Aabbe waan Hilmaamaa! Turjume: -Hassan Mudane

father_forgets_norman_rockwell_w_livingston_larned

Aabbe waan Hilmaamaa!

 

Waxaan halkan idin ku soo gudbinayaa dhambaal qiimo badan kana timid maskax furan. Dhambaalkaas waxaa qoray W. Livingstone Larned wuxuuna qoray sanadkii 1927. Wuxuu u qoray wiilkiisa, isaga oo weydiisanaya cafis, kana cudurdaaranaya habkii uu u la dhaqmi jiray.

Waa dhambaal xambaarsan xikmad iyo dareen waalidnimo, waana dhambaal mudan, in uu akhriyo aabbe walba oo doonaya, in uu si wanaagsan u la dhaqma caruurtiisa iyo qoyskiisa. Bal aan kuu soo gudbiyo dhambaalkaas isaga oo aan kuugu turjumay Afkaaga hooyo.

============================================

 

Dhageyso wiilkaygow, waxaan [Dhambaalkan] kuu soo qorayaa adiga oo jiifa. Markii aan ciddiyahayga qoorta kaaga ceyjiyey ka dibna aan soo qaatay maro qoyan oo aan madaxa kaa saaray. Wiilkaygow, waxyar ka hor waxaan fadhiyay qolka fadhiga aniga oo akhrisanaya wargeyska, waxaa iga tan batay xumaantii aan kugu sameeyay, waxaan qiranayaa dambigii aan kaa galay waana sababta aan qolkaaga u soo galay oo aan agtaada u imid.

Wiilkaygow, waxaa jira wax yaaba aan ka fekerayo, waaan kugu xadgudbay waxaan kugu ceybeeyay labiskaagii ka hor inta aadan iskuulka aadin, maxaa yeelay waxaad wajigaada ugu deeqday shukumaanka adiga oo aadan soo qubeysan, kabahaagana maadan nadiifsan, waan kugu qeyliyay markii aad dhulka ku tuurtay shaygii aad gacanta ku heysay.

Xilligii quraacda waxaad sameeysay khalad, waxaad dhulka ku daadisay cuntadii, waxaad miiska dulsaartay anqawyadaada yaryar. Markii aad tareenka raaceysay waxaad billowday ciyaar aan loo baahneen sidoo kalena waxaad ii soo taagtay gacantaada adiga oo i dhahaya “Macsalaama Aabbe!” wajiga ayaan kuu canbuusay waxaan kuugu jawaabay “Aamus oo garbahaaga dib u cesho.”

Galabtii dhaweed, waxaan kuugu imid waddada adiga oo la ciyaaraaya saxiibadaada, waan ku soo gaaday ka dibna jilbaha ayaan dhulka kuu dhigay, iskaalshadaada ayaan eegay waxay lahayd dulduleylo waan kugu cannaantay oo waxaan ku dhahay “Iskaalshada waa qaali haddii aad lacagtaada ka soo bixin lahayd waad dhowri lahayd!” Ka dibna waan kuu hanjabay! Bal eeg wiilkeygow, [Dhambaalkan] waxay kaaga timid aabbe.

Ma xusuusan kartaa markii aad ii timid aniga oo wargeyska akhrisanayo, isha ayaan kugu dhuftay ka dibna waan kuu imid adiga oo albaabka taagan, waxaan ku weydiiyey maxaad rabtaa? Waxaad iigu jawaabtay waxna, balse, inta aad soo orodday ayaad hab i siisay, dhudhummadaada yaryar ayaad qoorta iiga duubtay, dhabanka ayaadna iga shumisay. Waxaad i dareensiisay farxaddii oo Ilaahey qalbigaaga dhexdhigay. Waad iga tagtay oo waxaad kor u fuushay jaranjarada. Waqti yar ka ma soo wareegan waxaa gacmahayga ka fara baxsaday wargeyskii aan akhrinaayay, waxaa iga xoogbadiyey dareenkii cabsida waxaan isweydiiyey, maxay tahay dabeecaddan cusub oo aad igu la dhaqantay wiilkaygow?.

Caadooyinkii xumaa ee aan kugula dhaqmay dartooda ayaan dhambaalkan kuugu soo qoray si uu haddiyad kuugu noqdo. Wixii aan kugu sameeyay iga ma ahayn in aan ku necbahay, balse, waxaan rabay, in aad noqoto qof adag. Waxay ahayd dabeecad wanaagsan markii qalbigaagii yaraa uu dhexjiiray buurtii weyneed ee qalbigayga dhextiilay. Tani waxaad sameysay markii aad igu soo orodday oo aad igu qabatay xabadkaaga ka dibna aad dhabannada iga shumisay. Wiilkeygow, sababta aan caawo kuugu imid waxay tahay, in aan jilbahaaga qabsado, si aan kaaga dalbado cafis!

Waan ogahay, in aadan fahmi karin waxa aan kugu dul akhrinayo, balse, wixii ka dambeeya maanta waxaan noqon doonaa aabbe wanaagsan. Waxaan ku la qeybsan doonaa dhibkaaga iyo farxaddaadaba. Wiilkaygow, haddii aad mar kale sameyso wax aan i farxad gelin, carrabkayga ayaan dib u celin doonaa waxaan nafteyda ku dhihi doonaa “Waxba muusan falin, waayo waa ilmo yar

Wiilkaygow, shalay waxaad ku dhexjiiftay dhabta hooyadaa, welina waxaan kuu arki doonaa, in aad tahay ilmo yar, mana kuu caroon doono.

 

By W. Livingston Larned

Turjume: -Hassan Mudane

Bilyoneer.wordpress.com

Mudanep5@gmail.com

SHEEKOOYIN