayadii shaxaad doonka ahaa. Waa dumar, labbisan, galab joogta. Sidee baa celinayaa ceyntan la micno yaqaan! Halkuu ku jiray baa farta loogu fiiqay. Isagoon ku tashan bay soo dhex joogsatay qolkiisii raxmadda la tiicayay. Isagoon iska jirayn ayey dalaq u soo tiri. Aragtideedii ayuu ku salalay. Sheekadii raaxadee u socotay ayey ku bargoysay. Nimcadii ayey kala daadisay. Galabtiisii nabdoonayd ayey dhaxalwareejisay.
“Damac aa! Damacdee! Oo yaa halkanna soo baray!” haq iyo huq. “Waxaad tahay mucjiso, god kasta taqaan” ayuu yiri: isagoo Damac garab socda. In aad kaligaa raaxaysataa, aniga baahidu i dubataa, waa habeenkii xalay tagay” ayey tiri: iyadoo gacantii uu saartay iska dul wareejinaysa. “Haddaan iraahdo, yaanan lay soo daynin, maxaad samaynaysaa?” “Sidaas nacas uma tihid.” ayey kaga sugtay, intuu horteed qolka ka gelayo.
Intuu qolkii madaxa geliyay ayuu degdeg iyo dhaqso uga soo noqday. Damac oo ka dabagel maagtay ayuu soo celiyay. Qolka waxaa ku jirtay, gabar kale oo uu maantoo dhan ka madax- adeegayay inuu soo aado. Markay timid ayuu la soo shawray tobaneeyo daqiiqo waxaan dhammayn. Is afgaradwaa bay ku soo kala tageen. Isagoon ku qanacsanayn ayuu qolka qayilaadda ka aaday, iyadana u sheegay inay fasaxan tahay. Masa bixin. Damac oo dareentay in ay gabar ku jirto qolkay ka soo noqdeen ayaa weydiisay: “Waaba layga soo horreeyay miyaa?” Isagoo ismoogaysiinaya hadalkeeda ayey ka daba timid gabadhii uu qolka kaga yimid. Damac iyo isagoo isgarab taagan bay ku soo biirtay. Damac baa afkii nacayb iyo masayr la maroojisay. “Maxaad sidan iigu gelaysaa, mudane?” ayey si dood ah gabadhii u weydiisay. Waan kuu sheegay haddana waan kuugu celinayaa, waad fasaxan tahay, ayuu yiri; isagoon weli xanaaqin.
Damac oo garatay in ayan arrimahan cusbayn ninkanna jikaarkiisa taqaan baa tiri: in aad is afgarataan ayaa hagaagsan. Gabadhii oo garaystay hadalkii Damac, balse, kibirkeedii jabay ka xun baa tiri: Waan baxayaa, balse, ii amar inuu i qaado gaarigii i keenay. Sidoo kale, iska soo dhiib kistii yareyd.
Isaga iyo Damac baa isla aaday saalootadii. Way is dhinac fadhiisteen. Cabbaar buu midba kan kale iska maahiyay. Waayihii ay soo wada mareen ayuu midiba gaarkiisa u faaqidayaa. Isagu wuu ka xusuus gaaban yahay. Sideeda uma wada hayo, dhacdooyinkii dhex maray. Iyadaasa buug geesteeda u akhrisanaysa. Aad isugu hawlaysa, siday ninkan naagaha badan, kaligeed, mar kale, u hanan lahayd. Tabtii ay xaggeeda u soo marin lahayd ayey lafaguraysaa. Markay xusuustu la maraysay gabadhii ay isku soo gaareen ayey aad ugu carootay nasiibkeeda iyo ninkanba. “Dookhxumidaa!” ayey ku xanakaadisay.
Eraygeeda dookhxumidaa ayaa soo xusuusiyay dhacda raadkeedu qoyan yahay. Waa gabadhii hadda baxday, waxay isku galeen. Markuu ka codsaday inay wada qubaystaan ama iyadu u qubayso, ayna ku tiri: ma samayn karo kuna gacansayrtay codsigiisii amarka ahaa, ayuu dookhxumi iyo doorashaxumi aqoondarro sababtay, isku hiifay. Isagoon doonayn in uu Damac u jawaabo, hadal uu uga gudbo aflagaaddeedana iska baaraya ayaa gacankii albaabka bannaanka laga soo wacay. Waxaa loo sheegay inuu u joogo, wiil la yiraahdo Jalaqow, iskuna sheegaya in uu walaalkiis yahay.
“Ha la soo daayo.” ayuu yiri, isagoo wax soo xusuustay. Ballan kama dhammaatid miyaa?” Wallaahi waxay iga dhigeen neerafooso. Daqiiqad sidaas uma nasan kartid. Sug… adigu markaad soo gelaysay, maxaad u sheegtay nimanka?” markuu sidaas leeyahay xaggeedii buu ka soo guurayaa. Wuxuu fadhiisanayaa fadhi rasmi ah oo guddoomiyanimadiisa u qalma. Waxaan ogahay in aad gabdhaha u roon tahay. Wuu fekeray: ‘Maxay gabdhuhu roonaantiisa ku mutaysteen?’ Hadalkeeda ayuu ku soo xusuustay gabadhii labaad ee sugaysay, balse, waa in uu ka hormariyaa wiilkan soo gelaya oo arrintiisu ku soo noqnoqotay.
Jalaqow baa ugu yimid saalootadii. Damac buu eegay. Dharkii bay isku tootoosisatay. Eegmadiisa talaxtagga ah way la ciriiriyootay. Fadhigeedii bay ku ruqruqaansatay. Intuu ka soo jeestay buu guddoomiyihii uu eegmada la garab maray oo kursi gaaban ku fadhiya salaan kula foorarsaday. Mudane iska warran?” ayuu yiri, isagoo afgobaadsi dhoollacaddanaya. Soo fadhiiso, ayuu meel gees ah ugu tilmaamay. Jalaqow oo weli Damac ku fikiraya ayaa yiri: Maad meel cidlo ah inna gaysid, mudane. Fadhiiso, meeshan meel ka firaaqo roon ma jirtee. ayuu hadalkii ku soo gooyay, eegmo adag oo amar ahna wuu eegay. Damac buu eegay, isagoo fadhigii u sii socda. Dawladda miyey ka tirsan tahay? Ayuu cod hoose ku weydiiyay. Anigay iga tirsan tahay ee fadhiiso. Ayuu guddoomiyihii degmada ku xalaaleeyay joogistii Damac. Uurkiisoo Damac sidii u jira ayuu Jalaqow guddoomiyihii eegay. Markuu arkay inuu Jalaqow Damac xaggeeda u baxay baa hadalkiisii fure u helay. Jalaqow, maad iska guursatid… odayaduna intaas waxay igu yiraahdaan ninku hanti ma haystee u guuri.”
Jalaqow oo u dareemay inuu walaalkiis gabadha ka xigsanayo ayaa yiri: Mudane walaal, xilo ma rabee xil ila raadi. Waxaa dhab ah inuu Jalaqow u basaasay xilqabasho. Wuxuu la dhuuban oo lafuhu ugu soohan yihiin waa inuu maalin uun xilqabto, sida walaalkiisna loo tixgelyo. Wuxuu nacay salaanta lala dhinac maro, mudnaanta lagala masuugo iyo magaca walaalkiis oo dhegtiisa ku batay. Maxaad xil iyo xasaraddiisa ka rabtaa, gurigayga iska imow ama guurso siday reerku kula rabaan.” ayuu ku maslax isyiri. Wuu la socdaa guddoomiyuhu, in uu ina-adeerkiis Jalaqow xil u waashay, in uu maryaha tuurana wax yar u jiro. Waxa naftiisa iyo niyaddiisa ka dhaadhacsan, in uu xilka ka heli doono, sharaf iyo shilin bilaash ah. Labadaas dartood ayuu geed dheer iyo gaaban u koray, in uu mar uun xilqabtoo lagu xurmeeyo xilkiisa.
“I dhegayso walaalow! Waa tii la yiri: ninba waa ninkiisee, xilkaas ila soo dhici.” ayuu yiri, Jalaqow oo ka soo noqday fikirkii Damac, xilkiisana u soo wada jeestay. Maxaad sidaas isugu kadeedaysaa hoggaan aan laga dheefayn waxaan dhib ahayn? Waxaan rabaa in lay maamuuso sida laguu muuneeyo. Waxaan rabaa inay dadku iga haybadaystaan anigoon waxna tarin. Wax kale kama rabee, waxaan rabaa in aan cadka meesha jilicsan ka cuno.” ayuu Jalaqow doonistiisii xilqabashada ku soo koobay. Damac buu gadaal u eegay. Way ismaahinaysaa, hadalkoodana way u dhegraaricinaysaa. Boos bannaan soo eego, haddaad weydana ii soo. Boos baan ogahay buu kor ula booday Jalaqow, isagoo farxad la soo joogsanaya. Damac baa soo kuurtay. Fadhigiisii buu yaxyax kula noqday. “Hagaag… sidaas bay noo ahaanaysaa. Si gacalo leh ayey isu gacanqaadeen labadii walaal ee xilku isa sii jeclaysiiyay. Intuu soo istaagay Jalaqow ayuu walaalkiis xabadka geliyay. Horay buu u soogitay.
Markuu soo noqday bay Damac oo hadalka isku celinaysay maantoo dhan, ka hor keentay: “Dawladnimo xumidaa? Sidii waxaan fahmin ulajeeddadeeda ayuu yiri: Adigu ii warran? Booskii ku anfaca soo eego markaad leedahay; in aad booskaas qoftiisa qaarijiso ayaa kuu qorshaysan miyaa? Adigu, siyaasad maxaa ku geliyay? ayuu si kulul u weydiiyay. Labadii indhood ayuu ku caddeeyay. Daymadiisa danabaysan bay u gegsan weyday. “Waxba.” ayey ku gaabsatay. Caradiisii oo sii ba’aysa ayuu Damac taataabasho ku billaabay. Weli waxaan xusuustaa cuddoonaantaadii, ayuu yiri: isagoo labadiisii indhood ee waa-weynaa in uun naxariis ka dayaya. Weli sidii baan u cuddoonahay.” bay tiri, iyadoo barkin ka dambaysay tiirsimo ka dhiganaysa. Iyagoon eray kale isweydaarsan buu gacankii shaqaaqo billaabay. Markuu qabtay baa lagu wargeliyay in ay joogaan rag degmada ka socda. Sidoo kale, waxaa joogta baa loo sheegay; gabadh gudaha ka timid oo diidday inay baxdo ama joogto, midna!
Dadka degmada ka socda, u sheeg anigaa xafiiska ugu iman doona. Gabadhana gaari ha la saaro. Haddii ay diiddana dibadda ha loo saaro. Yaanan mar dambe lay soo wicin ama laygu mashquulin, arrimimo sidaas u micno daran.” ayuu amray. Gacankii ayuu damiyay. Markii dambana wuuba kala furay. Markuu dhammaystay bay Damac oo gabadha lagu abaaldarreeyay u naxday, tiri: Dareen xumidaa, mudane? Qof maanta dhan kuu lug-go’sanaa baad sahalkaas uga talo baxaysaa? Adigu, marna dareen xumo igu eedeey, marna dadnimo xumo” Guddoomiye: Xumaantan aad iga daba waddo maanta, maxay tahay?! Waan ku weydiiyay uun. Xumaan kale ma jirto. Intuu istaagay buu u sheegay Damac, inuu cunno iyo cabitaan u dalbayo. Wuuna baxay. Caradisii wuu la tagay.
Intuu sii maqnaa bay Damac isweydiisay, inuu qol kale gelay iyo in uu ku noqday qolkiisii qayilaaddu firaashnayd. Markay aragtay, labadii gabdhood ee ka horreeyay meeshii ay mareen ayey ka niyadjabtay imaanshadeedii. Iyadoo ku walaacsan waxay samayn lahayd ayuu u soo noqday. Qosol been ah ayey ku qarisay welwelkeedii. Waxay aragtay, isagoo dharkii soo beddeshay. Dhaqsida uu dharka kale ku soo xirtay bay u qaadan weyday. “Caawa, anigiyo adiga baa si cuddoon u wada xayaadaya.” ayuu ugu bishaareeyay. Dhoollacaddayn qawadsan bay dhinaca kale isula wareejisay.
W/Q: Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad”