Aabbihii Gabadhiisa Garan waayey! W/Q Faarax Bashiir Sheekh Axmed

dd

QISO: AFAR SANO ISMAY ARAG AABBAHEED HADANA WAY WADA JOOGAN

maxaa jira tallow ay isku arki waayeen, malaha midkood baan indhaha aan waxba ka arkin, amaba labaduba way indho la’ayihiin, malaha waa la kala qariyey oo awood ka baxsan labadooda ayaa kala gaysay……………. Maya labaduba wax way arkaan oo isma arki la’a, awood aan la arkina kalamaysan gayn………. WAA AABE FURSADU U SAAMIXI WAYDAY INUU ARKO CARRUURTIISA” WAA QISO DHAB AH,,,,

Haaruun waa nin ku jira da’dii dhallinyaradu ugu xoogga badnayd waa da’da sodomeeyada, waxaa uu ka soo jeedaa reer ladan, hantina iska leh. dhammaan reerkoodu wuxuu ku maqanyahay qurbaha oo kaligii uunbaa ka hadhay reerkii oo dhan hasa ahaatee taa macnaheedu maaha in uu yahay nin laga tegay, laakiin haddaad dhinac ka eegto waa ninka reerka ugu lacagta badan waana ninka kaliya ee loo maqanyahy, haddana kama muuqato Maxaa dhacay!. biilkiisa waxaa uu si kala gooni gooni ah uga kala qaataa laba walaal oo la dhashay isaga, aabbahii iyo waliba hooyadiina ay u dheertahay.

darxumo looma ogola oo waa guri-dambeyskii reerka, intaa waxa u dheer dhac dhaca kale ee uu ka shaxaado hooyadii iyo reerka intiisa kale. intaa waxaa dheer in Haaruun lagaga tagay farmasi aad u wayn, lehna afar albaab waxaa uu ahaa halka reerka biilkiisa looga soo saari jiray intii aanay bixin reerku. farmasigan waa farmasi si wayn looga yaqaano magaalada oo dhan, waxaana ku xidhan macaamiil fara badan oo uu ku siiyo dawooyinka jumlad iyo tafaariiq mararka qaar ayaa dhacda in ay samaysmaan safaf dhaadheer waa marka dalabku uu cusub yahay.

reerku waxaa ugu war danbeysay farmasiga isaga oo camiran, dalabkiisana laga keeno dalalka fog ee eeshiya(Asia) sida hindiya iyo shiinaha. dalabkan marka uu yimaado waxaa caado ah in mudo aad u kooban ay suuqa wada gali jirtay sababtuna ay tahay caanimada uu leeyahay farmasiigan. waayo Haruun aabbihii Cabdi ka muun hagran waxba, wax walbana waxaa uu u huray farmasiga.

Imika farmasigu maaha kii lawada yaqaanay hadDaad gudaha u soo gasho waxay indhahaagu qabanayaan, halkii dawooyinka la dhigi jiray oo qayb ahaan haawanaysa iska daa in dalab hor leh la keeno e’ dawadii taalay maalinba qaybaa la iibiyaa wax ka baxa mooyee waxba ma soo galaan, iyo nadaafad xumo aad u baahsan oo aad ka arki karto boodhka, diifta iyo daryeel xumada ka muuqata farmasiga. Afartiis albaab laba way xidhanyihiin.

Waxaa ka sii daran xiliga la furo oo ah labada duhurnimo ilaa labada habeenimo oo ah wakhti aad u badan. xilayada wax laga iibsado waa ay yaryihiin oo waayo xiligii ay bini aadamku soo jeedenba ma shaqeeyo laakiin waxaa jira dadka qaar oo aad oo la dhaca waa qofka xanuunsada saqda dhexe ee u baahda meel uu kiniin ka soo iibsado.

inta uu dhex joogo farmasiga isaga iyo saaxiibkii Cali mirqaan waxa ay kuwada qayilaan farmasiga gudihiisa, Cali lacag uu ku mirqaamo ma haysto oo wuxuu dulsaar mirqaan ku yahay saxiibkii Haaruun. Marka ay gaadho 1:00 habeennimo Cali wuxuu tagaa gurigiisa, waxaa isku soo hadha Haaruun iyo farmasigiisa. mehrad furan ma jirto xiligan, kaliya waxaa socda ama dhaqaaqaya waa Ey ama hal hal qof oo teel teel ah.

marka ay gaadho 2:00 habeenimo Haaruun wuxuu tagaa gurigiisa, isaga oo daaqada ku garaaca xaaskiisa Sahra oo ah hooyo caqli badan oo ka adag barbaarinta ubadkeeda, sahra oo indhaha isku heysa ayaa ka furta albaabka guriga dabadeedna iska seexata, Haaruun oo aad moodo nin ay wax ku taagan yihiin ayaa suuliga isku booba, marka uu ka soo baxo ayuu afka caday gal galiyaa, dabadeedna cantuugo biyo ku luqluqdaa.

Haaruun oo aayar u socda diidan in shanqadhiisu carruurtu maqasho ayaa makhsinka jiifka u soo kaca, intaa dabadeena badasha dharka. casho iyo qado toona kuma laha guriga. wuxuu soo kacaa koobiyo tobanka 11:00 Subaxnimo xiligaa oo uu fool dhaqasho bilaabo, dawada ilkahana uu ku cadaysto, isaga oo intaa dabadeed raadsada wuxuu cuno. marka ay gaadho 11:30 subaxnimo ayuu ka dhaqaajiyaa guriga.

xidhiidhkii aabbonimo iyo kii xaaskiisaba wuu xumaaday oo arrinkan reerka kuma cusba. carruurtiisana isma arkaan oo inta badan way is daba maraan gurigana iskuma soo gaadhaan, haday is arkaan ma sii eego oo waa nin maskax ahaan maqan. maankiisa waxaa ka guuxay kolaygii inantu ay qaadka ku iibin jirtay, warba kama hayo waxa uu ku sugan yahay, waa maqane hadana jooga jidh ahaan. mar walba xaaskiisa waxay ilaahay ka barisaa inuu soo hadeeyo wadaadkeedan.

Iyada oo ay reer Haaruun xaaladoodu sidaa tahay, ayaa waxaa xanuunsatay inantii carruurta ugu waynayd, Sucaad, xanuunkeedu ma sii darna laakiin waa meel dhexaad mana qof dhulka yaala oo waa socon kartaa, waxaase laga yaabaa in uu ka sii daro. Haruun dhakhaatiirta magaalada way is wada garanayaan oo way is yaqaanan badidood, sababtuna waa in ay wada shaqayni ka dhaxaysay in badan hadana inantiisu ma haysato aabbo u og xanuunkeeda. Hooyo sahra ayaa go’aansatay in ay ku wargaliso Haaruun, xanuunka ku dhacay inanteeda. habeenkii koowaad ayay u sheegtay in ay inantiisu xanuunsanayso laakiin dhag jalaq umuun siin oo sidii caadada ahayd ayuu u soo kacay, maalintii labaadna sidiisii ayuu u soo kacay intaa inantiisu way sugaysaa oo way is diyaarisaa hadDana aabaheed ma soo kaco.

maalinkii sadDaxaad Sahri waxay go’aansatay in kiciso aroorta hore waxay diyaarsatay biyo aad u qabaw, waxay tidhi “War haaruun ka oo inanta kaxee!!!!!” war ba umahayo hadalkeeda. markaa ayay soo qaadatay biyihii qaboobaa oo ay madaxa kaga shubtay, markaa ayuu booday oo uu huradii wayneyd ka toosay, isaga oo ay indhuhu aad u cas cas yihiin.

Haruun oo afka ku haya caday indhihiisuna qayb ahaan ay xidhan yihin ayaa fool dhaqasho aad u badan galay, intaa oo dhan inantiisu way ag taagan tahay oo ay isa soo diyaarisay ma rhoreba nasiib daro aabaheed wuxuu moodaa inan kale oo jaarkooda ah, markii uu cabbaar sugay tiisii yarayd, inantii ag taagnayd ku yidhi “ADEER IIGU YEEDH SUCAAD” inanta uu sidaa ku leeyahay waa tii uu dhalay waana curadiisii waxay ugu jawaabtay “AABO WAA ANIGA SUCAAD” markaa ayuu iskaga oo haamhaamsanaya, si layaab iyo yaxyax ka muuqato ku yidhi “OO AABO WAAD WAYNAATAYE” islaantiisii oo madbakha ku jirtay ayaa la socotay sheekadood dabadeedna iska barooratay…………………………………… ………………………………………………………………………………………… …………………………………

W/Q Faarax Bashiir Sheekh Axmed

Lecturer to some of local universities

SHEEKOOYIN