Aabbe Dahaboy duunyadaan doorbidayaa! W/Q: Amina Axmad

Unknown-1

Aabbe Dahaboy duunyadaan doorbidayaa!

 

Dahabo, waa gabadh yar, oo shan iyo toban jira. Waxay ka dhalatay, qoys saboola. Hanti waxay leeyihiin hal, lammaan, labaatan adhiya. Oday Axmad, oo ah, aabbaha dhalay Dahabo, xaabada ayuu ku guraa dushiisa, oo magaalada ugu iib geeyaa, si uu sonkorta, bariiska iyo quudka kale ugu soo kiilo miiso.

Waa ma qadaan ma dhergaan. Wuxuu haystaa toban u bada, oo shan iyo toban jirku ugu wayn yahay. Oday Axmad, waa ka caan degaannada miyiga iyo tuuladaba. Waxaa Axmad raadinayay muddoba, oday sagaashan jira, oo la yidhaahdo Xaaji Muuse, oo in badan warkiisa maqlay. Wuxuu muddo baafiyoba, way is heleen labadii oday, waxaana dhexmartay sheekadan.

“Axmad waa ku salaamay.” “Waan kaa qaaday adeer” buu yidhi Axmad, illyen odayga magaciisa ma garanayee. Xaaji Muuse, aaya Axmad, ku yiri:

“Adeer aqoon iima lihide, aan iskaa baro. Magacaygu waa Xaaji Muuse. Waxaan deganahay dooxada Nugaaleed, waxaan ahay nin dad iyo duunyaba Alle wax siiyay, ubadkaan dhalay iyo waxay sii dhaleen waa afartaneeyo, afar xaas baan leeyahay, afarna waan ka la tagnay. Adiga warkaagu igu ma seeggana Axmadow, qoyskaaga xaaladdiisa waan ka war hayaa, muddona baadi doonkaaga baan ku jiray, nasiib wanaag waan ku helay maanta, oo waynakaa shaaha wada cabayna, sidii caadada ahayd waxaan kaa doonayaa maanta gabantada guriga joogta!”

“Hablo is ku diid maynaan lahyn, oo gob iyo caadeed ,oo weligeed ba is ka guursan jirtaan ahayne, waan ku siiyay” ayuu Axmad yidhi, isagoo faraxsan, waayo, wuxuu ku farxay, maalka uu bixinaayo odaygu, xataa muu waydiin afarta dumara ee uu qabo, inantiisana shanta kaga dhigayo! Xoolaha ayaa wax kasta kaga qaalisanaa!

Xaaji Muuse ayaa yiri:

“Waxan bixinayaa boqol geela, baarqabkii iyo faraskii.” Axmad, oo farxad dillaaci raba baa yidhi:

“Xaaji Muusow, gabbalku yaanu kaa dhicine, Dahabo, aroortaba gacanta qabso! Gurigii markii la yimi buu Dahabo aabbeheed u sheegay, in uu odayga siiyay, hadday diiddana ay dayro ka tahay! Dahabo, oo hoos u ilmaynaysa, naxsanba baa tidhi:

“Haye aabbo, ducaan qaadan, hadalla kaa horkeeni maayo”.

 

Daahirkii i dhalayoow

Haddaad duunyo dooratay

Dadnimadaydii iibsatay

Oday da’a i siisood

Dareenkaygii duudsiday

Diin maadan dhawrine

Iyo dookhu suu yahay

Dantaadaad ka eegatay

Daayimkeen ha kaa jaro

Dambi waadba falataye.

Dhammaad.

W/Q: Amina Axmad

SHEEKOOYIN