Ma ogtahay in xarafka (JA’) uu kulmiyo sharqamaha guud?
- JUUQ: sharqanta dadka
- JAAQ: sharqanta xoolaha
- JIBAAD: sharqanta dugaagga
- JALAW: sharqanta shimbiraha
- JAQAQAF: sharqanta xamaaratada
- JALALAF: sharqanta geedaha lulanaya
- JIIQJIIQ: sharqanta alaab gaadid saaran
- JARARAC: sharqanta walxo la jeexayo
- JALALAQ: sharqanta biyaha
- JINIQ: sharqanta biro isku dhacaya
- JIRIRIQ: sharqanta walxo la isku xirayo
- JUG: sharqanta walxo la tumayo ama qarax
- JURURUC: sharqanta walxo dab lagu dubayo
- JIRIRIG: sharqanta onkodka kaa fod.
Mase ogtahay codka xawayaanka aan caqliga lahayn in la isku yiraahdo (afjaaq) mase ogtahay (afjaaqaas) in dadku u adeegsado.
Baaq sida laba qofood oo iskugu baaqaya cod aan eray la fahmi karo ahayn balse qofku dareemayo in lala hadlayo.
“Juuq waa cod Aadane jaaqna waa, jabaqda xolaade
Jibaad waa cod bahal jalawna waa, jihasho baalleeye
Jaqafjaqafna waa jiitan halaq, jaqaftankiisiiye
Jalalafina waa geed dabayl, ay jafaalidaye
Jiiqjiiqna waa agab la raray, jeer is xogiddiise
Jiririqina waa xarig la xiri, jugina waa qaraxyo
Jararacinna waa maro dillaac, amase jeexjeexe
Jururucana waa jaan la gubi, giririg waa roobka
Jalalaqina waa biya socdoo, jeexo ku ordaaya.”
Diyaarintii iyo curintii: abwaaan Maxamad Xuseen Faarax