Maansada: Addoon Saafiyaan ahay Curiye: Maxamed Xerow

unnamed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maansada   Addoon saafiyaan ahay.

Maansadan magaceedu waa  ADOON SAAFIYAAN AHAY,  waxaa curiyey   Maxamed xerow, ujeedka iyo  Dulucda waxaad ka helaysaa

Maansada gudaheeda bogasho wacan:

 

 

■ Saaqid maana noqon wali
■ Sara joogna kamaan cabin
■ Sixiroole maan noqon
■ Saatirkana ma caasiyo
■ Ma sahwiyo salaadaha
■ Soonkana ma dheefsado

■ Sidduu eebe yirri iyo
■ Addoon saafiyaan ahay
■ Suuradaha quraankiyo
■ Sunnadaan ku fanaa
■ Sadaqada ma dhowrsado
■ Sedkoow eebe ii qoray
■ Sekadaan ka bixiyaa

■ Siladana waan xariirshaa
■ Si yarbaan u booqdaa
■ Sakaraad midkii qaba
■ Sow mana yara qaban
■ Suubanuhu intuu yirri?

■ Haddaba waa suaal yare ?
■ Kuwa seefta ula baxay
■ Sujuudana ku toogani
■ Sarahana ku miineeyn
■ Sara jooga kugu dili
■ Adoo saxaya towxiidka
■ Subxaankana ku qowlayo
■ Gaalnimadana kugu saxi
■ Siduu xaalku ula tagay ?!

■ Sirta maana garan wali
■ Cidda sahalka ugu tirri
■ Saxda waad ku socotaan
■ Qalad maba sameysaan
■ Waxaad soo qortaan uun
■ Sadar yaan la dhaafsiin
■ Kii maaha saan dhaha
■ Diinta wuu ka siibtaye
■ Saacad yuuna noolaan !

■ Hadaa tahay suldaan iyo
■ Madaxweyne saalixa
■ Siirada midkii baray
■ Caaqil saafiyoo wacan
■ Garaaad dhaqanka suubiya
■ Shiikh cilmiga seeyriya
■ Macalin suuradaha dhiga
■ Waxaa tahay safiih iyo
■ Sixun meel u joog iyo
■ Illaah seerihiis jarray !

■ Miyeey sadriga kuba qaban
■ Siraadkii unuu jirro
■ Jahanabana seereyn
■ Suaalihii la weydiin
■ Halkaa saanta birri dhigtay
■ Sax iyo qalad waxeey tahay
■ Siyar loogu weeleeyn
■ Sumuna laga hilmaameyn
■ Sadna looga dhigi hayo
■ Birri waxey sameeyeen ?

■ Mase waxeey salbaarteen
■ Dunida ina laga salguureeyn
■ Waligeed socdaal tahay
■ Silsilado aan dhamaan iyo
■ Sanado kala sareeyoo
■ Midba saban u dhiibiyo
■ Mulki abid ana suuleeyn

Curiye: mohamed herow

SHEEKOOYIN