Gabayga; GANTAAL!
Waa gabay ka faalloonayaa dilka Axmed Godane, hooggaamiyihii gafuurro duub, oo gantaal lagu ganay gaari uu saarraa ku geeriyooday, sidaa awgeed, aqris wanaagsan.
Gabayga; GANTAAL!
1. Ga’da Gabayga Googgaalihiyo, Godadka Suugaanta
2. Gibladiyo ciyaar garangarliyo, Gole ka fuulkeeda
3. Gadgaddoonka Maansiyo murtida, Geed ka tirinteeda
4. Anigoo ka gaabsaday beryahan, Guuli ii timide
5. Guugguuluhu warkuu sidey ayaa, Gaadhay meel kora’e
6. Gabbalkii dhacaba waa kalaa, Gees ka soo baxa’e
7. Galabtii tagtaba beri kaleey, cugatey Geesoowe
8. Bal aan godolka hoose u dego, Hadalka gawdiisa
9. Adduun geeddi weeyee hadduu, Gelinba geed waabto
10. Adoo Geelu kuu dhalay hadhuub, Galacle maalaya
11. Gaaniyo Irmaan kala guroo, Qeyba xero geeyey
12. Nirguhuna Gunuunucahayaan, Guuxa iyo reenka
13. Oo Guushu kuu taal sabada, Xumana soo gaafay
14. Oo godob maleynayninbaa, Lagu Guhaadshaaye
15. Guluf iyo colaad lagu galshaa, Geyllan dirireede
16. Geeliyo Gammaankuna galaa, Gacan cadaawaade
17. Markaasaad gammuun qaadata, Godobta raacdaaye
18. Ama geeri baad doorataa, galawda dhiibtaaye
19. Ama cadowgi waad gaabisaa, Guulna cugataaye
20. Waxaan uga gol leeyahay murtida, Godane weeyaane!
21. Adoo geesinnima sheegtayoo, Geyshash badan haysta
22. Guddoonkaad tidhaahdaba adigoo, Gaadha Miridhkiiba
23. Adigoo geddaad doonaysaba, Gacanta taabayso
24. Adoo giir leh gaashamanoo, Kibir la geeraara
25. Adigoo Garnaylkiyo hub badan, Gurada kuu buuxo
26. Gabagaba adigoo gambiya, Guri wanaag yaallo
27. Ayaa guuto kugu soo baxdaa, Gaasas xoog badane
28. Durba galalaf bay kugu ridaan, Gaadmo dirireede
29. Inta lagu gantaa baa haddana, Lagugu Guuraaye
30. Gacantaada waxaad haysataad, Orod ka Goobtaaye
31. Naftaadaad gabaahiir cidla ah, Kula go’doontaaye
32. Gaban aan aqoon kuu lahayn, Giirka kaa kiciye
33. Rasaas gubaysa jiidhkaaga mari, Geeri kuu dalabye
34. Adna ciilka gaamurey qalbiga, Gooh ku reeb culuse
35. Waxaan uga gol leeyahay middii, Gaadhay Gocorkiiye
36. Godane waa god galay Geeri baan, cid gefeyn jeere
37. Gantaalbaa ku dhacay lagu ganoo, Goobtey keligiiye
38. God la qodiyo muu helin cid, Iil gelisa maantaase
39. Mana gaadhin hadafkuu lahaa, Ceeb gunaanadaye
40. Wuxuu gano masaakiinta gebi, uu Gacmaha gooyo
41. Wuxuu gabadh asaay guudka iyo, Geesaha u saaro
42. Wuxuu Gaban agoomeeyaye, Ciil la Goroyoobey
43. Wuxuu Hooyo gibilkeed jaree, Uu goblamiyaaba
44. Wuxuu goosan iyo goosan uu, Guba dadkiisiiba
45. Wixii uu gumaadiyo xasuuq, Geystay baw qorane
46. Gaar hoose wuxuu guure diray, Garacyo aan daalin
47. Dhibkuu galay haddaa looga gudi, Guulle waa Magane
48. Godane waa god galay geeri baan, Cidi gefayn jeere
49. Mas galaalan Good buu ahaa, Geesa dheerna leh
50. Ganta iyo xanuunbuu ahaa, Gubayey jiidhkeene
51. Gafaniyo qaniin buu ahaa, Ganayey laabteene
52. Gulcub beerka gunudduu ahaa, Gibil madoobaaye
53. Gedihii Fircoon buu ahaa, Gacalkii Haammaane
54. Inuu go,o dadkaa wada jeclaa, Goor iyo ayaane
55. Hadduu guurey waa guul horliyo, Nabad galkeeniiye
56. Alleylehe inaan gabay tirshaa, Waa ged aan rabaye
57. Waxba Gabaygu yuu ila gudbine waxaan ku soo gaafay
58. Saciidoow {1}ku Guuroow adaan, Cidi ku gaadhayne
59. Faaraxoow {2}ku geeraara adaa, Geed fadhi ahaaye
60. Dhammacoow{3} galaa bixi adaa, Garan godkeediiye
61. Gaalkacyoow {4}murtida gaaf, Adaa guurti ku ahaaye
62. Hal abuurradoow Godol murtida, Waa Geddaan rabaye.
Waxaan ku halqabsaday Raggan Hal abuurka ah ee kala ah
- Maxamed Xuseen Faarax
- Bishaar Dhamac Kediye
- Yaxye Maxamed Xaashi(Gaalkacayo)
05/09/2014
Cabdiraxiin H. Galayr
Gaallo Diid. Gabaygii Labaad ee Silsiladda” Gantaal iyo Godane”
- Adduunyadu iney gadoon tahay, Gubatayoo qiiqday
- Geba gebo inay tahay wakhtigu, Gelin dambeed joogo
- Waxaa kuu garawsho ahoo aan, Geedna qarinaynin
- Muslim gaalo taageerayoo, Diinta gaasiriye
- Gol jileec umuujiyo xigtiyo, Gacal wadaagtiiye
- Danihiisa gaarka ah bay, Gudub is taagaane
- Isagoo gantaalaha la dhaca, Gebi ahaan toodba
- Isagaan marnaba kala gurayn, Gabadhyo wiil toona
- Isagoo gubaayoo dhamaan, Mariyey gaaleefta
- Isagoo ka gaan iyo ka gaan islaam, Guraya raadkiisa
- Isagoo gumaadkiyo la raba, Geba gebayntooda
- Nugliyeerka gooshiyo bambada, Badi la goobaaya
- Waa igu gabbaan nimo inaan, Garabka saaraaye
- Taariikhda guunka ah waxuun ,Baad ka gunudaaye
- Abwaan Jirey guyaal horre, Waxaan kasoo gaadhay
- UMA gabayno maantii islaam, Gaalku weeraro e
- Aniguna gedaasan ahoo, Galabta joogaaye.
- Afartaa guntaye haddaan, Gudub u weydaarto
- Gefimaayo wixii dhiciyo, Geylankii jiraye
- Inkastuu godkii aakhiriyo, Geeri ku ekaaday
- Xusbigiisu wuxuu geystay, Baan gacan la saarayne
- U garaabi maayoo marabou, Waqay goddoomaane
- Inkastuu gadaafiyo ku kacay, Xaajo laga giigo
- Inkastuu gumaadoo shacbiga, Aad ukala gaabshey
- Inkastuu gamcaha iyo lugaha iyo ,Madaxa qaar gooyey
- Inkastuu halyey gowriciyo, Gaaridii dumarka
- Inkastuu culimadii gabriyo, Kii wax garanaaya
- Inkastuu gurmoodkii tirtiray, Gamaska leefsiiyey
- Inkastuu gabaahiir ka dhigay, Guriga reerkeena
- Inkastuu gebi ka riday amliga, Guula uga dhaartay
- Hayeeshee gaalkaa ka daran guul darays tuhuye
- Taniyo goortii naflaha ,Garasho loo yeelay
- Guuleheen abuuree ,Dunida guud keenay
- Gaal iyo islaambay ahayd, Galab la joogaaye
- Guluf iyo colbaa Jirey, Laysku gelayaaye
- Mana gedmane sidii baa ,Laysu gurayaaye
- Guul Kama hantiyo qofkii, Gaal urixiyaaye
- Godka haysa seegina Aduun, Waa galab carawtiine
By ismaaciil Cali x jaamac
Gabaygii Saddexaad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”
Silsiladii Godane. Gabaygii Saddexaad.
{Gar naqsi}
- Godka maanso geeraarka mudan, gabaya luuqdiisa
- Guurowya shiribkiyo hiddahaan, gaar wax ugu sheego
- Ayaamahan ka gaabsaday dantaan, Laga gudbeyn jeerre
- Gefya qadaf xumiyo gaasiriyo, Goddob walaalkeyna
- intaan galay ganaax igu madhicin, xeerku waa gunude
- Oo gabaygu kaa xiran ma dhihin, guurti madal joogta
- WaxansE uga gaabsaday inaan, Gole ka sheekeeyo
- Is gefkiyo gar duudsiga batiyo , Gaar isugu jeedka
- iyo godobtu meeshey eheyd ,Gees ka marinteeda
- Gartu meesha ey leedehey, Guuriyooy degiye
- Gaarreey billaawaa ayaa, Xubinta goysaaye
- Waxan uga gol leeyahay haddaan, Idin garwaaqsiiyo
- Amba gabayga ii geeyay iyo, Gole ka maasoodka
- Oon gaashaanka maraduuga rogay ,Una ganbani waayay
- Haddii ow gudgude roob curtaan ,Geedi laga aale
- Guuguuluhu haddow qeyliyiyo, Galaw Dhawaaqaayo
- Amba geylan dirireed jiraan, Guri la seexeyne
- Miyaan gaabsan karayaa aqbaar La ila soo gaarye .
- Afartaas hor galeheygiyo arrar, Gedeedii dheh
- Gobta xaal samaanteeda iyo, Gaamur hadalkiis dheh
- Geerida la soo sheegay iyo. Falanqadii guud,dheh
- Garaadkeygu suu sheegayiyo, K ala gur xaajood dheh .
- Afarkalena gabayadi is xigay, Gaar ukala qaad dhe
- GANTAAL iyo warkoow soo gudbiyay, Godane xaalkiisa
- Gabood iyo xumaan inow faliyo , Gucasho ciil reebtay
- Oo geeriya dil waa dhici jiryee, Godob ka siigaara
- Geyigeena keenaan ninaba, Gacale diideyne
- Inaan gaar ukala duugno ruux ,Geeri loo simane
- Amba madaxa ey garabsadaa ,Maggene waa guube
- Hadii guule oofsaday ninkaas ,Xumaha noo geystay
- Galad eebbehey baa le iyo , Mahada guudkeede
- Guulloow ku mahad inaan dhahnaa Wey,gudboontahaye
- Geedahaya xaabada balaan , Gaar u kala qaadno
- Gaal,lama boggaadiyo halkaas, Garanay waa daawe
- Gebigood islaamkoow uyahay ,Cadaw ma guurraane
- Anoon gacalya xiisaba u qabin ,Garana xeeshiisa
- Guntimiyo haddaan beyco galo ,Gaaris hadafkeyga
- Anoon gaalka aaminin miyaan, Diinta godob,yeelay?
- Garashada ninkii siiraluhu, Gaarayoo aragye
- Goonyaha madiiniyo dhulkaas ,Gole rasuulkeeni{csw}
- Gaallada markuu leynayuu, Qaar gargaarsadaye
- Ha gorfeeyo xaajada nin ogg,i Garasho waadaawe
- Gudbimaayo taariiqda dhigan,Waa guntanayaaye
- Sooyaal waa shay guntanoow Guurahayn abide La
- GAALLA DIIDKA gabaygii ahaa, Gudub ufaalleeye
- Gaar latuuro male oo dhamaan ,Wow gedmahayaaye
- Geestaad ka tiri teeddi kale Aan u yara geeyo
- Abwaan jiray guyaal horre adaa, keenay Golihiiye
- Uma gabayno maantii islaam. Gaalku weeraro’e
- Gu’waxaa lafaca xaajadaa la,isu geeyaahe
- Gaamurre abwaankii lahaa, Garab isriixoodi
- Muslimo midkaan ku gelayn, Muumino gaara
- Guurtinimo midaan kugu dhaqeyn, Iyo garsoor fiican
- Eee qoorta kaa gooynaye Geeri kula raadin
- Gaal aan ku dilin baa ka roon, Godobna kuu geeysan.
- Galab,waliba xaajadu sibeey, Geediguu rarane
- Hadba xaalku geduhuu yahaa, lagu gorfeeyaaye
- Guurtiyo cuqaashaa yaqaan, Kala gurkeediiye
- Gooba waxan isleenahay midnimo, Qaranya guul waarta
- Waxan uga gudbaayaa murtidu ,Waa waxaan go,ine
- Garnaq ruuxi doonoow ha gelin ,Eexya godobteeda
- Gucashiyo xanuun bow qabaa Kaad gardereysaaye
- Guullena xisaaboow gadaal , Kuugu goodiyaye.
Xasan Abuubakar
By abaaji.
Gabaygii Afraad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”
Jawaabtii Garnaq Gabaygii Afraad ee Silsiladda “ Gantaal iyo Godane”
a.c. akhyaarta sharafta leh waxaan halkaan kusoo gudbinayaa gabaygii saaxiibkay xasan abuukar ee garnaq wixii aan ka iri.
Ina Godane. 07/09/14
Jawaabtii Garnaq
- Garnaq gabaygi aad tiri xasanow ,Helay guntiisiiye
- Fahamkiina geliyoo caqligu, Garay u jeedkiiye
- Ra’yi kala geddiga uunka waa, Xaajo gaamurahe
- Qofba gebi ka eeg talo haddii, Goob lasoo dhigo e
- Garabkaad istaagtiyo kan kale, Geestu ka abbaaro
- Kala gooni haddii ay noqdaan, Ceeb qof muu geline
- Lagumana gujayn karo nin kale, Garashadiisiiye
- Gonda dagidda xaajada haddaan ,Taabto gudeheeda
- Guruubkaas jacayl nama dhexyaal, Gacal ahaaneede
- Gumaadkiyo wixii ay dhigeen, Gabay ku faallaynta
- Ma gabbane bareer baan ku ganay, Goboladoodiiye
- Guulle tuugga waataan baryada, Gaasir aan iriye
- Gafuur duubta waan wada nebcahay, Gebi ahaantoode
- Godob naga dhaxaysaa jirtiyo, Ciil guhaad badane
- Shacaybkay galaafteen ka badan, Geedahaas baxaye
- Qarax goobo dumintiyo dhallaan, Gawrac lagu jiido
- Galma beena markhaati aan lagaran, Goobta iyo jeerka
- Gabar lagu rajminayoo dhagaxa, Lagu garaacaayo
- Diin aan garawshiyo lahayn, Dabac gar-gaarsiinyo
- Ku gardaadshe uunkii jeclaa, Gelid islaamkiiye
- Golxob bay ku qalayaan dadkii, Goodir suu yahaye
- Gacmahay jaraayaan miskiin, Baahi gaw yiriye
- Hay’adihii gar-gaarkay dheheen, Yaan la soo geline
- Iyagana gasiin inay baxshaan, Waa ka garanuuge
- Gadaafada dhibkii ay faleen, Goobis tira beelye
- Ina godane haddii ay darraad, Gaaladii qalatay
- Godkii hadduu lagalay oo rabbigay, Uu gar qaadahayo
- Meyd garaaca erayada gurracan, Gooddigiyo faanka
- Qabrigii haddaan ugu galoon ,Feento garabkiisa
- Ma guutooyin baan jabiyayoon, Guul kasoo dhaliyay
- Mise carada igu gaaran baa, Gaabis noqonaysa?
- Gar wadeenkii nool baa dagaal, La isu giijaaye
- Midaan eray ku gaarsiin karayn, Giirka haw kicine
- Gabraarsadaha dilay ee garnayl, Guba ku liishaamay
- Gacal iyo tol lama aan ihiyo,Garab walaaleede
- Dana gaara buu leeyihiyo ,Gaadmo uu dedaye
- Gebigii islaamkuu rabaa, Inuu gumeeyaaye
- Gabashadase wuxuu kaaga dhigi, Guul nin kuu wada e
- U garaacday sacabkee mar kalaad, Garan dhibkiisiiye
- Garaadkii indhuhu waxay dayaan, Goob ka aragoode
- Gadaal baa wax loo fiiriyaa, Gooshka say noqone
- Garnaqsiba waxaa kuugu,filan, Gacalayaasheene
- Falastiin gumaadkaas ku dhacay, Kama gadoodaane
- Ciraaq gudurku siduu uga hirqaday, Daawashaad geliye
- Afgaanbaa la gaasiray dhammaan ,Guxush ma reebaane
- Siiriyaa gamboontoo islaam, Lagu guhaadshaaye
- Liibiyana wataa gubatayo, Gaagna uu harine
- Inagana garnaylkii qabiil, Guudka noo suraye
- Mabda’ gaalo weeyaan waxaas, Garanna maysaane
- Googoynta kala qaybintiyo, Gooni kala geynta
- Waa ged uu yaqaanoo waqii ,Nagu gabraartaaye
- In amxaar gumaystaan ka baqi, Gebi dhulkaygiiye
- Maxaan wiil yaroo iilka galay, Uga dul geeraari.
Curiye: Xasan Bulxan
Gabaygii Shanaad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”
Jawaab Garnaqsi.
- Samiyow geyigi iyo arlada ,Gebi ahaanteedba
- Guluf iyo colaad baa Rabbigay, Geliyey waa yaabe
- Anagana hadii gaar ahaan,Goohu bixiwaayey
- Gacal iyo xigtaba aysan jirin ,Waxaan garsiinayno
- Oo nabadi geed dheer korkiis, Gooshkan lagu laalay
- Gumaystaha na guulguulayiyo, Ciidamada guuxi
- Gobolaysigaan nagu dhacee, Qaarba gacan taagtay
- Amxaarada barbaa gacalsadoo, Diiday gacalkiiye
- Gaalkaa islaamkii xasanow, Saaka guud maraya
- Gantaalaha ninkaa inagu ridi ee, shacbigi gaabshay
- Gacan anigu siin maayo, Iyo guul inuu helaye
- Guulow xaqii nagu gargaar, gaabis baa nahaye
Curiye Xasan Geylan
Gabaygii Lixaad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”
Waxaa uu jawaab u yahay Gaal diid magaciisuna waa ” Godob diid” Wuxuu si gaar ah
ugu Socdaa Ismaaciil.
Godob diid.
- Ma amaanin gaal garab ma siin Mana gargaareyne
- Gacaniyo umaan falin asxaan, Gole la keenaaye.
- Ruuxaan garaad badan lahayn, Geeda sare jiidhye
- Garmaamaynta waxay kaa ridaa, Gebiyo dhaadheer
- Go’aan layska rido waa gedii, Reer Gafuur duube
- Muslinkoo la gaaleeyo waa, Dhaqan gumeedkiiye
- Gaydh inuu nin leeyahay maha, Diintu Gacaloowe
- Galad weeye guuluhu dhigoo, Ruuxna gaar marine.
- Ged kalaan ku weydiinayaa, Geli garaadkaaga
- Bal garwaaqso googaalihiyo, Hadal gobaadeedka.
- Hadduu Aar Galaaftiyo micida, Kula dul gawriiro,
- Ood haysan garab kaa celshiyo, Gacal ku kaalmeeya.
- Oo gaal Gamuun kaaga rido,Galaba xaalkeeda.
- Gurmadkaama rabo maad ma odhan,Gaal ayaad tahaye.
- Mise gool ayaad qali lahayd, Gudis Abaalkiisa.
- Muslinka iyo Gaalkaa camirey, Gude adduunyaade.
- Guulaa ku wada beerayoo, Geesba qaar dhigaye.
- Gardariyo midkaan kugu falayn, Gacan togaaleynta.
- Een guriga kaaga ah gubeyn, Godobna ku geeysan.
- Iyo Gocor Muslina oo intaa Ganaya Dhiigaaga.
- Go’e labada keebey Gar tahay, Guluf wadaagiisa.
- Inaad gaalo gurigeed degtoo, ganacsi kuu yaallo.
- Cidi kugu giriifayninoo, Gaadhna kaa qabinin
- Ismaaciil gedaa wa ogahay, Galabta maantaahe.
- Waxba Godane hay odhan dadnimaa Hiilka i gelisay.
- Waxba gacanta hoos laabaniyo, Gorofyo hay dhiibin.
- Dadku laba Garoon buu u baxay, Guri uu joogaaye
- Gobonim mid doonaaya oo Godane diidaaya
- Oo geeridiis ay u tahay ,Guul usoo hoyatey
- Iyo duul gumaadku faliyo, Godobta taageersan
- Sida Ganatadii uwatiyo ,Idil gafuurduubta
- Dhanuun labada Gees noqon dhexdaad, Gaardiyeysaaye.
- Go’aan qaaddo oo Meel uun u guur, Gudistu waa ceebe
- Gabaygaaga adigaa ku qirey, Dhiiladuu galaye
- Adigaa geedka marag weyn ka furey, Goobuhu falaye
- adigaa Garawsaday xumiyo, Gawdhiskuu wadaye .
- Ged kalaan ku weydiinayaa, Geli garaadkaaga
- Bal garwaaqso googaalihiyo, Hadal gobaadeedka
- Keebaa Gumaad nagu ridiyo, Gebogebayn joogta?
- Godka kee ku wada gurey dadkee, Gacalka naafeeyey?
- Keebaa garnayl nala dhaciyo, Bamamka guuxaaya?
- Keebaa Go’doon naga dhigiyo, Gooyey magaceena.?
- Ged kalaan ku weydiinayaa, Geli garaadkaaga
- Bal garwaaqso googaalihiyo, Hadal gobaadeedka
- Godanuhu intuu dilay haddaad, Geliso buuggaagta
- Intuu goob ku gawracay haddaad, Tirada guud baadho
- Gacmahiyo intuu qoorta jaray, Goobto magagooda
- Iyo Gaalka godobtuu ku falay, Geeska Soomaali
- Bal midkii Gardaran ii cadee, Waan garamaynaaye?
- Gar waa loo islaambaa la yidhi,Geedey joogtaba e
- Gaal dil oo gartiisana u mari, Waa gob xaalkeede
- Gabgab lama rabiyo muran, Inaan Gool ka dhiganaaye
- Ged bax hadalku waa lama gubaan, iyo Ged waayeele.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr.
Silsiladda; GODANE GALBAY! Waa Silsilad Gabayeed cusub
Waa gabaygii 7aad ee ka mid ah sisiladda “GODANE GALBAY!” ee halkan hoose ka daaloco;
Gabayga Godane Galbay!
Waxaa maanso geeraar tirsho, Amasa guuroowga
Maskax aan gureynine Ilaah, Galiyay suugaanta
Ciil ninuu u geeyaa gocdoo, Garashadii maala
Iska goobid maahoo murtidu, Shay la gadayaaye
Gunno uu Ilaahay baxshiyo, Garasha weeyaane
In kastoonan gaarahayn raggii, Galiyay taariikhda
Shuuriye[i] geddiisiyo Kulan[ii], Geesigii Maxamad[iii]
Godadkii Jimcaaliyo[iv] Saciid[v], Gacalka Xaayoowa[vi]
Geelliyo[vii] Subkanihii dirnaa, Gaarhayoow Raage[viii]
Guddoonkii murtida lagu yiqiin, Guud ahaan taga’e
Aniguna inaan soo gudbiyo, Wow garleeyahaye
Kama gaabsan karayoo farriin, Gaarran ii timide
Gallad iyo wanaag baan heloo, Guuryey hororkiiye
Godanana god hoosiyo la gee, Guri ma guuraane
Bal guddooma caawaba intaan, gogoldhig weeyaane.
Waxaan gogosha riimiyo wuxuu, nabad ku geeraaro
Gablamihii darraad bey dileen, Gaala qurunleeye
Gumicii Obaamaa ku dhacay, Goor habeennimo
Wuxuu gabi dhacleeyaba hadduu, iishay waa guule
Gu’ noo da’ay, galalkoo biya leh, Guulle mahaddiis dheh
Geel dhalay, barwaaqana la galay, Gole ciyaareed dheh
Gabbalkii Shabaab waa dhacoo, Gaabay calankood dheh
Dadkeennii gubnaa awadood, Gaare libintiiye
Gulufkiyo colaadihii haddey, gaba gaboobeen dheh
Guryosamiyo farax bay lahayd, Lagu gam’ aaya dheh.
Gacan dhiigle kii ugu xumaay, Godane weeyaane
Umulaha intuu gowrucuu, geesinnima sheegtay
Guudkana asaay ugu xireey, Wada gariireene
Birma geydaduu gooban jiray, Goor iyo ayaane
Wuxuu gabar ogoonteeyay baan, Tiro gayeyneyne
Wuxuu gabanna soomaaliyeed, galiyay baaruudda
Wuxuu gayi colaadeed ka dhigay, Golaha soomaali
Wallee baal madoow baad gashoon, Laga gaboobeynin
Gaalada asagaa weheshan jiray, Reer galbeedka ahe
Inta kale asagaa gaal ku yiri, Diintii gees maraye
Gardarraale guul ma leh murtidaa, Gaaftay waa hore’e
Maantaba wuxuu gaystay buu, guranayaa tacabe
Gibilkii mid qarinayaabay, Geesigii orane
Garays iyo guntiinana toshay, Geesigii orane
Goorgoradda kii xiranayeey, Geesigii orane
Mid gafuurkii wada duubtay, Geesigii orane
Fulaynimo mid guuxaayeybay, Geesigii orane
Gocor maataduun gubayey bay, Geesigii orane.
Gobonima cirkaa gaartayoo, Gaarnay hadafkiiye
Godal qaadday maandeeq dadku, Gaaxda wuu sugiye
Gorgor iyo dhurwaa buu ahaa, Gudurigii hawed
Galayr baa “GANTAAL” iyo ku riday, Gabay awooddiise
Anna gaba gabeeyaye u sheeg, Gabanka taageeri
Gaarsiiya Cali Dheere waa, Loo golleeyahaye.
07/09/2014
Hodan Sheikh Cumar
Hodan2015@autlook.com
Eray bixin iyo magacyada
[i] Abwaan Faarax Shuuriye
[ii] Abwaan Kulan Xasan Cilmi “Jurun”
[iii] Abwaan Xaaji Maxamad Liibaan “Axyaa Waddani”
[iv] Abwaan Cimcaale Dhegataag
[v] Abwaan Geelle Ismaaciil (Geele Faruur)
[vi] Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow
[vii]Abwaan Subkane Gabay
[viii] Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil
[1] Cabdiraxiin H. Galayr
[1] Magaca Gabaygii koowaad ee silsiladda
Waa Gabay ga ALLAA GUUL ISKA LEH aan kaga qayb galay silsilada GODANE GALBEY.
Waana kii 8aad
1. Allaa guul iska leh oon cid kale, Garab ka tuugeyne.
2. Mahad guud eebbaa iska leh, Gun iyo baarkeede
3. Isaga midkuu uu galado, Gaari farax weyni
4. Isagaa midkuu gaasiraa, Gooni daaq yahaye
5. Qorshaheen guud waa ogyahay, Gees kastoow tahaye.
6. Gaalladu ma guulaysanoo, Gaylan baa haraye
7. Islaam kana gargaarbaa u maqan, Gacan ilaaheeye
8. Hadda gaabis waaye marbay, Gaari meel sare.
9. Hadal garasha miisaan lehiyo , Gocoshadaydii dheh.
10. Murti guud ahaaniyo oraah, Gubeysa laabtay dheh.
11. Afeef gaabaniyo hawraar guntano , Golaha taabsiin dheh.
12. Arinkale gantaal godane helay, Geeri iyo mayd dheh
13. Geesiyasha uu gubay dadkuu, Gooyey ehelkooda
14. Diinteena godobuu ka galay, Guud ahaan shalaye
15. Geesiyaasha gubanayiyo kuwa, Geedo guranaaya.
16. Intaasoo dhan waan garanayee , Dooda godolkeeda.
17. Arrinkuu galeyr sheegayiyo, Gabayga uu baadshay
18. Gaallada mid taageera iyo, Kii Garta u diida
19. Kii guba islaamkiyo dadkee, Nabada gawriirsha
20. Waa labo is garabsanahayoon. Diinta garaneynin.
21. Gaalo waan fahmeynaa danteed, Gaadmo iyo hooge
22. Kuwa diinta garabmarahayoo, Gubaya buulkooda.
23. Oo dhiig islaamana goynayo, Guusha sare moodi
24. Hooyoyinkay gawracoo , Aabe garanwaayey,
25. Goobtii cibaadada ku dilay, Gacamey shiikhiiye.
26. Garaadada kuwii laynayiyo , Shiikha iyo guule’ .
27. Waxay reebayaan garanmeynoo, Waqay gabloomaane.
28. Naftu waa go’eysaa marqudha , Godane iil aadye
29. Aftuudbyana gargaariyo malaha, Sharaf gobaadeede
30. Nin weliba wuxuu galabsaduu, Heli gadoonkeede
31. Gefka iyo xumaatada ninlaa, Goosan miraheede
32. Godanena xisaabtiisii gaar, Guule kulan siiye
33. Waxba gabaygu yuu ila gudbine, Waxan kusoo gaabshay.
34. Gacal baanahaye ukaca guud ahaan , Gala gargaarkeena
35. Gacalbaan nahaye guri dhisiyo, Qaranka Goobeeya.
36. Gacal baa nahay gobonimiyo, Gaara sharafteena.
Curiye : Axmed Siciid Warsame (Ciroowe)
Taariikh da 8/9/2014.
Gabay (gaaga hadhay gooba) Gabaygii 9aad ee Silsiladii GODANE GALBEY.
Tirsiga m. 9/9/2014
Salaasiyo.subaxnimo
W/T. Abwaan faysal goohe
1.Indhawayd ga’lay maanan curin mana garaadayne
2.Ma guddiyin intaan geedka tagay xaajo guradheere
3.Hayeeshee midii ila gudboon waan ganbiyayaaye
4.Maantana midaaa gollaha taal baaan ugaleyaaye
5.Gaawahaan usoo culanayaa goofka maansada’e
6.Giraantaa irmaanatay baan gees ka sooo galliye
7.Ragyahaw gadhgaydha ahe misana giirka kicinaaya
8.Geeraaradiyo markii aaaan akhriyay gabayadiinoo dhan
9.Gidigiin dhibaha waad qirteen waadna garateene
10.Hadana ways gudub marteeen kala gadoonteeene
11.Laba garab ayaaad kalla tagteeen gacale’yaalowe
12.Oodo gurasho jiidisiyo qaadisted waysla guri-geyne
13.Laysumana garaabine ragyahaw way isu gurateene
14.Garab-dhiibis lama doonayiyo waan gabyi aqaane
15.Ninkastiba gufays xoogan buu soo gingimayaaye
16.gantaaliyo wuxuu xoog hayuu goobta soo dhigaye
17.Ana aan guntiga soo xidhoo gudin usoofaysto
18.Gaalkiyo waxii aan ka qabo nimankan giir-giiran
19.Gunbaa hadalku leeyahee aan geysto eraygayga.
20.Gidigii islaaam waa lagalay gooobu joogaba’e
21.Gaallaa ku soo guurtayoo guraysa raadkoode
22.Iyana waaa gandoodaanoo gama’sanyiin meele
21.gol-jileec kolkii laga arkaa laga golaystaaye
24.Falastiin gumaad baa ka dhacay gabi ahaanteede
25.Boosniyana kuwaa lagu gubboo lagu garaacaye
26.Masaarida sidii loo gilgilay gaysh dhan baa maqane
27.Liibiya sidii loo golda’ay waa gawaan madhane
28.Gujiskii ciraaq lagu dhuftiyo dhibihi loo gaystay
29.Gaashaan-buurta neetuhu markuu geediga u’aaday
30.Gudihii baqdaad iyo markuu galayay kuufaanka
31.Gardaradaa kolkii loo latagay laga gol roonaaye
32.iyagaa is gawaadaye iga wallaan cidina goyseene
33.Hadii ay ka giigaaan xumaha lama galaaleene
34.Iyagaa is gumeyaye miyaa gaalku tamar dhaamay?
35.Gudoonkii sadaam ee khaldamay goondhabaa xigaye
36.Gol-dallooladiisuu tusaye cidi ma guusheene
37.Gudidii haduuudiidilaaa lama gumaysteeen dheh
38.Isna lama gawraceen gooray ciid tahay dheh.
39.Afartaa intii aan gadiyay gaw makaga siiyay
40.Ma gorfeeyay xaajada ragbaaa gawdha abidkoode
41.Ga’leydaan kaqaadiyo miyaan goobtii ka habawshay
42.Guntin aan furmayn iyo miyaan gurac usooyeelay
43.Afarkalena geesta aan rabiyo gogol dhigaydii dheh
44.Geddi aan ujeediyo haddaan gulucda soo taabto
45.Gudintuba ma’goysen hadaan geed badhkii galine
46.Maahmaahda guuunka waxaan ugu gufaacoooday
47.gaal iyo gafuuur-duub xunbaaad kala guraysaane
48.waase laba gudboono is xiga garashadaydiiye
49.Gadaan nahay waxa noogu wacan gamana noodiday
50.Waa Gacmo-gooyaha nagu dhex jire gubaya reerkeene
51.Gacal iyo sokeeyahay tirtiri waa gumaradeeniiye
52.Gumaadkiyo dhibkii ay dhigeen gocasho wayn reebye
53.Gurboodkiyo caruurbay dileen gaaridii dumare
54.Golihii shacbiga waa ognahay say ugurayaane
55.Gadhcastiyo cuqaashay jareen guud-cadaw odaye
56.Guruubkani haddaanu naga dhex kicin lama gulaalmeene
57.Xabashigu ma’uu soooo galleen gobolladeeniiye
58.Gudaheeena kama’ay tasheeen geeshka amisomme
59.Garbaduubka waxa noo xidhxidhay gaangiskaa kacaye
60.Waxa lagugu so gabaday baa ahaa gocoradaa baase
61.Gafuur-waynta kiiniya ama gaban ugaandhiisku
62.Ganac-buurta AU ladhahay gaasaskay wadato
63.Waxay goobayaan waa ogyahay ruux garaad lihiye
64.Gurmad buu uhaystaa ninkaaan garasho dheereyne.
65.Afartaa intaan goofka dhigay gaw makaga siiyay
66.Ma gorfeeyay xaajada ragbaa gawdha abidkoode
67.Ga’leydaan ka qaadiyo miyaan goobtii ka habawshay
68.Guntin aaan furmayn iyo miyaan gurac usoo yeelay
69.Afarkalena geesta aan rabiyo gogol dhigaygii dheh.
70.Geda aaan ujeediyo hadaaan gulucda sooo taabto
71.Geeridu xaq weeyo dhamaaan geedi baan nahaye
72.garnaylba ku dhacay baa layidhi godane-wiilkiiye
73.Ninkastiba wuxuuu gaystay waa layska gudayaye
74.Garsoor baa dambeeyiyo cadaab gubaya jiidhkaaye
75.Isaguna godkiii aaakhiru gallabta jooogaaye
76.Garse maaha inaaan ugu galloo maydka giganaaye
77.Guulaha ilaah baaa ogsoon suu ugaleyaaye
78.Isagay ugaar tahay wuxuu gaytay oo fallaye
79.Haysugu gadoonina ninkaa galay xabaashiise
80.Gocashiyo hadaad ciil qabtaan gaaga hadhay gooba
81.Hadii kalena goodigiyo faankaa kujira guul ma helaysane.
Tirsiga m. 9/9/2014
Salaasiyo.subaxnimo
W/T. Abwaan faysal goohe
Gabaygii 10Aad oo Ma Godboona ee Silsiladda Godane Galbay.Waana Gabay jawaab u ah, Gabaygii Godob diid.
Curiye Ismaaciil Cali Boobe
- Indhowaydba gabayadii ma Tirinn Gaananaan jiraye
- Waatan ka gaabsaday taniyo, Guga hortiisiiye
- Garoomada waataan ka baxay, Gole ka fuulkiiye
- Geftimaha waataan u xidhay, Labada geesoode
- Maantaan garaarkiyo ka Jari ,Giigsanoow xadhige
- Guntimahaan idiin ka furi waw, Ged baxayaaye
- Adduunyada waxbaa buugga gala, Lana gun raacaaye
- Taariikhdu waxbay guri dhigtaa ,Meel ku gunudaaye
- Guyaal hore wixii tegey marbaad, Dabo guclaysaaye
- Danahaaga gaarka ah marbaad, Gudub ujiidhaaye
- Gawaan lama fadhiis tiyo, Goha abaareede
- Guuyada waxaa loo raraaa, Gurigi doog weyne
- Gol qaniinle abid laguma furo, Gumaradaadiiye
- Geelaaga waa laga jiraa, Guubis khayr darane.
- Afartaa gufaaciyo hilaac,Goohi karameed Dhe
- Gudgudaha oo soo curtiyo, Gababaxdiisii Dhe
- Afarkalena garyigil aan ihiyo, Gobiyo caadkeed Dhe.
- Galaydhoow warkii aad I tiri,Galabta lay keenye
- Guuguulahaa siday samada, Goosha abidkiiye
- Gefimaayo aniguye naxwaha, Waan u gelayaaye
- Gacantaaga adigaa lahaa, Geed ka loo baxaye
- Waan kula gudoonsaday Inaan Gogol nimaad naaye
- Ma giriifo weligay Islaam, Waan gar baxayaaye
- Kuma gawdhinoo cabdow, Kuma aan gaalayne
- God cadaawe adigaa galiyo, Laguma guuraane
- Gowsaha maroodiga adigaa u filay, Gole furaasheede
- Gacan saara adigaaa ka raba, Good wax aayiraye
- Gacal tooyo adigaa ka deyey, Gaalo qudhun leeye
- Gurma go an adigaa hadhsaday, Gagi habaas weyne
- Gaaladana adigaa u filay, Garab la raacaaye
- Gacaloow ka soo noqo iyagu, Garacyo weeyaane.
- Afartaa ga’da intaan ka deyey, Gulucna maw diiday
- Gaas iyo sidii ina miriyo ,Gooni maw sheegay
- Geesigii khaliifiyo sidii aadan Maw gooyey
- Maaweel gediisii naxwaha, Maw gu geeraaray
- Gefimaayo ee sidii qamaan ,Geed ma qabad siiyey.
- Ma gorfeeyey gar naqsiga huraa I baray, Goobta loo dego e.
- Afarkale galaydhow adaan, Kuu gud binayaaye
- Go u dhigo jawaabaha hadaan, Kuu gediyayaaye
- Gonda weyne aarkuba haduu, Kugu dul gawdiido
- Gawsaha haduu kula heliyo, Mici gabaareeyda
- Asaan garab kaa ceshiyo gacal ba kuu joogin
- Oo uu Gamuun kaaga rido, Gaal wax jirinaaya
- Guulaa ku mahadihayaa ,Ii gargaar falaye.
- Gartay maaha inaan mahadiyaa, gaalo abidkeeye
- Gunayn maayo oo ma rabo. Garaca shaydaane
- Maanigaa intaan gaal galado, Goolasha u looga
- Gogayga maanigaa cadaab, Geliya ruuxdayda
- garab iyo maxaa iiga dana, Guluf wadaagiisa.
- Afartaa ga’da intaan ka deyey, Gulucna maw diiday
- Gaas iyo sidii ina miriyo ,Gooni maw sheegay
- Geesigii khaliifiyo sidii aadan Maw gooyey
- Maaweel gediisii naxwaha, Maw gu geeraaray
- Gefimaayo ee sidii qamaan ,Geed ma qabad siiyey.
- Ma gorfeeyey gar naqsiga huraa I baray, Goobta loo dego e.
- Afarkale galaydhow adaan, Kuu gudbanayaaye
- Go u dhigo jawaabaha haddaan, Kuu gediyaaye
- Muslimka iyo gaalada camiray, Dunida guudkeeda
- Guulaa kuwada beerayoo, Gees ba qaar dhigaye
- Gar dariyo midkaan kuula iman, Gacan togaalaynta
- Oo gurigaaga aan gubayninoo, Kuguna gaaf meerin
- Oon Godobna kuu haysanoo, Gelinin reerkaaga
- Gocorkaa islaamee misana, Ganaya dhiigaaga
- Ged kastay ahaataba mar hore, Guule kala sheegye
- Mana ay gudboonee midhkaa, Garo oraahdayda.
- Afartaa ga’da intaan ka deyey, Gulucna maw diiday
- Gaas iyo sidii ina miriyo ,Gooni maw sheegay
- Geesigii khaliifiyo sidii aadan Maw gooyey
- Maaweel gediisii naxwaha, Maw gu geeraaray
- Gefimaayo ee sidii qamaan ,Geed ma qabad siiyey.
- Ma gorfeeyey gar naqsiga huraa I baray, Goobta loo dego e.
- Afarkale galaydhow adaan, Kuu gud binayaaye
- Go u dhigo jawaabaha haddaan, Kuu gediyayaaye
- Geyigaan ku noolahay waa islaam, Gebi ahaan tiiye
- Inyarbaa ka gaaroo iyana ,Guluf ma qaadaane
- Gadaal fiiri xaajadu marbay Kaa guracantaaye.
- Laba guruubay noqdeen dadkii, Gaaliyo islaame
- go aan qaado adigaa iyiri gudistu waa ceebe
- Gedman mayso geestaan ahay anigu, Guule mahadiiye
- Gobanimo ma haybsado qofkii ,Gaal u rixiyaaye
- bal garwaaqso eedaad gashiyo, Gebi dhacaad keentay
- Gumaad iyo dagaal hadaaad ,Gacan togaalaysey
- gaaladu markay shawr tayee inagu soo Guurtay
- geyigeena oo idil markay, Geba gebaynaysey
- guluf kiyo colaadiyo markay, Gelisay duulaanka
- geeshashkii is biir saday markii,Garaba meel qaytay
- Goblamoow talyaanigu wuxuu, Gamaska leef siiyey
- ingiriis gantaalaha wuxuu, Inagu gawdiidshey
- gabadh iyo carruur iyo waxaan,Gaban la reebaynin
- Guurtidii la xaaqiyo wixii laysku, Gubay meel xun
- Miyaad garab maraysaa cabdoow, Geedi baad tahaye.
- Afartaa guntaye waxaan, Gees ka qabad siiyey
- Inkastay gadaafiyo dhacaan, Godob wax aafaysa
- Ma gudboona gaaliyo islaam, Ina galaydhoowe
- Guulaaa fadilay Ruuxii sharciga ,Gees ka soo gala e
- Gabal dumay habeen iyo cidlaad,Guul ka deyeysaaye
- Kala garo gidaar iyo albaab, Geedi baad tahaye
- Waan geba gebeeyaye naxwuhu, yuuku gees marine
- Gadhcadaa ka doodiyo u gee, Oday guxuushaaga.
By ismaaciil Cali boobe
Gabaygaan magaciisu waa “GACAN WEBBI” Waa Gabaygii 11aad ee Silsiladda Godane Galbay, wuxuuna ku socdaa Xasan Bulxan oo jawaab u yahay.
- Gobbaa duuble garashaa macaan, Gocasho ciil baa leh
- Gefna aadmi waa geli jiryee, Sama gelliinbaa leh
- Goddob reebna guunyiyo aroos ,La,isu geeyaa leh
- Gebagabo colaadeed haddeey, Maada,shadi gaarto
- Garabkaaga kii buuxin iyo, Hiilo gacalbaaleh
- Geyigoo abbaarsaday gabiib, Laga hayaamaayo
- Gurgurshaa la dhaanshiyo markaa, Hirasho Geelbaa,leh
- Germadowga xaajada hadii ,Gaan ismari waayo
- oy geedka labadiisa hoos, Gelinba meel joogto
- Garyaqaan cadliyahaa furfura, Oo wax kala gooye
- Inow dooda soo galo martaan, Uga gelaayaahe
- ninba gees ka arag xaajadee, Gudduri yey oolin
- Maxaan wiil yaroo iilka galay, Uga dul geegaari
- Gows addeyg ayaa iga galoo,Marrinki gaarqaadye
- Maxaad uga golleedahay, xogtaan dhaadhac ii geline?
- Godob iyo gef, iigala aduun, Dunida Guudkeeda,
- Ama galad wanaageed faloo, Gacalka taageera
- Gadaashii waxii laga guntaa, gelaya diiwaane
- Hadoow golaha joogoow aduun, Nolol Kusiigaaro
- waxow galo waxow gudo Dadkaa ,Gaar ufalanqeyne
- gedii yeyna joogtaa gorfeyn, Godane xaalkiise
- Xaggee leyska gurayaa samoow Ugub mayaal goobe?
- Golxa laanle lama toosinkaro, Oon la soogubine
- Galdaloolo yaan leyska jerrin, Gaal mahiishado’e
- Gacan webiba huurigu marrow, Kaa gudbinayaaye
- Gafuurduubtu daanadey galleon, Waa waxaan go,ine
- Xaglo geel guntiga lama gelshee, Goddobta yaa daahay?
- Xasanoow gurroodiga hadaad, Guurre soconeyso
- Goxondhadu hadeey daadsantahay, geed jabkiyo jiiqa
- Gaatan iyo waxaa loo socdaa,Taxadir goonyoone
- Garta eexu yeey,gelin raggeey, goddob ku beertaaye
- gacma wada,jireey guusha iyo libin kugaaraane..
Curiye Xasan Abubakar(Abaaji)
09/09/2014
Gabaygaan magaciisu waa “Goconayaa” Waa Gabaygii 12aad ee Silsiladda “Godane Galbay!” ee halkan hoose ka sii aqrista;
Gabayga Goconayaa jeere
1. Anba guurti baan ahay adduun, Gaananaan jiraye
2.Ha yeeshee, ka gaabsaday baryahan, Gabayadeeydiiye
3.Gurbaannadi ma tumin waayahaan, Galab ciyaartiiye
4.Aan gorfeeyo maantoo kaleey, ila Gudbooneyde
5.Afartaas nin guurtiyi ahoo, Geed ka soo shiray dheh
6. Gaadiid la raaciyo fardaha, Gululufleeyaa dheh
7. Murtidaan in badan gaaxsanaa, Gaawa loo culay dheh
8. Gobanimmada loo raadin jiray, Gayiga keennaa dheh
9. Afar kalana sidi ila gudboon, Gocashadeedii dheh
10. Silsiladdii “Gantaal” maansadii, Guuxa badan reebtay
11. Geeraar haddii aan ku daro, Gabayna raacsiiyo
12. Iyadoo golweyn laga qabsaday, Goshiyo jiinkeeda
13. Buula-mareerna gaardihayaan, Geesiyadii duulay
14. Oo Baraawe gaadiidkii baxay, Lagu dul gawriirshay
15. Geeri ruuxna kama baaqan karo, Goorta loo qoraye
16. Ifka lagu gantaalshaye hadduu, Godanihii jiitay
17. Oo gaalo lagu soo salladay, Galab cayaarsiiso
18. Gacalnimo asaa diidayoo’ guray dadkiineeniiye
19. Ma ogaaday gaariga qarxaa, Galax qaboowgiisa
20. Garka iyo siduu beerka iyo, Gacamihii yeelo
21. Gubashada xanuunka leh qalbiga, Gabal ma saameeyay
22. Nin waliba waxuu geeysto baa, Lagu gadaamaaye
23. Dhaaxuu intuu gaari raran, Gaban u soo dhiibay
24. Yiri; “geeya meeshii shacbiga, Lagu gumaadeeyay”
25. Gawda yeerta gaariga qarxiyo, Goofanaha booday
26. Gondihiisa goorteey dhacduu, Galaxsadoo leefay
27. Maw garaabay Shaamoow raggii, Lagu garaafeeyay
28. Ma u dayay gadaal meeydadkii, Layska garan waayay
29. Ardaydii gantaal looga dhigay, Gurashadii dheefta
30. Iyaguba waxey goobayeen, Guul u curataaye
31. Gaajiyo harraad bey in badan, Galin qadaayeene
32. Buugaagtaa la gada iyo qalmeey, Gurubsanaayeene
33. Gaawaha markey soo cusheen, Goodir lagu maalo
34. Ooy godal lahaayeen la sheeg, Iney ganaayaane
35. Waxba meysan galabsane xiqdiyeey, Uga gaduudsheene
36. Garaadxume siduu uga dhex kacaan, Gocanayaa jeere
37. Sidii meydka loo kala guraan, Gocanayaa jeere
38. Geesigi Caddoow iyo dadkii, Goobta lagu laayay
39. Ooy gacantu qaban weyday baan, Goconayaa jeere
40. Go’yaal lagu aruurshaan in badan, Gocanayaa jeere
41. Afartaas guhaadkey faleen,Gocashadeedii dheh
42. Gablantiyo agoontiyo ilmaha, Guriga ooyaa dheh
43. Xisbigaasi gaarka ah waxey, Nagu gasiimeen dheh
44. Saddax kalana waa gooni baar, Garasha waayeel dheh
45. Nimankii gafuurrada xirnaa, Guuli meey hanane
46. Godob mooye shacabkii ma barin, Gallad abaaleede
47.Sidi waa shacbiga ugu godladay, Gaagax baa xigaye
48. Gaw waxey ka sii dadkii, Gaawahoow lisaye
49. Gurmadkii Maxaakimi markii, Rag is garaacaayay
50. Shacabkoow gargaaraye marnaba guul ma dhaliyeene
51.Garcadda aya wiil iyo markii, Gaban waxii joogay
52. Giddigooda loo sacab tumeey, Gacan sarreeyeene
53. Markaaseey gadaalkii shacbigi, Dib u garaaxeene
54. Siduu guunya yahay bey abley, Galax ku siiyeene
55. Ninki aan gardheereyn la sheeg, Iney gumeeyaane
56. Dadku gaalo maahoo sharciga, Kuma gafaayaane
57. Haddii koodi gaabiya tartiib, Loogu gacanhaadsho
58. Alleylehe garwaaqsiga xaqii, Kama gaddoomeene
59. Gabood falis ma fiicniyo xumaan, La is gargaaraaye
60. Bal maxaa nin galab weysa qaba, Gumuca loo leefshay?
61. Nin haddeer salaaddii gutoo, Jameecadii gaaray
62. Oo guriga Eebbaheey ka yimid, Yaa na yiri goowrac?
63. Garashada shaqeeyn iyo caqlaa, La isu geeystaaye
64. Bal maxaa nin godob aan laheeyn, Lagu gamaareeyay
65. Goownkiyo haddaan miinka dayo, Gibi Quraankeenna
66. Oo aan gun iyo baar Xadiith, Geestaba eego
67. Kuma haynno goowraca Islaan, Waa gardaradaase!
68. Kuma haynno xisbi gaar ah iyo, Gooni kala aade.
69. Saddaxdaas nin guurtiyi ahoo, Geed ka soo shiray dheh
70. Gaadiid la raaciyo fardaha, Gululufleeyaa dheh
71. Murtidaan in badan gaaxsanaa gaawa, Loo culay dheh
72.Saddax kalana waa waxan gocdiyo, Garashadeydii dheh
73. Guddoomiya haddii ey qabaan, Niman is gaarsiin leh
74. Tashi waa gorfeeyn ee haddii, La isla googgooyo
75. Ama uu garaadkii nin wali, Geed ka oranaayo
76. Maxaa goowrac mooyee wax kale, Loo gundhigi waayay?!
77. Naxariistuu Guulluha na faray, Yaa ku gacan seeyray?
78. Oo howshu lama gaasiree, Yiri wax googooya?
79. Garbaduub maxaa loogu xiray, Gabanya waayeelba?
80. Giir cad iyo maxaa ani ajnabi, Guriga ii keenay?
81. Ga’tarii maxeey ugu wataan, Gobolladeydoo dhan?
82. Maxaa loo go’doomiyay shacbiga, Gaaja lagu sheegay?
83. Ee uu u diiday gaadiid wax sido, Inuu gargaareeyo
84.Rabbi wuu ka gudi xaajadeey, Nimanku geeystaane
85. Godka iyo ifkaba waa midaan, Geesna ku hareeyne
86. Nin ah gaalo raac laguma oga, Gayiga Soomaali
87. Waligoodba wey gami jireen, Gumaca baaruude
88. Goor horeba waateey xarbiga, Gabagabeyeene
90. UNISOM galaafsiga ku dhacay, Guurayoo tagaye
91. Haddii umada gogol loo fidshoo, Lana garoowsiiyo
92. Garabkii axsaan iyo haddii, Gacalyar loo muujo
93. Soow uma garaabaan xisbiga, Wey gagabiyeene
94. Ha yeeshe, markeey gooddiyeen, Niman gafuur duubam
95. Gamna ey ka yeeleen shacbigi, Gabannadoow joogay
96. Ooy gabarya wiil dhaafi hayn, Looga kala guurye
97. Haddeey nimanka guuldoonyihiin, Nama go’doonsheene
98. Allow yaa gartaas fura xaq waa, La is gubaabshaaye
99. Waxba hadalka yuu ila gudbine, Waxan ku soo gaabshay
100. Haddaad ganaca taagtood dadkii, Ku gardarrooneyso
101. Ood umadda lama giijiyee, Gujagujaneeyso
102. Gacantaada ruuxii gala, Gowrac mudanaayo
103. Galladna aan faleyn iyo axsaan, Umadda gaareyso
104. Goofaha abaarta ah inaad, Gallinba meel joogta
105. Oo uu cadawga kugu gaasiraa, Soow garnoqon meeyso?!
Axmeey Cali Nuur
curiye:abwaan mustafe maxamed
Gabaygani waa kii 13aad ee Silsiladda Godane Galbay. magaciisuna waa GOBANIMO
11/9/2014
1. Gabay iyo arartii baryahan gal isma lahayne
2. ma gobsheeyo maansooyinkaan gaarka ulahaaye
3. gudbitiisa waxa aan ku nacay garanba maysaane
4 .gantaatacu markii uu bataan gaabshay hadalkiiye.
5. caawana gunaadbaan arkaye uma galsheeyeene
6 .gedgedoonka waayaha ragbaa galay dunuubweyne
7. gudcurkiyo caddadaa rag badan isu garab taale
8 .darbaa gedmaday oon kalaba garan gaal iyo islaame
9. nimanbaa gudbay oo ka lumay gurigii waabnaaye
10 .geerida islaamkay Ragbadan guul u sacabayne
11. geeraarna way soo tirsheen gabay farawayne.
12. Anse ila ah inay garab mareen garaashiyo maane
13. Waa waxa dalkeenii ganbiyey gaalo caashaquye.
14. Sidii bay garaad laawe iyo gurac ujoogan
15. Maantana gadaafaa dhacdiyo guuldarriyo ciile
16. Gadh-wadeenka ragaan moodayaa dham,ay geediga,e.
17. Illahow gudaha noo sifee guluubka iimaanka
18. Afartaa gumeeyaye sidii geedka ma taagay
19. gar-badhaha waa necebehee gees ma qabadsiiyey
20. Garaadkayga siday ila ahayd gaw ma kaga siiyey
21. Afarkalena aan soo ganbiyo mid ka giigaane.
22. Galyrow warkaad soo ganteed dunida gaadhsiisay
23. Eed gabayga godahan la dilay Farax la geeraartay
24. Eed gaalo ugu rixinaysaa gocosho weyn reebye.
25. Gef xun iyo waxyeelay ku tahay guri islaameede.
26. Muslimiinta geyigoo dhanbaa ceeb u gudaysaaye
27. geeridii halyeygii inaad guul u fillaynayso
28. Ood gaalo isku hadaf tihiin garanay maandhow,e
29. gudubtaye allow kaaga sahal meel aan garanaayo
30. Afartaa intaan geed ka dhigay gunta ma utaagay
31. Gar-badh looma yeedhee murtida ma idin gaadh siiyey
32. Geddii faarax nuuriyo salaan galin ma weydaarshay
33. Gobo,kalana waan soo galiya maankiina
44. Ood gaalka isku hadaf tihiin garannay maandhow,e
45. Geesigii jihaadee wax badan gaydh udiriraayey
46. ee dunida gees iyo ka gees looga wad wada giigay
47. ee gaal iyo maciisaba inbadan gama.a loo diiday
48. Markuu go,ay ragaa soo gabyow waa gab taladiine
49. Gudcurbaad gudaysaan habeen guuro bahallayne
50. Godka waxaydun seegteen markaad mayd u gabaydeene
51. Cadawgaa galbeedkaad malaha gees la noqoteene
52. Go,i waaya,e sow idinkaa gibilkii weydaartay
53. Gedday tahay dheeshu waad garan karaysaane
54. Waa kubad garoonkani dhaxtaal gaal iyo islaame
55. Gool ku laagna way taagantahay labada geesoode
56. Garwaaqsada goobtaad jirtaan waa gawaan madhane
57. Afartaa intaan geed ka dhigay gunta ma taagay
58. Gar-badhuhu ma fiicnee murtida ma idin gaadhsiiyey
59. Geddii faarax nuuriyo salaan galin ma waydaarshay
60.Geeskale waxaan soo geddiyi miday la goohaan
61.Axmaaradu markii ay galeen gayiga soomaali
62.Gulufkii itoobiya markuu gubayey ciiddeena
63. Ee shacbiga gumaysigii qarsoon lagu gumaadaayey
64. Geyyigeena oo idil markuu galawgu dhiiloobay
65. Ee giddigood caruur iyo haween gawrac lala boobay
66. Guryahana hablii loogu dhacay laguna googooyey
67. Gumuciyo rasaastii bulshada lagu garaacaayey
68. Gaydhanka iyo ciilkii markii laga geyoon waayey
69. Nimankii xabashida gubee gooyey cidhibtooda
70. gobanimo u dirirkii tigrey, gurayey raadkooda
71. Sow godane iyo may ahayn golii maxaakiimta
72. Marku shacabku gacansiiyeybay guusha dhalieene
73. Hadday sidii ugu garab jiraan lama gulaalmeene
74. Gaalo iyo waatii reer-galbeed dib u gardaadsheene
75. Gaadiid-qaadna waatuu ku yimid gaal-madoobuhuye
76. Gabgabliyo afmiishaarku waa garacyo shaydaane
77. Bulshadii gadoodee kufriga ka gilgilanaysay
78. Gafuur-culustan waxay uga dhigeen gacal walaalkoode
79. Iyagoo gadaafiyo dhib wada garanba maayaane
80. Xarakada haday gacanqabtaan lama geddoomeene
81. Doofaarradu kumay gaardiyeen gudaha soomaale
82.Guryaheena muu soo galeen san-gadhuudhluhuye
83. Gabdhaheena muu balashadeen gaws-dameerluhu
84.gees kale hadaan fiiriyoon gobo,da faalleeyo
85.nacab weeye gaalkuye hadaad galiso hoygaaga
86. ood adigu gaadhkiisa tahay cadaw la goobaayo
87. hubka isaga lala gaadayaba sow ku gubanmaysid
88. haduu guluf ku soo weeraroo geelna lagaa qaado
89. oo gaban walaalkaa ahood gurmad ka eegaysay
90. uu gulufka kuu soo horgalo gabagabayntaada
91. sow inaad isaga gawracdaa gar iyo daw maaha
Curiye: abwaan mustafe maxamed