Aabbihii Ambaday Q7AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q7AAD!

Xaashi waxa u sheegay in uu in badan ka dhursugayey hanashada  Deeqa, deeqi waa gabadh ay dhammaan isha ku wada hayeen dhallinta dugsiga wax ka barata, nin welibana rabo inuu noqdo mataankeeda. Xaashina tartankaas ayuu dhankiisa kaga jirey, Deeqi waa ogtahay, balse waa gabadh si weyn u deristay ragga iyo alabkiisa, mid walba intay u carrab laalaadiso oo ay filasho ku abuurto, ayaysan haddana waxba u qaban. 

Xaashi oo faalleynaya muuqaalkii iyo habdhismeedkii Deeqa ayaa yidhi: Deeqi waa gabadh joog leh oo mugeedu u buuxo oo aan lahayn hilib badan oo heemaalkeeda dhantaala, ma dheera mana gaabna waa gobol midabkeedu waa maariin dhalaal ilqabad wanaagsan oo aadan eegmadeeda ka daalayn. Afkeeda dibnaha madoow ee deebta leh iyo ilkaha birqaya caddaanta awgeed, camman godka marka ay muusooto ayaa nin walba dareenkiisa  sida irbad lagu duray u saaqaya.

Waxa ay intaas ku darsatay in ay tahay qof furfuran oo hormuud u ah hablaha kale, isaga oo aad moodo Xaashi marka uu sheegayo arrimaha deeqa in ay hor taagan tahay, ayuu yidhi: Deeqi waa haldoorad aanba odhan karo waa hoggaanka hablaha dugsiga, oo haddii aysan kula jirin wax badan ayaa suuragal ah inaysan kaaga hagaagin gabdhaha kale.

Intaa ay soconayaan Idil waxa ay eegaysaa Afkiisa waxa ayna la yaaban fahay Aftahanimadiisa iyo codkarnimada eebbe ku manaystey, haa waa sheekeeye wanaagsan oo dadka qaarbaaba markay sheekaynayaan hab tebintoodu tahay mid sareysa, halka kuwa kalena ay hurdo kugu qabanayso.  Isagoo sheekadii u wada ayaa Alan gacmeedka Idil soo dhacay, markaasay inta ay eegtay is dhaafisay, iyada oo diidaysa inay sheekadu ka kala go’do. 

Xaashi baa yidhi: idileey maad qabatid oo qofka u warcelisid, waayo qof hadduu kuu yeedho lama quudhsado, lagama dhuunto dadka, weligaa qofka inaad oggaato isku day waxa uu rabo, qof aad dareenkiisa dhaawacdaa waa halis. Idil ayaa tidhi: Maya waa saaxiibkay waan la hadli doonaa ee sidaad adiga iyo Deeqa u kulanteen baan rabaa inaan ka gun gaadho. 

Xaashi baa yidhi waxaa jirtey gabadh la yidhaahdo Degan oo ay aad isugu dhawaayeen Deeqa, iyada ayaan u maray. Waxaanse kala kulmay dhib badan oo qaabkaan wax ugu sheegan lahaa ayaa buur igaka cuskaaday, waxa aannu goor galaba ku kulanay guriga Deggan oo aad layga yaqaannay, maxaa yeelay wax baan wada aqrisan jirnay. Markaan in doora sheeka guud iska wadnay, ayaa Deeqo billowdey inay ka sheekayso ragga doonaya iyo qaabka ay ula dhaqanto, iyadoo weliba ku diganaysa mid walba iin iyo dhaliil u samaynaysa, iyada iyo Degan ayaa isla qaadaa dhigay, ragga oo dhan naanayso ayay u bixiyeen, Minjo dhuub, Gana dheere, Shaati weybe iwm. 

Arrintani Cabsi weyn ayay i gelisay, taasoo ayuu Xaashi yidhi: Ma jeclayn in layga sheekaysto sida raggaa kale ama magacyo laygu yeedho, haddana ddareenka i hayaa waa mid ka indho la’ waxaas oo dhan. Galabnimadani waxa ay ii ahayd albaabkii riyaaqa iyo filashada, marki Degan soo jeedisay inaan dhaweeyo oo aan u raaco dhanka gurigeeda Deeqa, arrintana si wadajir ah ayaan u soo dhaweeynay aniga iyo Deeqa. Deeqi waa qof iga waayo aragsan wayna la socotaa inaan rabo  oo aan dhankeeda dareen iigu jiro.Waxa ayna diyaarisay qaabkay ii soo xeri gelin lahayd, Deeqa ninka ay jilleec ka hesho uma naxariisato, mana u jir xumayso, Af macaani ayay dhammaan ku wadaa. 

Ma ogi mana aqaan xeesha haweenka Deeqi ammaan ayay iigu dhaqaaqdey, wiil fiican baad tahay, wiil habdhaqan wanaagsan baad tahay, waxa aan dareemay riyaaq iyo raynrayn, balse, haddana kuma dhicin inaan dareenkayga gudbiyo oo la wadaago. Waxaan sii kaftanaba waxa aan gaadhnay gurigii Deeqa, kaddib markay dusha iga tustey ayey tidhi: Waxaad tahay qofka keliya ee gurigeyga arkay taasina waa kalsooni aan kugu qabo, hadalkaasi markuu Afkeeda ka soo baxay waxaan is idhi aad duushid yaa baalal kuu yeela riyaaq iyo raynrayn awgeed. 

Halkii ayaan isku nabadgelyeynay, iyaduna iguma martiqaadin inaan guriga la tago, aniguna kama aanan codsan. Anigoo dareensamida iyo yididiilada igu jirtaa cirkaa marayso ayaan inta ay I gacan qaaday nabadeey iyo nabadeey is weydaarsanay.Habeenkaas waxaa ii ahaa habeen guuleed, waxaanna gaadhay heer aan is idhaahdo waxba kuuma dhina oo waxaan ku seexday in iridkii oggolaanshiyaha haasaawaha iyo sheeka wadaagta Deeqa ii furmay.

Laba kala bariday kala war la’  hadba waxaan isu soo dhawaano aniga iyo Deeqa waanu isu soo dhawaanay, waxaanna noqonay dad kulma oo sheeko wadaag ah, walise ma aysan dhicin inaan si gaar ah u sheekaysano ama aan dareen hadlo, waxaan iska dhaadhiciyey nabdigana iiga jiray inay iyaduna sidayda oo kale tahay, mana jirin wadne awoodda inaan dantayda ka hadlo.

Habeen habeennada ka mid ah ayaan xaflad ka nimid aannu ku soo gebegebaynayney gunaanadkii  degelfadhiga sideedaad(fasalka) wax aan ku baxay kaalin wanaagsan, waxaanna isu diyaarinaynay dugsiga sare degelkiisa koowaad. Habeenkan ayaa waxa aannu is weydaarsanay hilaadin iyo odoros ku saabsan ayaaha nolosha qof walba. Deeqa ayaa ii qeexday halka ay rabto inay aado kaddib dugsiga sare dibadda ama ay Kulmisada(Jaamacadda) dhanka fayada iyo daryeelka barato oo ay noqoto Dhakhtarada sida adiga oo kale,  markaasay Idil Dhoola caddeysay oo tidhi: Gabadh han leh bay ahayd tolow ma gaadhay?

Xaashi oo sheekadiisi wata ayaa yidhi: Fili mayo, waase siday habeenkaas ii sheegtay inay jeclayde, aniguna waxa aan u sheegay inaad jeclahay inaan noqdo, Faraadin ama Falyaqaan(Injineer) kaddib waannu sii faalaynay,  sheekadiina sii balxinay, ilaa ay igu tidhi horta ma jirtaa, gabadh dareenkaaga ku jirta ama inaad wax idin dhex maraan aad jeceshahay. Weydiintaas markay dhegahaygu maqleen, marna waa u riyaaqay marna waan firka naxay, waxaanna igu dhacay Af kala qaad oo warcelintii ayaa igu adkaatay.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN