Maanso Ambaqaad
Maansadan ambaqaad waxaan curiyay 17.09.2011 waxaana igu dhaliyay, dood ku saabsan in mar walba ummadeenu halhays iyo halqabsi ka dhigato, adduun weynahaa dhibaato nagu haya, faragelin shisheeyaa jirta, cadowbaa nagu soo duulay, Arrimahani waa kuwo jira, hase yeeshee miyeynu is weydiinay yaa ka oggolaaday in la farageliyo, waxaynu marag ka wada nahay, waxaa nagu dhacay waa waxaan inagu isu geeysanay innagaana iska saari karna, waxaana kaga gudbi karnaa inagoo dalkeena iyo dadkeena daacad u ahaana, dhib iyo dheefna wadaagna, Saaka waxaan maansadan ku soo xasuustay, halka aynu maalintaas joognay iyo hadda, ineynu weli ka sii rajo xunahay halkii maalintaas.
Maansadii Ambaqaad
- Haddaan alifkeeda
- Arraarta billowga
- Intaan unko maanta
- Abbaaro xogtayda
- Haddaan asalkeeda
- Aqoonta lafteeda
- Intaan ambaqaado
- Asleeyo runteeda
- Haddaan arrinkeeda
- Ujeedka xagiisa
- Intaan u asteeyo
- Afeefto u sheego
- Asluubta dhigaalka
- Amuurta dhexdeeda
- Asraraar ka ilaasho
- Dadoow eraygeeda
- Eed meel iska saaro
- Ayaa bal la eersan.
- Allaa mahadaa leh
- Awoodna dhankiisa
- Adduunka wax jooga
- Abuuray dhammaane
- Oggaada xaqiiqda
- Haddaad aqalkaaga
- Afaafka adkayso
- Albaabkana ooddo
- Ilaashato heedheh
- Allaabta dhexdiisa
- Illeyn lumimayso
- Haddaad agabkaaga
- Agtaada ku dhawrto
- Ishaada ku hayso
- Intaadba u jeedo
- Aqoon xumi tuuga
- Ileeyn arki maayo
- Haddaad ubadkaaga
- Aqoontiyo diinta
- Anfaaca wanaagsan
- Abaabis hagaagsan
- Asluub ku rabayso
- Illeeyn amban mayso
- Haddaad ehelkaaga
- Intii san ku raacdo
- Intii xun ka diido
- Adkayso xidhiidhka
- Adeecdo waxii san
- Ileeyn ma irdhoowdid.
- Waxaan arartayda
- Arboow dulucdayda
- Ujeedo aqoonso
- Waxaan eraygeeda
- Afeef ugu yeelay
- Inay ambaqaado
- Asiibto halkii san
- Wanaag ku aroorto
- Intaad arrinkaaga
- Ergooyin u dhiibto
- Afkaagu ka sheexo
- Inaad ku caddayso
- Aqoonta naftaada
- Inaad ku adeegto
- Haddaad asalkaaga
- Awoow dhaxalkiisa
- U ooddo gumayste
- Ahaato allaabo
- Afkuun ka hadlaysa
- Awoodna lahaynin
- Haddaad isticmaarka
- Arboow u taqaana
- Adoonsi wax fiican
- Illoowdo dantaada
- Aboor ku cunaaya
- Haddaad u abqaasho
- Abuur iyo geedo
- Haddaad aynigaaga
- Asaaga filkaaga
- Abeed u ahaato?!
- Haddaad ururkooda
- Ushaada u dhiibto
- Adaa is dilaayee
- Ha eersan adduun
- Ugaabi naftaada
- La jiif urugtaada
- Afkaaga ka dhawro
- Cidbaa I ataagtay.
- Usoo degay hoose
- Waxaa arligeena
- Abaarta ka yeelay
- Waxaa ummadeena
- Alhuuma dul joogta
- Waxaa ubadkeena
- Asaagood ka reebay
- Waxaa odaygeena
- Agnaanka ka yeelay
- Aqoon yahankeena
- U diiday odhaahda
- Indheergaradkeenu
- Waxuu la irdhoobay
- Arliga uga dhoofay
- Ayaa garanayaa?.
- Aqoondaro maaha
- Iftiinka adduunka
- Islaanimo fiican
- Awood la yaqaano
- Allaa ina siiyoo
- Nimaan aqriyayna
- Agteena ma joogee
- Inaynu adeecno
- Awaamirta eebe
- Islaamna ahaano
- Akhyaarnimo keeno
- Ayaa is hortaagay ?
- Hadday ummadeenu
- Israaci lahaydoo
- Aqoonsan lahayd
- Mar uun arki layd
- Idbaarka naftooda
- Dhibkay ku idlaatay
- Ur baa bixi laydoo
- Ishaaro wanaagsan
- Ayaa iman layde
- Bal eega arligeena
- Bal eeg umadeena
- Bal eeg arageena
- Anfiyo dhibka haysta
- Abaarta ku faaftay
- Irdhada olalaysa
- Aydii lagu foofshay
- Waxay afka saarto
- Iyo anaanuf ka wayday!
- Bal aan u ekeeyee
- Rag baa abid nooloo
- Aqoon ka idlaanoo
- Ilaalsha dadkoodo
- Ilaah u diraaaye
- Abaabul wanaaga
- Asluubta nidaamka
- U duubta islaaxa
- Qoraaga asteeya
- Allman arinkiisa
- Inaaynu ku raacno
- Ayaa ila fiicaan.
- Si aan u ahaano
- Dad aayo sameeyo
- Aqoona ku duulaa
- Intaanan dhamaynin
- Bal aan eraygeeda
- Allaah barigiisa
- Akhiir uga yeelee
- Aamiinta I raacsha
- Dadoow idilkiinba.
- Abaarta dalkeena
- Illaah haka qaado
- Ixsaanka wanaaga
- Islaanimo fiican
- Ilaah hana siiyo
- Aqoon lagu faano
- Afrika laga sheego
- Sidii awalkeenii
- Ilaah hana siiyo
- Dadkoo ah walaalo
- Abti iyo ina eedo
- Adeer innankiisa
- Aayiyo ubadkeeda
- Arxaamna dhexyaallo
- Af xumo laga dhawro
- Israaco dhammaana
- Ilhaah hana siiyo.
- Awlaad umadeeda
- Hadeer u adeegta
- Aqoonin xumaanta
- Iblayska qabiilka
- Axyaa waddanii leh
- Ilaah hana siiyo.
- Dad koo is arkaaya
- Eed aysan dhex oolin
- Eexdoo la dhammeeyo
- Sinnaan ambaqaado
- Ilaah hana siiyo.
- Ibtilo xuma reebta
- Isir lagu faano
- Anaa u sareeyaa
- Anaa xukumayaa
- Anaa ugu fiicaan
- Waxaa arligeena
- Ammuugan ka yeelay
- Ilaah hana dhaafsho.
- Argaagaxa yaalla
- Aabbaha la dilaayo
- Agoonta qaxaysa
- Aasayda haweenka
- Ilmada qubanaysa
- Ilaah hana dhaafsho.
- Afduubka dadkeena
- Ayaamahan haystay
- Ikhyaar laga qaaday
- Awoodii dadweyne
- Rag kale ku adeegto
- Illaah hana dhaafsho
- Dadkoo isku uura
- Ul iyo sida diir ah
- Is aamin yimaado
- Ilaah hana siiyo
- Ilaah hana siiyo.
Amminta: 14/09/2011
Curiye: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
galayr1977@hotmail.com