BARO BOQOL ERAY Casharka 2aad
Xera-edeg – Carra-edeg.
Xera-edeg –ta (m): Dhulka maanta loo yaqaan Afrika. Waa eray ka unkan xero + edeg.
- Xero: Dhis wareegsan oo kor ka furan.
- Edeg: Dhis kankoonsan oo inta badan lagu xereeyo maqasha iwm.
Israaca ‘xero + edeg’ waxay sheegayaan dhul si gaar ah u go’an. Muuqaalkaasi waa kan dhul-weynaha Afrika.
Sida laga wariyey waayeelkii dhaqan-aqoonka ahaa, waayadii hore erayga ‘xera-edeg’ waxaa loo adeegsan jiray dhulka maanta la yiraa Afrika oo keli ah. Bariga Dhexana ‘carra-nebi’ ayaa loo yiqiin, oo waxaa lala xiriirinayey diimihii halkaas ka iman jiray oo qofka ay ku soo degaan la yiraa nebi. Dhulweynaha kale ee Aasiyana waxaa loo yiqiin ‘carra-mowra’.
Carra-edeg –ta (m): Adduunka oo dhan. Waa eray ka dhisan carra + edeg.
- Carra: Carro; carri; dhul; dal.
- Edeg: Dhis kankoonsan oo inta badan lagu xereeyo maqasha iwm.
Sida ka muuqata waaxyaha ‘carra + edeg’ waxay sheegayaan dhulkii oo dhan oo edeg ku jira. Kaasi waa muuqaalka guud ee meerayaasha gaar ahaan dhulka oo waa tan aqoonta saynisku tiraa dhulku waa kubbad oo kale.
Kala duwanaanta labada eray:-
· Carra-edeg: | Adduun-weynaha. |
· Xera-edeg: | Afrika. |
Dheec – Bayuur.
Dheec –a (m): Yaxyax! Wax laga xishoodo ku dhicid.
Dheec waxaa salkiciyey ‘ceeb’ oo ah eray ka yimid afka Carabiga. Inta badan ‘dheec’ waxaa loo adeegsadaa waxyaabaha laga yaxyaxo, balse aanan sidaas u weyneyn.
Bayuur –ta (m): Yaxyax weyn, dheec aad u daran. Waa eray ka unkamay ba’ + yuur.
- Ba’: Dhibaato wax hore u jiray tirtirta; baaba’.
- Yuur: Kuudad; sida uu u fadhiisto qofka gambanaya, xanuunsanaya ama cabsanaya. Siyaabaha kala duwan ee eraygan loo adeegsado waxaa ka mid ah: yuurar, yuuryuur iyo yuuryuursi.
Haddaba israaca ‘ba’ + yuur’ waxay sheegayaan qof uu qadankiisii ama sharaftiisii ba’day oo dheec dartiis meel la yuurara.
Kala duwanaanta labada eray:-
· Dheec: | Wax laga xishoodo, aanse darnayn. |
· Bayuur: | Yaxyax daran; wadhi ba’an oo laga xishoodo. |
Dibbad – Dubbad.
Dibbad –ka(m/f): Ka dhixid halkii lagu hoyan lahaa.
Eraygani wuxuu ka soo jeedaa ‘dibad’ oo ah bannaanka ama meel ka baxsan halka la joogo. Sidaas awgeed ayaa ‘dibad’ (dibbad) loo yiraahdaa neefkii habeenkaas ka dhaxa xeradiisii ama qofka aanan aqalkiisii u soo hoyan. Sidoo kale waxaa dibbad la yiraahdaa habeenka lix iyo tobanaad ee uu cirku dayax la’aan yahay. Ujeedku waa dayixii la arki jiray oo dibbaday. Wiilasha dhasha habeenkaas dibbadka ah waxaa iyagana loogu wanqali jiray Dibbad.
Soomaalidii hore waxay rumaysnaayeen in wiilka dibbadka dhasha uu tawaan iyo ayaan u leeyahay arrimaha dagaalka. Aad ayaa loogu kalsoonaa, in uu guulaysanayo colka uu hoggaamiyo nin dibbad ahi. Mudnaantaas awgeed, ayaa loo arkayaa rag badan oo magacoodu yahay ‘Dibbad’.
Dubbad –ka (m): Dubbe ahaansho; dubbe u ekaansho.
Dubbuhu waa bir kuusan oo ballaaran. Marka biraha la tumayo ayaa dubbaha dhulka la dhigtaa oo misana la dul-saaraa wixii la tumayey. Birta gacanta lagu qabsado ee wax lagu tumayo waxaa la yiraa burris.
Xagga magac-bixinta, waxaa Dubbad la yiraa wiilka dhasha isaga oo buuran ama kuusan. Sidoo kale dadka waaweyn haddii ay muuqaalkii dubbaha leeyihiin iyagana waa lagu naanaysaa Dubbad. Waxaase badan magacyo ‘Dibbad’ ahaa balse si aqoon la’aan ah loogu kaho ‘Dubbad’.
Kala duwanaanta labada eray.-
· Dibbad: | Ka dhixista halkii lagu hoyan lahaa; habeenka 16aad ee bisha. |
· Dubbad: | Ahaanshaha wax kuusan oo dubbe u eg. |
Gunbur (buur) – Gunbur (tin)
Gunbur –ta (m): Buur yar oo keligeed meel dhul siman ah ku taal. Waa eray ka kooban gun + bur.
- Gun: Ubucda ugu hoosaysa ee ay wax kastaahi leeyihiin.
- Bur: Cad kuusan oo ka samaysma ciidda, badarka iwm.
Wadarta ‘gun + bur’ waxay sheegayaan walax ay guntoodu tahay bur ciid ah. Baxaalligaas waxaa leh buurta gunburta ah oo ay gunteedu tahay bur ciid ah, balse dusha uga eg adke dhagax ah.
Gunbur –ta (m): Tinta u dhexeysa adeygga iyo jileeca ee ay Soomaalidu u badan tahay.
Tintani waa mid korka uga eg wax adag, gunteeduse jilcan tahay. Ujeedka magaceedu waa tiiyoo lala meeldhigayo buur-yareyda gunburta ah oo iyadu korka uga eg dhagax balse ay gunteedu tahay ciid jilcan.
Kala duwanaanta labada eray:-
· Gunbur : | Buur yar oo ay gunteedu tahay ciid. |
· Gunbur: | Tin u muuqata wax adag, balse gunta ka jilcan sida buurta gunburta ah oo kale. |
Gunuunac – Geesaas – Guraabaas.
Geesaas –ka (m): Bihinbiho; baroor aanan dhab ahayn oo dhinac la isula dadbo. Waa eray ka unkan gees + aas.
- Gees: Xubin si fiiqan uga baxda madaxa qoobleyda qaarkeed.
- Aas: Duugid; xabaalid.
Israaca ‘gees + aas’ waxay sheegayaan geeska oo dhulka lagu aasto; ama u ekaanshada sida ugaar geeska mudatay.
Geesaasku wuxuu muujinayaa qof bihinbiho la foorara, sidii neef geesaha dhulka ku mutay. Inta badan eraygan waxaa loo adeegsadaa baroorta been-sheegga ah ama ay doqonnimo weheliso.
Gunuunac –id (m): Guryan; duryan; ganuunac; hadal hoos loola guryamo oo aanu qof kale maqli karin. Waa eray ka yimid ‘ganuunnac’ oo ka unkan ganuun + nac.
- Ganuun: Haruub; aanbur; daboolka dhiisha, haanta, aagaanta, shaawda iwm.
- Nac: Diidmo; jirdiid, nicitaan; rabitaan li’i.
Israaca ‘ganuun + nac’waxay sheegayaan diidmo ganuunka la xiriirta. Inta badan waxaa gunuunaca loo adeegsadaa carruurta. Ilmaha nacaya wixii ganuunka lagu siiyey sida caano aanu rabin ama caano ku yar ayaa ganuun-naca. Balse waayadii dambe eraygan waxaa loo adeegsanayay isla-hadal kasta ee uu qofku kelidiis isla hadlo.
Guraabaas –ka (m): War xun oo dayro, inkaar ama calaacal ah ku hadlid. Waa eray ka kooban guraa + baas.
- Guraa: Qof wax gura ama daldala.
- Baas: Hoog; ba’.
Israaca ‘guraa + baas’ waxay sheegayaan qof sheega wax baas, ama qof hoog sheegis badan.
Kala duwanaanta saddexda eray:-
· Geesaas: | Gees aasid; baroor aan dhab ahayn oo gees la isula buuso. |
· Ganuunac: | Ganuun nacid; yuus ama guryan la xiriira dheef la saluugay. |
· Guraabaas: | Baas gurid; war xun oo eed, calaacal ama inkaar ah. |
W/D: Caliqeyr M. Nuur
Caliqeeyr@gmail.com
La soco casharka 3aad.